(ERGO) – Cunno yari, hoy xumo, dhaqaale darro iyo waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta ayay qoyska Imbiyo Xuseen Daahir ka dhaxleen barakicin qasab ah. Haweneydan ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in toddobaadyadii lasoo dhaafay ay ku adkaatay qeybaha nolosha oo dhan, walina ay maaro u la’ dahay.
Qoyskeeda ayaa ka mid ah in ka badan 170 qoys oo bishii Maarso laga saaray xerada Oomane oo ku taalla magaalada Baydhabo. Haweeneydan ayaa xustay in barakicintaas ay ku waysay dukaan ay ku gadi jirtay kabaha iyo dharka dumarka.
Waxay sheegtay inuu ahaa isha kaliya ee dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen ku dhowaad hal sano.
“Hadda maalin wax waan helnaa, maalina waan waynaa. Qof noo shaqo tago ma jiro, markii hore qof carruurteeda korsaneysa oo iskuul iyo dugsi u aadaan ayaan ahaa oo ku filan noloshooda, hadane quraac ama qado ayaan dhib ku helnaa. Nolosheena aad ayay u xun tahay. In lay gacan qabto ayaan rabaa si ganacsi aan dib ugu billaabo.”
Imbiyo oo 48 jir ah ayaa xustay in xilli habeen ah ay tuugo ka xaday agabkii ganacsi ee ay ku tiirsaneyd. Waxay sheegtay in lagu qasbay in deg deg ay uga baxaan xerada inta uusan gabalku dhicin. Maalinkii dambe ayay tilmaantay inay ku soo noqotay meel aysan waxba oolin.
Ganacsigaas oo ay ku furatay $150 oo ay ku caawisay hay’adda Acted bishii Juun ee 2024 ayay tilmaantay inuu ku filnaa maareynta noloshooda.
“Nolol maalmeedkeena aad ayuu u fiicnaa, wax yaroo bagaash ah oo dhar iyo cilaan ah oo ayuuto iyo waxaan aruursaday aan ku billaabay ayaan haystay, ayagii tuugo iga qaadatay. Waan rafaad sanahay, mana haysto waxaan hadda ku maareeyo nolosheenna.”
Imbiyo ayaa sheegtay inaysan helin hoy ku filan tan iyo markii la barakiciyay. Waxay dulsaar ku yihiin reer ay qaraabo yihiin oo ay sheegtay inay deggan yihiin labo qol oo cooshad ah. Guriga oo aan ku filneyn darteed ayay xustay in maalinkii ay harsadaan geedaha.
Xerada laga saaray ayay xustay inay uga dhisnaayeen saddex aqal oo cooshad ah iyo geyb ay ku ganacsan jirtay. Waxay sheegtay inaysan wali helin goob ay reerku ku nagaan karaan oo ay aqal ka dhistaan.
Waxay intaas ku dartay in xaaladaas ay u dheertahay waxbarasho la’aanta toddobo carruur ah oo aan aadin iskuul sare iyo hoose oo ay dhiganayeen. Waxay tilmaantay in bishan Apriil laga soo ceyriyay iskuulka markii ay awoodi wayday inay ka bixiso $40 oo ay ka dhiibi jirtay.
Imbiyo oo keligeed korisa sagaal carruur ah oo lagu furay ayaa xustay in noloshoodu ay dib ugu noqotay sidii ay aheyd sanadkii 2023, markaas oo iyadoo faro maran ay ka soo barakacay deegaanka Toos-weyne oo Baydhabo jira 30 km.
Waxay sheegtey in halkaas ay ku laheyd beer afar hektar ah, balse colaad iyo abaar is biirsadey ay uga soo tagtey.
Qoysaskan la barakiciyay ayaa bilaash ku degganaa dhulka oo ay la haayeen dad deegaan ah. Waxay dadku noo sheegeen in dhulka la gatay, laguna amray inay deg deg uga baxaan.
Jeylaani Warsame Aadan oo arrintan ay saameysay ayaa tilmaamay in tan iyo bishii Maarso uu la’yahay hoy uu seexiyo carruurtiisa oo shan ah. Wuxuu tilmaamay inuu ku barakacay xerada Towfiiq, balse aysan wali dhisan aqal ay ka galaan qoraxda, roobka iyo qabowga habeenkii.
Jeylaani ayaa tilmaamay in warwarka ugu weyn ee haysta uu yahay inuu ka burburay ganacsi uu reerku ku tiirsanaa oo ahaa dukaan uu ku iibin jiray raashiin iyo qudaar, kaas oo uu ka heli jiray$4 illaa $5.
