Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Galgaduud: Saameynta abaarta oo waxbarasho la’aan dhigtay carruurta qoysas danyar ah

Jibril Osman by Jibril Osman
May 9, 2025
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Galgaduud: Saameynta abaarta oo waxbarasho la’aan dhigtay carruurta qoysas danyar ah

Carruur waxbarasho la'aan noqday, markii abaar ay saameysay/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Haween danyar ah oo ku nool magaalada Dhuusamareeb ayaa awoodi la’ in ay waxbarashada dib ugu celiyaan carruurtooda oo qarash la’aan loo soo eryay bishii Maarso. Dadkaan waxaa ka mid ah Maka Xasan Axmed oo afar caruurteeda ay daruus la’aan yihiin.

Waxay sheegtay in ay ka maaraynaysay ari ay qali jirtay, balse shaqadaas ayaa gabaabsi noqotay saamaynta jiilaalka darteed. Iskuullada Waabari iyo Horseed oo ay dhiganayeen ayaa looga yeeshay $198.

Waxay xustay in markii ay shaqaysanaysay bil walba ka bixin jirtay $33. Waxay tilmaamtay in ay walaac ku hayso wiilkeeda oo sanadkaan u fariisan lahaa imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiga dhexe looga baxo, kaas oo 7 Abriil la soo cayriyay.

“Markii ganacsigii xumaaday iskuulkii ilmaha waa la iiga soo eryay. Daruuf adag ayaa igu soo korortay waxabrashadiina lacag bay noqotay. Dugsiga xitaa waxaa laga bixiyaa Jus iyo bil waxaas oo dhan waa la iga rabaa, anna waayay.”

Maka ayaa sheegtay in sidoo kale qoyskeeda oo 8 qof ah ay wajahayaan nolol xumo. Waxay u awoodi la’dahay cunno ku filan. Haweenaydaan ayaa xustay in arigii ay qali jirtay uu noqday mid qaali ah iyo qaar aan qaliin galin.

Waxay sheegtay in mar mar ay deynsato neef jeexiis oo laga siiyo $30 oo maalmaha qaar ayay ka hesho $3, halka inta badan laga gadan waayo. Dadkii ay ariga ka gadan jirtay ayaa ku yeeshay $300, taas oo keentay in loo diido.

Maka ayaa sheegtay in ay xanaanayso hooyadeed oo waayeel xanuunsan ah iyo wiil ay dhashay oo araga la. Maalinkii ay wax soo hesho ayay hal mar dabka shitaan, markii ay waysana dariska ayay waydiisataa ama waxay ku seexdaan gaajo.

“Abaartaa na wiiqday dhibaatada iyo deynta badan waxa keenay waaye. Markaan oo kale sooma marin wax badan ayaan joogaye, haddii la helana waa la kariyaa haddii la waayana waa la iska joogaa.

Waxay sheegtay in markii ay shaqadu u fiicnayd ay maalinkii qali jirtay labo neef oo celcelis ahaan ay ka heli jirtay $10 ilaa $15 oo ay ku maarayn jirtay cunnada biyaha iyo waxbarashada carruurteeda. Guriga ay degan yihiin kiro ma ahan, balse tan iyo bishii Febraayo waxay bixin waysay $10 ilaa $13 oo ah qarashka ay saacada biyuhu soo saarto.

Dadka waayay ilihii ganacsi ee ay ku tiirsanaayeen ayaa ka siman nolol xumada iyo waxbarasho la’aanta carruurtooda. Xabiibo Axmed Maxamuud waxaa iskuulka Gurmad ee Dhuusamareeb looga soo eryay saddex carruur ah oo dhiganayay fasalka labaad ee dugsiga hoose.

Xabiibo oo bishii labaad carruurteeda ay iskuulka ugu danbaysay ayaa sheegtay in lagu yeeshay $60, kadibna lagu wargaliyay inaysan sii dhigan Karin ilaa ay bixiso.

“Hooyo ilmaheeda in ay waxbarto rabtay oo ay hormar gaaraan oo guriga ay u fadhiyaan waa dareemi kartaa niyad xumada haysa.”

Xabiibo ayaa dhanka kale sheegtay in ay culays kala kulmayso sidii ay qoyskeeda oo 15 qof ah ugu heli lahayd cunno hal waqti ah. Waxay tilmaamtay in ay noloshooda ku maarayn jirtay $10 ilaa $14 oo ka soo gali jirtay dukaan bagaashka iyo khudaar lagu iibiyo iyo labo neef oo maalinle ay u qali jirtay.

Haweenaydaan ayaa tilmaamtay in Khudaartii iyo bagaashkii ay ka baaba’een, markii ay biil joogto ah ka dhigteen. Sidoo kale xoolo dhaqatadii oo deegaano fog u hayaamay ayaa sababtay in ay wayso arigii ay qali jirtay.

Xabiibo ayaa tilmaamtay in aysan lahayn il kale oo dhaqaale uu ka soo galo ayna ahayd qofka kali ee reerka u shaqeeyo, taas oo u horseeday xaalad aad uga duwan tii hore.

‘’Markii la fiicnaa saddex mar ayaan dabka shidan jirnay. Deyn la iguma yeelin jirin faa’iido waa heli jirnay. Rida aan qalo ayaan ka bixin jiray cuntada, dharka waxa dhan. Hadda laakiin arrintu sidii hore ma ahan waa nagu ciirsan tahay.”

Maryam Cabdi Cali oo ah hooyo kaligeed korinaysa toddobo carruur ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in saddexii bil ee ugu danbaysay dhaqaale xumada soo foodsaartay ay ku qasabtay in ay bixin wayso cuntada iyo waxbarashadooda.

Arintaas ayaa soo dadajisay in dugsiga laga soo eryo afar cunug oo saddex ka mid ah ay dugsiga sare dhiganayeen. $5 ilaa $7 oo maalinle ay ugu heli jirta maqaayad ay ku iibin jirtay cuntada bisil ayaa meesha ka baxday.

Dadkii miyiga ka imaan jiray oo wax ka iibsan jiray aya deegaano kale u guuray, qaarna deymo ayay kala tageen. Waxay ka murugaysan tahay waxbarasho la’aanta carruurteeda oo aysan xal u ahayn.

“Lacag haddaanaan awoodin in aan ku bixino ilmihii waa soo buriyeen. Mid lixaad ah labo foom 1 ah iyo mid foom 4 ah. Ilaahay waji kale ha noo bixiyo.”

Isku dar lacagta iskuulka looga leeyahay ayaa ah $140 sida ay sheegtay. Waxaa intaas u dheer in aysan u awoodin cunno ay siiso carruurteeda. 24 saac ayay sheegtay in ay hal waqti dabka saartaan wax ay dad ehel ah ku caawiyaan.

Haweenadaan ayaa dhanka kale xustay in duruufaha nololeed ee qoyskeeda iyo daruus la’aanta carruurta ay ugu darsantay deyn $2,000 ah oo looga yeeshay raashinka, biyaha iyo kirada.

Nolosha miyiga iyo tan magaalada oo isku xiran ayaa sababta in marka ay roobabku soo daahaan ama xoolo dhaqatada ay saamayn gaarto ay si isku  mid ah u wajahayaan duruufaha nolol xumo.

Previous Post

Baydhabo: Dad naafo ah oo xal u arkay dawarsi markii ay ka istaagtay lacag lagu taageeri jiray

Next Post

Shabeellaha hoose: Beeraley ka cabayanaya raashinka dibadda laga keeno oo suuq xumo bidday

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Shabeellaha hoose: Beeraley ka cabayanaya raashinka dibadda laga keeno oo suuq xumo bidday

Shabeellaha hoose: Beeraley ka cabayanaya raashinka dibadda laga keeno oo suuq xumo bidday

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo