(ERGO) – Daahir Cabdullaahi Cali wuxuu saddex sano oo abaaro ah kaddib awood u yeeshay inuu si buuxda u maareeyo nolosha qoyskiisa oo sagaal qof ah. Arrintaas ayuu karay markii uu bishii Febraayo billaabay iibinta caanaha saddon geel ah oo uu ku xareeyay duleedka magaalada Cadaado.
Wuxuu ka mid yahay boqollaal xoolodhaqato ah oo ka soo kabsaday nolol xumo ay badday roob yaridda ku soo laalabatay gobolka Galgaduud, markii ay beddeleen hanaankoodii dhaqashada miyiga oo ay magaalada u soo wareejiyeen xoolahooda.
Daahir 19 ka irmaan geeliisa ayuu subax kasta suuqa ka geeyaa 46 liitar oo caano ah, kuwaas oo uu ka helo dhaqaale ugu yaraan gaaraya $20 marka uu ka jaro qarashka ku baxaya raashinka iyo biyaha geela. Lacagtaas ayaa u noqotay qoyskiisa fursad ay kaga baxeen nolol xumo muddo dheer haysay.
“Qoyska nolol maalmeedkiisu wuu hooseeyay. Xagga biilkana waa uga kaaftoomeen oo raashinkooda awal waxaa laga yaabi jiray saddexda waqti waqti inay wax cunaan labada waqti kee kalana ay u ganbiyaan hadda saddexda waqti waa joogto.”
Daahir ayaa ka soo guuray miyiga deegaanka Docolleey oo hoos taga Cadaado markiii rag kaga soo horreeyay magaalada ay ku wargeliyeen in hanaankan uu faa’iido badan kaga heli karo xoolihiisa, sidoo kale ay badbaado uga noqon karto daaq la’aanta xilligaas ay uga dhimanayeen.
Wuxuu magaalada keenay iyaga oo ah wayd ah oo aan cad iyo caano toona lahayn. Wuxuu bil siinayay raashin uu soo daynsaday kadib wuxuu tilmaamay inay si tartiib-tartiib ah caano u yeesheen illaa ay ka gaareen heer labo waqti la liso maalintii.
Daahir oo ah 40 jir waqtigiisa oo dhan ku soo qaatay dhaqashada xoolaha ayaa sheegay in xilligan uu ku jiro xilligiisii ugu faa’iidada badnaa. Wuxuu xusay in habkan uu xoolaha iyo dadkaba uga nacfi badan yahay miyiga.
Ninkan wuxuu intaas ku daray in waqtigan oo ay curteen roobabka gu’ga uusan ku talo jirin inuu dib ugu celiyo miyiga. Wuxuu u arkaa inuu qaabkan wax badan kaga fiican yahay daajinta naqa xoolaha ayna ku adkaan doonto inuu dib ula soo qabsado mar kale haddii uu ka saaro. Wuxuu sheegay in arrintan ay hor u qaaday rajada xoolihiisa oo uu awal quus ka taagnaa.
“Waxaan rabaa inaan halkaan ku siiwado illlaa todobaatan aan gaarsiiyo geelaas oo aan halkaas ku sii dhaqdo, waaye hamiga igu jiraa ee maahan inaan ka celiyo oo aan dhulkiisii iyo wadankii uu joogi jiray aan dib ugu celiyo waayo isma uu dabari karo oo qarashaadkaan dheerigaa ee lahelaayo lama heli karo.”
Daahir marka laga yimaaddo maaraynta nolosha qoyskiisa wuxuu hadda iska bixiyay $650 oo ka mid ah kun dollar oo lagu yeeshay ka hor inta uusan billaabin hab dhaqashadan cusub. Lacagtaas oo ay ku yeesheen baqaarro deegaankiisii ku yaalla ayuu raashin ku qaatay markay xoolaha ka nacfi beeleen.
Waxaa intaas u dheer inuu iskuul ku daray lix ka mid ah caruurtiisa oo markii hore dhaqaale xumi darteed uu u gayn la’aa. Wuxuu hadda ka dhiibaa bil kasta isku darkooda $60. In ay markii u horraysay daruusta billaabayaan ayuu tilmaamay inay u tahay farxad aad u wayn.
Faa’iidooyinka wax ku oolka ah ah ee uu ninkan ka dhaxlay dhaqashadiisa cusub waxaa ka mid ah in lixdan ari ah oo uu qoyskiisu dhaqdo ay abaartan dhamaadka ah ugu soo baxeen markii uu raashin joogto ah uga iibiyay qayb ka mid ah dhaqaalaha uu ka helo caanaha.
Dhanka kale wuxuu sheegay inay meesha ka baxday dhibaatadii ay ka mari jireen ilaalinta geela intii ay miyiga ku dhaqanayeen, taas oo ahayd in si maalinle ah loo raaco iyada oo faa’idada laga heli jiray waqtiyo kooban oo ah markay barwaaqo tahay.
Hanaankan cusub ee ay u weecdeen xoolodhaqatada ayaa noqday mid wax badan taray. Dhamaan magaalooyinka waawayn ee gobolka ayay geeyeen xoolaha si ay iib joogto ah ugu helaan caanaha. Halka koonbo ayaa laga siiyaa $1 taas oo u sahasha in ay faa’iido fiican sameeyaan muddo kooban.
Dadka arrintaas ka faa’iidaystay waxaa ka mid ah Kaafi Cabdullahi Aadan oo konto geel ah ku soo xareeyay horraantii sanadkaan magaalada Cadaado. Wuxuu sheegay inuu 15 ka mid ah geeliisa oo irmaan ah ka iib geeyo 17 liitar oo caano ah. Arrintaas ayuu xusay in ay qoyskiisa gelisay nolol wanaagsan.
“Aad iyo aad baa noloshu isku badashay waa la wada soo maray xaalad adag laakiin hadda xilligii laga baxay oo kole aad bay xilliyadii hore ee aan soo marijiray iiga qiimo badan tahay oo iiga fiican tahay.”
Kaafi ayaa sheegay in neefafka geela ah ee hadda u jooga ay uga badbaadeen lixdan geel ah iyo boqol iyo siddeetan ari ah oo ay ka laayeen abaarihii dalka soo maray sanadihii 2017 iyo 2021.
Wuxuu sheegay in ka hor inta uusan billaabin iibinta caanaha ay qoyskiisu hal mar oo ah habeenkii ay karsan jireen hadba wuxuu ka soo helo shaqo xoogsi ah oo uu u aadi jiray magaalada Cadaado. Ragga dhisa guryaha oo uu u ahaa shaqaalaha keena dhagaxa iyo dhoobada ayaa siin jiray $10. balse wuxuu shaqo heli jiray todobaadkii hal ama labo maalin.
Maaraynta nololsha reerka waxaa u dheeraa raashinka geela oo uu bishii siin jiray saddex illaa shan kiish. wuxuu dayn uga qaadan jiray baqaar ay macaamiil ahaayeen oo ku yaalla magaalada. Wuxuu ku yeeshay $1,500, oo uu hadda billabay inuu iska gudo.
Wuxuu tilmaamay in haddii uusan qaabkan uusan billaabi lahayn ay nolosha qoyska iyo tan xooluhuba qatar geli lahaayeen maddaama uusan hayn qaab kale oo uu kaga baxnaanin karay xaaladda markaas jirtay.
“Fikraddaan waxay igu dhalatay, markii aan arkay xaaladdaan siday ku socoto oo waqti adag aan ku jiro caanaha geela ee saafiga ahna dadku ay jecelyihiin oo dadka magaalada jooga caano booraha ay uga maar maan oo ay aad u goobaan ayaan sidaas datreed iigu dhalatay.”
Cabdinuur Xassan Cusmaan oo cilmiga dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Galmudug ayaa sheegay in hab dhaqashadan casriga ah ay wax wayn ku soo kordhinayso dhaqaalaha guud ee gobolka oo inta badan ku tiirsan xoolaha. Wuxuu tilmaamay inuu xal u noqon karo dabar go’ ay xooluhu la kulmayeen sanooyinkii danbe taas oo ay ugu wacan tahay daaq xumada ka dhalatay roob yarida taas oo sahlaysay in ay xitaa cudurada u nuglaadaan.
Wuxuu sheegay in qorshahaan uu yahay mid xilliyada adag gabbaad u noqon kara qoysaska miyiga sidoo kolana uu geelu ku filnaan karo dhaqaalaha ku baxaya nolosha dadka ku tiirsan iyo raashinka la siinayo intaba. Dhanka kale wuxuu xusay in arrintaan ay fursad ka helaan dad ka baxsan xoolodhaqatada.
“ Geelaas markuu duurka jiray ninka wada baa ku bakhtin jiray. Geelu xayawaanaadka duur joogtaa awal waxba madhaamin laakiin hadda markii la dhaqday dhaqaale ahaan dadkii waa koreen.”
Xoolodhaqatada ayaa sanooyinkii danbe aad ugu soo badanaya u soo weecashada dhaqashadaan cusub oo ay sheegeen inay u arkaan qaabka ugu fudud uguna faa’iidada badan ee ay ku manaafacaadsan karaan xoolahooda.