Wuxuu sheegay inuusan hadda shaqo tagin oo uusan wali helin goob uu dukaan ka furto. Xaaladan ayuu tilmaamay inay dhaxal siisay cunto yari iyo inuu shaxaatamo si hal waqti ay maalinkii dabka u shitaan.
“Markii hore nolosheena wey ficneyd halkaas ayaa dabakaayo iiga furneyd oo aan ku shaqeysanayey. Shaqadii hadda wey iga xiranteay meel aan ku shaqeysano malahan. Wax faraheyga ku jira maleh, baahi ayaan wahel la nahay hadda.”
Jeylaani oo 54 jir ah ayaa tilmaamay in xaaladan ay ku soo beegantay xilli adag oo hore ay uga istaagtay bishii Janaayo ee sanadkan taakulo lacageed oo $120 ah oo bishii ay siin jirtay hay’adda Acted. Kaalmadaas ayuu sheegay inuu ka keydsaday lacagta uu ku furtay dukaanka oo aheyd $400.
Wuxuu intaas ku daray in xaaladan oo aan horay u soo marin ay waxbarasho la’aan ka dhigtay saddex ka mid ah carruurtiisa Markii uu awoodi waayay $12 oo uu bille uga dhiibi jiray dugsi qur’aan iyo iskuul.
“Markii hore waxbarsho ayey aadayeen, dugsigooda iyo iskuulkooda ayey aadayeen hadda waxay iska fadhiyaan xaafadda, booni ayey ciyaarayaan wax kale oo ay hayaan malahan. Hadda waxaan u awoodo oo mustaqbal ah malahan.”
Biyaha oo markii hore uu dhaqaaluhu u saamaxayay inay gataan in ku filan ayuu sheegay in hadda ay ku dhiban yihiin, dantuna ay ku qasabto in maalinkii ay gataan 20 liitar ah oo qiimahiisu yahay kun Shillin, kaas oo ay u isticmaalaan cuntada iyo cabitaanka oo keliya.
Qoyska Jeylaani oo beeraley ahaa ayaa sanadkii 2024 abaar uga soo barakacay deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ee gobolka Bay.
Dadka hoy la’aanta iyo ganacsi la’aantu iskugu darsantay waxaa ka mid ah Xaawo Warsame Aadan oo barakicinta ku waysay ganacsi iskugu jira bagaash iyo cillaan saar ay nolosha reerka ku daberi jirtey.
Waxay sheegtay inay tahay qof ceyr ah oo ay dabka u shidaan dariska kula nool xerada Towfiiq oo ay maciin biday, kuwaas oo ku caawiya cunto bisil ama ceyriin wixii ay u awoodaan.
“Nolol xumo daran ayaan ku nool nahay, gogol xumo ayaa na haysa, cuntada haddii maalinkii aan helno, habeen ma jiro, halka waqti ayaa marmar waynaa. Heer waxaan gaaraa carruurta aan iska jiifiyo intaan u kariyo shaah, marka aan waayo cunto aan siiyo. Rafaad iyo dandaro ayaan ku nool nahay, in nala arko ayaan rabnaa.”
Ganacsiga oo ay furatay bishii Febraayo ee sanadkan ayay tilmaantay inay ku bilowday deyn ay soo qaadatay oo wali lagu leeyahay iyo lacag ay ka uruursatay kaalmo $120 ah oo ka istaagtay bishii Janaayo ee sanadkan.
Waxay sheegtay in deyntii oo lagu leeyahay uu ganacsigeedu baaba’ay, iyadoo u sababeysay in tuugo ay xaday hal habeen oo ay uga tagtay xerada laga saaray oo ay is laheyd subixii ka raro.
Xaawo oo 46 jir ah ayaa sanadkii 2023 ka soo barakacday deegaanka Toosweyne ee gobolka Bay, markii roob yari darteed ay u tacban weyday beer saddex hektar ah oo ay leedahay.
Waa hooyada sagaal carruur ah oo ka warwarsan hubanti nololeed ee soo wajahday oo aysan ogeyn xilliga ay ka soo kaban doonto.
Qoysaska soo barakacay ayay dantu ku qasabtaa inay kiro ku degaan dhul aan dammaanad laheyn oo gaar loo leeyahay. Barakicintu waa mid dhowr jeer horey u dhacday, walina uusan xal u helin maamulka Koonfur Galbeel.