(ERGO) – Qoyska Maxamed Cali Aadan oo 11 qof ah waxay muddo labo sano ah wajahayaan xaalad nolol xumo ah oo ka sii daraysa. Waxaa ka nacfi beeshay beer hal hektar iyo bar ah oo ay ku leeyihiin deegaanka Awdhiigle ee gobolka Shabeellaha hoose oo ay keligeed ku tiirsanaayeen.
Waxaa si lama filaan ah hoos ugu dhacay wax-soo-saarkeeda markii dhulkii ay beeranayeen uu soo saari waayay dalag fiican. Wuxuu u sababaynayaa abuur laga keenay dibadda oo ay muddadaas isticmaalayeen, kaas oo u bixi waayay siday filayeen.
Maxamed ayaa sheegay in dalag iskugu jiray raashin iyo khudaar oo uu beerayay uu badi qasaaray halka inta soo go’dayna ay yahay mid aad u yaryar oo laga iibsan waayay. Arrinrtaas ayuu xusay in ay saamayn taban ku yeelatay beertiisa uuna xal u waayay.
“Abuurka bannaanka laga keeno wuxuu noo keenay dhib saa’id ah. Galeydii aan markii hore beeran jirnay waxa ay noo dhali jirtay sabuul fiican oo muuqda. Kan haddii aad ku rafaado oo biyo badan iyo daawooyin badan ku bixiso wax yar ayaa kasoo baxaya. Ma naqaano wax aan sameyno.
Maxamed wuxuu sheegay in hoos u dhaca ku yimid beerta ay dhaxal siisay qoyskiisa inay hal waqti karsadaan raashin ay ka soo daynsadaan baqaarro ku yaalla deegaanka oo ay horay macaamiil u ahaayeen. Wuxuu tilmamay in hadda ay ku wargeliyeen inay ka goosan doonaan haddii xillli roobadkan uu qasaaro.
Waxay ku leeyihiin $1,300 oo isku gaartay labada sano ee beertiisa wax-soo-saar la’aanta tahay. Deynta lagu leeyahay ninkan intaas kuma eka waxaa u dheer $2,000 oo uu ku qarash-gareeyay dhawr mar abuurka qasaaray. Lacagahaas ayuu xusay inay ku hayaan culays kale.
Wuxuu tilmamay in beertiisa uu sanad kasta ka heli jiray dhaqaale ku filan qoyskiisa inta uusan billaabi adeegsiga abuurka dibadda laga keeno sanadkii 2023. Waxaa xilligaas kula teliyay beeralay kale oo deegaanka ah. wuxuu sheegay in markii ugu horraysay ay wax fiican ka goosteen balse ka dib ay waxba dhalan waayeen.
“Waxaan is dhahayay sanadkaan wuxuu ka sii fiicanan doonaa sanadka kale, ciidda abuurka wuu la qabsan doonaa, jawiga wuu toosanaya, waad la qabsaneysaa laakiin sanad walba midka kale ayuu ka sii liitay. Mar biyaha ayaa ciriir galaya, mar jawiga ayuu la qabsan waayaan. Ugu dambeyntii, waxa ay kusoo dhamaatay jahawareer iyo wax la’aan.”
Maxamed dhanka kale wuxuu sheegay in abuurkan oo ay filayeen inuu ka adkaysi badan yahay midka dalka ay ku hungoobeen. Wuxuu tilmaamay in beerta uu u gaystay saamayn culus oo xittaa kan dalka ay adag tahay inuu ka baxo hadda.
Xaaladdaas ayuu sheegay inay tahay tii ugu darnayd ee soo martay muddo 8 sano ah oo uu beeralay ahaa. Wuxuu tilmamay in xilligan oo ay da’ayaan roobabka guga uusan beertiisa saarayn wax abuur ah. waxaa u sabab ah inuu awoodi waayay inuu dalag cusub daynsado isaga oo ka baqaya inuu mar kale qasaaro.
Xaaladdan oo ay ka siman yihiin dhamaan beeralayda isticmaalay abuurka la soo dhoofiyo ayaa u muuqata mid ay adag tahay inay ka soo kabsadaan. Waxay dhamaan wajahayaan qasaaro aysan weligood mudan.
Cabdiweli Maxamuud Xasan wuxuu quus ka joogaa tacbashada beer labo hektar ah oo uu ku leeyahay deegaanka Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe. Waxaa lix jeer oo xiriir ah ka qasaaray dalag khudaar u badnaa oo uu filayay inuu faa’iido badan ka heli doono maaddaama abuurka loogu sheegay wax soo saar fiican iyo dedegsiimo is wata.
Rajadaas ayaa meesha ka baxday markii ay beertiisii ay labo sano oo uu adeegsanayay abuurkan ay si tartiibtartiib ah u yaraysay bixitaanka.
“Abuurkaan wuxuu uga duwan yahay abuurka markii la beeray oo uu soo baxay, wuxuu noqday mid dalagyadiisa ay ka duwan yihiin kuwii la yaqaanay. Mar labaad masoo dhalanaayo. Wuxuu u baahan yahay daawooyin badan sababtoo ah waxaa cunaya cayayaan aad u fara badan. Mararka qaar markaad beerto waxa aad arkeysaa isagoo hal mar qalalay iyadoo aan sababta la ogayn.”
Cabdiweli oo xilli roobaad kasta beertiisa kaga tashan jiray faa’iido u dhaxaysa $2000-3000 ayaa sheegay in tan iyo markuu billaabay adeegsiga abuurkan ay beertiisa nacfi beeshay.
Wuxuu tilmaamay in qoyskiisa oo ka kooban 14 qof ay arrintaas u horseedday inay ku adkaatay inay hal waqti helaan wax ay cunaan. Waxay ku tiirsan yihiin raasshin aan joogto ahayn oo ay siiyaan dad qaarabo la ah oo ku nool magaalada Muqdisho, kuwaas oo uu la wadaagay xaalkooda.
Ninkan wuxuu tilmaamay in hadda uu ka rajo dhigay tacbidda beerta oo uusan sanadkan isku hawlin. Waxa uu sheegay in uusan awoodin qarashka ku baxaya oo isku dar gaaraya ku dhawaad $5,000 marka loo eego dhaqaalihii uga baxay sanadkii hore oo uusan waxba ka faa’iidin markuu suuqa geeyay dalag yar oo u soo go’ay.
“Dadkii naga iibsan lahaa markii aan suuqa keenay waxa ay na leeyihiin, ‘waxaan yar yar yihiin, waxan waa eber, hadhow dadka naga sii iibsan mayaan. Sidaasi ayaan khasaaraha ku galnay. Abuurka dalka dibaddiisa laga keeno, waxa ay leeyihiin waxaan mirihii iyo midabkii la yaqaanay maahan.”
Cabdiweli wuxuu sheegay in isticmaalka abuurkan ay ku dhiirageliyeen ganacsato keena dalka kuwaas oo u sheegay in uu ka helayo wax-soo-saar ka sarreeya kii dalka balse baddalkeeda uu kala kulmay saamayn aad u liidata.
Wuxuu tilmamay in abuurkan uu iskugu jiro mid markay tacbaan dhalanaya balse aan la qabsan karin cimiladda kulul, roob yarida iyo qaab beerashada soomaalida iyo mid aanba dhalan karin awooddiisa oo aad u hoosaysa darteed.
Wuxuu intaas ku daray in hadda uu raadinayo abuurkii dalka balse beeralayda dhan ee deegaankiisa oo boqolaal ah ay iska waayeen qof haya, maaddaama ay muddo kan isticmaalayeen. Xaaladdaas ayaa ku noqotay culays hor leh oo aysan ku sii tashan.
Sayid-cali Maxamed Ibraahim oo ah khabiir ku taqaqusay cilmiga beeraha kana tirtan Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa sheegay inay sameeyeen dadaalo lagu xaqiijinayo tayada abuurka dalka la keeno kaas oo uu sheegay inay ku joojiyeen miro aan tayada lahayn ee laga iibiyo beeralayda.
Wuxuu tilmamay in abuurkan intiisa badan uu leeyay tayo fiican balse beeralayda aysan ulahayn aqoon ay kaga faa’iidaystaan taas oo keentay caqabadda taagan.
Beeralayda soomaaliyeed oo horay ula daalaadhacayay saamaynta ka soo gaartay roob yarida dalka ku soo laalaabatay ayay arrintaan kunoqotay culays kale oo hor leh. arrintaan oo ka jirta dhamaan gobolada dalka ayay adkaan doontaa in ay ka soo kabsadaan haddii aysan helin cid taageero siisa.