Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Nugaal: Kalluumeysto ka soo kabtay nolol xumo markii ay heleen shirkad u iib-gaysa malayga

Jibril Osman by Jibril Osman
May 13, 2025
in Wararkii u Danbeeyay
0
Nugaal: Kalluumeysto ka soo kabtay nolol xumo markii ay heleen shirkad u iib-gaysa malayga

Mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda Netfish oo raba inuu miisaamo oo raba inuu miisaamo kaluun kalluumeysato ay u keeneen/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cali Axmed Muuse wuxuu labo sano ka dib iskuulka ku celiyay 4 carruurtiisa ka mid ah, markii uu saddex bil ka hor uu awood u yeeshay in uu bixiyo qarashaadka ku baxaya oo dhan $50 bishii. Wuxuu dhaqaale wax ku ool ah ka helay kalluun uu ka soo saaro xeebta degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Wuxuu ka mid yahay boqollaal kalluumaysato iyo xoogsato iskugu jira oo ka faa’iidaystay shirkad lagu magacaabo Netfish oo horraantii sanadkaan laga furay degmadaas, taas oo ka shaqaysa dhoofinta iyo kaydinta kalluunka. Dadka magaalada oo ku tiirsana wax-soo-saarka kalluunka ayaa ka helay shaqooyinkla duwan.

Cali oo aan shaqayn labadii sano ee la soo dhaafay, markii uu iib u waayay kalluunka ayaa hadda maalin dhaaf badda la gala sixiimad uu horay u lahaa oo uu dayac-tiray ku sameeyay. Wuxuu tilmaamay in dhamaan waxa uu soo jilaabto ay shirkaddu ka wada iibsato.

Wuxuu xusay in halkii mar ee uu keeno uu ka helo ugu yaraan $40 oo faa’iido ah. Dhaqaalahaas wuxuuu sheegay in qoyskiisa uu u horseedday in ay ka baxaan nolol xumo ay muddo ku jireen.

“Nolosha ugu fiican ayaan ku jirnaa hadda. Daymankii waan iska-yaryaranay, anagoo nolosheenu heer-sare tahay, halkii kiilo hadda $1 ayaa nalaka siiyaa. Haddii aanan anigu hawl-gabin oo shaqada aan yareyn, waxaan maalinkii keeni karaa $150 ilaa $200.”

Cali wuxuu sheegay in qoyskiisa oo 10 ah ay ku adkaatay in ay hal mar helaan wax ay cunaaan muddadii uu baagamuudada ahaa. Wuxuu tilmaamay in ay ku tiirsanaayeen dayn aan joogto ahayn oo ay khaqaarro ka qaadan jireen maalmaha qaar oo ay waayaan.

Ninkaan maaraynta nolosha qoyska waxaa u dheer in uu iska guday dayn garaysay $1,500 oo lagu sheeshay xilligii hore. Wuxuu sheegay in hadda uu qorshaynayo in uu sameeyo kayd dhaqaale si uu uga gaashaanto haddii mar kale ay ku dhacdo shaqo la’aan. Wuxuu bil kasta meel dhigaa ugu yaraan $200.

Wuxuu tilmaamay in ay shirkaddan meesha ka saartay dhibaatadii iib yarida ee ka haysatay dhanka kalluunka. wuxuu xusay in hadda ay aysan ka fikirin siday u iibsan lahaayeen oo kaliya ay geeyaan shirkadda. Waxaa u baaqday qarash badan oo kaga bixi jiray in ay u qaadaan Garoowe ama Booosaaso taas oo ku sababaysay in qaar badan uu dhex kaga hallaabo.

“Baddaa ayaan aadi jiray kaluun ayaan soo-saari jiray xeebtan la imaadaa boqol kiilo markaan la imaado laabatan kiilo ayaa laga yaaabaa in layga gato, inta kalena waan iska daadin-jirey. Meeshaas ayay ku qurmayeen oo bahaluhu ku cunayeen. Hadda wax layga reebayo ma jirto wixii aan baddaas kala soo baxo, waan soo qaadayaa shirkadaan keensanayaa lacagtaydaa lay siinayaa”

Cali oo 39 sano ka kalluumaysanayay xeebta Ely ayaa sheeguy in xilligan ay ku jiraan xaaladdii ugu wanagsanayd ee abid soo marta. Wuxuu tilmaamay in hadda faa’iidada ay ka heleen wax soo saarkooda aysan weligood helin taas oo si degdeg ah ku soo celisay rajadoodiisa.

Dadka shaqada ka helay shirkaddan maahan kalluumaysatada oo kali ah ee sidoo kale waxay fursad siisay xoogsato shaqaale iyo gaadiidley ka shaqeeya qaadista kalluunka la gaynayo magaalooyinka Garoowe, Qardho iyo Boosaaso.

Xasan Qaasim Bashiir wuxuu bishii koobaad ee sanadkaan ku biiray shaqaalaha shirkadda. Ninkan oo aan horay u ahaa baagamuuddo ayaa hadda si buuxda ugu filnaaday nolosha qoyskiisa oo sagaal qof ah. waxay ka soo kabteen nolol xumo ay wajahayeen tan iyo markii shaqaalaha loo qaatay.

“Nolol shaqo iyo wax soo saar ayaa noo billaabatay rag iyo dumarba shaqaan ka helnay haddana waxaa weeye wax allaala waxii dada degmada joogay iyo dad degmooyin kale ka imaday intaba waan u shaqo tagnay. Boqolkiiba sagaashan indhaha ayaa lagu kala qaaday.”

Xasan wuxuu ka mid ahaa dadkii horay uga fariistay kalluumaysiga markiii ay iib u waayeen. Wuxuu tilmamay in muddo labo sano ah uu magaalada kaga shaqaysanayay dhismaha guryaha si uu u maareeyo nolosha qoyskiisa. Wuxuuu xusay in maalinta ugu badan uu ka heli jiray $5 ilaa $7 oo uusan heli jirin inta badan.

Xaaladdaas wuxuu tilmaamay in ay qoyskiisa badday nolol xumo aad u liidata iyo in lagu yeeshay daymo ka badan $1000  isku gaaray. Wuxuu bishan dhiibay intii ugu danbaysay taas oo ka dul qaadday culays aad u wayn.

Xasan maaddama uu horay u ahaa kalluumaysato uu aqoon fiican u leeyahay hagaajinta hilibka. Wuxuu sheegay in maamulka shirkadda ay u qaateen boos muhiim ah markay arkeen fahamkiisa.

“marna qaybta qaliinka ayaan caawiyaa, lacag fiican ayaa lay-siiyaa oo ah $400, lacagtaas noloshayda waxbay ka tartay. Nin indhuhu madoobaadeen oo meel uu u dhaqaaqo la’aa oo saximaadiisu banaanka ka taalay baan ahaa.”

Xasan wuxuu tilmaamay in uu qorshaynayo in uu dib u hawl geliyo doon uu horay badda kaga saaray markii uu faa’iido ka waayay. Wuxuu u raadinayaa dhaqaale uu ku dayactiro iyo qof uga shaqeeya. Wuxuuu aaminsan yahay in uu ka heli karo dhaqaale aan ka yarayn mushaarka uu qaato markuu iska bixiyo qarashaadka ku baxaya.

Dhamaan dadka degmada oo ku tiirsanaa kalluumaysiga ayay shirkaddan u noqotay il dhaqaale iyaga oo uga faa’iidaystay siyaabo kala duwan sida uu sheegay Cabdi Aadan Hurin oo ka mid ah maamulka sare ee shirkadda Netfish.

Wuxuu tilmamay in shirkadda  ay shaqo abuur ka heleen dad iskugu jira kalluumaysato, xoogsato iyo xitaa dad ay xoolihii ka dhamaadeen oo horay nolol xumo u wajahayay. Wuxuu intaas ku daray in ay si gaar ah shaqooyinka u siiyeen dadka mudan si ay noloshooda uga deberaan.

“Waxaan ku dooranay Ely waa degmada ugu xeebta dheer uguna soo saarka badan dhinaca kalluunka sidaas ayaan ku dooranay. Dadkeeduna baahi u qabay in loo helo iib kalluunka. annagu kalluunka si guudbaan u gadanaa celcelis dhamaan waxay keenaan waan ka gadanaa nuuc kasta oo ay keenaan waxaan ka siinaa $1.”

Kalluumaysatada gobolka oo ay horay u saameeyeen jariifka shisheeye iyo iib xumada aaya hadda u muuqda in ay arrintan u noqon doonto mid ay kaga soo kabtaan saamayntii gaartay. Waxay ku dhiira gelisay in ay dib ugu laabtaan badda maaddama ay dhaqaale fiican ka helayaan.

Previous Post

Baydhabo: Barakicin qasab ah oo nolol xumo gelisay qoysas laga raray dhul ay deganaayeen

Next Post

Muqdisho: Haween iyo carruur ka barakacay colaad oo wajahaya xaalad hubanti la’aan ah

Related Posts

Baydhabo: Daad saameeyay gododka laga qodo carada oo nolol xumo biday qoysas ku tiirsanaa
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Daad saameeyay gododka laga qodo carada oo nolol xumo biday qoysas ku tiirsanaa

June 23, 2025
Gedo: Colaad hubanti la’aan cunno galisay boqollaal qoys oo barakac ka fursan waayay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Colaad hubanti la’aan cunno galisay boqollaal qoys oo barakac ka fursan waayay

June 20, 2025
Nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday dhallinyada ku nool Puntland
Cunto-Yaraanta

Nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday dhallinyada ku nool Puntland

June 19, 2025
Mudug: Qoysas ku tiirsanaa iibinta biraha oo wajahaya nolol xumo suuq la’aan awgeed
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Qoysas ku tiirsanaa iibinta biraha oo wajahaya nolol xumo suuq la’aan awgeed

June 17, 2025
Shabeellaha hoose: Haweenay ku guuleysatay yaraynta umul-raaca iyo gudniinka fircooniga ah
Caafimaadka

Shabeellaha hoose: Haweenay ku guuleysatay yaraynta umul-raaca iyo gudniinka fircooniga ah

June 16, 2025
blank
Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Dhalinyaro ka baxay shaqo xumo haysay markii la siiyay mootooyin

June 15, 2025
Next Post
Muqdisho: Haween iyo carruur ka barakacay colaad oo wajahaya xaalad hubanti la’aan ah

Muqdisho: Haween iyo carruur ka barakacay colaad oo wajahaya xaalad hubanti la'aan ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-JUN-2025

IDAACADDA 23-JUN-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-JUN-2025
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2025
June 23, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2025
June 22, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2025
June 21, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2025
June 20, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2025
June 19, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo