(ERGO) – Qureesho Aadan Isxaaq oo araga naafo ka ah waxay awoodi la’dahay maareynta nolosha lix carruur oo agoon ah oo korintoodu ay kali ku tahay. Waxay xaaladdaan gashay bishii Febraayo ee sannadkan, markaas oo ay ka istaagtay $120 oo ahayd lacag bille ah oo ka heli jirtay hay’adda World Vision.
Waxay ka mid yihiin ku dhowaad 500 oo qoys oo xerooyinka Al-Amiin iyo Nimcoole ku biiray 4 sano ee la soo dhaafay markii ay colaad iyo abaar uga soo barakaceen deegaanadoodii.
Qureesho ayaa sheegtay in xilligaan ay ku jiraan xaaladdii ugu liidatay noloshooda saddex sano oo ay barakac yihiin sida ay Raadiyow Ergo u sheegtay.
“Saddex jeer ayaan wax karsan jirnay hadda intii aan habeenkii aan karsado kistii ka harta ayaa cunuga iigu daran siiyaa oo muslinka isiiyo. Inta kale habeenkii ayaan ku jiidanaa. Waa wax muslim nagu sadaqeestey iyo wax aan soo tuugsanno oo aan suuqa u tagno. Dadka qaar hoygeena ayey wax noogu Keenan oo kaalmadaas ayaan ku nool nahay hadda.”
Qureesho Aadan kaalmada ka istaagtay ayay tilmaantay inay ahayd halka meel ee qoyskeeda uu dhaqaale ka soo geli jiray. Waxay xustay in 12 bil ay joogto u helayeen taageeradaan .
Lacagta la siin jiray waxay qayb ka mid ah ku soo iibsan jirtay raashiin 45 km oo isugu jira bur, bariis, baasto, sonkor iyo 10 liitar oo saliid ah. $55 ayay bil walba u qoondeyn jirtay adeegga reerka.
Xaaladdaan kaliya saameyn kuma yeelan cunno helista qoyskeeda. Sidookale waxay waxbarsho la’aan dhaxalsiisay 4 carruur ah oo dugsi Qur’aan u dhigan jiray, kuwaas oo isku darkooda ay bishii ka dhiibi jirtay $15.
Haweeneydan oo 62 sano jir ah waxay Ergo u sheegtay in gargaarka ka go’ay uu ku soo aaday xilli aysan ku sii talo-gelin. Haddii ay sii ogaan lahayd ayay xustay inay sii tabaa-busheysan lahayd oo ugu yaraan ay wax meel ka dhigan lahayd.
“Nolosheena ayaa ku tiirsanayd baahi nama haynin. Nolol fiican ayaan haystay. Carruurta waxbarasho ayay ii haysteen. Wax baa kaa go’aya isma lahayn waad gaajooneysaa isma lahayn. Hadda maanta waxaan noqday qof qoraxda ku dhacday oo meel cidlo ah taagan.”
Qoyska Qureesho ayaa xerada soo gaaray sannadkii 2022, xilligaas oo abaar iyo colaad ay uga soo barakacday degmada Diinsoor ee gobolka Bay oo Baydhabo u jirta 120 km. Waxay ka soo tageen beer 3 hiktar ah iyo guri labo qol ah iyo agabkii yaallay.
Dhamaan qoysaska ku nool xeryahaan ayaa ka siman nolol-xumada tan iyo markii gargaarku ka istaagay. Cabdi Maxamed Xasan oo ah aabbaha sagaal carruur ah wuxuu u la’yahay wax ay hal waqti cunaan. Waxaa bishii Febraayo ka go’ay kaar ay hay’adda World Vision siisay oo uu bishii ka heli jiray $120.
Lacagtaas oo ay ku iibsan jireen raashin ku filnaa ayuu xusay in markii laga jaray ay noloshoodu gashay xaalad aad u liidata. Labadii bil ee la soo dhaafay ayuu tilmaamay inuusan helin wax kaalmo ah.
Cabdi Maxamed wuxuu Ergo u sheegay in 24 saacba ay hal mar reerkiisu dabka shiddaan isaga oo u dawarsi tagaya magaalada. Xilligaan oo Baydhabo ay roobab ka da’een ayuu sheegay inay ku adag tahay inuu socdo, maaddama uu aragga naafo ka yahay waddooyinkiina uu roobka biyo dhigay, qaarkoodana ay dhiiqo noqdeen.
Ninkan oo 57 jir ah culeysyada kale ee uu la daalaa-dhacayo waxaa ka mid ah helista biyaha oo ku adag. Halka jiirgaan ayuu sheegay in xerada uu ka marayo afar kun oo shilin Soomaali ah, taas oo uusan heli karin duruufta dhaqaale ee haysta awgeed.
“Biyaha aad ayuu culeeskooda noo hayaa fasalkan biyo samafal noo keenay ma cabin. Qof baraagaha biyo ku shubtayna ma jirto. Afartii kuna waan waayay dhib ayaa aad noo haya ayadoo dhulka qalalan yahay ayaaba dadka araga la’ meel ay maran aysan lahayn. Hada oo roob da’ayo dhiiqo meel la maro aysan lahayn baa buurta meel kasta ay taagan yihiin aad ayey dhib noogu tahay.”
Cabdi Maxamed wuxuu tilmaamay inuu ka qoomameynayo in intii uu u socday gargaarka uusan marnaba ku fikirin inuu qayb meel u sii dhigto mustaqbalka oo uu ku baxsan lahaa xilligaan adag ee uu hadda ku jiro.
Xaaladdaan waxay sabab u noqotay in shan carruurtiisa ay soo foodsaarto waxbarasho la’aan, kuwaas oo dhiganayay fasalada hoose iyo dhexe ee iskuulka Mustaqbal ee magaalada Baydhabo, kuwaas oo isku darkooda bishii laga qaadi jiray $20.
“Cunnadooda ayaaba qiilqiil ah oo la la’yahay. Carruurtas waxbarashadooda aad ayey muhiim iigu aheyd carruurtii hada xaafada ayey joogaan si aan yeelana malahan aad ayaan ugu murugeysanahaya.”
Cabdi iyo qoyskiisa oo beeraley ahaa waxay sanadkii 2022 ka soo barakaceen deegaanka Boosti oo magaalada Baydhabo u jira 60 km, xilligaas oo abaar ka jirtay deegaanka u horseeday in abuur u saarnaa beer 3 hiktar ah biyo yari darteed uga qalalaan.
Siciid Cismaan Gaabow oo qoyskiisa 13 qof ka kooban yahay wuxuu ka mid yahay dadka xaaladdaan ay u horseeday hubanti la’aan cunno. Waxay qoyskiisa hadda ku tiirsan yihiin cunno hal wakhti ah oo ay ku caawiyaan dad xerada kula nool oo duruuf ahaan isaga dhaama.
Siciid oo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka qaba ee ku nool xerada Al-Amiin wuxuu sheegay in kaalamada lacageed $120 ay u ahayd fursad nololeed oo wax badan horay ugu beddeshay nolosha qoyskiisa, balse markii uu is taagay ay la soo gudboonaaday xaalad nolol xumo ah.
“Markii hore gargaarka ayaan nolosheena ka maareyn jirnay oo aan ku tiirsanayd. Nolol-maalmeedkeena boqolkiiba boqol culeys kama jirin, laakiin hadda wax walba wey isbeddeleen gargaarka istaagayna aad iyo aad ayaan dhibaato ugu qabnaa, nolosheena ayuu ciriiri geliyay.”
Wasiirka gargaarka Koonfur-Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush oo aan wax ka weydiinay xaaladdan haysatada dadka tabaalaysan ayaa sheegay in kaalmooyinka bini’aadannimo ee ka socdo deegaannada maamulka ay ahaayeen kuwa loogu talo-galay inay socdaan muddo kooban, si ay wax uga beddelaan dhibaatooyinka haysta dadka colaadaha iyo abaaraha soo barakiciyeen, balse qorshaha uusan ku jirin inay ahaadaan wax weligood iska socda.