Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Bari: Xoolo u dhimanaya daaq la’aan oo saamayn ku yeeshay qoysas ku tiirsanaa

Jibril Osman by Jibril Osman
April 22, 2025
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Pastoralists in Somalia

Keydka sawirada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cunno xumo iyo xoolo yari ayaa isku biirsaday qoyska Farxiyo Cali Axmed oo 12 ah, kuwaas oo ku nool miyiga deegaan Laqaanley ee gobolka Bari. Tan iyo billowgii bishii Maarso waxaa daaq iyo biyo la’aan uga dhintay 30 ari ah.

Xoolahan oo ay ku tiirsanaayeen waxaa ka haray 40 neef oo nacfi iib iyo mid quudasho aan lahayn. Waxay sheegtay Farxiyo in dhibaatadan ay bidday carruurteeda in ay galaan xaalad hubanti la’aan ah.

Waxay ku dabbartaa kiilooyin raashin ah oo dayn ay ku heshay 20 bishan. Si ay beeqaamiso waxay dabka u saartaa 24 saac hal mar oo ka mid ah. Waxay xustay in ay dhib badan u martay helida amaahda raashinkan.

Waxay ka dayrisay badbaadada xoolaha u haray iyo mustaqbalka carruurteeda oo aabbahood uu yahay waayeel ah, kaas oo aan kala dabaalan karin xaaladda ay ku jiraan.

“Jiilaalka xooluhu qabo midka dadka ayaa nooga daran, waxaa jirta daymo aan soo qaadanno. Mar baan lagu siinayn oo lagu soo eryaayaa. Mar baa waqti badan nagu qaadataa sidaan u baryayno. Waxaa nala dhahaa tii hore keena. Waxaan ku keenana mahaysano. Xoolahaas baan lahayn, xoolahana abaarahaas baa naga helay, meel kale oo shaqo aan ka helno ma jirto.”

Dhibaatadan waxaa u wehliya biyo yari. Booyadda 30 qaadda ah waxay ku timaadda deegaanka ay deggan yihiin $200, maaddama aysan iibsan karin biyaha waxay taageero waydiistaan dadka awooda in ay gataan.

Waxay xustay Farxiyo in aysan joogto u helin caawintaas. Maalmaha qaar waxay biyo la’aan noqdaan in ka badan 48 saac. Arrintan waxay sababtaa haraad iyo in dabka loo shidi waayo carruurta biyo la’aan darteed.

Waxay tilmaamtay in xaaladda ay ku jiraan ay ugu wacan tahay roob la’aan soo jiitamaysay ilaa bartamihii sanadkii hore, taasi oo horseedday in ay guraan ilihii biyaha sida ceelal gacmeedyo iyo baraagaha biyaha roobka lagu kaydiyo.

Haweenaydan waxay la daalaadhacaysa samatabixinta carruurteeda. Waxaa se ay quus ka joogtaa xoolaha u haray oo biyo iyo baad midna ay u waysay.

“Gaajo ayay u dhimanayaa. Wax ay cunaan oo dhulka ay ka goostaan bay waayeen, biyihiina way ku yaraaday. Xoolahan caawa waxaan ka qasho kama heli karo. Dadkii biyaha noo shubi jirayna way nagu naceen. Wax laga quuto maleh. Wax lagu dayn baxo maleh, kuwaas dhintay bay ku dabo-jiraan. Haddii Ilaahey roob nasiin, ama hay’ado na gacan qabta aanan helin ka danbayn maayaan.”

Waxay sheegtay in rajada ay ka qabaan ku sii tiirsanaanta daynta ay sii wiiqmayso, maaddama ay kordhayso. Intaas waxay ku dartay in ay haysto labo daran mid dooro. Nolosha ku haysata deegaankeeda waa mid ku adag, halka ay ka walaacsan tahay in ay ku biirto xero barakac.

“Baadiyihiina abaarahaas baa nagu helay. Mahaysano waxaana magaalo ku hawaysanno. Meelahan baan iska joogaynaa.”

Duruuftan roob la’aan waxaa ka la siman 150 dadka oo la deggan tuulada Laqaanley. Waxaa se jira xoolo-dhaqato u hayaamay deegaanno kale si u badbaadiyaan. Waxay ku guureen gaadiid iyo awr ay haysteen.

Qoysaska ku haray dhulka roob la’aantu ka jirto ayaa dantu u dayrisay sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Cabdi Cali oo tiro ari ah oo u joogtay 50 ka mid ah ay ka dhinteen. Xoolaha u haray ayuu xusay in ay daaq la’aantu ka dhigtay caato aan gali karin hayaan dheer.

Wuxuu qorshaynayay in uu u guuro deegaan ay biyo ka heli karaan qoyskiisa oo 12 ah iyo xoolaha u haray biyo la’aan la ildaran. Wuxuu sheegay in qoysas ka rajo dhigay nolosha miyiga ay barakaceen toddobaadyadii u danbeeyay.

“Dad baa hadda toban bari ka hor miyiga ka guuray oo xooluhu ku yaraayeen. Waxay wateen 50, 60 neef. Magaalooyinka ayay tageen. Ilaa 100 reer ayaa ka guuray miyiga oo magaalada tagay. Reer miyigu xoolahaas ayay ku taagnaayeen. Dadkiiba hadda xaaladdoodu liidataa oo gurmad iyo gargaar u baahan.”

Culayska cunno xumo ee haysta carruurtiisa iyo xoolaha u haray waxaa dheer $1,500 oo ay ku leeyihiin ganacsatada tuuladiisa, taas oo raashin iyo arrad-tirka carruurtiisa uu ku qaatay. Dayntan waxay ka hor istaagtay in uu helo mid kale.

Wuxuu ku tiirsan yahay dad ay ehello iyo qaraabo yihiin, kuwaas oo taleefonkiisa gacanta ugu soo tuura lacag. Wuxuu sheegay marka uu helo in qoyska uu raashin ugu iibiyo. Xaaladdaas ayuu ku jiray tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore.

Wuxuu ka cabanaya qiimaha sarreeya ee biyaha, kuwaas oo tuuladiisa ay keenaan ganacsatada iskaleh booyadaha. Wuxuu tilmaamay in ay ku adagtahay gadashada biyaha ay u baahan yihiin dadka iyo xoolaha.

“Xooluhu marka uu jiilaal hayo, ceelkuna ku dheeryahay sidaas bay u la’daan sow ma ogid? Booyada biyaha ahna $200 baa la yiri, qofna ma awoodo, tabarteedana mahayo.”

Cabdi ayaa tilmaamay in roob la’aanta ka hor in xooliha ay u ahaayeen isha dhaqaale ee qoyskiisa. Wuxuu ka faa’iideysan jiray nacfigooda, sida gadashada, caanaha iyo hilibkooda. Hadda se taasi meesha way ka baxday.

Dhaqaale xumada ay sababtay roob yarida ee haysa xoolo-dhaqatada waxay saameyn taban ku yeelatay dadka deegaanka sida Raadiyow Ergo uu u sheegay guddoomiyaha tuulada Laqaanley Maxamed ismaciil cumar.

Wuxuu xusay in ay xirmeen inta badan ganacsiyadii deegaanka, maaddama dadkii dakhliga soo galin jiray ay ku xoolo beeleen abaarta, sidoo kalana ay ka hayaameen qoysas badan, kuwaas oo tagay dagmooyin ay maciin bideen.

“Noloshii xoolaha haddii ay hoos u dhacday noloshii dadka ayay saameysay. Deegaanka Laqaanley bad maleh, beerna maleh, Xijina maleh. Dhaqaalaheeda wuxuu ku tiirsan yahay xoolo dhaqato. Xoolahaas aan badnayn oo lagu nool yahay. Xoolahaas ayay magaalooyinka gaysan jireen.”

Xoolo-dhaqatada abaaraysan ayuu xusay in aysan wax gurmad ah ka helin Puntland iyo hay’adaha gargaarka, kuwaas oo ay gaarsiiyeen farriin codsi ah si looga warqabo reer-guuraaga iyo dadka deegaanka.

Waxaa sii kordhaya dadka saameynta taban ay ku hayso roob la’aanta gaar ahaan xoolo-dhaqatada ku nool dhulka gaariwaaga ah. Dadka xaaladdaas ku cayrooba ayaa iska xaadiriya xeryaha lagu barakacay si ay gargaarka ugu dhawaadaan.

Previous Post

Kismaayo: Bacaad burburiyay nolosha qoysas ku jira xaalad barakac

Next Post

Galgaduud: Qoysas colaad ku barakacay oo wajahaya xaalad nolol xumo

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Galgaduud: Qoysas colaad ku barakacay oo wajahaya xaalad nolol xumo

Galgaduud: Qoysas colaad ku barakacay oo wajahaya xaalad nolol xumo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo