Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Mudug: Muruq-maal shaqada dhismaha ay ka la wareegeen ajaaniib oo ka cabanaya nolol xumo

Jibril Osman by Jibril Osman
May 2, 2025
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Xirfadaha gacanta oo nolol-maalmeedka ka caawiyay qoysas sabool ah/Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Yaasiin Abuukar Sheekh waxay cunno yari iyo how xumo ku wajahayaan xerada Alle-aamin ee duleedka magaalada Gaalkacyo. Danta ayaa ku qasabtay in halkaas ay degaan markii uu waayay shaqo dhismaha guryaha ah oo uu ka maareyn jiray nolosha reerka.

Shirkadaha ka shaqeeya dhismaha ayuu sheegay in ajaaniib ay u qaateen shaqooyinka ay qaban jireen muwaadiniinta uu ka mid yahay. Tira koob lagama hayo dadka ay arintan saameysay, balse Yaasiin ayaa xusay in boqollaal ay yihiin.

Qoyska ayuu tilmaamay in hadda aysan laheyn il dhaqaale, marka laga reebo shaxaad iyo deyn qaadashadeedu ka soo xirantay markii uu iska bixin waayay tii hore oo gaartay $150.

“Saddex waqti oo cunto ah inaan helno waan ka samirnay oo maba heli karno. Magaalada ayaan iska galaa wixii aan helo ayaa carruurta hal waqti dabka loogu shidaa. Haddii aan wax waayo xaaska ayaan la hadlaa oo aan dhahaa waxba ma hayo ee dariskiina wax weydiista.”

Yaasiin oo 26 jir ah ayaa sheegay in nolol warwar la’aan ah ay ku noolayeen, uuna haystay shaqo joogta ah oo uu ka helayay maalinkii $10 illaa $15. Wuxuu sheegay in reerku helayay cunto saddexda waqti ah, ayna degganaayeen labo qol oo kiradoodu tahay $40.

Kirada oo uu bixin waayay ayaa ku riixday in bishii Diseember ay u guuraan xerada ay hadda ku nool yihiin oo uu tilmaamay inay ka dhisteen aqal oo cooshad ah. Waa dhul bilaash ah, balse dadka leh ay ka saari karaan marka ay u baahdaan. Nolosha barakacu waa mid ku cusub oo aan horay u soo marin sida uu sheegay.

Yaasiin oo shaqo la’aan ah tan iyo bishii Sebteember, weli uma cadda illaa iyo inta uu ku sii jirayo xaaladan hubanti la’aanta ah oo waxbarasho la’aan ka dhigtay saddex carruur ah oo u dhiganayay iskuul hoose iyo dugsi Qur’aan. Wuxuu awoodi waayay inuu ka bixiyo soddon Doollar oo uu ka dhiibi jiray bishii.

“Silac iyo dhibaato ayaan ku nool nahay. Xaaladdu aad ayay iigu adag tahay. Waxbarasho waan awoodi waayay oo anagii ayaaba ku qasbanaanay inaan u guurno xero barakac oo aan ka guurno gurigii aan daganeyn.”

Ninkan oo dhismaha guryaha ka shaqaynayay muddo 15 sano ah ayaa tilmaamay inuusan lahayn xirfad kale. Yaasiin oo ah aabbaha afar carruur ah ayaa sheegay in subax kasta uu ka laho, kuna soo wareego goobaha dhismuhu ka socdo oo ajaaniib ay ka shaqeynayaan, isagana aysan fursad uga bannaaneyn.

“Dareen xun ayay igu beertaa markaan arko shaqo aan qaban karo oo loo dirayo nin ajnabi ah. haddaan dhaho shaqadan waan qaban karaa qofka mulkiilaha ah wuxuuba ku leeyahay ajnabi ayaan rabaa. Dalkii aan ku dhalanay ee aan ku sii dhalnay carruurta oo aan duruufo badan ugu samirnay, haddii ajaaniib nalaga doortay waxaan u arkaa mushkilad weyn.”

Dadka loo dhiso guryaha ayaa ku dhaliila shaqaalaha Soomaalida ah in xirfaddoodu ay yartahay, taasi waxay keentay in howshan ay uga maarmi waayan ajaaniib aqoon u leh. Sidaas waxaa Raadiyow Ergo u sheegay Xasan Maxamed Cali oo ka mid ah maamulka shirkadda dhismaha ee Micraaj.

Wuxuu tilmaamay inay shaqo siiyeen 25 ajaaniib oo u kala dhashay dalalka Pakistan, Bangaladhesh iyo Itoobiya. Wuxuu xusay inay ku xusheen aqoontooda oo la jaan qaadeysa dhismaha casriga ah.

Howshan ayuu sheegay inaysan u qaateen dad ka yimid dibadda, haddii ay jiri lahaayeen muwaadiniin ka soo bixi kara.

“Shaqada ay qabtaan waxaa ku qancaya qofka aan guriga u dhiseyno. Caqabadaha Soomaalidu ay leedahay waxaa ka mid ah isagoo kula jooga ayuu iska aadayaa meel kale isaga oo aan waqti ku siin. Ajnabigu sidaas ma aha oo wuxuu ku shaqeynayaa heshiiska aan galno.”

Xasan ayaa tilmaamay in ajaaniibta leh aqoonta iyo xirfadda ay ugu shaqeynayaan mushaar dhexe oo ah $300 illaa $600. Wuxuu intaas ku daray in hadda ay u tababaraan shaqaale Soomaaliyeed.

Ninkan oo shirkadooda dhismuhu ay ka shaqeyso deegaanada Puntland ayaa xusay inay muhiim tahay in dhallinyaradu kor u qaadaan xirfadda iyo aqoonta si ay u yaraato shaqo la’aanta ay wajahaan.

Maxamed Xasan Cumar wuxuu ahaa fuundi shaqada uga hooseeya injineerada. Shaqaalaha ayuu kor joogteyn jiray, marna isagaa shaqeyn jiray. Wuxuu maalinkii heli jiray $30 illaa $40. Wuxuu sheegay in dhaqaalahaas uusan maanta soo galin, shaqo joogta ahna uusan helin. Waa xaalad uu sheegay inay saameysay hab nololeedka qoyskiisa.

Wuxuu tilmaamay in ajaaniib lagu bedalay, hadana ay howshiisu ku kooban tahay shaqo hoose oo ah malaasid iyo dhagax jibin, taas oo uu helo toddobaadkii hal ama labo mar. Wuxuu xusay in bishii uu ka helo lacag ka yar boqol Doollar oo aan dabooli karin baahida qoyskiisa oo ka kooban 5 carruur ah, hoyadood iyo isaga.

“Wax badan ayay iga dabari jirtay shaqadu. Hadda waxaan isku soo koobay hal qol. Markii hore labo ayaan deganaa. Waalidkay biil ayaan siin jiray, ilmaha waxbarashadooda iyo raashiinkooda waan ku filnaa. Hadda waxaas oo dhan way adag tahay inaan daboolo. Haddii aan shaqo helo waan qabanaa. Haddii aan waayana waan iska laabanayaa. Xaaladdu way nagu xuntahay, ilaahay ha noo maciino.”

Maxamed ayaa sheegay in dhaqaale yarida darteed ay waxbarashada ka hareen bishii Nofeember saddex carruur ah oo dhigan jiray iskuul hooose iyo dhexe, markii uu awoodi waayay inuu ka dhiibo lacagta bishii oo ah $45.

Maxamed oo 38 jir ah ayaa tilmaamay in reerka oo markii hore u degganaa guri labo qol ah ay hadda ku nool yihiin hal qol oo kiradiisa oo $50 uusan bixin saddexdii bil ee la soo dhaafay.

Bixinta kirada, biyaha iyo korontada oo ku adag darteed ayuu sheegay inuu ka baqayo in dantu ku qasabto inuu dego xeryaha lagu barakacay.

“Dadkii i shaxaadi jiray ayaan la mid noqday hadda. Reerka oo aan waxba u awoodin waxay ugu haysaa dareen xoog leh. Ajaaniibtii ayaa shaqo fiican haysta, taas dhibaato weyn ayaan u arkaa, “ayuu xusay Maxamed.”

Soomaaliya heerka shaqo la’aantu waa mid sareeya. Waa caqabad aan ugub aheyn oo waqti dheer jirta.

Previous Post

Awdal: Qoysas wajahaya cunno xumo iyo hoy la’aan markii badda Saylac ay ku fatahday

Next Post

Muqdisho: Waxbarasho la’aan ka dhalatay dad qasab looga raray xero ay degganaayeen

Related Posts

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 23, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Next Post
blank

Muqdisho: Waxbarasho la’aan ka dhalatay dad qasab looga raray xero ay degganaayeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo