(ERGO) – Qoyska Xaliimo Xuseen Cumar oo 11 qof ah waxay xaalad biyo yari,` cuno xumo iyo hoy la’aan ah ku wajahayaan xerada Arlaadi ee duleedka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud oo ay ku barakaceen bishii janaayo ee sanadkan.
Waxay ka mid yihiin 53 qoys oo xerada soo gaaray saddexdii bil ee la soo dhaafay, markii roob yari iyo colaado ay saameeyeen. Qoyskeeda ayaa degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay uga soo barakacay abaar labo xilli oo isku xigay nacfi tirtay beer afar hektar ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd.
Waxay ku hungowday damaceedii ahaa in ay xerada ka heli doonto nolol dhaanta midday ka soo barakacday. Waxay sheegtay in ay ku adag tahay in carruurteeda ay hal mar u hesho wax ay dabka u saarto.
“Culays weyn ayaan dareemayaa, raashin la’aan wax aan haysano ma leh. Dhibaato ayaa xerada nagu haysata. Carruur yar yar ayaa ii joogta daawo iyo isbitaal ma haysano, kulaylka hoy aan ka galno ma leh, ilmihii iskuul iyo dugsi ma haystaan.”
Xaliimo ayaa subax kasta magaalada u raadiso shaqo dhar dhaqis ah, balse waxay soo laabataa galabkii iyadoo faro-maran. Waxay u sababaysay magaalada oo aysan macaamiil badan ku lahayn iyo dadka oo inta badan isticmaala mishiinada casriga ah oo looga maarmay. Maalinta ay hesho waxay la soo hoyataa $3. Xilliyada aysan helin ayay sheegtay in ay gaajo ku seexiso carruurteeda oo kan u yar saddex jir yahay.
Haweenaydaan ayaa sheegtay in aysan dukaamada magaalada ka qaadan karin wax deyn ah, maaddaama aysan cidna ka garanayn. Xaliimo ayaa dhanka kale tilmaamtay in qoyskeeda ay ku adag tahay helitaanka biyaha.
“Aad ayaan ugu dhib qabnaa biyo bilaash ah ma jiraan. Biyaha waa nus doolar, $0.25, $0.30 ilaa $0.40 sinti oo xaafadaha iska aruuriyaan markaas ayaa bisha lagu dhiibaa. Hay’ad hore ayaa biyo noo suubisay ka bacdina waa naga goosatay. Ceelal ayaa ku yaalla iyagana waa lacag ma awoodno.”
Xaliimo ayaa xustay in markii aysan helin lacagtaas ay dariska biyo waydiistaan. Waxaa u raacday hoy xumo ay xerada ku wajahayaan. Qoyskeeda ayaa degan labo buush oo baco ka samaysan oo hay’adda NRC ay u dhistay markii ay yimaadeen. Qorraxda ayaa dhamaysay iyaduna uma hayso dhaqaalihii ay ku dayactiri lahayd.
Dhanka kale haweenaydan ayaa tilmaamtay in lix carruur ah oo Qansax-dheere uga dhigan jiray iskuulka hoose dhexe ay waxbarasho la’aan noqdeen. Waxay isku darkooda ka bixin jirtay $24 bishii, taas oo ay awoodi la’dahay hadda.
Xaliimo oo carruurta kaligeed korinaysa ayaa sheegtay inay kala tageen ninkeedii sidoo kalena aysan ehelkiisa iyo keeda midna garab istaag ka helin.
Magaalooyin gobolka Bay ka tirsan oo Qansax-dheere ka mid yahay ayaa in ka badan 10 sano ku jiray go’doon ay Al-shabaab galiyeen. Gawaarida ayaan gali karin magaalada kana bixin, taas oo keentay in maciishadu qaaliyowdu oo dadka danyarta ah ay iibsan waayeen.
Gaari-dameero ay si dhuumaalaysi ah ku soo rarteen ayay sheegtay in ay kaga soo baxeen oo ay ku yimaaadeen magaalada Baydhabo oo u jirta 90 km. Ka dib ayay tilmaamtay in dad ehel la ah oo ku nool xerada Arlaadi ay kula taliyeen in ay imaadaan. Waxay xilligaas ku wargeliyeen in xerada laga qaato kaarar ay bixiyaan hay’ado samafal, balse deeqdaas ayaa go’day bilo ka hor. $240 oo qaybna ehel ay ka heleen qaybna masago u taallay oo ay iibiyeen ayay Baydhabo gaari kaga soo raceen oo ay Dhuusamareeb ku yimaadeen sagaal beri kadib.
Dadka kale ee xerada Arlaadi ku wajahaya xaaladda nolol xumada ah waxaa ka mid ah qoyska Faadumo Cabdi xassan oo soo gaaray bishii Diseembar ee sanadkii hore. Waxay dagaalka u dhexeeya ciidanka dowlada iyo shabaab uga soo barakaceen deegaanka Miliqo oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Faadumo ayaa sheegtay in colaadda ay u raacday roob la’aan ay ku dhaafeen lixdan ari ah oo ka mid ahaa sideetan neef oo ay dhaqanayeen. Waxaa uga haray labaatan neef oo 17 ka mid ah ay dhexda uga soo dhinteen shan maalin oo ay ku soo jireen safar.
Haweenaydaan ayaa xustay inaysan qaban karin shaqooyinka xoogsiga ah, maaddaama ay gacan ka jaban tahay. Markii ay deegankooda joogeen waxay ku tiirsanaayeen ariga yar iyo beer saddex hektar ah oo ay raashin iyo khudaar ku beeran jireen, balse labadii sano ee ugu danbaysay wax tacab ah ma aysan galin deegaanka oo roobku seegay darteed. Beerta ayay xustay in celcelis ahaan ay sanadkii ka heli jireen $1000-1500.
Faadumo ayaa sheegtay in aysan waxba ka soo qaadan aqal Soomaali ay miyiga ku lahaayeen. Waxaa ka tabar dareeyay laba riti oo ay ku guuri jireen, taas oo ku qasabtay in ay carruurta ka soo kaxaysatay iyo neefafkii ariga ahaa oo badankoodu dhex uga soo dhinteen.
“Xaalada qoyskaygu ku sugan yahay waxaan nahay dad iska tabaalaysan labo qoys oo la isku soo dul qaxshayna waa nahay, nolosheena xaga cuntada ayaa xun meeshaan marti ayaa lagu yahay. Dhibaatadaas ayaan dareemaynaa oo hoy la’aan iyo baahi u badan.”
Faadumo ayaa sheegtay in nolol xumada ay qoyskeeda ay u dheer tahay amni-daro ku haysata xerada. Waxay xustay in dhowr habeen ay tuugo u soo dhacday oo ay mindiyo ku jeexeen maro kaceeno ay carruurtu ugu jirtay.
Gudoomiyaha xerada Arlaadi ee qoysaskaan ay ku sugan yihiin Kuulow Isxaaq Ibraahim ayaa sheegay in ilaa Diseembar ay soo gaareen 53 qoys oo ka kala yimid gobollada Bay, Bakool, Shabeellaha hoose, Galgaduud iyo Mudug. Wadartooda guud ayuu ku sheegay 257 qoys kuwaas oo aan helin wax gagaar ah.
“Dadkaan wax ay hayaan ma leh xaaladoodu waa adag tahay, waxaa ugu daran cunno yari shaqo la’aan baahi ayay qabaan waa dad meelo badan soo maray oo rafaadsan oo haween ilmo yar yar wata, kuwa uurreey ah oo adeeg caafimaad u baahan, carruur ay nafaqo darro hayso iyo dad waayeelo ah u badan.”
Baahida jirta ayuu xusay in ay awoodooda ka badatay, taas oo keentay in aysan waxba ka qaban karin. Qoysaska gobollada dalka uga soo barakaca abaaraha iyo colaadaha ayaan intooda badan xeryaha ay tagaan ka helin nolol dhaanta middii ay ka yimaadeen, taas oo xaalad quus ah sii galisa.