Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Baydhabo: Qoysas dib u soo kabatay markii xayiraad laga qaaday deegaannadooda

Jibril Osman by Jibril Osman
May 17, 2025
in Wararkii u Danbeeyay
0
blank
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Salaad Maxamed Xasan wuxuu awood u yeeshay inuu qoyskiisa u helo cunno ku filan tan iyo 13 Abriil. Ninkan oo ah darawal mooto bajaaj ku shaqaysta waxaa isbeddelkan u suuragaliyay badeecado uu u kala gudbiyo degmooyinka gobollada Bay iyo Bakool oo laga qaaday xayiraad saarnayd in ka badan 10 sano.

Wuxuu sheegay in halkii safar uu ka helo lacag u dhexaysa $30-$50 oo ku xiran hadba meesha uu tagayo, taas oo ka saartay xaalad hubaanti la’aan ah oo qoyskiisu ku jiray. Waxay hadda ku naaloonayaan isbadal aysan horay u haysan, maaddaama saddexda waqti ay dabka joogto u shitaaan.

Qoyskiisa oo ka kooban isaga, xaaskiisa iyo lix carruur ah ayuu sheegay inuusan hadda ka welwelayn cunnadooda iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin.

“Xayiraadda la qaaday waxaan ka faa’iiday markii hore meel aan marno ma heysani. Nolosheyda masha allah waaye, markii hore cariiri ayaa ku jiray. Xudur, Waajid, Buurdhuxunle Rabdhuure intaas ayaa ku shaqeeya. Hadda farxad ayaa dareemayaa.”

Salaad ayaa sheegay in waqtigii xariyaaddu bilowga ahayd oo ay dhuumashada ku bixi jireen ay telefoonada damin jireen ama ay ka tagi jireen si aan loo ogaan meesha ay joogaan. Wuxuu xusay in saddex sano oo uu shaqo la’aan ahaa ay qoyskiisu ku tiirsanaayeen kaalmo kooban oo mar mar ay ka heli jireen dad ehel ah oo 24 saac ay hal mar dabka saaran jireen, markii aysan helina ay qaajo ku joogi jireen.

Intii u dhexaysay 13 April ilaa 30 isla bishaas afar safar oo uu ka qaaday magaalada Baydhabo oo uu geeyay dhowr deegaan oo kala duwan iyo dad rakaab ah oo deegaanadaas uu ka soo qaaday oo uu ka helay $300 ayaa isbadal weyn u horseeday.

Ninkaan oo ah qof keli ah ee u shaqeeya qoyskiisa ku dhiirado bixinta $250 deymo horay loogu lahaa, in carruurtiis uu dib ugu celiyo dugsigii iyo iskuulkii horay looga soo eryay. Labo ayuu qorshaynayaa inuu tacliin dib ugu celiyo.

Salaad ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in sanadkii 2022 ay shaqo ugu danbaysay. Isagoo xilligaas waday safar uu Baydhabo ka qaaday kuna sii jeeday magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayay jidka ku qabateen Al-shabaab.

Wuxuu sheegay inay gubeen badeeco uu dad u waday oo qiimaheedu gaarayay $700, sidoo kale waxay ka qaateen mooto kiro ah oo uu ku shaqaysanayay, markii uu bixin waayay labo boqol oo madax furasho ah oo loogu ganaaxay.

Heshiis dadka deeganka u yaalla oo ah in hantida ay Al-shabaabku gubaan aan qofka loo qabsan ayaa ka badbaadisay in loo raacdo xoolihii gacantiisa ku dhumay, balse noloshii kale ee qoyska ayuu la daalaa dhacayay ilaa waqtigaas.

Rag badan oo ku shaqaysta mootooyin iyo gaari-dameerro ayaa ka faa’iidaysnaya isbeddelka amni, iyagoo si xor ah badeeadaha ugu kala qaada magaalooyinka xorta ah iyo kuwa laga qaaday go’doonkii.

Sulameymaan Muqtaar Ibraahim waa aabbe heysta toban carruur ah, wuxuuna ka mid yahay ragga gaari-dameerada ku qaada badeecadaha. Ninkan ayaa sheegay in uu 18 bishii hore uu bilaabay shaqadiisii safar qaadista oo muddo dheer uu ka maqnaa.

Labadii toddobaad ee ugu danbaysay ayuu sheegay inuu saddex mar baxay. Wuxuu alaabtii uu Baydhabo ka qaaday geeyay magaalooyinka Xudur iyo Waajid. Ninkan ayaa sheegay inuu hadda ku shaqaysto kalsooni iyo cabsi la’aan isagoo isticmaalaya wadooyinka tooska ah oo markii hore aysan cidinna mari karin.

“Jidkii waa naloo furay xaalkeena, wuu iska fiican yahay. Dameeradii markay waddada marayaan la gubi jiray hadda waa la fasaxay. Waxan ka faa’iiday jidkii labo maalin lagu jiri jiray ama lagu qabaanyay oo lagaa gubaayey murugtii waa ka baxay.”

Suleymaan ayaa sheegay in 2021 iyo 2022 labo mar laga gubay gaari dameer uu ku shaqaysanayay iyo alaabtii uu siday, intaas kadibna uu shaqo la’aan ahaa. Wuxuu xusay in markii jidka la furay oo tolkiisa ku qaylo dhaamiyay oo loo iibiyay gaari dameer laga bixiyay $150 oo uu ku shaqo billaabay.

Ninkan ayaa sheegay in noloshiisa uu isbeddel ku yimid tan iyo markii uu shaqada dib ugu laabtay. Lacag u dhexaysa $20 ilaa $30 oo hadba ku xiran fogaanta meesha uu tagayo ayuu ka qaataa dadka uu alaabta u qaadayo. Meelaha ugu badan ee uu tago waa Abagbeeday iyo Xudur.

Suleymaan ayaa sheegay inuu qoyskiisa masruuf ku filan u helay labadii toddobaad ee ugu danbaysy oo si toos ah uu u shaqaysanayay, taasi waxay u noqotay fursad weyn oo uusan filayn.

“Biilkii waa heleynaa, raashiinka wuu soo raqiisay, bariiska, Burka, masagada waxaad doontaa soo iibsanaysaa. Waxan dareemayaa gacan bani’aadan in aan ka maarmay oo fudeed ayaa dareemayaa. Hadda waaba helay Alxamdullah.”                                                                                                          

Furitaanka waddooyinka waxaa si la mid ah darawaliinta faa’iido dhaqaale uga helay ganacsatada yaryar ee ku sugan goobaha laga qaaday xayiraadda. Waxay sheegay inay dareemayaan isbeddel muuqda oo dhanka maciishadda, dhaqdhaqaaqa suuqa iyo wax kala iibsiga ku saabsan. Qiimaha badeecadaha ayaa hoose u dhacay waxaa sidoo kale dib u bilowday ganacsiyo markii hore xirmay.

Faadumo Daahir Cali oo kamid ah haweenka ganacsiyada yaryar ku leh degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa sheegtay inay dareemeyso isbedel tan iyo markii laga qaaday xayiraadda. Waxay xustay inay dib u furtay ganacsigeedii oo xirmay shan sano ka hor, markii ay waysay wax ay iibiso. Tan iyo 15 Abriil labo mar ayay dalbatay badeeco isugu jirta dhar, bagaash iyo qudaar.

Faadumo oo ah hooyo kaligeed korinaysa lix carruur agoon ah ayaa sheegtay in inkastoo ay dib u furtay ganacsigeedii ay haddana wali la tacaalayso sidii ay u dabooli lahayd baahiyaha aasaasiga ah ee reerkeeda.

Muddo badan oo xayiraadu saarnayd ayay sheegtay in dhaqaaleheedii uu meesha ka baxay oo hadda ay deymo ku bilowday si faa’iidada yar ee ay saarato ay uga hesho nolol maalmeedka carruurteeda. Haweenaydaan ayaa sheegtay in markii hore ay dhibaato ku qabtay bixinta cunnada, iyo kirada guri labo qol ah oo bishii $15 ah.

“Markii hore habeenkii ayaa cashada heli jirnay. Hadda Qurac iyo casho waaye. Haddii bishan dhamaato markaas ayaa rajeynaa in labada roon aan iskuul geeyo.”

Faadumo ayaa sheegtay in rajaynayso bilaha soo aaadan inay iska bixiso lacag $200 oo looga yeeshay dukaamo Waajid ku yaalla oo ay dhowr mar carruurta raashin uga soo qaadatay markii ganacsigeedu xirmay.

Xayiraadda dhanka isu socodka ah ee Al-shabaab ay ka qaadeen degmooyin ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool ayaa suuragaliyay soo kabasho dhanka nolosha ah.  Kadib 12 sano waxaa dib u bilowday shaqooyinkii xoogsiga ahaa, ganacsiyadii yaryaraa iyo safaradii ka imaan jiray magaalooyinka waa-weyn.

Previous Post

Qoysas maciin bidday Muqdisho markii uu saameeyay dagaalka Shabaab iyo dowladda

Next Post

Awdal: Qodashada dahabka oo soo kabasho u noqotay beeraley ka quustay wax beersashada

Related Posts

Baydhabo: Daad saameeyay gododka laga qodo carada oo nolol xumo biday qoysas ku tiirsanaa
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Daad saameeyay gododka laga qodo carada oo nolol xumo biday qoysas ku tiirsanaa

June 23, 2025
Gedo: Colaad hubanti la’aan cunno galisay boqollaal qoys oo barakac ka fursan waayay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Colaad hubanti la’aan cunno galisay boqollaal qoys oo barakac ka fursan waayay

June 20, 2025
Nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday dhallinyada ku nool Puntland
Cunto-Yaraanta

Nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday dhallinyada ku nool Puntland

June 19, 2025
Mudug: Qoysas ku tiirsanaa iibinta biraha oo wajahaya nolol xumo suuq la’aan awgeed
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Qoysas ku tiirsanaa iibinta biraha oo wajahaya nolol xumo suuq la’aan awgeed

June 17, 2025
Shabeellaha hoose: Haweenay ku guuleysatay yaraynta umul-raaca iyo gudniinka fircooniga ah
Caafimaadka

Shabeellaha hoose: Haweenay ku guuleysatay yaraynta umul-raaca iyo gudniinka fircooniga ah

June 16, 2025
blank
Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Dhalinyaro ka baxay shaqo xumo haysay markii la siiyay mootooyin

June 15, 2025
Next Post
Awdal: Qodashada dahabka oo soo kabasho u noqotay beeraley ka quustay wax beersashada

Awdal: Qodashada dahabka oo soo kabasho u noqotay beeraley ka quustay wax beersashada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-JUN-2025

IDAACADDA 23-JUN-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-JUN-2025
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2025
June 23, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2025
June 22, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2025
June 21, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2025
June 20, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2025
June 19, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo