Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Waxbarasho la’aan ka dhalatay dad qasab looga raray xero ay degganaayeen

Jibril Osman by Jibril Osman
May 3, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
blank

Xabiibo Maxamed iyo carruurteeda waxbarashada ka haray markii laga raray xeradii ay degganaayeen/ Xasan Aweys/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Shan ka mid ah carruurteeda ayaa waxbarasho la’aan ah tan iyo bishii Desembar ee sanadkii hore Xabiibo Maxamed Suusow oo ah hooyada 10 carruur ah. Waxay dhiganayeen iskuul hoose iyo dhexe oo bilaash ah, kaas oo xaruntiisu tahay dagmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Waxaa la mid ah in ka badan 300 oo carruur ah, kuwaas oo iyaga iyo qoysaskooda lagu amaray in ay iskga guuraan xerada Al-cadaala oo iskuulku uu ku yaallay.

Waxay xustay in carruurteeda ay guriga joogaan, maaddaama aysan awoodin inay geeyso iskuul lacag ah. Haweeneydan ayaa tilmaamtay in xaafaddeeda ay ku yaallan iskuullo si gaar ah loo leeyahay, kuwaasi oo bishii lagu dhigto $10.

“Culees saa’id ah ayay igu haysaa markii hore waxaan ka fakari jiray ilmahaga waxbarasho ayay ku haystaan ma ahaan doonan sidaad baadiyaha uga keentay. Aniga xitaa guriga ayay wax igu barayeen oo hadda waxaan aqaana sida magaceyga loo qooro oo wax loo kiciyo.’’

Xabiibo ayaa ku tiirsan lacag dhan $2. Waxay ka heshaa shaqo xoogsi ah, taas oo ah agab ay ka soo qaaddo dukaamo ganacsi. Waxay lacag uga qaadataa dadka ay u adeegto. Qoyskeeda ayaa ku nool hal qol oo buush ah oo ku yaalla duleedka Muqdisho.

Lacagta ay ka hesho shaqadeeda oo yar ayay sheegtay in aysan u saamaxayn in ay ku bixiso waxbarashada carruurteeda. Waxay sheegtay in aysan ku filnayn xitaa cunnada qoyskeeda oo hal mar hela waxay quutaan 12 saacba.

“Wuxuu illaehey isoo dhibo ayaan habeenkii dabka ku shidanaa, maalinkiina carruurta afkooda ayay ku joogan.”

Xabiibo iyo qoyskeeda waxay sanadkii 2024 ka soo barakaceen degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose. Beer hal hiktar ah oo ay u saarnayd galley, digir iyo qare ayay ku weysay colaadda. Arrintan ayaa ku qasabtay inay Muqdisho u soo barakacdo.

Iskuulka ay carruurteedu dhigan jireen waxaa xerada ka hirgaliyay hay’adaha Save the children 28 bishii August ee sannadkii hore ee 2024.

Iskuulkan ayaa ka koobnaa afar qol oo jiinkad ah. Barayaasha iskuulka ayaa ahaa lix macalin oo mushaarkooda ay bixinayeen hay’adda. Xirnaanshihiisa  waxay rajo xumo bidday waalidiintii ay carruurtooda ka faa’iidaysanayeen aqoonta laga bixin jiray.

Faadumo Ciise Aadan waxaa ku dhowaad 4 bil waxbarasho la’aan ka ah afar carruur ah. Waxay ku nool yihiin dhul bannaan oo ku yaalla dagmada Garasbaaley.

Waxaa isku biirsaday cunno xumo, hoy la’aan iyo waxbarasho la’aan soo wajahday qaar ka mid ah carruurteeda. Cunno hal waqti ah waxaa u soo dhiciya saygeeda oo ku shaqaysta gaari-gacan uu ka helo maalintii celcelis ahaan $2.

“Culayska ay arintan nagu haysaa ayaa ah in meeshaan ay waxbarasho lahayn ilmihi dugsi xita kuma heystaan. Meel wax laga baranayana malahan. Hadaad magaalada shaqo u radsaneyso meel gaari laga racayo malahan ila Weedow ama Tabeelaha inaad lugeyso waye.’’

Faadumo oo ah hooyada 8 carruur ayaa sheegtay in xaaladahan iskugu darsamay qoyskeeda ay ku hayso welwel joogta ah. Waxay xustay in haddii ay shaqooyin xamaal ah raadsan lahayd aysan awoodin lacagta baabuur raaca, taas oo caqabad ku ah xal u helista dhaqaale xumada haysta.

“jidka waa lug, haddana waxaa ugu sii daran in jiidka isbaaro taalo. ilmaha halka habeen ayaan wax u kariyaa dhaqaale ahaana naguma filna waxa aabbuhu keeno.”

Faadumo iyo qoyskeeda waxay 7 sano ka hor ka soo barakaceen deeganka Buur-eyle ee gobolka Bay, markii abaar jirtay xilligaas ay ku wayeen 50 neef oo ari oo noloshooda ay ku tiirsanayd, taas ayaa ku dhalisay inay ku biiraan xeryaha Muqdisho

Sahra Daaud Maxamed oo qoyskeeda uu 8 qof ka kooban yahay ayaa ka mid ah waalidinta hubanti la’aanta nolosha ay u horseeday ka guuritaanka xeradii ay carruurteeda ku haysteen waxbarashada lacag la’aanta ah. Afar carruur oo wax u baran jiray ayay hadda guriga ku maaweelisaa.

Waxay xustay in walaac ay ku heyso waxbarasho la’aanta carrurteeda oo ay u dheertahay cunno xumo iyo hoy la’aan. Waxay sheegtay in ay tahay naafo aan awoodin inay u shaqeyso carrurteeda. Waxay ku tiirsan yihiin kaalmo raashiin ah oo ay ku caawiyeen dariskeeda, taas oo u suuragelisa inay hal wakhti wax karsadaan.

“Iskuulo Bilaash ah waan geyn lahaa ilmaha, laakiin mid kharash ah maka bixin karo. Aniga oo hooyadii ah ayaa xanuunsan oo naafo ah cid kale oo wax u raadineysana majirto.”

Sahra ayaa sheegtay inay dhibaato ku qabaan biyaha oo ay ku adag tahay helidooda. Hal jirgan ayay sheegtay in ay hadbo ka dawarsato dadka biyaha iibsada, taas oo aan ku filneyn.

Xaaladdaan oo kale ayay sheegtay inaysan horay u soo marin. haddana aysan jirin wax qorsha ah oo ay kaga bixi karto.

Dhibaatada cunno xumo iyo midda hoy la’aan ee ka dhalata xeryaha sida qasabka ah looga raro dadka soo barakacay waxaa u wehliya mustaqbal la’aan dhinaca waxabarashada oo ku dhacda carruurtooda dadka laga raray xeryaha ay maciin bideen oo adeegyo bulsho ay ku haysteen.

Previous Post

Mudug: Muruq-maal shaqada dhismaha ay ka la wareegeen ajaaniib oo ka cabanaya nolol xumo

Next Post

Baydhabo: Dad naafo ah oo xal u arkay dawarsi markii ay ka istaagtay lacag lagu taageeri jiray

Related Posts

blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

December 9, 2025
Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday

December 8, 2025
Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso

December 7, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Qoysas nolol-xumo uga baxay shaqo ay ka heleen shirkad caanaha warshadaysa

December 4, 2025
Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda

December 3, 2025
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
Next Post
blank

Baydhabo: Dad naafo ah oo xal u arkay dawarsi markii ay ka istaagtay lacag lagu taageeri jiray

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-DEC-2025

IDAACADDA 10-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA 10-DEC-2025
December 10, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 09-DEC-2025
December 9, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 08-DEC-2025
December 8, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-DEC-2025
December 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-DEC-2025
December 6, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo