(ERGO) – Siddeetan iyo kow qoys oo ku nool xeryaha lagu barakacay ee magaalada Baydhabo ayaa cunno yari iyo waxbarasho la’aan haysatay carruurtooda uga baxay ganacsi ay ku furteen daymo ay qaateen. Qaarkood ayaa ka guuray xeryaha oo magaalada ka kireystay guryo leh adeegyada korontada iyo biyaha.
Qoysaskan oo ahaa xoolo dhaqato, beeraley iyo danyar ay saameeyeen abaaraha iyo roob yarida soo noqnoqday. Bangiga Soomaaliyeed ee IBS ayaa deymiyay min kun Doollar oo ay ku furteen ganacsiyo yaryar oo u noqday il dhaqaale oo joogta ah.
Ajrimo Aadan Xasan waa hooyo keligeed korisa toban carruur ah oo agoon ah. Noloshoodu waxay ku tiirsan tahay dukaan ay ku gaddo noocyada raashiinka iyo qudaarta. Biyaha iyo cunnada waxay uga werwer la’dahay $10-$17 oo ay maalinle hesho dukaan uga hor furan hoyga ay deggan yihiin tan bishii Diseembar oo ay billowday.
“Cuntadeyda hadda Alxamdu Lillaah damaashaad ayaan ku jirnaa. Noloshii hore tan ayaa iiga fiican. Carruurteyda dhar la’aan ayey ahaayeen hadda dhar ayaan iibsaneynaa, seddexda waqti ayaan wax saaraneynaa dabka, awal hal waqti oo maalintii ah ayaan wax karsan jirney.”
Ajrimo ayaa tilmaantay inay waxbarasho u billaabeen bishii Feberaayo shan carruur ah oo dhigta fasalada hoose ee iskuulka Al-macruuf. Markii hore ayay sheegtay inaysan awoodin inay ka bixiso lacagta ay hadda wax ku bartaan oo bishii ah $25.
Waxay xustay in quus ay ka joogtay waxbarashada carruurteeda, maadaama ay ku adkeyd inay u hesho waxay cunaan hal waqti maalinkii iyo inay gataan caagga biyaha ee labaatanka liitar ah oo qiimahiisu yahay $0.25 senti. Ajrimo ayaa sharaxaad ka bixineysa sida ay ugu suurta gashay in bangigu uu lacag deymiyo.
“Qof aan qaraabo nahay oo Xasan Aadan la dhaho oo sarifle ah ayaa damiin iga noqdey. Reer baadiye ma aamineyno ayuu i dhahay bangiga, qof kaas sarif laha ah ayaan geeyey. Qof kaas ayaa idamiintey. InaAn ganacisaan helayo markii hore kuma fekereynin.”
Haweeneydan ayaa sheegtay in bilaha ganacsiga ku jirto ay iska bixIsay shan boqol oo ka mid ah deyntii ay soo qaadatay, taas oo muddo sannad ah loo qabtay inay ku dhammeystirto.
Waxay tilmaantay in isbedelkan nololeed uu ku soo beegmay iyadoo dadka weydiisata waxay dabka ku shitaan, marna soo gurta xaabo ay u aadi jirtay masaafo dhan 5 km. Waxay xustay inay tacaddiyo ay la kulmi jirtay iyadoo aan uga heli jirin biil ku filan carruurteeda oo aqoon ah.
Marxalad adag ayay xustay in qoysku wajahay markii qarax ka dhacay Baydhabo uu ku dhintay sanadkii 2023 seygeeda oo nolosha reerka ka maareyn jiray farsameynta alaabada hiddaha iyo dhaqanka ah.
Ajrimo oo 45 jir ah wali kama guurin xerada Adable Cadow oo ay deggantahay tan iyo sanadkii 2022, balse waxay sheegtay inay qorsheyneyso in magaalada ay ka degaan hoy bedala kan ay ku nool yihiin oo ah aqal cooshad ah oo u nugul roobka iyo dabeysha.
Qoyska Ajrimo ayaa ka soo barakacay degmada Baar dheere ee gobolka Gedo. Waxay sheegtay in roob yari heshay ay ka hor istaagtay inay tacbadaan beer shan hiktar ah oo noloshoodu ay ku tiirsaneyd.
Xeryaha lagu barakacay oo aan badi laheyn adeegyada biyaha, waxbarashada iyo caafimaadka waxaa door-bidda qoysas ay ka burbureen ilihii dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen oo aan awoodin inay degaan guryaha kirada ah.
Xaaladaas waxaa soo maray Maxamuud Cali Xuseen oo dhaqaale darridu ku qasabtay in qoyskiisu ay degaan xerada Buula Xabiib ee magaalada Baydhabo.
Hoy xumo iyo nolol adag oo halkaas ku haystay ayuu sheegay inuu ka baxay bishii Janaayo. Ganacsi uu ku furtay kun Doollar oo uu deymiyay bangiga IBS ayuu sheegay inuu u suurta-galiyay inuu awood u yeesho in magaalada uu ka kireysto labo qol oo $40 ah oo leh adeegyada biyaha iyo korontada.
“Hadda nolosheyda aad ayey u fiican tahay. Markii hore qoyskeyga hal waqi ayuu wax karsan jirey, hadda waxa weeyaan sedex wakhti ayey wax karsadaan. Noloshii hore aad ayey u liidatey qof wax Hayssta ma aheyn, markoo wax hel markoo wax la weynayo ayey aheyd.”
Maxamuud ayaa tilmaamay in ganacsiga oo u furan tan iyo bishii Nufeembar uu uga filnaaday baahida reerka. Waxaa sanadkan waxbarasho u billaabay afar carruur ah oo bishii uu ka dhiibo $20 oo uusan horay u awoodin.
Saddex sano oo uu ka shaqeyneyay xamaali dhismaha guryaha ah ayuu xusay in xaalad hubanti la’aan ah ay ku jireen. Shaqada oo toddobaadkii hal ama labo mar uu helayay ayuu sheegay in waxa ka soo galayay oo ahaa $3 illaa $4 aysan ugu filneyn in labo waqti dabka ay ku shitaan.
Ninkan oo ah aabbaha toddobo caruur ah ayaa xusay in noloshii adkeyd ay u beddeshay mid warwar la’aan ah. Wuxuu intaas ku daray in dhaqaalaha ka soo gala dukaanka oo maalinkii ah $18 illaa $20, uusan waligiis soo marin. Wuxuu billaabay kayd, hadda waxaa u yaala $300.
“Lacagtaas waxaan u qorsheysanayaa inaan dhul ku gato, ama guri aan ka dhisto aan dego ayaan rabaa.”
Maxamuud oo 40 jir ah ayaa tilmaamay inuu iska bixiyay deyntii bangiga. Isbedelka nololeed ee uu ku jiro ayuu xusay in door weyn uu ku lahaa guddoomiyaha xerada uu ku noolaa ee Buula Xabiib oo damiin ka noqday si lacag loo siiyo.
Ninkan oo beeraley ahaa ayaa sanadkii 2022 ka soo barakacay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool. Wuxuu sheegay inay iskugu darsameen abaar iyo go’doon ay galisay Al-shabaab.
Qoysaskan ayaa warka is gaarsiiyay markii ay ogaadeen in qofkii hela damiin uu bangigu siinayo lacag uu ku ganacsado. Guudey Cabdullaahi Macallin oo ka mid ah dadka ka faa’ideystay waxaa ku dheeri-galiyay haween uga horReeyay.
Waxay sheegtay in ganacsiga aysan wEligeed ka shaqeyn, balse ay ku dhiiratay in dukaan ay ku gaddo raashiinka iyo bagaash kale ay ka furato xerada Buula Gedisoy oo ay ku nooshahay.
Lix boqol oo ka mid ah deyntii ay soo qaadatay ayay xustay inay iska celisay saddex bil oo ganacsigu u furan yahay. Dukaanku waa isha keliya ee reerku ku tiiran yahay oo raashiin iyo iidaanba ay ka helaan carruurteeda oo sagaal ah.
“Hadda wax nagu filan ayaan karsanaa. Markii hore halmar ayaan wax kaRsaneyney, haddii aan helina waa kaas, daruufteena aad ayey u liidatay. Nolosheenana hadda way fiican tahay.”
Haweeneydan ayaa sheegtay in markii ugu horreysay ay sanadkan waxbarasho u billaabeen lix carruur ah oo bishii ay ka dhiibto $30. Waxay xustay in markii hore ay ku adkeyd inay u hesho waxay cunaan, balse hadda ay u jiheysteen mustaqbal.
Guudey ayaa tilmaantay in seygeeda oo ah waayeel 70 jir ah uusan shaqeyn. Ganacsigan ka hor kaligeed ayaa reerka hal waqti dabka ugu shidi jirtay $1 ama $2 oo ay ka heli jirtay shaqo aan joogto aheyn oo dhardhaqis ah.
Guudey oo 38 jir ah ayaa tilmaantay in biyaha oo lacag ah ay ku adkeyd inay gataan oo ay darisku ku caawin jireen waxay cabbaan ama cunnada ku karsadaan. Xaaladaas ayay sheegtay inay ka baxeen tan iyo bishii Diseembar oo ganacsigu u furan yahay.
Qoyska Guudey ayaa sanadkii 2023 ka soo barakacdey deeganka Jawaarey oo ka tirsan gobolka Bay oo ay ku laheyd beer seddex hiktar ah oo roob yaridu saameysay.
Ganacsiga ayay ka rajeynaysaa inuu u rumeeyo riyadeeda oo ah in deegaan ay ku noqoto Baydhabo oo ay ka baxdo xerada ay ku nooshahay.










