Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Galgaduud: Waalidiin maarayn waayay nolosha carruurtooda dhaqaale xumo awgeed

Jibril Osman by Jibril Osman
April 30, 2025
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Galgaduud: Waalidiin maarayn waayay nolosha carruurtooda dhaqaale xumo awgeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxamed Maxamuud Xuseen waxaa welwel ku hayo shan ka mid ah carruurtiisa oo bishii Deseember ee sanadkii hore laga soo eryay fasalada 7aad iyo 8aad ee iskuulka Waabari ee magaalada Dhuusamarreeb, markii lagu yeeshay $150 oo ah kharashkii ay wax ku baranayeen saddex bil.

Ninkan ayaa sheegay inay feker gaar ah ku hayso gabar sanadkan u fariisan lahayd imtixaanka dugsiga sare oo ay daruusta ka joogsatay. Wuxuu la murugaysan yahay mustaqbalka waxbarasho ee carruutiisa oo uusan hubin wuxuu ku danbayn doono.

Maxamed ayaa saddexdii bil ee ugu danbaysay wajahayay dhaqaale la’aan, markii suuq- xumo darteed ay meesha ka baxday shaqo farsamo gacmeed tumidda biraha ah oo uu ka soo saari jiray qarashka tacliinta iyo nolosha kale ee qoyskiisa oo ka kooban 10 qof.

“Macalinka bil walbo marka ay dhamaato lacag buu ka karaba hadanaan la siniin, ilmuhu ka dhibatanaya ama ka dilaya, aniga waxaa iso martay mar ilmuhu ay saddex malin ii weydinayeen wax ay qalin ku gatan oo aan u awoodi wayay xaaladan awgeed.”

Wuxuu ka mid yahay rag muruq-maal ah oo ku tiirsanaa samaynta alaabaha guryaha loo isticmaalo sida digsiyada, qaandooyinka iyo mindiyaha. Dadkii ku xirnaa ayaa u weecday adeegsiga alaabaha casriga ee dalka dibadiisa laga keeno, taas oo saamayn nololeed ku yeelatay.

Maxamed ayaa sheegay in hawsha samaynta iyo soofaynta birta oo uu ku shaqeysanayay 15-kii sano ee la soo dhaafay ay u ahayd isha keliya ee reerkiisa uu ka maarayn jiray. Ninkan ayaa sheegay inaysan jirin xirfad kale oo uu garanayo taas oo uu ku dhiiran karo qabashadeeda.

Wuxuu sheegay in uu noqday baagamuuddo, tan iyo bishii Nufeembar, markaas oo ay ku dhacday suuq la’aantan. Toddobadkiiba mar ayuu sheegay in hadda dadka reer guuraga ah ay u keensadaan dhowr shay oo afayn u baahan, taas oo uu ka helo $0.5 aan ku filnayn reerkiisa.

“Anoo gacmo maran markan guriga ku noqdo fikir iyo dhul xariiq ayaan gala, canjeeladi ay saaka gabadha dubtay oo aan koosar laheyn ayaan guriga ugu taga habenkii oo waxaa ilmiha lagu seexiyo wax yar oo cano booro ama shaax ah, waxaasina dhaqala xumada na soo foodsartay ayaa ugu wacan”.

Maxamed ayaa sheegay in lacag u dhaxaysay $100 ilaa $160 oo uu si maalinle ah uga heli jiray shaqadiisa ay meesha ka baxday. Wuxuu tilmaamay in suuq- la’aanta ay u dheer tahay daymo gaaraya $2500 oo iskugu jira qarashkii waxbarashada carruurta, qaar uu raashin ku qaatay, biyaha iyo korontada oo ka hor xaaladan qarkood laagu lahaa. Wuxuu intaas ku daray in laga doonayo hasa-ahaate uu faro maran yahay uusana garaneyn meel uu uga keeno.

Ninkaan ayaa sheegay inuu subax kasta u kallaho xaruntiisa oo aysan wax shaqo ah ka socon, waxaa sido kale loo heysta $180 oo ah kiro saddex bil ah oo isku gaartay. Wuxuu quus ka muujiyaay inuu suuq u heli doono 400 oo maacuun ah kuwaas oo uu horay ugu farsameeyaay gacantiisa. Wuxuu la’ yahay cid ka qaadata.

Wuxuu tilmaamay in macamiishi ay u sheegaan in aysan u baahnayn nuuca alaabtan ayna u hadda isticmalan alaabaha ay soo saaraan warshadaha casriga ah. Maxamed ayaa isbarbardhig ku sameeynaya xaalada hadda ee qoyskiisa iyo markii u shaqeysanayay.

“Noolashi hore noolal bey ii ahayd, tan hadda aan ku suganahayna waa noolal aad u liidata oo heer-kii uu qof bini’adam ah ku noolan laha tii ugu hooseysay waye, shaygii oo warshad sameeyneyn oo gacan laagu sameeynayo awgeed buu qalabkii shisheeyaha ka imanayay suuqa nooga saray oo shaqadanadii ay qadka uga baxday.”

Dhamaan ragga ku shaqeyn jiray farsamadan ayaa si isku mid ah u mutay nolol xumada saamaysay qoysaaskooda, maaddaama aysan haysan il kale oo dhaqaale. Waxay dantu ku qasabtay in ay deyn joogta ah weydiistaan dukaamada magaalada ama ay eheladooda u dan sheegtaan si ay hal mar dabka ugu shidaan reerahooda.

Cabdiwali Maxamed Faarax oo ka mid ah dadka ay arrintaan ku dhacday wuxuu irdaha u laabay bishii Nofeembar ee sanadkii hore dukaan yar oo uu ku iibin jiray, kuna samayn jiray alaabaha uu ku soo saaro farsamada biir-tumista markuu uu waayay cid wax ka iibsata.

Wuxuu sheegay in hadda qoyskiisa oo 14 qof ah ay wajahayaan nolol-xumo aad u liidata. Wuxuu tilmaamay in dabka ay saartaan hadbo wixii u ka soo helo shaqooyin xoogsi ah oo aan joogta aheyn. Marka uu waayo ayuu sheegay inuu dayn ka soo qaado dukaanno ay horay macaamiil ugu ahaayeen.

“Mar haddii ad shaqo gacanta ku heyn wax badan baa iska ka badalayo, waxaa isbadalay sida inaad heli karin waxad u bahato oo noolal-malmeedkaga ayaa noqonayo wuxuu illahey ogyahay sida waxbarashada carrurta, inaad deyn aad horay u qadan jirin qadato iyo culeysyo kale oo badan.”

Wuxuu xusay in uu ka heli jiray shaqadiisa ugu yaraan lacag gaaraysay $10 maalintii taas oo si buuxda ugu filnayd. Wuxuu Sheegay in uu ka welwelsan in ay ka istaagtay shaqadaas oo uu ka filayay mustaqbal waara. Wuxuu intaas raaciyay inay culeys ku heyso xaalada ay qoyskiisu galeen.

Wuxuu sheegay in Shaqadan uu ku tiirsanaa 10-kii sano ee u danbeysay, taasi oo hadda reerkiisa oo 6 qof ah ku riixday nolol xumo aysan horay u mudan. Wuxuu xusay in culeys ay ku heyso waxbarasho la’aanta 3 ka mid ah carrurtiisa oo u dhigan jiray dugsi hoose dhexe, kuwaas oo uu u awoodi waayay $24 oo ay bishii wax ku baran jireen.

“Culeys baan daremaya uma ogoaladeen haddan heli karo waxbarasho la’aan, waxaan hayana ma aysan wayeen lakiin awood la’aan ayaa kentay, qur’anka ayaa igu sii xanuun badan oo kurbo leh, lakiin illahey ayaan kalmo weydisaneyna.”

Nuur oo 40 sano jir ah ayaa sheegay in uusan laheyn xirfad kale oo u ku shaqaysto. Waxaa u dheer  inuu la nool yahay  xanuun kilyaha ah oo uusan ka xoogsan Karin. Waxaa welwelka ku kordhinaya guriga ay deggan yihiin oo uu xusay in lagu war galiyay in ay iskaga guuraan haddaysan awoodin kirada.

Wuxuu tilmaamay in shaqadiisii uu bille uga heli jiray lacag u dhaxaysa $100-200, taas oo kaga filnayd baahiyaha aasaasiga ah qoyskiisa. Wuxuuu sheegay in hadda sidoo kale loo haystay $400 oo uu raashin carruurta ugu qaaday bilihii tagay.

“Qof bagamuudo ah oo aan wax shaqo ah heyn waa daremi karta noolashiisa wax weyn maahan, kiiro $40 ayaa dhowr bilood nagula leeyahay meel aad ka bixiyana ma haayo, wax laga sheekeyn karo ma’ahaan.”

Ninkan ayaa sheegay in macamiishiisu ay ahayeen dadka reer guuraaga ah oo alaabaha uu ugu geyn jiray deeganadooda, kuwaas oo hadda u sheegay in roob yarida ay sameeysay qarkoodna ay u hayaameen deegaano ay xoolahooda nacfi uga heli karaan isagana uusan gaari karin.

Dhibaatooyinka dhaqaale xumo ee soo foodsaartay dad badan oo ka shaqeeya shaqooyinka farsamada gacanta ah ayaa saameyn taban ku yeeshay nolosha qoysas badan oo danyar ah, kuwaas oo markii horeba shaqooyinkooda ay u nuglaayeen abaaraha iyo guurguurka xoolo-dhaqatada daaq-raaca ah.

Previous Post

Kismaayo: La kulan 12 jir ku filnaaday nolosha qoyskiisa oo barakac ah

Next Post

Awdal: Qoysas wajahaya cunno xumo iyo hoy la’aan markii badda Saylac ay ku fatahday

Related Posts

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 23, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Next Post
Awdal: Qoysas wajahaya cunno xumo iyo hoy la’aan markii badda Saylac ay ku fatahday

Awdal: Qoysas wajahaya cunno xumo iyo hoy la’aan markii badda Saylac ay ku fatahday

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo