(ERGO) – Xafso Ibraahim Salaad waxay ku filnaatay maareynta nolosha qoyskeeda, markii shaqo nadaafad ah ay ka heshay maamulka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay. Waxay bishii qaadataa $150 oo mushaar ah. Waxay ka mid tahay 60 qof oo toban ay haween yihiin, kuwaas oo iskugu jira danyar deegaan ah iyo dad soo barakacay oo shaqadan loo qaatay bishii Siteembar ee sanadkan.
Dhaqaalaha soo gala ayay ka dabartaa nolosha toddobo carruur ah oo ah agoon aabbahood uu dhintay sanadkii 2021, kuwaas oo keligeed ay koriso. Xafso ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in shaqadan u horseeday inay helaan cunno ku filan, iyadoo xustay in hal waqti ay dabka shidan jireen markii hore.
“Shaqadan intaan helay aad ayuu nolol maalmeedkeyga u fiican yahay, mushaar fiican ayaan helaa. Nolosheenna waan ku filanahay. Raashinkeyga aduunyadeyda waxaas oo dhawan waan ku filnahay. Carruurteyda warwar la’aan ayay ku sugan yihiin hadda. Aadbaan ugu mahad celinayaa dowladda Koonfur Galbeed.”
Xafso oo 44 jir ah ayaa tilmaantay inay waxbarasho u billaabeen labo carruur ah oo bishii Oktoobar ay geysay iskuulka Al-macrifa.
Waxay ka dhiibtaa $20 oo ay xustay in markii hore helitaankeedu ku adkaa, sidaasna waxbarasho la’aan carruurtu uga ahaayeen. Waxay sheegtay in tani ay tahay mid ka mid ah himilooyinka ugu muhiimsan ee ay ka dhabeysay.
“Carruurteyda hadda waxbarashadooda aad ayey u fiican tahay. Markii hore waan dhibaateysnaa xaabada ayaan Soo guran jiray, hadda waan ka nastay. Carruurteyda cuntadooda, dharkooda iyo waxbrashadooda kama warwaro oo intaas ayaan ku haystaa.”
Xafso oo shaqeysa toddobaadka dhan ayaa howsheedu tahay guridda qashinka, gubistiisa iyo nadiifinta waddooyinka.
Waxay sheegtay in iyadoon war u hayn loo sheegay inay ka mid tahay dad ay qaadatay dowladda hoose. Waxaa shaqada geeyay nin ay qaraabo yihiin oo deegaan ku ah magaalada.
Waxay xustay inaysan horay u laheyn il dhaqaale oo ku filan maareynta noloshooda. Waxay qaban jirtay shaqo aan joogto aheyn oo ah dhar-dhaqid iyo xaabo guris.
Waxay xustay inay aheyd shaqo ka dhib badan tan hadda ay qabato, maadaama ay subax kasta raadin jirtay cid ay u shaqeyso, halka xaabo gurista ay u aadi jirtay masaafo ugu yaraan 5 km ah.
“Noloshii hore Iyo nolosha hadda farqi weyn ayaa u dhexeeya oo biilkeyga meel ayuu ii saaran yahay, markii hore waxba meel Kuma ogeyn. Xaabada hadDii aan aado duurka wax miyaa kugu Soo qabsan doona ayaan ka warwari jiray, laakiin hadda kama warwaro.”
Xafso iyo carruurteeda ayaa ku nool xerada Cusboole oo ay soo degtay sanadkii 2021, markaas oo ay ka soo barakacday degmada ay go’doomisay Al-shabaab ee Xudur oo Baydhabo u jiirta 180km. Waxay sheegtay in geedigu ku dhashay markuu geeriyooday seygeedii oo nolosha reerka ka maareyn jiray shaqo ah dajinta rarka gaadiidka.
Binto Aadan Isxaaq oo ka mid ah haweenka noloshooda ka maareeya shaqada nadaafadeed ee Baydhabo ay ka qabtaan ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay inay tahay markii ugu horeysay oo uu soo galo dhaqaale bille ah oo gaaraya $150.
Waxay tilmaantay in maalinkii lix saac oo ka mid ah ay qabato shaqo dhib yar oo dhaqaalaha ka soo gala ku filan yahay nolosha qoyskeeda oo ka kooban iyada iyo toddobo carruur ah oo uu aabbahood u dhintay cudurka Cagaar-showga sanadkii 2018.
Waxay sheegtay in shaqadan ka hor ay mararka qaar qatooyo ku seexan jireen, balse hadda ay saddex waqti wax karsadaan.
“Hadda wax nagama maqno waan noolaney, caafimaad ayaan qabnaa, waan shaqeysanayaa. Markii hore raashiinka habeenkii ayaan wax karsan jirney. Carruurta ayaa isku qabsan jiray, biyo ayaa lagu dhameystiran jirey, hadda oo aan kula hadlayo guriga waxaa ii yaala haaf bariis ah, haaf bur ah, haaf sonkor ah iyo toban liiter oo saliid ah.”
Binto oo 56 jir ah ayaa ka guurtay bishii Oktoobar xerada Hagarow oo ay ku nooleyd muddo saddex sano ah.
Xaafadda Buula Nuuriyo ayay ka degtay labo qol oo ah jiingad kiradeedu tahay $30. Waxay sheegtay in xerada ay dantu ku qasbeysay oo aysan ku haysan biyo ku filan iyo hoy ka xajin kara qabowga iyo roobka.
Saddex ka mid ah carruurteeda ayay xustay inay waxbarasho u billaabeen bishii tobnaad ee 2024, kuwaas oo ay ka dhiibto bishii lacag $15.
Waxay intaas ku dartay in bilaha ay shaqeyneyso ay keydsatay lacag $200, taas oo ay tilmaantay inay iskaga bixisay qalliin looga saaray buro oo ay ku gashay isbitaalka Shaafici ee magaalada Muqdisho.
“Labadii boqol anoo ii yaalaan ayaan xanuunsaday, carruurteyda ayaa ii buuxinayey shaqada, kun iyo seddex boqol oo Doollar ayaa la igu soo qaley. Lacagtaas oo dhan ma haysan ee dad isoo qaaraamay ayaa wax ii keenay. Sedex boqol oo doolar ayaa la igu leeyahay hadda. Shaqada sidii aan ku helay gabar khadiijo Daadey ay dhahaan oo suuqa qudaarta ka shaqeysa oo wallkey qabo ayaa ii sheegtey. ”
Dadka soo barakacay iyo kuwa danyarta ah inta badan ma helaan fursado shaqo. Arintaas waxaa u sabab ah inaysan laheyn aqoon iyo xirfado ay uga shaqeeyaan xafiisyada dowladda iyo kuwa kale sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Abshir Cali Xuseen oo ah agaasimaha waaxda Faya-dhoorka Dowlada hoose ee magaalada Baydhabo.
Wuxuu xusay in maamul ahaan ay ku dadaalayaan inay ku caawiyaan shaqooyinka fudud si ay uga helaan ildhaqaale oo noloshooda wax ka bedesha. Howsha nadaafadeed ee ay hadda qabtaan ayuu xusay inay doonayeen dad badan, balse ay ka xusheen inta ugu nugul ee ay adag tahay inay helaan waxay dabka ku shitaan.
“Sidaan ognahay qofka markii uu meel ka soo barakaco oo meel kale imaado, waxa weeye qof aysan noloshiisu fadhin oo saxneyn. Dadkan soo barakacay waxaan rabnaa inaan u bedelno dad deegaan ah, marka waa inay helaan dib u dajin, dib u dajintaas waxaa ku jirta shaqaaleysiin. In la abuuro fursad lagu shaqaaleysiiyo dadka danyarta ah waa door muhiim ah.”
Abshir ayaa intaas ku daray in danyar kale oo kuwan ka badan ay shaqaaley siinayaan sanadada soo aadan.
Qoysas badan oo soo barakacay ayaa xeryaha ku wajahaya cunno yari, biyo yari iyo hoy xumo. Sannado dhowr ah oo ay halkaas deggan yihiin ma helin dib u dajin iyo gargaar joogta ah.