Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: La kulan 12 jir ku filnaaday nolosha qoyskiisa oo barakac ah

Jibril Osman by Jibril Osman
April 29, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Kismaayo: La kulan 12 jir ku filnaaday nolosha qoyskiisa oo barakac ah

 Cabdiraxmaan oo faas ku afeynaya mishiinta badashay nolosha qoyskooda/Axmed Toronto/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdiraxmaan Maxamed Nuur oo 12 jir ah waa qofka keliya ee ay ku tiirsan yihiin waalidkiis iyo walaalihiis. Nolosha reerka ayuu ka maareeyaa mishiinka lagu afeeyo mindiyaha.

Howshan wuxuu ku dhinac wadaa waxbarashada iskuulka iyo dugsiga Qur’aanka. Wuxuu sheegay inta uusan shaqadan billaabin in qoysku uusan laheyn ildhaqaale, ayna wajahayeen cunno yari.

Reerku waa danyar ku nool xerada lagu barakacay ee Xamdi ee magaalada Kismaayo. Hooyadiis waa naafo, aabihiisna waa 75 jir aan shaqeyn.

Cabdiraxmaan ayaa xusay inuu go’aansaday in xaaladdan adag uu reerka ka saaro oo uu masuuliyadda dusha saarto. Waa mid culus marka loo eego da’diisa, balse wuxuu ku faraxsan yahay in baahida qoyska uu daboolay, iyagoon cidna maciin bidin.

“Sababta aan u shaqeynayo ee aan u rafaadayo waa inaan waalidiintay iyo walaalahay wax u qabto si aysan dad kale ugu baahan, waana ku faraxsanahay taas.”

Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay in dhaqaale gaaraya $6 illaa $7 uu maalinkii uu ka helo howshan oo uu billaabay bishii Janaayo ee sanadkan.

Mishiinka uu mindiyaha ku afeeyo waa mid aan ku shaqeyn koronto iyo shidaal. Lacagta lagu gaday oo ah $270 waxaa bixiyay nin qaraabo la ah hooyadiis.

Isagoo riixaya, kuna dhawaaqaya shaqo makuu qabtaa ayuu ku gaaf wareegaa xaafadaha iyo faras magaalaha Kismaayo.

Agabkan iyo howsha uu hayo waa mid qariib ku ah magaalada. Cabdiraxmaan oo aan weligiis horay u shaqeyn ayaa ka war bixinaya caqabado uu si joogta ah ula kulmo.

“Qof aan shaqo u qabtay ayaa i dhahaya si fiican uma afeyn mindida, markaas lacag ima siinaayo, mid kale wuxuu ku dhahaa iisoo laabo lacag hadda mahaayo, anna waan ka tagaa oo kuma soo noqdo, xaafadda ayaa fog. Qaar haddaan ku laabto maalinka xiga way ii diidayaan lacagta ama way iga dhuumanayaan.”

Wiilkan aan qaangaarka aheyn ayaa tilmaamay inay ka go’antahay in nolosha reerka uu wax ka beddelo. Waa riyada maskax curdan ah, balse gaartay natiijo billow ah.

Cabdiraxmaan ayaa xusay in carruurta dhiggiisa ah aysan badi shaqeyn, balse isaga duruufaha dhinaca nolosha ee haysta qoyskiisa ay ku dhaliyeen inuu u fekero sidii qof weyn.

Waa curad ku xigeenka reerka. Waxaa ka weyn gabar uu sheegay inaysan wajahi karin caqabadaha ay leedahay shaqada uu hayo.

“Hooyaday waa cuuryaan oo wax caawinaya malahan, aniga ayaa xaafadda ugu weyn dhanka wiilasha, waana sababta aan u shaqeynaayo. Waxaan rabaa inaan dadkeyga waxbaro oo waxna fahansiiyo oo horumar aan gaar siiyo.”

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in toddobaadka oo dhan uu shaqeeyo, haddane wuxuu soo saaro aysan ka badneyn in labo waqti reerka dabka loogu shido. Wuxuu tilmaamay in 12 saac oo maalinkii ah uusan nasan oo marna uu shaqeeyo iyo marna uu aado iskuulka hoose iyo dhexe ee Dayax oo uu ka dhigto fasalka lixaad.

Waa iskuul Waxbarashadiisu bilaash tahay oo ay dhigtaan carruurta ka soo jeeda qoysaska soo barakacay iyo kuwa danyarta ah.

Cabdiraxmaan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in shaqadu ay culeys ku keentay waxbarashadiisa, balse wuxuu xusay in go’aan aan ka laabasho laheyn ay tahay inuu wax barto, una shaqeeyo reerka.

“Waxbarashadeyda sida dadka kale uma wadi kari, sababta waxay tahay shaqo ayaan aadaa, dugsina waan dhigtaa oo waxaan aadaa lixda subixii, waxaan ka soo baxaa siddeedda subaxnimo, markaasna iskuulka ayaan aadaa oo waxaan ka soo baxaa duhurkii. Leyliga lay soo qoro jaanis uma helo. Haddaad shaqo aado oo aad hunguri ka fekerto si fiican wax uma fahmeysid.”

Cabdiraxmaan hortiis waxaa nolosha qoyska maareyn jirtay hooyadiis Janaay Maxamed Eenow oo 45 jir ah. Hal waqti ayay dabka ugu shidi jirtay waxay ku soo hesho dawarsi oo raashiin ama lacag ah.

Waa qof uu lugaha ka naafeeyay cudurka Dabeysha iyada oo jirta siddeed sano. Hadda kama baxdo guriga, reerkuna sidii hore wuu ka nolol fiican yahay, sida ay xustay.

“Aadbaan ugu faraxsanahay wiilkeyga shaqada uu noo hayo, wuu noo dadaalaa, si aan dadka u tuugsanin. Garab kiisa Alle ha qabto oo haka dhigo mid ku guuleysta dadaalkiisa.”

Janaay ayaa sheegtay in mishiinka uu ku shaqeeyo wiilkeeda uu ku dhaliyay nin ay qaraabo yihiin, xilli ay u bandhigtay inaysan garguurad ku aadi karin magaalada, xaalad caafimaad oo ay wajaheyso darteed. Waa taageero ay tilmaantay inay ku soo beegantay xilli adag.

“Walaalahayga muslimiin ah ayaa dhanka Nairobi iiga soo gaday oo iiga soo dhiibay. Mishiinka dhagaxiisa xagaas laga hellaa, Kismaayo lagama hello. Iyagga idhahay birtaas ha laguu doono. Ilmaha ha kuugu shaqeeyaan. Anaga markasta maku caawin karo.”

Janaay oo ah hooyada shan carruur ah ayaa magaalada Kismaayo ku soo barakacday sanadkii 2007. Abaar ayaa ka saameysay beer siddeed hektar ah oo ku taalla deegaanka Maganbow ee gobolka Jubbada Hoose.

Muddo siddeed iyo toban sano ah oo ay barakac tahay ayay sheegtay inaysan noqon deegaan, sidoo kalana aysan helin hoy wanaagsan, cunto iyo biyo ku filan.

Carruur badan ayaa waxbarashada uga haray shaqooyin ay waalidkood u direen, balse hooyada Cabdiraxmaan waxay sheegtay inaysan taas la rabin wiilkeeda oo aysan hadda uga maarnin howsha uu hayo.

Previous Post

Muqdisho: Qoysas bannaanyaal noqday markii laga raray xero ay ku noolaayeen

Next Post

Galgaduud: Waalidiin maarayn waayay nolosha carruurtooda dhaqaale xumo awgeed

Related Posts

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 23, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Next Post
Galgaduud: Waalidiin maarayn waayay nolosha carruurtooda dhaqaale xumo awgeed

Galgaduud: Waalidiin maarayn waayay nolosha carruurtooda dhaqaale xumo awgeed

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo