Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland

Jibril Osman by Jibril Osman
May 20, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland

Qoysas wajahaya takoor oo ku biiray xeryo lagu barakacay/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqollaal qoys oo ka mid ah dadka la hayb sooco ee deegaannada Puntland ku nool ayaa xaalad nolol xumo ah ku wajahaya xeryo barakac oo ilaa billowgii sanadkan ay ku biireen. Dadkaan waxay awoodi waayeen nolosha magaalooyinka ee qaaliga ah iyo takoorka ka jira, taas oo keentay in ay maciin bidaan xeryaha.

Xog aruurin ay bishii Abriil ay soo saareen ururka SMWD oo arimaha dadkan ka shaqeeya ayaa muujisay in qoysaskaan dhaqaale xumadu u horseeday in ay bixin waayaan cunnada, biyaha, kirada iyo waxbarashada.

Qoyska Aamino Xirsi Guuleed oo 6 ah waxay xaalad cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ah ku wajahayaan xerada barakaca Waashigtoon ee duleedka Garoowe tan iyo 26 bishii Janaayo. Waxay xustay in aysan cunno hal mar ah u heli karin carruurteeda.

“Aniga qoyskayga wax dhaqaale ah oo aan haysto ma leh. Xalay dabkayga ma shidin, shalayna ma shidin. Hunguri kale ma haysto deriskayga inta agtayda joogtaa waa ila mid.”

Aamino ayaa sheegtay in carruurta oo kan ugu yar uu 5 jir yahay ay gaajo ku seexiso maalmaha qaar. Waxay tilmaamtay in shaqo kabo tolid ah oo ninkeedu uu Garowe ka qaban jiray ay meesha ka baxday bishii Diseembar ee sanadkii hore..

Haweenaydaan ayaa xustay in aysan dukaamada xerada ka qaadan karin deyn, maaddama ay dadka inta badan takoor kala kulanto ayna aaminsan yihiin inaysan waxba iska bixin karin. Arintaas ayaa xaaladooda sii adkaysay.

“Hilibka haddaa u doonato oo dhaho deyn i sii ma haysataa lacag ayaa lagu leeyahay maya markaa dhahdid ma dhiibayno ayaa lagu leeyahay ee naga tag. Faquuq la’aan ma aha waa iska badan yahay faquuqu.”

Aamino ayaa sheegtay in sidoo kale helitaanka biyaha ay dhibaato ku qabaan. Waxay cabaan biyo qaraar ah oo ay dhabarka uga soo qaado ceel xerada u jira 2 km. waxay awoodin in ay iibsato biyaha macaan oo halka jirigaan la iibiyo 0.6 dollar.

Aamino waxaa intaas u dheer hoy xumo. Waxay sheegtay in buush markii ay xerada yimaadeen ay ka samaysay maryo iyo geedo ay duurka ka soo guratay ay dabeysha iyo qorraxdu dhamaysay. Xilligan oo roobab da’ayaan ay banaan yaal u yihiin dhaxanta iyo dhibicda roobka.

“Caawa roob ayaa na dul taagan, wuuna soo adaynayaa. Toddobaad ka hor roobkii nagu da’ay hoosna daadku wuu naga soo galay korna wuu nooga soo da’ay.”

Aamino ayaa sheegtay in muddo saddex bil ka badan oo xerada ay joogaan aysan wax gargaar ah helin. Dhamaadkii sanadkii hore ayay ka soo barakacday gobolka shabeele ee dowlad deegaanka.

Farxiyo Yuusuf Xirsi oo ah madaxa ururka SMWD ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in tirada dadka la hayb sooco ee xeryaha ku biiray ay si xowli ah ku kordhayaan. Waxay tilmaamtay in xog aruurinta oo ay wadeen 6 bil ay ku ogaadeen in dadkaan ay waayeen xal kale duruufo dhaqaale ee haysta dartood, balse aysan wax cawimaad ah helin.

“Shaqo la’aanta ayaa gaysay heer ay noloshii iyo kiradii awoodi waayeen. Xirfahadoodii ayaa meesha ka baxay dad guryo iyo hanti lehna awal ma aysan ahayn barakacana kama haysan helin hoy, biyo, waxbarasha iyo caafimaad midna.”

Farxiyo ayaa xustay in xitaa aysna badankoodu diiwaangashanayn, taas oo sababtay in aysan waxba ka helin gargaarka kooban ee la siiyo dadka barakacay. Dawlada iyo hay’adaha gargaarka ayay ugu baaqday in arintaan ay si gaara u eegaan.

Haweenaydan ayaa tilmaamtay in dadkaan oo magaalooyinka uga soo tagay nolol xumo ay xeryaha kala kulmaan faquuq ka sii daran kii magalada, taas oo xaaladood quus galisay.

Hay’adaha iyo xilalka maamulka oo aysan wax matalaad ah ku lahayn ayaa ka mid ah caqabadaha keenay in arintooda la iloobay. Waxay xog aruurintu soo jeedisay in loo sameeyo qoondo gargaar oo iyaga u xiran shaqooyink iyo matalaadana qaayb loo gaar yeelo.

“Dad ilmo lagu inkiray la soo cararay ayaan la kulannay, taas oo keenaysa in qofka deegaankiisii wax ku waayay uu noloshaba ka dhaco. Dadkaas laga tagay waa in la helo xeerar difaaca.”

Sahra Cali Cabdi ah hooyada 10 carruur ah ayaa sheegtay in ilaa bishii Fabraayo ay xerada Jilib-shan ee duleedka Garowe ku wajahayaan cunno la’aan hoy xumo iyo biyo yari ay u dheer tahay takoor ay kala kulmayaan dadka ay ku dhex nool yihiin.

Sahra ayaa tilmaamtay in wax ay dadka waydiisato ay hal mar dabka saartaan, markii aysan helina ay carruurta u dirto dad daris ah oo ay is garanayaan oo dabka shitay si wixii ay haystaan ay ula soo cunaan.

“Waxaa dhibaato nagu ah gaajo wax nolol ah iyo wax siin ah midna ma haysano marar ayaanan 24 saac waxba karsan. Marka sidaas ayay ku nool yihiin oo reer ayay hadba maalin la qadeeyaan.”

Sahra ayaa sheegtay in sanadkii 2024 bishii lixaad isku mar aano qabiil loo dilay labo wiil oo ay dhashay, kuwaas oo noloshoodu ay ku tiirsanayd. Wixii xilligaas ka danbeeyay ayay tilmaamtay in iyada iyo carruurta yar yar ee ay uga tageen ay la galeen xaalad adag oo wali ay ka soo kabsan la’yihiin.

Haweenaydaan ayaa xustay in booyado xerada biyaha keena ay halkii fuusto iibiyaan3.5, taas oo aysan awoodin. Waxay sheegtay in dadka dariska ah ay hal mar lacagtaas isugu daraan oo fuusto ay ku shubato, taas oo ay tashiisho muddo bil iyo bar ah.Waxay sheegtay in xerada aysan ka helin adeegyada aas-aasiga ah.

‘’Xerada isusbitaal ma leh dugsi ma leh biyo ma leh maxaa laga joogayaa marka? Xabbada kiniinka ah waa gadan haddaan helno lacag. Meel walba waa lacag, aniguna lacagtii aan ku geyn lahaa ayaan la’ahay.”

Sahra ayaa sheegtay in nolol xumada ay u dheer tahay hoy la’aan. Waxay ku nool yihiin hal buush oo aan ku filnayn qoyskeeda uu badan. Waxay sheegtay in carruurta inta yar yar ay gudaha galiso habeenkii inta kale iyo iyaduna ay banaanka seexdaan.

Hayb-soocu wuxuu keenaa kala qeybin, cadaalad darro, iyo nolol xumo ku dhacda dad aan waxba galabsan. Waa dhibaato dhaawacda midnimada bulshada, una baahan in si wadajir ah loola dagaallamo si loo helo bulsho sinnaan iyo isku duubni ku dhisan.

Previous Post

Awdal: Qodashada dahabka oo soo kabasho u noqotay beeraley ka quustay wax beersashada

Next Post

Baydhabo: Qoysas barakac ah oo ku guulaystay ganacsiyo u horseedday isku filnaansho

Related Posts

Baydhabo: Daad saameeyay gododka laga qodo carada oo nolol xumo biday qoysas ku tiirsanaa
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Daad saameeyay gododka laga qodo carada oo nolol xumo biday qoysas ku tiirsanaa

June 23, 2025
Gedo: Colaad hubanti la’aan cunno galisay boqollaal qoys oo barakac ka fursan waayay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Colaad hubanti la’aan cunno galisay boqollaal qoys oo barakac ka fursan waayay

June 20, 2025
Nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday dhallinyada ku nool Puntland
Cunto-Yaraanta

Nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday dhallinyada ku nool Puntland

June 19, 2025
Mudug: Qoysas ku tiirsanaa iibinta biraha oo wajahaya nolol xumo suuq la’aan awgeed
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Qoysas ku tiirsanaa iibinta biraha oo wajahaya nolol xumo suuq la’aan awgeed

June 17, 2025
Shabeellaha hoose: Haweenay ku guuleysatay yaraynta umul-raaca iyo gudniinka fircooniga ah
Caafimaadka

Shabeellaha hoose: Haweenay ku guuleysatay yaraynta umul-raaca iyo gudniinka fircooniga ah

June 16, 2025
blank
Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Dhalinyaro ka baxay shaqo xumo haysay markii la siiyay mootooyin

June 15, 2025
Next Post
Baydhabo: Qoysas barakac ah oo ku guulaystay ganacsiyo u horseedday isku filnaansho

Baydhabo: Qoysas barakac ah oo ku guulaystay ganacsiyo u horseedday isku filnaansho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-JUN-2025

IDAACADDA 23-JUN-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-JUN-2025
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2025
June 23, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2025
June 22, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2025
June 21, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2025
June 20, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2025
June 19, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo