Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Baydhabo: Qoysas danyar ah oo lagu wareejiyay guryo dhisan iyo adeegyada bulshada

Jibril Osman by Jibril Osman
June 1, 2025
in Wararkii u Danbeeyay
0
Baydhabo: Qoysas danyar ah oo lagu wareejiyay guryo dhisan iyo adeegyada bulshada

Aadan Sheekh Isxaaq oo hor fadhiya gurigiisa cusub oo qoyskiisu loo wareejiyay kaddib markii ay ka guureen xerada barakacayaasha ee Turqow/Cabdullahi Maxamad/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Aadan Sheekh Isxaaq waxay heleen maal-galin dhaqaale, hoy dhisan, waxbarasho, adeeg caafimaad iyo koronto bilaash ah. Waxay ka mid yihiin ku dhowaad 600 oo qoys oo degganaa xeryaha lagu barakacay ee magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku wajahayeen caqabado ay awoodi waayeen inay maareeyaan.

Qoyska Aadan waxay tan iyo bishii Maarso ku nool yihiin labo qol oo hay’adda UNHCR ay uga dhistay xaafadda Barwaaqo.Waa guri iyo dhul uu mulkiyadiisa leeyahay oo uu sheegay in meesha uu ka saaray hoy xumo uu ku wajahayay Xerada Turqow oo uu ka degganaa buush u nuglaa roobka iyo dabeysha.

“Isbedel ayaan dareemayaa. Buushash kii waan ka soo gudubnay. Baraako ayaan ku jirnaa. Aad iyo aad ayay nolosheenna u fiican tahay. Mid tan ka sii roonna Illaahay ayaan ka rajeynayaa.”

Aadan oo 53 jir ah ayaa intaas ku daray in qoyskiisu ka baxay xaalad cunno yari ah oo haysatay, markii uu ganacsi ku billaabay lacag saddex boqol oo Doollar ah oo ay ku maal galisay hay’adda IOM.

Waxaa u furan dukaan yar oo uu xusay in maalinkii uu ka helo dhaqaale u dhexeeya $5 illaa $6. Wuxuu ku gadaa raashiin iyo quduur. Waa isha kaliya dhaqaale ee hadda ay ku tiirsan yihiin qoyskiisa oo markii hore aan haysan waxay dabka ku shitaan, dantuna ku qasabtay dawarsi iyo inuu sugo gargaar naadir ah oo hay’aduhu bixiyaan.

“Qoyska noloshooda waqtigii hore aad ayey carriiri u aheyd. Laakiin hadda masha Allah aad ayey u roon tahay, maaddama is beddel galnay. Noloshii adkeyd waxaa ii beddelay mid caadi ah iyo inaan ka mid noqdo dadka deggan magaalada ee aan barakaca aheyn.”

Aadan oo ah aabbaha toddobo carruur ah ayaa tilmaamay in sannad uu barakac ku ahaa Baydhabo uu waayay shaqo uu ku maareeyo nolosha reerka. Xaaladaas ayuu xusay inay ku haysay warwar joogto ah, balse ugu dambeyn uu gaaray isku filnaasho ka timid taakulo uu helay.

Wuxuu intaas ku daray in markii ugu horeysay ay carruurtiisu iskuul aadeen, markii ay heleen iskuul hoose iyo dhexe ah oo lacag la’aan ah, kaas oo ay dhistay hay’adda Save The Children.

Afar carruur ah oo labo ay gabdho yihiin ayaa u dhigta fasalada kowaad iyo labaad. Iskuulkan ayaa ka mid ah adeegyada bilaashka ah ee la socda dib u dajinta loo sameeyay qoysaskan soo barakacay.

“Dhanka biyaha wali lama dhameyn oo waa laga shaqeynayaa oo bisha dhammaadkeeda waxay tiri wasaaradda Tamarta iyo biyaha ee Koonfur Galbeed, guri kasta waxaa loo soo galinayaa biyaha. Ceelal hadda aad biyo ka dhaansataa miyaa jira?. Shan km ayuu ceelka noo jiraa, waa meel dalcad ah, halkaas ayaan ka soo dhaan sanaa biyaha.”

Guryaha loo dhisay qoysaskan ayaa ah jiingad iyo bulukeeti, waxayna ku fadhiyaan dhul cabir kiisu yahay 250 mitir oo wareeg ah. Hoy xumada iyo cunno yaridu waa caqabadaha ugu weyn ee maareyn toodu ku adkeydan qoysaskan.

Maxamed Xasan Mursal ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in reerkiisu ay ka maarmeen qoys dulsaar ay ku ahaayeen, markii uu helay lacag saddex boqol oo Doollar ah.

Waxay hadda ku tiirsan yihiin dhaqaalaha ka soo gala miis lagu gado dharka, raashiinka iyo khudaarta oo uu sheegay in cel-celis maalinkii uu soo saaro dhaqaale gaaraya $4 illaa $5.

“Wax yaabo badan ayuu inoo qabtay. Nolosha aad ayay inoogu wanaagsan tahay. Maanta haddii aad gaari raaca uu kuu gooyo waad kala baxaysaa si aad magaalada ugu aado, xaafadda biilkeeda, khudaarta la cuno waxyaabo badan ayuu noo qabanayaa. Qof meel deggan oo ciddiisa biilan kara ayaan noqday.”

Maxamed oo ah aabbaha 13 carruur ah ayaa xusay in qoyskiisu heleen intii ugu muhiim saneyd nolosha oo ah hoy ku filan, cunto, waxbarasho iyo caafimaad bilaash ah. Ninkan oo 52 sano jir ah ayaa sheegey in wax uu filayay aysan aheyn in maanta uu yahay qof madax bannaan oo qoyskiisu warwar la’aan ku nool yahay. 

“Markii hore qof iska tabaaleysan oo daruuf hayso oo wel-welsan ayaan ahaa, hadha waa roonahay oo daruuftii badneyd waan ka baxay. wax alaale wixii aan u baahdo qof magaalada la qabsaday oo wax ka deynsan kara ayaan noqdey. Markii horana qof barakac ah ayaan iska ahaa. Nin meel deggan oo cidiisu degan tahay guri albaabkiisu xirmayo ayaan ahay.”

Maxamed ayaa tilmaamay in sannad uu ku noolaa xerada Mugey Aarow aysan qalin iyo buug qaadin carruurtiisa oo hadda lix ka mid ah ay u dhigtaan iskuulka Barwaaqo labo.

Sida uu sheegay waa taakuladii ugu horeysay oo noloshooda wax ka badasha oo ay heleen tan iyo markii uu ka soo barakacay deegaanka Abal ee gobolka Bakool, halkaas oo uu ku lahaa beer saddex hektar ah oo abaar ay ka saameysay.

Wuxuu tilmaamay in wax weyn ay uga dhigan tahay in magaaladii uu faro marnaanta ku yimid in deegaan uu ku noqday, kuna nool yahay dhul uu leeyahay oo uusan ka warwareyn in laga barakiciyo.

Danyarta guryaha iyo maal galinta loo sameeyay ayaa lagu xushay duruufo gaar ah, sida uu xusay maamulka koofur Galbeed oo kala shaqeeyay hay’adaha NRC, IOM iyo UNHCR oo barnaamijkan iska kaashaday.

Ujeedada ayaa ah inay ka baxaan nolosha hubanti la’aanta ah ee barakaca, taas oo ay adag tahay inay ka soo kabtaan haddaan la taageerin.

Xaliimo Ibraahim Xasan waxay kamid tahay dadka guryaha dhisan lagu caawiyay. Waxay sheegtey inaysan fileyn inay heli doonto hoygan oo ah labo qol oo musqul ay wehliso.

Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in dhaqaale darradu ku riixday inay ku noolaadaan aqal cooshad ah oo aan ka xajin karin roobka iyo qoraxda. Hoy xumada ayay ku tilmaantay iney aheyd caqabadda ugu weyn ee haysatay qoyskeeda oo ka kooban iyada, saygeeda iyo 11 carruur ah.

Xaliimo oo 41 jir ah ayaa xustay in afar mar laga saaray xeryo ay degtay, markii dad dhulka lahaa ay qasab ku barakiciyeen.

Xaaladaas waxaa u dheereyd cunno yari. Hal waqti ayay xustay in dabka ay ku shidan jireen $1 illaa $2 oo ay ka heli jirtay shaqo aan joogto aheyn oo ah dhar-dhaqid.

Caqabadaas ayay tilmaantay inaysan hadda haysan, ayna bil kasta keydsato dhaqaale ka soo gala ganacsi ay ku dabarto nolosha qoys keeda, kaas oo ay ku furatay lacag saddex boqol iyo lixdan Doolar ah oo lagu taageeray.

“Maalintii laba Doollar ayaan meel dhigaa ileen waxaan la iskuma haleyn karo carruur ayaa dugsi iga raba. Laba bil oo min lixdan ah $120 ayaan meel ka dhigtay. Nolosheyda sidii hore iyo hadda, habeen iyo maalin ayay kala tahay, isku mid maaha.”

Lix carruur ah ayaa u dhigta iskuul aan ka fogeyn gurigeeda. Dhaqaale darro ayay xustay inay hor taagneyd markii hore, balse hadda ay heleen waxbarasho bilaash ah.

Xaliimo ayaa magaalada Baydhabo ku soo barakacday sanadkii 2023, markaas oo colaad ay uga soo carartay degmada Belad xaawo ee gobolka Gedo oo ay ku laheyd maqaayad ay nolosha reerka ka dabari jirta

“Ilmo haddey guriga kuu tuuran yihiin oo waxbarasho waxaad uga bixiso heli karin way dhib badneyd ma og tahay. Hadda waxbay ii bartaan. Caafimaad kooda waa la helaa. Mugdi kama cabsaneyno oo habeen iyo maalin korontada waa iskaga shaqeysanaa, illaa lix saac oo habeenimo waan ku xamaalanaa. Xilligii hore warwar ayaan dareemayay, laakiin hadda lama soo koobi karo farxadda aan dareemayo.”

Waa tiro yar qoysaska soo barakaca ee hela dib u dajin iyo adeegyada asaasiga ah ee nolosha.

Previous Post

Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda

Next Post

Galgaduud: Qoysas la siiyay xoolo oo ka soo kabanaya nolol xumo ay abaar biday

Related Posts

Pastoralists with nothing left descend on Lasanod town and surroundings in Sool
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ka fursan waayay xaaladda barakaca oo Laascaanood ku wajahaya nolol xumo

February 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 9, 2026
Women leaving their children behind in drought-hit rural villages to seek jobs in Mogadishu
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween ku xoolo-beelay abaarta oo Muqdisho u tagay shaqo xoogsi ah balse ku hungoobay

February 7, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 5, 2026
Qoysas ku barakacay Godinlabe oo wajahaya nolol adag markii xoolo la’aan ay noqdeen
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku barakacay Godinlabe oo wajahaya nolol adag markii xoolo la’aan ay noqdeen

February 4, 2026
Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah
Beeraha Iyo Xoolaha

Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah

February 3, 2026
Next Post
Galgaduud: Qoysas la siiyay xoolo oo ka soo kabanaya nolol xumo ay abaar biday

Galgaduud: Qoysas la siiyay xoolo oo ka soo kabanaya nolol xumo ay abaar biday

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-FEB-2026

IDAACADDA 10-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-FEB-2026
February 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09 -FEB-2026
February 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-FEB-2026
February 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-FEB-2026
February 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-FEB-2026
February 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo