(ERGO) – Xaalad cunno xumo ayaa soo wajahday qoyska Jaamac Maxamed Xasan oo 17 qof ah, markii uu ka ximarmay dukaan uu ku iibin jiray raashinka. Daymo uu ku yeeshay beeraleyda deegaankiisa Ruqi oo dib ay ugu soo celin waayeen ayaa u horseeday dhaqaale burburka soo wajahay.
Xaaladdan waxay si guud u saameysay ganacsatada deegaankiisa oo hoostaga gobolka Awdal. In ka badan 40 dukaan ayaa xirmay labadii bil ee la soo dhaafay. Saamayntan ayaa timid markii dalag la’aan ay saameysay beeraley wax ka iibsan jiray, raashinna ay amaahiyeen sanadkii hore.
Tobankii bil ee u danbeeyay Jaamac waxaa dayn ahaan looga qaatay $6,000, taas oo dib ugu soo laaban waysay. Wuxuu sheegay in meheraddiisu ay isbixin waysay. Beeraleyda uu ku leeyahay lacagta oo macaamiil la’ahaa ayaa gaaraya ku dhawaad 50 qoys.
Waxay duruuftu bidday in nolosha qoyskiisa uu ku dabbaro kiilooyin raashin ah oo uu ka soo amaahdo bakhaarro ku yaalla dagmada Baki. Hal waqti oo ka mid ah maalintii ayaa dabka loo saaraa si uu u beeqaamiyo. Wuxuu ka dayriyay xaaladda adag ee la soo gudboonaatay.
“Beerihii waa kuwaas oo wax ku yaalla ma jiro. Nolosheenii ayaa qiil-qiil ku jirta. Saddexdii waqti cunadii reerka awal labo ayaan dhib ku heli jirnay. Laakiin iminka halkii mid ayaaba quus ka jirtaa.”
Dhaqaale xumada haysa waxay sidoo kale soo dadajisay in waxbarashada ay ka haraan afar ka mid ah carruurtiisa. Waxaa xirmay dugsi sare oo ay dhiganayeen, kaas oo albaabada loo laabay bil ka hor, markii waalidiintu ay bixin waayeen lacagta waxbarashada carruurtooda.
Wuxuu tilmaamay Jaamac in dadka deegaankiisa nolol ahaan ay isku heer noqdeen, maaddama si guud xaaladda ka dhalatay roob la’aanta ay u saameysay. Wuxuu xusay in dhaqaalahooda uu ku tiirsanaa inta badan beeraha, kuwaas dalag la’aan ay ku dhacday.
“Dadka saraca (dalagga) uu u soo go’a ayaa wax naga iibsan jiray. Dadka xoolaha iibsadaa waxbay naga iibsan jireen. Sidaas baan kuwada shaqayn jirnay oo ganacsigu noogu socday. Labadii markii midnaba la waayay, lacagihii dadkii aan ku lahayna soo bixin waayeen sidaa awgeed ayay u xirmeen dukaamadii. Beeraleyda saddexda bil ee beeruhu u soo baxaan ayay iska bixin jireen, Iyana waa la waayay. Wixii lagu lahaa hawaday ka baxday.”
Ninkan oo 65 jir ah wuxuu ganacsade ahaa siddeed sano. Wuxuu xusay in muddadaas oo ku naaloonayay dhaqaalaha ka soo galayay meheraddiisa oo hadda meesha ka baxday. Wuxuu sheegay in uusan hayn qorshe uu kaga dabaasho dhaqaale xumada haysa.
Wuxuu isku dayay in uu dib u maal-galiyo dukaankiisa, hase ahaate waxaa lagama-maarmaan noqotay helidda daynta raashin jumlo ah. Qorshahan wuxuu soo billaabay bartamihii sandkii hore, balse waxba kam soo-naaso-cadaan.
Bakhaarro uu raashinka jumlada ah ka soo gadan jiray, kuwaas oo ku yaallada magaalooyinka Boorama iyo Baki ayaa u diiday in dayn siiyaan.
“Qofka markaad wax u gayso ayuu wax ku soo siinayaa, Waxaa u gaynana ma jiro. Waxaa iigu danbaysay toddobo bil ka hor waxba kama soo qaadan, wixiina waa la waayay. Waa laga quustay.”
Beeraleyda uu siiyay daynta oo dhowr jeer muddeeyay waqtiga ay ku bixinayaan lacagta ayuu xusay in aysan weli fulin ballanta sabab la xariirta tacab la’aanta ku dhacday beerahooda.
Cabdinaasir Cabdillaahi Cabdi wuxuu ka mid yahay beeraleyda daymaha lagu leeyahay, kuwaas oo awood u waayay in ay iska gudaan. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in lagu yeeshay $3,000 oo raashin iyo shidaal uu ku qaatay sanadkii hore.
Shidaalka ayuu u isticmaalay matoor uu ku waraabin jiray beertiisa, kaas oo sii shaqayn waayay, markii guray ceel beertiisa ay ku tiirsanayd roob la’aan darteed.
Wuxuu ku hungoobay rajadii uu ka qabay in dalagga beertiisa ay xal u noqoto daymaha lagu leeyahay oo si joogta ah ay u waydiiyaan dadka ku leh, markii roob la’aan ay saameysay saddex xilli oo isku xigay beertiisa oo hal hiktar ah.
“Marwalba waxaan iska dabari jirnay dalagga afar Bilood ilaa saddex Biloodka ah, wuuna soo go’i jiray, sidaaana waxwalba noogu socon jireen. Hadda iyo magaaladii aan wax ka qaadan jirnay amba kaalmo shidaal ha ahaato tukaamadii oo dhana daymo fara badan nagu yeesheen. Markaa waan awoodiba waynay in aan beerihii dib u soo kicinno.”
Lacagta lagu leeyahay iyo dhaqaale xumada haysa waxay ku qasabtay in uu ka hayaamo deegaankiisa Ruqi. Wuxuu tagay dagmada Baki, halkaas oo shaqo xoogsi ah uu ka helay.
Wuxuu subax walba u kallahaa gododka laga qodo dahabka, kuwaas oo ku yaalla buurta Siimoodi. Shaqadan waxaa ku wehliya qaar ka mid ah beeraleyda deegaankiisa, kuwaas oo u shaqeeya shirkadaha dabka qoda.
“Toban ilaa tabaatan qof ayaa meesha ku joognaa. Shan ilaa lix maalin waxaa laga yaabaa in aadan waxba ka soo helin. Maalin baa laga yaabaa in aad ka soo hesho 200 ilaa 300 oo shilinka Soomaaliland-ka ah.”
Qoyskiisa oo sagaal ah ayuu u diraa lacagtan. Wuxuu sheegay maalmaha uusan helin in uu caawinaad waydiisto dadka ehellada ay yihiin. Qoyskiisu waxay cunnada helaan 24-kii saacba mar, xaaladda waxay ku jiraan tan iyo bartamihii sanadkii hore.
Wuxuu tilmaamay walaaca ugu badan ee haya in uu yahay bixinta lacagta lagu leeyahay oo saamayn taban ku reebtay. Wuxuu qorshaynayaa in uu ku laabto beero falashada marka uu deegaankiisu uu helo roob ku filan.
Beeraleyda iyo ganacsatada ay dantu u dayrisay waxay ka siman yihiin dhaqaale xumada, maaddama ilahoodii dhaqaale si toos iyo si dadbanba ay u saameysay roob la’aanta.
Cabdisalaan Maxamed Aadan waxaa ka xirmay dukaan oo uu ku iibinayay raashin iyo bagaash. Dhaqaale burburkan oo bishii Febraayo ee sanadkan soo billowday wuxuu cunno xumo bidday qoyskiisa oo siddeed qof ah.
Waxay cunno hal waqti ah la wadaagaan qoys ehello ay yihiin. Ka ahor xaaladdan waxay si maalinle ah uga heli jireen meheraddooda $5-$7 oo faa’iido ah. Lacagtan ayaa ugu filnayd nolol-maalmeedkooda.
Wuxuu sheegay Cabdisalaan in dhaqaale xumada galaaftay ganacsigiisa ay soo jiitamaysay laga billabo bartamihii sanadkii hore. Dadka daynta uu siiyay oo beeraley u badnaa ayaa ku qasaray dalagyo ay beerteen labadii xilli roobaad ee u danbeeyay.
Dayntii uu ka filayay in ay u gudaan ayaa meesha ka baxday. Wuxuu sheegay in $3,200 ay ka maqan tahay, taas oo haddii uu dib u heli lahaa rajada ganacsigiisa badbaadin lahayd. Dadka daynta uu siiyay ayuu xusay in ay noqdeen kuwa nugul dhaqaale ahaan.
“Dadku way kala duwanyihiin oo waxa jira qaar shaqsiyaada iyo qaar xaaslaya. Shaqsiyaadka qaarkood waxaa ku leeyahay $20 ilaa $300. Xaafadaha qaatay raashin iyo biilka ayaa badan. Qaarkood ayaa lagu leeyahay kun dollar.”
Waxaa jiray ganacsato iyo beeraley ka barakacay deegaanka, markii ay u adkaysan waayeen dhaqaale xumada haysa sida uu sheegay maamulka deegaanka Ruqi. Waxaa kale saameyntan u xirmay dugsigii sare ee tuulada.
Roob la’aanta saameynta taban ku haysa beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada waxay u soo wareegtay noloshii magaalada. Ganacsiyada ku yaalla dagmooyinka iyo tuulooyinka ayaa wajahaya qasaare, maaddama dhaqaale ahaan ay wiiqmeen reer miyigii ay ku tiirsanaayeen.