(ERGO) – Bacaad ayaa guryihii ay degganaayeen ka saaray, kana burburiyay ilihii dhaqaale ee ay ku tiirsanaayen danyar ku noolaa xaafadda New Kismaayo ee magaalada Kismaayo. Xaaladaas waxay hoy la’aan dhigtay boqol iyo konton.
Waa qoysas horay dib u dajin loogu sameeyay oo iskugu jira dad ka soo laabtay xeryaha Qaxootiga Kenya iyo kuwo ku noolaa xeryaha lagu barakacay ee magaalada. Xamdi Muxumed Hilowle waxay dantu ku qasabtay inay barakacdo bishii Janaayo ee sanadkan, markii uu bacaadku ka dumiyay guri labo qol ah iyo musqul.
Waxay sheegtay inay dulsaar ku noqdeen wiil ay qaraabo yihiin oo deggan xaafadda Siinay ee magaalada Kismaayo. Walaaca hoy xumadu ku hayso ayay xustay inuu gaarsiiyay heer ay ku fekerto inay dib ugu noqoto Qaxootiga Kenya oo ay iskeed uga soo guurtay sanadkii 2016.
“Dad xigto ah ayaan soo raadiyay markii guri la’aantu nagu dhacday, markaas ayay na siiyeen qolkan oo ay dheheen markii aan u soo baahano waan idinka saareynaa. Dadka aan la deganahay ayaan la isticmaalnaa biyaha iyo korontada.”
Xamdi oo 35 jir ah ayaa tilmaantay inay hal qol ku nool yihiin iyada iyo carruuteeda oo saddex ah iyo lix walaalaheed ah oo ay koriso. Waxaa u dheer cunno yari.
Hal waqti ayay xustay inay dabka ku shitaan waxay ku caawiyaan qaraabada iyo hooyadeed oo ari ku dhaqata miyiga gobolka Jubbada Hoose.
“Aniga ma shaqeeyo oo guriga ayaan iska joogaa, hooyo oo xoolo dhaqato ah oo miyiga jirta ayaa bishii naga bixisa $50. Soddon Doolar raashiin ayaan ku qaadaa, labaatanna waxaan ka dhiganaa qudaar iyo iidaan kale.”
Xamdi ayaa sheegtay in bacaadku uu ku soo bilowday horraanta sanadkii 2024, isagoo si gaar ah u xoogeysan jiray xilliyada jiilaalka iyo xagaaga, illaa uu gaaray heer uu guriga ka saaro.
“Bacaadku daaqadaha iyo albaabada ayuu soo galayaa, kor ayuu ka soo fuurayaa, kadibna gurigii wuu dumayaa, heer waxaan gaarnay aan weyno meel guriga aan ka galno. Maanta haddaan gurno, hadane berri meeshiisii ayuu ku soo laabanayaa.”
Xamdi ayaa sanadkii 2016 ka soo laabatay xerada Ifo labo oo ay ku nooleyd shan sano. Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa ka caawisay dib u noqoshada.
Waxay sheegtay in hoygu ahaa hantida kaliya ee ay laheyd. Waxaa welwelka ku sii kordhinaya hooyadeed arigeeda oo 120 ahaa oo hadda ay ka joogaan 10 neef abaar darteed.
Ganacsiga iyo isku socodka xaafadda ayuu sidoo kale bacaadku saameyn ku yeeshay, sida uu sheegay Cabdi Xaaji Garnayl oo uu ka dumiyay dukaan uu ku gadayay bagaash iyo qudaar oo il dhaqaale u ahaa qoyskiisa.
Wuxuu xusay in saddex jeer oo uu ka dumay uu dib u dhisay, isagoo ku bixiyay dhaqaale gaaraya $150, balse markii ugu dambeysay oo aheyd bishii Janaayo ee sanadkan ayuu sheegay inuu waayay lacag uu ku dayactiro.
Cabdi oo ah aabbaha 12 carruur ah ayaa tilmaamay in arrintan ay dhaxalsiisay cunno yari iyo inuu raadiyo deyn si hal waqti ay dabka u shitaan.
“Dadkii wax naga gadan jiray waxaa barakiciyay bacaadka, xaafaddu hadda waa cidlo. Anaga iyo dadka kale ee jooga waa kuwo waayay meel ay aadaan oo go’doon ah. ma awoodno inaan guri kale kireysano ama aan barakacno.”
Cabdi ayaa sheegay in dukaanka uu ku furtay sanadkii 2021, lacag $1,300 oo uu ka keydsaday shaqo darawalnimo. Wuxuu tilmaamay in maalinkii uu ka heli jiray $5 illaa $8 oo ugu filnayd maareynta qoyska.
Ninkan oo 45 jir ah ayaa xusay in dhaqaale yaridu ay sababtay in sanadkan aysan waxbarasho aadin afar carruur ah, markii uu awoodi waayay bixinta lacagta ay ku dhigan jireen dugsiga dhexe ee Rugta oo bishii aheyd $32.
Waxay deggan yihiin hoy halis ugu jira inuu dumo, balse meel ay maciin bidaan oo aysan haysan waa tan ku riixday inay sii joogaan halkan oo badi laga guuray. Cabdi Xaaji ayaa sheegay in bacaadka ayuu xusay in daaqadaha guriga uu kor u dhaafay, maalin kastana ay iska guraan carro gudaha ka soo buuxsanta.
“Saqafkii iyo safiitadii ayaa nagu soo dumay, anagoo iska jiifna ayaan waxaan maqleynaa wax soo dumaya. Mararka qaar dab ma shidan karno oo dabeysha bacaadka haddaad aragto waad yaabeysaa. Cabashadeena maamulka waan gaarsiinay, balse jawaab ma helin.”
Cabdi ayaa sanadkii 2016 ka soo noqday xerada Ifo oo uu ku noolaa muddo toban sano ah. Xilligaas wuxuu colaad uga barakacay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, haddana wuxuu qarka u saaran yahay in musiibada bacaadku ay barakiciso.
Cabdiqadir Magange Dhoomey oo ku shaqeysta xirfadda dhar tolista wuxuu sheegay in dantu ku qasabtay inay sii deganaadaan qeyb yar oo ka hartay saddex qol oo u dhisneyd. Carrada ayuu xusay in guriga ay ka saareyso, horayna u soo aastay musqusha.
Xaaladan oo uu ku tilmaamay go’doon ayuu sheegay in sidoo kale ay u keentay biyo yari. Ceel biyood u jira 2 km ayuu xusay inay adag tahay inay ka soo dhaansadaan. Waxaa u sabab ah waddooyinkii ay mari jireen oo bacaadku ka dhigay buuro ay adag tahay in lagu lugeeyo.
“Saameynta uu nagu yeeshay aadbay u weyntay. Bacaadkan wuxuu u baahan yahay in lagu maareeyo cagaf, cagaf haddii aan kireysan karno mar hore ayaan iska qaadi laheyn bacaadka. Cagafta mar aan u tagnay waxay na dhaheen saacadii waxay ku shaqeyneysaa $120. Annagu dad tabar hayso ayaa nahay oo waan awoodi weynay.”
Cabdiqadir oo ah aabbaha 10 carruur ah wuxuu nolosha qoyska ka maareeyaa harqaan uu shaqaale ka yahay oo maalinkii uu ka helo $4. Wuxuu sheegay in carruurtiisa oo waxbarasho la’aan iyo cunno yari wajahayay uu hadda ka warwarayo hoy xumada ugu darsantay.
Cabdiqadir oo 42 jir ah ayaa guriga la siiyey sanadkii 2019 isaga oo ku jira xerada Shaneemo oo ku taalla xaafadda Faanoole ee magaalada Kismaayo, halkaas oo uu degay sanadkii 2005, xilli uu colaad uga soo barakacay deegaanka Bandarjadiid ee gobolka Jubbada Dhexe oo uu beer ku lahaa.
Adeegga kaliya ee bilaash ah oo ay leedahay Xaafadda New Kismaayo waa xarun caafimaad oo hooyada iyo dhallaanka ah. Dadkan waxaa guryaha u dhisay hay’adda Qaramada Midoobay ee UNHCR oo kaashaneysa hay’adaha Care iyo NRC.