(ERGO) – Suubiya Sheekh Yuusuf iyo carruurteeda oo 6 ah waxay ka faro maran yihiin ganacsi yar oo noloshoodu ay ku tiirsanayd, markii 25 Fabraayo qasab looga barakiciyay xerada Fililbiin ee degmada Garasbaaley.
Xaaladaan ayaa u horseeday cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ay hadda ku wajahayaan dhul banaan oo duleedka magaalada Muqdisho ah. Waxay sheegtay in ay dibad yaal noqdeen iyada iyo carruurteeda.
Qoyska Suubiya wuxuu ka mid yahay 215 qoys oo bishan Maarso laga saaray xerada, kuwaas oo hadda wajahaya nolol adag. Suubiya iyo carruurteeda waxay si ku-meel-gaar ah u degaan yihiin geed hoostiis, markii ay waayeen meel kale oo ay miciin sadaan.
Hoy la’aanta waxaa u sii dheer cunto yari. Waxay sheegtay in barakicintaan lagu soo aadiyay xilli adag oo aysan ka sii tabaabushaysanin.
“Xeradii hore waxaan ku heysanay dad macrifo ah oo na caawiya. Ganacsiyo yar-yar sida yaanyanada iyo nacnacaha oo ayaan gadi jirnay. Hadda wixii aan heysanay oo dhan gacanteena waa ka baxeen. Silic iyo saxariir ayaan ku noolanahay.”
Suubiya ayaa sheegtay in barakacintaan oo deg deg ahayd ay kaga baaba’day lacag $200 ah oo ay hanti ka heysatay. Waxaa markii hore ku caawiyay qof samafale ah, kaddib ayay ku bilawday miis yar oo xeerada u dhax yaalay oo ay ku iibineysay khudaar.
Wuxuu u ahaa isha kali ah ee dhaqaale uu ka soo galo qoyskeeda, taas oo keentay in ay mesha ka baxday $2 ila $3 oo ay maalmaha qaar ay ka heli jirtay carruurteedana ugu filnayd cunto labo mar ah.
Waxaa intaas u raacday in biyaha oo horray ay ku haysteen xeradii laga soo barakiciyay in ay hadda dhib ku qabaan. Waxay sheegtay in ay la qabsan la’yihiin noolasha cusub ee ay galeen.
“Biyaha hadda waxaan soo jiidanaya halkii caag waa saddex kun. Qofkii aan soo jiidan Karin waa loo soo jiidaa. Markii hore biyo waan heysanay afka ayay naga saarnaayeen. Hadda waxaan ahay guriga la’aan indhahaaga ayaad ku arki karta.”
Qoyska Suubiya ayaa sanadkii 2023 ka soo barakacay degmada Qoryooley ee gobolka shabeellada hoose. Dagaal beleedyo xilligaas dhacay ayaa lagu dilay odeygeedii oo u ahaa qofka kali ah ee u dhaqdhaqaaqi jiray reerka.
Xerada laga barakiciyay ayay ku biirtay, waxaana xilligaas dadka iska leh dhulka ay u ballan qaadeen in ay daganaadaan muddo shan sano ah, balse balantaas lama oofin sida ay sheegtay.
Garyaqaan Xuseen Cali oo ah maamulaha xarunta Daryeel ee sharciga ayaa sheegay in caqabadan ay tahay mid jirta xalka looga baaqsan karana uu yahay in dadka ay qaab sharci ah kula macaamilaan dadka dhulalkooda dagaya.
Wuxuu sheegay in xeryo badan si ku-meel-gaar ah loo dhisay iyada oo aan la helin heshiis rasmi ah oo la xiriira joogitaanka dadkaan. Arintaas waxay keentay in dadka barakaca ah ay ku noolaadaan xaalad hubaanti la’aan ah.
Qoysaskaan waxay mar walba la nool yihiin cabsi la xiriirta goorta la barakicin doono. Garyaqaanka aya tilmaamay in karaankooda ay iskudayaan in dadka barakcay goobo kale loo helo.
“Annaga howlaha aan qabano waxaa ka mid ah in aan dib u dejino dadka soo barakacay iyo in aan u dacwoono inta aan la barakicin, maaddama ay yihiin dad aan waxba heysan. Waxaa jira ilaa todobo kiis oo aan ku guuleysanay sanadkii hore, kuwaas oo ku saabsanaa joojinta barakicinta, waxaa jira dad badan oo siyaabooyin sharci daro ah wax ku raadinaya markii ay dadka heshiiska la galayaan.”
Xuseen ayaa sheegay in dadka goofleyda ah aysan inta badan tixgalin dadka soo barakacay oo marka ay dhulkooda suuq u helan ay go’aansadaan in ay barakiciyaan war-gelin la’aan.
Wuxuu tilmamay in sanadkii hore ee 2024 ay wacyigalin arrintaan ku aadan u sameeyen 5,000 oo qof oo dadka soo barakacay ka mid ah. Wuxuu tilmaamay in ay kala hadleen in aysan galin heshiis afka ah si ay uga badbaadaan in banaanka la dhigo.
“Marka ugu horeysa dadka soo barakacay markii ay rabaan in ay meel degaan waxa ay u baahan yihiin la talin iyo wadiiqo sharci ah oo sax ah in ay u maraan deegaanmeyntooda. Mararka qaarkood waxay galaan heshiiyo afka ah oo aan berri waxba laga qaban Karin, maaddama qofkiiba aan la heli Karin, laakiin haddii heshiis qoran aad gashaan berri haddii qofkaasi la waayo waxaa idiin shaqeyn doonaa qoraalka aad wada gasheen.”
Dadka xaaladan mutay waxaa ka mid ah 50 qof oo naafo ah, Maryan Maxamed Xasan oo labada lug iyo hal gacan naafo ka ah ayaa sheegtay tan iyo markii la soo barakiciyay ay galeen xaalad adag oo dhanka nolosha ah. Waxay tilmaamtay in qoyskeeda oo saddex qof ah ay cunno yari ka dhaxleen barakicinta, taas oo saameyn ku yeelatay.
Maryan ayaa xustay in qoyskeeda ay hadda hal waqti dabka ku shita raashiin ay dariska ku caawiyaan. Haweenaydaan ayaa intaas ku dartay inay ku adag tahay inay soo deynsato raashiin, maaddama aysan jirin meel ay dhaqaalo ka soo galaan xiligaan oo ay isaga bixin karto ama lagu aaminayo. Duruuftaan ayaa ku qasbeysa inay is gaarsiiyaan wixii kaalmo ah ee ay dadka ka helaan.
“Cuntada marna waan helnaa marka waan weynaa. Haddii aan wax ka weyno baahi ayaan ku seexina. Hal waqti ayaan wax karsanaa mar mar.”
Maryan ayaa sheegtay in xeeradii laga soo barakiciyay ay ku heysteen tuubooyin biyo ah oo ganacsade deegaanka ah uu u soo xiriiray. Waxay xustay in sidoo kale ay dadka dariska la ah si joogto ah uga heli jireen cunto ay ku caawiyaan oo hal mar ugu filnaan qoyskeeda, kuwaas oo hadda mesha ka baxay.
Haweenaydaan ayaa tilmamtay in sanadkii 2022 ay ka soo barakaceen deegaanka Kuntowaarey ee gobolka Shebellada hoose. Wiilkeeda oo u xamaali jiray ayna nolosha qoysku ku tiirsanayd ayaa xilligaasi ugu dhintay shil gaari. Markii ay noloshu isbixin waysay ayay soo maciin biday xeryaha barakaca Muqdisho.
Dadka ka soo barakacay coladaha iyo isbadalada cimilada sida abaaraha iyo fatahaadaha ee soo gala xeryaha barakaca badankood ma helaan nolol nagaansho leh. Waxa qaar dib looga barakaciyaa xeryaha, halka kuwa kalena marka ay ka waayaan nolol dhaanta tii ay ka yimaadeen ay ku qasbanaadaan in ay meelo kale sii aadaan.