(ERGO) – Ku dhawaad 100 qoys ayaa ka barakacay guryahooda oo ku yaalla hareeraha xeebta dagmada Saylac ee gobolka Awdal, markii ay ku fataheen biyaha badda billowgii bishan, taasi oo sababtay cunno-xumo iyo hoy la’aan.
Dadkaas waxaa ka mid ah Canab Faarax Saleebaan iyo carruurteeda oo 9 ah. Biyo burburiyay gurigooda labo qol ka koobnaa ayaa bannaanyaal ka dhigay. Waxay dantu bidday in ay dulsaar ku noqdaan qoys ay ehello yihiin oo qayb ka mid ah daydka gurigooda ay jiiftaan.
Waxay la wadaagan hal mar oo ka mid ah maalintii cunno ay karsadaan. Qoyskan oo deggan meel ka durugsan xeebta ayay sheegtay in ay maciin-bideen, markii ay la soo baxsadeen naftooda si aysan u saameen biyaha harqiyay hoygoodii.
“Habeenba habeenka xiga way ka sii badanayeen. Annagu markii aan yaabnay xaafadaha waan ka qaxnay. Ilmaha dusha ayaan ku qaadanay. Naf maysan bixin. Laakiin hantidii aan haysan way qaadday haddii ay dhartahay, haddii ay maacuuntahay way la tageen.”
Waxay tilmaamtay Canab in ka hor fatahaadda ay ku filnayd maaraynta nolosha carruurteeda oo agoon ah, kuwaas oo saddexda waqti ay dabka u shidi jirtay. Shaqada nadaafadda oo ay ka qaban jirtay xaafiisyada iyo guryaha dad waynaha ayaa ka istaagtay tan iyo markii fatahaaddu dhacday.
Waxay ka heli jirtay bishii celcelis ahaan lacag dhan $150. Dhaqaalahan sidoo kale waxay ku dabbari jirtay waxbarashada 4 carruurteeda ah oo labo ka mid ah ay ku jiraan dugsiga dhexe. Waxay xustay in iskuulka ay dhigtaan laga soo eryi doono haddii aysan helin $40 oo ah lacagta ay wax kubar taan.
Waxay sheegtay in fatahaadda ay galaaftahay wax kasta oo ay haysteen, taas oo saamayn ku reebtay. Intaas waxay ku dartay in aysan ka samatabixi karin xaaladdan haddii aysan helin cid garab siisa. Waxay gocanaysaa nolosheedii ka horraysay fatahaadda.
“Markii hore nolol iska fiican baan haystay. Gurigii baan iska deganayn. Raashin baa ii yaallay. Wax walba ayaa ii yaallay, Laakiin iminka waxba iima Yaallaan oo waxaan dareemayaa dhib badan. Raashin la’aanta iyo wixii aan ku seexanayay ma jiraan. Qof-racfacmay maxaad u malayn oo wixiisiiba waayey.”
Haweenaydan ayaa xustay in carruurta iskuulka u dhigtay ay wajahayaan caqabad ay kala kulmeen fatahaadda. Waxay kala tagtay buuggaagtii iyo dharkii iskuulka ay ku dhiganayeen. Waxay sheegtay in aysan u iibin karin, taas oo walaac ku haysa.
Badda ku fathaday dagmada Saylac waxay saameyn taban ku yeelatay inta badan magaalada, gaar ahaan dhulka jooggiisu hooseeyo, isla markaana u dhow xeebta. Waxaa ku yaalla xarumo dowladeed iyo iskuulkii sare ee dagmada oo biyaha galay awgood u xirmay.
Layla Axmed Muuse iyo qoyskeeda oo saddex waxaa isku biirsaday fatahaadda barakacisay, isla markaana saamaysay ishoodii dhaqaale. Shaqada kalluumeysiga ayay ku tiirsanaayeen, taas oo uu qaban jiray saygeeda.
Hase ahaatee, tan iyo billowgii bishan April waxay ku jireen bad-xiran, maaddama jawigeedu uu aad u kacsan yahay. Xaaladan waxay dhaxalsiisay cunno xumo. Dhibaatadan waxaa u wehelisa hoygoodii oo qayb ka mid biyuhu ay burburiyeen.
Waxay sheegtay in ay dib ugu laabtay gurigeeda, markii biyaha baddu ay ka bexeen. Waxay isku dayeen in ay dayactiraan inkastoo duruufta dhaqaale ay u dan-sheegtay. Leyla ayaa Raadiyow Ergo in fatahaaddan ay timid iyagoo ku jira xaalad soo kabasho ah.
“Sanadkii hore duufaan baa nagu dhacday. Dufaantaasi dadkii ay aqallada ka baabi’say baan ku jiraa. Iminka labada qol baan dib u hagaajistay. Duufaantii hore anigoo ka soo kaban la’ ayaa hadana baddii noogu darsan tahay”
Waxay sheegtay in qoyskeedu uu ku tiirsan yahay cunno aan joogto ahayn oo ay ka heleen qoysas ay ehello yihiin. Xaaladdan waxay ku jiraan muddo ku dhow labo toddobaad. Saygeeda oo nolol-maalmeedka qoyska soo dhicin jiray waxay fatahaaddu ka qaadday doon iyo shamaag uu ku jilaaban jiray.
Waxaa la mid ah qaar ka mid ah kalluumeystada Saylac oo baddu ay ka qaadday qalabkii ay ku jilaabanayeen. Qoysaska fatahaadda badda ay saameysay ayaa ka helay kiilooyin raashin ah oo maamulka magaalada Saylac inkastoo aysan wada gaarin. Qoyska Leyla wuxuu ka mid ah kuwa aan helin.
“Dadka way kala liitaan marka dowladu qaar bay siisay raashinka, qaarna lama siin. Aniga oo kale la ima siinin, sidaas oo ay tahay biyaha u badan baa I soo galay. Biyuhu halka ay u badan yihiin ayaan degganahay. Laakiin dhowr qof waa la siiyay raashin. Anigu se maanan arag.”
Guddoomiye ku-xigeenka dagmada Saylac Saylac Daahir Barkhad Cali ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xukuumadda Soomaliland ay gaarsiiyeen xaaladda soo korortay. Wuxuu intaas ku daray in iyagoo ka jawaabaya samaynta gaartay dadka fatahaaddu ay gaartay ay gaarsiiyeen gargaar raashin ah, kaas oo aan baahidooda weli aan daboolin.
Ibraahim Axmed Muumin oo ku taqasusay cilmiga badda, isla markaana muddo afar sano ah la soo shaqeeyay wasaaraddii kalluumaysiga dowladdii dhexe ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in duufaano iyo juquraafi ahaan halka ay ku taallo Saylac ay sababayso in baddu ku soo rogmato.
“Magaalada saylac badda way ka hoosaysa oo baddaa ka saraysa. Buuraha gunta badda ku jira haddii aysan lahayn dabaysha bariga ka timaada biyaha ayay magaalada ku soo shubi lahaayeen. Dabaylaha bariga ka yimaada dusha sare ayay ka maraan saylac. Waa sidii qof ku jira ah oo kale sidaas ayay khatar u galisaa.”
Tobankii sano ee la soo dhaafay labo jeer oo ka mid ah ayay baddu ku fatahay magaalada saylac, hase ahaatee saamaynta ka dhalatay tii u danbaysa ayaa keentay in dad badan ay ka barakacaan magaalada guryo badan ay ku burburaan.