(ERGO) – Cabdirashiid Cabdi Maxamed oo ah aabbaha siddeed carruur ah wuxuu awood u yeeshay in uu ku filnaaday maaraynta noloshooda, markii uu billaabay dhaqashada shinida bishii Janaayo ee sanadkan.
Wuxuu ka mid yahay 150 qoys oo barakac ah oo iskugu jira xoolo-dhaqato ku ceyrtoobay abaaraha iyo beeraleey hore oo dhaqaalo burbur soo wajahay oo ku nool gobolka Sanaag,
hay’adda ADEC oo gacan ka heleysa WFP ayaa ka caawisay barashada xirfadda shinni-dhaqashada, kaddibna waxay billaabay inay ka dhigtaan il-dhaqaale oo noloshooda ay ku maareeyaan.
Cabdirashiid ayaa xusay in shinidiisa uu bishii Maarso ka helay dhaqaale gaaraya $480, markaas oo ahayd wax-soo-saarkiisii ugu horeeyay ee uu suuq geeyo. Wuxuu tilmaamay in muddada uu dhaqanayo ay reerkiisu uga bexeen cunno yari ay wajahayeen.
“Reerkayga way ku filan tahay weliba aad iyo aad bay ugu filan tahay. Halka sanduuq waa $250. Sadex sanduuq marka la yirahdo waa dareemi kartaa isbedelka dhaqaale ee ay qoyska ku yeelan karta.”
Qoyskiisa oo ku tiirsanaa lacag $70 ah oo ay siin jirtay hay’adda WFP ayuu sheegay in aysan kaafi karin. Muddada uu hawshaan wado ayuu tilmaamay in uu dareemay isku filnaan dhaqaale oo meesha ka saartay hubanti la’aantii nolosha ee ay ku sugnaayeen.
Saddex sanduuq oo shinni ah ayuu sheegay inuu hadda xannaaneyso, balse bishii kowaad ayuu ku bilaabay hal sanduuq. Waxay u soo saartay malab gaaraya 10 kiilo isaga oo halkii kiilo siistay $25.
Cabdirashiid wuxuu tilmaamay in dhaqashada shinida ay u noqotay il- dhaqaale oo ay isku halleyn karaan xiligaan.
“Qofku mar hadii uu ogyahay malabka cidii samaysay ama waxani in uu yahay dabiici suuqba ma waayo. Dadku iyagaa kuu imaanaya oo ku oranaya ninyahow aniga malabkaas ban rabaa marka shinnidu soo saarto intaas ii keen. In la yaqaanno unbaa muhiim ah.”
Ninkan wuxuu sheegay in maaddama uu ku filnaaday maaraynta reerka uu qorshaynayo in uu shinnida ka sameeyo ganacsi waara. Wuxuu billaabay hannaan uu ku badinayo tirada shinnida isaga oo soo iibsanaya shinni hor leh. Waxaa intaas u dheer in uu qaatay labo shaqaale ah oo ka caawiya hawlaha la qabanayo.
Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in ka ganacsiga wax-soo-saarka shinnida aysan dadka intooda badan ku baraarugsanayn. Qofka fahma habka loo xannaaneeyo ayuu tilmaamay u noqon karta fursad wax weyn ku soo kordhisa noloshiisa.
“Waxbyaaha aan la fahamsanayn bey ka mid tahay ganacsiga shinnida. Il-dhaqaale iyo il-caafimaad labadaba wey leedahay. Weliba mid aad iyo aad u weyn. Isbeddel dhqaale inay horseedi karto waa dareemi kartaa.”
Cabdirashiid oo keliya ma ahan dadka ay noloshooda isbeddeshay, markii la baray xirfado kala duwan oo u noqotay fursad ay ka maareeyaan reerahooda.
Mukhtaar Cabdullaahi Aadan wuxuu labadii bil ee u dambeysay qoyskiisa oo 10 qof ah ka baxeen nolol xumo ay muddo ku noolaayeen. Waxaa u suuragalisay markii la baray farsamada cilad-bixinta korontada.
Shaqadaan oo uu maalinkii ka helo $15 ayuu xusay inay sabab u noqotay inuu la wareego masuuliyadda masruufka reerka, si uu u buuxiyo kaalinta aabbihiisa oo ay ka istaagtay shaqo xamaal ah.
Saddexdii bil ee la soo dhaafay ayuu sheegay in aabbihiisa uusan shaqaynin, markii waayeelnimo iyo xaalado caafimaad-darro ay isugu darsameen.
“Markii hore korontada waxba kama garanayn, haddase waxaan ahay nin ku shaqaysan kara oo ku shaqo tegi kara maanta. Marka la igu yiraahdo waxaan rabnaa in koronto la noo xiro nin xiri kara oo ku soo shaqaysan kara oo nolol maalmeedkiisa ka soo dhacsan kara ban ahay.”
Mukhtaar wuxuu sheegay in qoyskiisa ay yihiin danyar la daalaa dhacayay duruufo dhaqaale, balse hadda uu rajo ka qabo inuu xal u helo caqabadahaas saameeyay hab nololeedkooda.
Qoyska Mukhtaar oo xoolo-dhaqato hore ahaa waxay miyiga magaalada Dahar ku dhaqan jireen afartan neef oo ari ah, kuwaas oo abaar iyo cudurro ay ka laayeen afartii sano ee la soo dhaafay.
Samsam Abshir Xasan waxay biilka maalinlaha ee qoyskeeda ka soo saartaa harqaan ay ku tosho magaalada Baran. Shaqadan oo ay billoowday saddex bil ka hor, waxay maalinkii ka heshaa lix ilaa siddeed doolaar.
Haweeneydan ayaa ka mid ah dhowr dumar ah oo loo tababaray xirfadda harqaan tollida, si ay nolol maalmeedka uga la soo baxaan. Tababarka oo u socday lix bilood ayaa markii uu dhammaaday la siiyay makiinaddii ay wax ku toli lahayeen.
Samsam waxay sheegtay in xirfaddaan ay u noqotay il-dhaqaale oo ay ka maareeyso qoyskooda oo ka kooban 12 qof. Waxay sharraxaad ka bixinaysaa sida ay ugu suuragashay inay ku shaqaysato xirfaddaan.
“Imtixaan baa nalaga qaaday markaan barangay. Kaalinta koowaad ban galay, markii dambana harqaanka baa la i siiyey waan ku shaqaystay anigu oo si fiican ban ugu shaqaystay waa ii rakiban yahay oo waan ku tolaa oo faa’iido ayaan ka helaa.”
Qoyska Samsam ayaa ku tiirsanaa dhaqaale aan joogto ahayn oo ka soo geli jiray duruucda dumarka oo ay ku wareejin jirtay magaalada dhexdeeda. Ka hor inta aysan baran xirfaddaan. Waxay xustay inay xaaladdaan soo maciin bideen markii ay abaar ka laysay 30 neef oo ari ah oo ay ku dhaqanayeen miyiga Sanaag sannadkii 2023.
“Anigu markii hore shaqo sidaas oo macno leh ma haynin, laakiin hadda waxayga anigaa isku kaafiyey oo shiidkayga toshay isaga oo tolan gata lacagtii toliinka iyo tii gadashada isku qaata. Awalna markii aan meesha ku toil jiray aan harqaanka ku barto waan qaadan jiray oo iyaga oo tolan baan gadan jiray.”
Xoolo-dhaqatada iyo beeraleydu waa laf-dhabarta dhaqaalaha iyo nolosha dad badan, gaar ahaan kuwa ku tiirsan hab-nololeedka dhulka iyo xoolaha. Bale sannadihii ugu dambeeyay, abaaraha soo noqnoqda iyo isbeddelka cimilada ayaa si weyn u saameeyay nolo-maalmeedkooda, kuwaas oo dhaxalsiiyay nolol adag.