Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Haween iyo carruur ka barakacay colaad oo wajahaya xaalad hubanti la’aan ah

Jibril Osman by Jibril Osman
May 14, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Haween iyo carruur ka barakacay colaad oo wajahaya xaalad hubanti la’aan ah

Xaawo Xaaji oo hortaagan buush yar oo ay ka dhistay kaam ku yaalla Dayniile/ Xasan Aweys/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Xaawa Xaaji Axmed oo 6 qof ah waxay xaalad biyo yari, cunno xumo iyo hoy la’aan ah ku wajahayaan xerada War-jano ee degmada Deyniile tan iyo bishii Fabraayo. Waxay xilligaas colaad qabiil uga soo barakaceen tuullada Timiro oo hoos tagta degmada Jowhar ee gobolka shabeelaha dhexe.

Waxay ka mid yihiin boqol qoys oo beeraley ahaa oo xerada soo gaaray saddexdii bil ee ina dhaafay. Haweenaydan ayaa sheegtay in iyagoo markii hore la daalaa dhacayay saamaynta ka dhalatay jilaalka ay ugu darsantay colaad.

Waxay awoodi la’yihiin cunno hal waqti ah. Xaawa ayaa xustay in ay ku hungowday damaceedii ahaa in ay xerada ka heli doonto nolol dhaanta middii ay ka soo barakacday.

“Dariska waxay noo keenan baan iska cuna. Xalay baa ugu danbeysay dabka waa naga dansana oo casho la’aan baan ahayn. Noolasha waa iska sidaas wuxuu Illahey noo qooro uun ban ku noolnahay.”

Xaawa ayaa sheegtay in ay subax walba raadiso shaqo dhar dhaqis ah, balse inta badan ay soo laabato galabkii iyadoo aan waxba soo helin. Waxay u sababaysay magaalada oo aysan macaamiil ku laheyn, maaddamaa ay ku cusub tahay.

Xaawa ayaa sheegtay in halkii jirigaan ee biyo ah laga siiyo 2 kun oo shillin soomaali ah oo inta badan aysan awoodin. Markii ay wayso waxay ku qasbanaataa in ay dariska waydiisato wax ay maalinkaas ku joogaan.

Haweenaydan ayaa sheegtay in ceel gaar loo leeyahay oo ku yaalla meel xerada u jirta hal saac oo socod ah ay dhabarka uga soo qaado labaatanle biyo ah, kaas oo culayskiisa aysan xamili karin, balse ay dantu biday.

Qoyska Xaawa waxaa intaas u dheer hoy la’aan u horseeday in ay dulsaar ku noqdaan dad aysan aqoon hore isku lahayn oo xerada ay ugu yimaadeen.

Hal qol oo buush oo markii ay yimaadeen ay ka samaysay maryo, baco iyo geedo la isku geeyay ayay sheegtay in uu ka dumiyay roob dabaylo watay oo da’ay billowgii Abriil, taas oo banaan yaal ka dhigtay.

“Xaalada aan ku nool nahay maahan mid qiyaasan. Aniga iyo caruurteeyda dariska ayaan la seexanaa. Dabeylo yimid ayaa bushkii yaraa iga galaftay. Awalba si fiican uma dhisneyn oo dhamaad ayuu ahaa, haddana waa meel bannana.”

Xaawa ayaa sheegtay in ninkeedii uu u dhintay Dhiigkar uu muddo la noola, markii ay Muqdisho soo gareen, taas oo ka dhigtay in xaaladan ay garab la’ aan ku noqoto. Waxay tilmaamtay in ay kaligeed tahay qofka laga sugaya masruufka qoyska.

Beer labo hektar ah oo ay hanti ka lahaayeen ayay sheegtay in aysan waxba ku beeran labadii xilli ee ugu danbaysay roob la’aanta darteeda, waxayna isaga soo tageeen iyagoo faro maran.

Dadka kale ee xerada War-jano ku wajahaya nolol xumada waxaa ka mid ah qoyska Xaliima Yusuf Xirsi oo 5 ah, waxay colaada qabiilka uga soo barakaceen deeganka Buri oo hoos taga degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Haweenaydan ayaa sheegtay in ay isaga soo tageen beer 2 hektar ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd. Waxay tilmamtay in dalagyo isugu jiray galay, moos iyo digir oo ay abuurtay bishii Diseembar ee sanadkii hore ayna kaga baxday $100 ay hadda khasaare ka joogto.

Xaliima ayaa sheegtay in carruurteeda ay ku nool yihiin hadda haraadiga khudaarta dadka iska soo tuureen oo ay ka soo aruursato suuqa Bakaraha si ay uga dhigto cunno hal waqti ah. waxay tilmaamtay in ay iskudayda raadinta shaqooyin xamaal ah oo ay waysay.

“Mar waa helna marna waan weyna. Xalaydan ilmaheyga waxbo uma karinin. Shalay sidan u soo wareegayay waa soo noogay. Hal qof baan wax uu qaaday shalay 3 kun oo aaan ka helay baas rac ayay iga soo baxday oo guriga waxbo lama imaanin. Ilmaheygana sidaas ayaan ku seexiyay.”

Barakaca oo ay ku cusub yihiin ayay sheegtay in ay la qabsan la’yihiin. Waxay naawilaysaa in ay dib ugu noqoto deegankeedii, balse dagaallada oo weli socda ayaan u suuragalinayn. Xalimo ayaa isbarbardhigaysa xaaladaan iyo markii ay deegaankoodii joogeen.

“Markeeni hore guri aan anagana dhisanay ayaan dagganayn, haddana barakac baan noqonay oo bush yar baan daganahay. Roob haddu imaado ma celin karo. Dhibaata ku jirna Illahey baa noo qooray oo na naga saari kara.”

Xaalima ayaa kaligeed korinaysa carruurteeda oo agoon ah, markii saygeedii uu dhamaadkii sanadkii hore ku dhintay dagaalka qabiil.

Dadka xeryaha magaalada Muqdisho soo maciin biday oo carruur iyo haween u badan waxaa ka mid ah qoyska Caynaba Cali Cubeeyd oo 10 qof ah. Waxay sheegtay in ay wajahayaan xaalad hubanti la’aan ah oo aysan waligood horay u arkin.

Caynaba ayaa xustay in ay noolasha carruurteeda ku maarayn jirtay beer shan hektar ah oo ay ku lahaayeen deegaanka Xawaadley ee gobolka shabeelaha dhexe. Bishii Janaayo ayay ku abuurtay beerta dalagyo raashin iyo khudaar isugu jira oo ay galisay $500 oo dayn ahayd.

Haweenaydaan ayaa sheegtay in dadkii ay ka qaadatay lacagta ay kula balantay in ay iska bixin doonta marka ay soo goosato, balse hadda oo filashadaasi meesha ka baxday ay si joogto u soo wacaan iyagoo ka dalbanaya in ay lacagtoodii siiso, taas oo welwel dheeraad ah ku abuurta, maaddaama aysan xitaa cunno u heli karin carruurteeda.

“Noolal xuma na heysata gaajo ayaa ilmaha naga heyso wax aan siinana ma heyno oo waa iga rafadsanyihiin aniga waa rafaadsanahay. Waxay iskaga joogan wax ka haben ka haben la helo ama la wayo.”

Caynaba oo 62 sano jir ah ayaa sheegtay in aysan qaban kaarin shaqooyinka xoogsiga ah, balse ay dantu ku qasabtay oo ay raadiso dhar dhaqid ay inta badan soo weyso. Odeygeed oo isna waayeel naafo ah ayay tilmaamtay in uusan waxba ku soo kordhin karin noloshooda.

Saamayno kala duwan oo ka dhashay colaada iyo roob la’aanta ka jirta deegaanno badan oo dalka ka mid ah waxay boqollaal qoysas ah oo qaarkood ay danyar ahaayeen ku qasbeen barakac deg deg ah oo u horseeday xaalad ka sii xun middii ay ka soo barakacen.

Previous Post

Nugaal: Kalluumeysto ka soo kabtay nolol xumo markii ay heleen shirkad u iib-gaysa malayga

Next Post

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

Related Posts

Baydhabo: Daad saameeyay gododka laga qodo carada oo nolol xumo biday qoysas ku tiirsanaa
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Daad saameeyay gododka laga qodo carada oo nolol xumo biday qoysas ku tiirsanaa

June 23, 2025
Gedo: Colaad hubanti la’aan cunno galisay boqollaal qoys oo barakac ka fursan waayay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Colaad hubanti la’aan cunno galisay boqollaal qoys oo barakac ka fursan waayay

June 20, 2025
Nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday dhallinyada ku nool Puntland
Cunto-Yaraanta

Nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday dhallinyada ku nool Puntland

June 19, 2025
Mudug: Qoysas ku tiirsanaa iibinta biraha oo wajahaya nolol xumo suuq la’aan awgeed
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Qoysas ku tiirsanaa iibinta biraha oo wajahaya nolol xumo suuq la’aan awgeed

June 17, 2025
Shabeellaha hoose: Haweenay ku guuleysatay yaraynta umul-raaca iyo gudniinka fircooniga ah
Caafimaadka

Shabeellaha hoose: Haweenay ku guuleysatay yaraynta umul-raaca iyo gudniinka fircooniga ah

June 16, 2025
blank
Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Dhalinyaro ka baxay shaqo xumo haysay markii la siiyay mootooyin

June 15, 2025
Next Post
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-JUN-2025

IDAACADDA 23-JUN-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-JUN-2025
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2025
June 23, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2025
June 22, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2025
June 21, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2025
June 20, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2025
June 19, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo