(ERGO) – Qoyska Maryan Nuur Maxamed oo 8 qof ah waxay xerada Hilaac-wanaag ee degmada Garasbaaley ku wajahayaan biyo yari, cunno xumo iyo hoy la’aan tan iyo 10 bishaan. Waxaa saameeyay dagaal u dhexeeya ciidamada dawladda iyo Al-shabaab oo ku qasbay inay barakac noqdaan.
Waxay ka mid yihiin 1,500 oo qoys oo afartii toddobaad ee ina dhaaftay colaadda uga soo barakacay gobolka shabeelaha dhexe. Waxay ku kala biireen shan iyo tobon xero oo ku yaalla gobolka Banaadir, halkaas oo ay nolol xumo ku wajahayaan.
Maryan ayaa sheegtay in ay hal mar cunnaan raashin bisil oo dadkii ay meesha ugu yimaadeen ku caawiyaan.
“Dhamaanteen wax aan faro ku haysano ma jiraan. Dagaalkaas ayaan ka soo orodnay ilmaha wixii aan soo qaadan karnay ayaan soo qaadanay ummaddan ayaan soo dhexgalnay.”
Maryan ayaa sheegtay in carruurteeda oo kan ugu yar uu saddex jir yahay ay xamili la’yihiin nolosha barakaca. Waxay tilmaamtay in gaajada waqtiga dheer ah ay u awoodi la’yihiin.
Saamaynta uu barakacu ku yeeshay qoyska haweenaydan waxaa ka mid ah hoy xumo daran. Waxay xustay in xerada oo ay ku cusub yihiin ay qoysas kale la degeen hool aan wada qaadin.
Waxay dhulka dhigtaan sijaayado ay ka heleen dadka aan barakaca ahayn ee xerada la dariska ah. Waxay sidoo kale ku caawiyaan dhowr caag oo biyo ah oo ay si wada jir ah u isticmalaan dhamaan dadka hoolka isla degan oo ku dhawaad boqol qoys ah.
Maryan ayaa xustay in deegaankooda ay ku haysteen nolol fiican, balse hadda ay ku sugan yihiin xaalad adag.
“Markii hore beer ayaan tacbanaynay sidii aan ku heli karno ayaan wax ku cunaynay. Badarkaan karsanaynay, laakiin meeshaan muslinka ayaan iska soo dhex galnay. Meelo badan Ayaan dagaalkaas ku soo dhaafnay wax dhintay iyo wax noolna ma ogin.”
Maryan oo kaligeed korinaysa carruurteeda oo agoon ah ayaa sheegtay in ninkeedii ay sanadkii 2020 AL-shabaab dileen, markii uu u diiday xoolo ay ka dalbadeen.
Haweenaydaan ayaa tilmaamtay in ay miyiga ceel-baraf ku lahaayeen beer hal hektar ah oo ay uga baxayeen masago, digir iyo qare. Beerta iyo lixdan neef oo ari ah oo u ahaa isha kali ah ee dhaqaale uu ka soo gali jiray ayay colaada ku waysay.
Fowsiya Abukar Cali ayaa 11 carruur ah oo ay hooyo u tahay ilaa 7 March waxay u awoodi la’dahay cunno iyo hoy. Waxay ka mid yihiin qoysas is dul degan oo xerada Hilaac ku jira saddexdii toddobaad ee ugu danbaysay.
Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in dadkii uga soo horeeyay ay mar mar ka helaan cunto kooban, markii aysan waxba ka helina ay gaajo ku joogaan.
Haweenaydaan ayaa xustay in qoyskeeda ay ku sugan yihiin xaalada hubaanti la’aan ah oo aysan garayn qaabkii ay uga saari lahayd. Dhaqaale xumada xerada ku haysata iyo faro marnaanta ayaa biday in carruurteeda oo gaajo la oynaya aysan waxba u heli karin.
“Wax aan meel ku ognahay malahan dhamaanteen intaan ku wada nool nahay guri ma haysano wax aan wadano ma leh xitaa weel aan wax ku karsano malahan.”
Fawsiya ayaa sheegtay in ay carruurta la soo lugaynaysay shan saacadood si ay u soo gaaraan degmada Mahaday.
Dad ay qaraabo yihiin ayaa maalinkii xigay ku soo daray gaari u socda Muqdisho, balse ma jirto wax nolol ah oo ay ku heystaan, marka laga reebo raashin yar oo mar mar ay ka helaan dariska.
Beer ay dadka qaraabadeeda ah isugu imaan jireen afurka ayay sheegtay in la duqeeyay. Waxay dhacdadaasi ku waysay walalkeed iyo labo wiil oo ay walaasheed dhashay, taas oo keentay in markii waagu baryay ay ilmaha kala soo baxsato.
“Hubkii markii uu soo dhacay wuxuu kusoo dul dhacay dadkii beeraha joogay. Meesha waxa ku cuntayn jiray cidda, waxaana loo malaynayay in ay Shabaab yihiin, sidaas ayaana weerarka loogu qaaday saddex qof oo walaalo ah oo isla dhashay ayaa ku dhintay.”
Waxay tilmaamtay in aysan jirin ehel ay Xamar ku leedahay oo ay garab istaag ka helayso odaygiina uusan waxba ku soo caawin karin. Waxaa dhibaato ku haya qoroxda maalinkii iyo qabowga habeenkii iyada iyo carruurteeda oo ay banaan yaal u yihiin.
Maymuun Maxamuud Yuusuf oo 18 maalin ka hor deegaanka Bushra Shiikh oo hoos taga Cadale kala soo carartay saddex carruur ah oo ay dhashay ayaa Ergo u sheegtay in ay galeen nolol adag oo aysan waligeed horay ula kulmin. Waxay tilmaamtay in dagaalku ka sameeyeeyay guri cariish iyo mudul ah oo ay deganaayeen.
Waxay carruurt ka soo ka xaysatay iyadoo aan waxba ka soo qaadan. Maymuun ayaa tilmaamtay in iyadoo carruurta jidka la taagan uu qof ay ehel yihiin gaari ku soo daray, sidaasna ku timid Muqdisho.
“Lacag wax aan haysano ma leh rafaad iyo silic ayaan ku imaanay aniga iyo ciyaalkayga. Wixii dadku noo soo aruuriyo ayaan ku noolnahay oo marna la waynayo marna la helayo.”
Dadkaan markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho gawaarida waxa ay ku dejiyeen laamiga, taas oo keentay in dadka deegaanka ay gurmad u fidiyaan.
Maxamed Aweys Maxamed oo ka mid ah dadka u gurmaday ayaa sheegay in 1500 oo qoys ay kala geeyeen ilaa 15 xero oo kala duwan. 300 oo qoys oo ka mid ah ayay geeyeen xerada Hilaac-wanaag ee degmada Garasbaaley.
Wuxuu xusay in dadka aysan u awoodin guryo oo ay u dhiseen hool jiingad ah si ay qoraxda uga galaan maalinkii.
“Dadka waxaan isugu keenay meel Centre ah, kadibna waxaan dhex galay oo waydiiyay qofkii kilo bariis ah bixin kara, qofkii kilo sonkor ah bixin kara, kii saliid iyo busto bixin kara. Waan kasoo aruurinay xitaa qofkii laba kun bixin kara waan rabnaa. Waxaan go’aansannay in aan walaalaheen dabka u shidno oo aan caawino.”
Duqaymaha diyaaradaha iyo dagaalka tooska ah ee gobolka shabeelada dhexe ka socda in ka badan hal bil wuxuu saameeyay 30,000 oo qoysas isugu jira beeraley, xoolo dhaqato iyo dad ku noolaa tuulooyinka sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda OCHA.