(ERGO) – Maxamed Daahir Madar oo fatahaad ay burburisay beertiisa ayaa ka soo kabanaya nolol xumo saameysay qoyskiisa oo 10 ah, markii bishii Febraayo uu ka helay shaqo xoogsi ah gododka laga qodo dahab, kuwaas oo ku yaalla duleedka dagmada Baki ee gobolka Awdal.
Wuxuu ka mid yahay afar rag ah oo dhamaantood beeraley ah, kuwaas oo 10 saac oo ka mid ah maalintii ku bixiya soo saarista dahabka laga helo gunta godod ku yaalla deegaannada Seemaal iyo Isha-cobosha oo caan ku ah macdanta.
Raggan oo ku soo kala horreeyay shaqadan waxay isla qotaan hal god, kaas oo dahabka ay ka soo saaraan ay ka iibsadaan shirkado ka sii ganacsada. Maxamed Waxay shaqadan u sahashay in labo waqti uu u helo qoyskiisa cunno ay dabka saartaan.
Wuxuu ka helaa shaqadiisa bishii inta badan $300. Wuxuu sheegay in ay duruuftu ku qasbtay shaqadan xoogsi ah oo ka dhib badan falidda beerta. Wuxuu sheegay in uu ku badbaadiyay nolosha carruurtiisa.
“Isbeddel buuxa ma dareemayo. Laakiin waxaan dareemayaa waxyar oo baahidayda ah in aan meesha ka helay. Waayo markii hore markii beertu kaa ba’do meel aad ka soo qabato ma jirto. Laakiin meeshan toddobaadkan haddaan waxba waayo toddobaadka danbe waxbaan helayaa. Toddobaadka ay ugu yartahay waxaan helaa labo garaam oo dahab ah. Toddobaadka aan ugu roonahayna waa afar garaam, sidaas darteed, waxna masaariiftan ku bixiyaa.”
Wuxuu tilmaamay in dhaqaalaha uu ka helo uu ku maareeyo cunnada iyo waxbarashada saddex carruurtiisa ah oo mid ka mid ah uu dhigto jaamacad. Wuxuu sheegay in uu ka samata-baxay qoyskiis muddo sanad ah oo ay ku jireen hubanti la’aan cunno.
Bartamihii sanadkii hore wuxuu daad ka qaaday beeriisa oo labo hiktar. Wuxuu xusay in wixii markaas ka danbeeyay uusan ku dhiiran in uu dalag galiyo dhaqaale xumo awgeed. Qoyskiisa Isha dhaqaale ee ka xirantay waxay ku riixday in ku tiisanaado dayn aan joogto loo siin jirin.
Hase ahaate, fursadda dahab qodista ayuu ka war-helay xilli uu sahan ugu jiray helidda shaqo muruq-maal ah. Wuxuu sheegay in uu ka mid noqday 60 beeraley ah oo isku deegaan ay yihiin, kuwaas oo iskumar ku biiray shaqadan, markii ay awood u waayeen beer-falashada.
Howsha soo saaridda dahabka ayuu sheegay in uu kala kulmo caqabad joogto oo u baahan adkaysi, maaddama saacado badan lagu jirayo gunta hoose ee godka.
“Dahabku awood badan ayuu u baahan yahay dhulka hoostiisa ayaa la qodaa ilaa 15 mitir ayaa dhulka hoos loo qodaa. Labo ama saddex shaqaale ah ayaa ka shaqayn kara. Ninka ugu badani bishii wuxuu helayaa $150 ama in ka yar. Haddii dahabkaas maalin la waayo maalina la helo wayba ka sii yartahay. Dadka inta badan waxay helaan masaariifta.”
Maxamed iyo xoogsatada kale waxay ka siman yihiin qalabka lagu qodo gododka oo ku yar, taas oo u saamaxayn in ay wax-soo-saar badan sameeyaan. Intaas wuxuu ku daray in dahabka ay la soo baxaan qudhiisa uu caqabad wato.
Godka dahabka ayuu xusay in uu u baahan yahay biyo lagu qooyo si jabintiisu u sahlanaato. Arrintan oo u baahan dhaqaale. Toddobaadkii waxay isticmaalaan saddex fuusto oo biyo ah, kuwaas oo ay ku iibiyaan ugu yaraan $10.
Caqabadda kale ayuu ku sheegay Maxamed in ay tahay diidmo ay kala kulmaan shirkadaha iibsada dahabka, kuwaas oo mararka qaar ku dooda in aysan soo saarin dahabka ay u baahan yihiin.
Ninkan oo muddo 15 ah ahaa beeraley wuxuu u weecday shaqada macdan qodista. Beertiisa oo ay ka bixi jireen raashin iskugu jira galley iyo digir waxaa wehlin jiray khadaar kala duwan.
Soo saarista dahabka waxaa sanadihii u danbeeyay fursad wanaagsan oo noloshooda ay ku maarayn karaan u arkay beeraley iyo xoolo-dhaqato hore, kuwaas oo hadda la soo baxa nolol-maalmeedka qoysaskooda.
Waxaa ka mid ah Maxamed Nuux Faarax oo weli rajo kale beer saddex hiktar ah, taas oo ku taalla duleedka dagmada Baki. Inkasta oo sanadkan uu abuur galiyay, hadana kuma guulaysan in uu dalag ka helo, kaddib cayayaan iyo cudurro ku dhashay.
Duruuftaas waxay ku qasabtay in uu u weec shaqada dahab soo saarista. Wuxuu u soo shaqo tagay deegaanka Seemaal, halkaas oo god ku yaalla uu ka mid yahay ragga ka shaqeeya. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in duruuftu ay ku riixdan shaqadan oo maalintii oo dhan uu ku foogan yahay.
“Waxaa nagu kalifay cimilo aan fahmi waynay oo geedka aad beero ee tamaandhada aan baxayn iyadoo xanuun uu ku dhacayo, annaguna aan shidaal u waynay, markii wixii aad beero ay bixi waayaan marka rafaad darteed baa nagu kaliftay. Xagga beeraha ayaa ka qaboobaa shaqadan. Waxaad helaysaa lacag kayd kuu galaysa. Laakiin xaggan waa isku filnaansho uun. Waxaad cunayso uun baad soo saaraysa.”
Masaafo 15 km ah ayuu subax walba u soo gala goobtiisa shaqada oo ka durugsan deegaankiisa. Wuxuu xusay muddo 7 bil ah oo uu ka shaqaynayay in uu la qabsaday howsha dahab qodista, taas oo il-dhaqaale u ah qoyskiisa oo siddeed ah.
Wuxuu sheegay in markii uu billaabayay shaqadan uu ku qasbanaaday in uu soo iibsado qalabka gododka lagu qodo. Heliddeeda ayuu xusay in uu culays badan ka la kulmay, balse lacago ay u aruuriyeen dad qaraabo ay yihiin ku nool Hargaysa ayaa ka caawisay in uu helo agabka.
Ninkan wuxuu la shaqeeyaa koox rag ah oo horjoogayaashoodu ay siiyaan lacag maalinle ah ah mid bille ah. Wuxuu si joogta ah maalintii u qaataa $5, halka bishiina la siiyo $100 oo mushaar ah.
“Shaqadan nolosha uun baan lagu maareeyaa dabbaraad kale maleh, beeraha marna wax baad ka helaysaa, marna waad ka waayin. Laakiin tani waa nolol maalmeedka uun baa laga helaa. Afartii qof baa maalintii hal garaam helaysa oo $80 ah.”
Beertiisa oo ka badbaadday burburka beeraha qaar uu u gaystay daad ku soo rogmaday ayuu rajo fiican ka leeyahay in dib ay u yeelato wax-soo-saar lacag kaalifasa uu ka helo. Inkastoo hadda uu ka cabanayo in uusan haysan dhaqaale uu ku tabco.
Qaar ka mid ah beeraleyda horumar ka sameeyay shaqada la bixidda dahabka. Waxaa ka mid ah Mustafe Cismaan Cateeye ah milkiila mid ka mid ah gododka laga qodo dahabka, kaas oo ay ka shaqeeyaan afar shaqaale ah.
Ninkan sidoo kale waa milkiilaha beer 6 hiktar ah. Wuxuu u weecday dahab la bixidda sanad ka hor, markii uu ku hungoobay in dhaqaale uu ka helo beertiisa. Lacagta uu ka helo dahabka uu soo saaro ayuu u qaybiyaa nolol-maalmeedka qoyskiisa oo 8 ah iyo mushaarka shaqaalaha.
Wuxuu tilmaamay in bilihii u danbeeyay uu hoos u dhacay madantii laga heliyay godka sababo isbiirsaday agwood.
“Markii hore waa la iska roonaa iminka laakiin meel dheer buu dahabkii galay. Wuxuu u baahan yahay qalab, tamar iyo maal-galin, dadkuna way iska tabar liitaan. Afar ilaa saddex qof ayaa godka iskugu taga. Isku taggaas baa wax lagaga cunaa. Adigoo saddex bil waxba ka helin ayaa Ilaahey ku soo galin karaa $1000 ama $2000, Intaas baa wixii dadku kugu lahaa ku kala dabbaraysaa.”
Wuxuu xusay in rag xirfad u leh dahabka iyo macdanta kale ay ku caawiyeen aqoonta dahab soo saariida, taas oo keentay in uu milkiile ka noqdo mid ka mid ah gododka laga qodo.
Wuxuu ka dayriyay isaga iyo shaqaalaha kale xaalad caafimaaddarro oo ay kala kulmaan gododka oo kaneeco ku dhalato, taas oo xanuunnada laga qaado ay caqabad ku noqoto shaqo maalmeedkooda.
“Waxaa noogu daran xanuunnada kaneecadu keento. Dadku aad buu u jiifaa. Xanuunka ugu badana waa Duumo. Qofkasta oo labaaro waxaa lagu leeyahay duumaa haysa. Qof qof waxaa jira dhinac xanuunayo gododka ay gaaracayaan darteed. Iyaga waa tiro yar oo aan badnayn. Laakiin kaneeca dhib nagu haysa.”
Beeraleyda quusta ka jooga beer-falashada ayaa ka maarmay in ay u yaamaan magaalooyin si ay u helaan nolol dhaanta tan deegaannadooda ka jirta, markii ay fursad shaqo ka heleen gododka dahabka laga qodo.