Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Galgaduud: Qoysas la siiyay xoolo oo ka soo kabanaya nolol xumo ay abaar biday

Jibril Osman by Jibril Osman
June 2, 2025
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Galgaduud: Qoysas la siiyay xoolo oo ka soo kabanaya nolol xumo ay abaar biday

A Somali Pastoralist waits to recieve payment for livestock he brought to the market/File Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Yuusuf Maxamed Xasan oo toban qof ah ayaa ka soo kabanaya xaalad nolol xumo ah oo ay wajahayeen ilaa bishii Nofeembar ee sanadkii hore. Waxaa u suuragaliyay, markii dhamaadkii Maarso ay ehelkoodu u aruuriyeen afartan ari ah oo ay nacfi ka heleen.

Waxay ka mid yihiin in ka badan 120 qoys oo ah xoolo dhaqato abaaraha ku cayroobay oo ku nool deegaannada Miirxaylay, Dhuumoodle, Tuulo-sarmaan iyo miyiga hoos yimaada oo waxgaradka deegaanku ay go’aansadeen in xoolo lagu caawiyo.

Yuusuf ayaa sheegay in bartamihii bishii Abriil uu suuqa geystay labo neef oo ka mid ah arigii la siiyay. Waxay u gooyeen $120 oo uu ku soo iibsaday bur, bariis iyo sonkor min konton kiilo ah iyo sagaal liitar oo saliid ah. Wuxuu tilmaamay in raashinkaas oo qayb ay wali u taallo uu wax weyn u taray.

“Maalintii waqtiga hore waa la karsadaa waqtiga danbena waa la karsadaa. Xoolahaan markaan helnay waxaa laga lisaa labo koonbo oo iidaan ah abaarihii iyo balaayadaan soo marnay waa ka baxnay.”

Yuusuf ayaa sheegay in xaaladdii adkayd aa qoyskiisu ay ku jireen uu kaga badbaaday dhaqanka reer guuraaga ee ah in dadka ay xooluhu u soo doogtaan ay garab siiyaan kuwa jilaalka ay kaga dhameedeen. Wuxuu sheegay in arintaan ay ka saartay xaalad quus ah oo bilo ka hor uu ku jiray, ayna rajo wanaagsan u abuurtay.

Ninkaan ayaa qorshaynaya in uu wax ka badalo hab xoolo dhaqashada si dhibaatadii uu sanadkii hore la kulmay aysan markale ugu soo noqon. Wuxuu tilmaamay in uu doonayo in ariga la siiyay inta uusan jilaalku saamayn uu iibiyo oo ganacsiyo uu ku darsado ama uu lacag ka kaydsado.

Carruurtiisa oo yar yar ayuu tilmaamay in ay xamili waayeen qatooyada waqtiga dheer ah. Wuxuu sharaxayaa dhibaatooyinkii ay soo mareen intaan la caawin.

“Nolosheenu dhibaato ayay ku jirtay intaan xoolaha naloo aruurin. Dariska ayaa wax na siin jiray,. Cunno la’aan iyo baahi ayaan soo marnay. Dhibaato badan ayaan soo aragnay xoolo dhaqato horaan ahaa.”

Yusuf ayaa sheegay in xoolaha loo aruuriyay xilli deegaanku barwaaqo yahay oo ay si sahlan ku helayaan daaq iyo biyo ku filan, taasi waxay fududaysay in ay faa’iido badan oo caano iyo cad ah ka helaan wax qarash ahna uusan ka galin.

Ninkaan ayaa xusay in lixdan ari ah oo nolosha qoyskiisa ay ku tiirsanayd neefafkii ugu danbeeyay ay cudurro iyo saamaynta jilaalka kaga dhinteen sanadkii hore.

Reer guuraaga ku nool miyiga gobolka Galgaduud ee xooluhu uga badbaadeen jiilaalka ayaa labadii bil ee ugu danbaysay billaabay gurmad xoolo aruurin ah oo ay u samaynayaan qoysaskii ku cayroobay roob la’aanta. Dadka arintaan ka faa’iidaystay waxaa ka mid ah Ayaan Cabdullaahi Axmed oo qoyskeedu uu todobo qof yahay.

Waxay sheegtay in ay ka baxeen dhibaato dhaqaale oo haysatay ilaa bishii tobnaad ee sanadkii hore, markaas oo ay daaq la’aan, biyo yari iyo cudduro isbiirsaday uga dhamaadeen konton neef oo ugu danbayay geel iyo ari ay noloshoodu ku tiirsanayd. Bishiii Abriil ayaa dadka deegaanka iyo ehelkoodu ku caawiyeen 27 neef oo ari ah oo isbadal nololeed u horseeday qoyskeeda.

“Nacfi waynbaan ku qabnaa oo riyahaas ayaan cadays ka maalnaa way ladanyihiin oo neef haddii suuqa lagaysto waxbaa lagu soo badalan karaa haddaan hilib u baahanno xitaa waa ka qalan karnaa.”

Ayaan ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay in qoyskeedu uu ka soo baxay marxalad adag oo cunno la’aan ah oo muddo ay ku soo jireen. Waxay hadda cunnaan raashin min 25 kiillo oo bur, bariis iyo sonkor ah oo labaatankii bishaan ay ku soo iibsadeen lacag $65 oo uu u gooyey neef ay gateen.

Haweenaydaan ayaa sheegtay in markii xoolihii ka dhamaadeen ay tuulada yimaadeen oo qoysas ehelkooda ah ay dulsaar ku noqdeen, iyadoo ku fikiraysay in ay xeryaha barakac ku biirto ayay odayaasha deegaanku wargaliyay in xoolo loo aruurin doono, markaas oo hamigeedu dib u soo noolaaday.

Ayaan ayaa xustay in sideed ka mid ah ariga la siiyay oo irmaan ay hal waqti carruurta u maasho, halka labada waqti ee kalana ay raashinka u karsato. Caruurteeda oo 8 jir ugu weyn yahay ayay sheegtay inay caanuhu wax wayn tareen waqtigaan oo xaalad adag ay ka soo gudbeen. Ayaan waxay qorshaynaysaa in hadda kadib aysan miyiga ku koobnaan oo magaalada ay ganacsi ka samaysato si dhibtii hore aysan markale ula kulmin.

“Waxaan qorshaynaynaa xoolaha nala siiyay inaan xanaanaysanno. Haddii xoolahaas sanadkaan sifiican noogu soo baxaanna waxaan rajaynaynaa intaan qaarkood gadanno inaan wax meel dhiganno bal si aysan tiiyoo kole noogu dhicin oo dukaamo aan ku darsanno si hadhow aan ugu baxsanno.”

Ayaan ayaa sheegtay in helitaanka xoolaha uu ku soo beegmay waqti nag deg ah oo roob fiican uu ka da’ay miyiga deegaanka Miirxaylay oo ay ku nool yihiin, taas oo sababtay in ariga la siiyay ay ka helaan cad, caano iyo suuq geyn.

Haweenaydan ayaa xustay in ay rajaynayso in  sida loo caawiyay ay iyaduna dadkale u caawiso sanooyinka soo aadan.

Xuseen Aadan Cali oo ka mid ah dadkii u istaagay in xoolo loo aruuriyo qoysaskaan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in deegaanka oo labadii sano ee u danbaysay aysan roobab fiican ka di’in ay sababtay in dad badan ay dhaafeen xoolihii ay ku tiirsanaayeen.

Markii la roobsaday ayuu xusay in waxgaradka kulmeen oo la go’aansaday in dadka cayroobay xoolo aruurin loo sameeyo si noloshooda loo badbadiyo. Wuxuu tilmaamay in ay koox koox isku raaceen oo ay meelo kala duwan ka soo aruuriyaan xoolo geel iyo ari isugu jira.

Wuxuu sheegay in ay u qaybiyeen iyagoo ku qiimaynaya sida ay qoysasku u kala balaaran yihiin oo ay xoolaha ugu kala badiyeen. Arintaas ayuu xusay in ay dad badan rajo cusub u abuurtay.

“Gudi ayaa xoolaha aruurinaya qoyskii loo tago waxaa laga qaadayaa neef riman ama neef irmaana oo ilmaha qoyska loo wado cadays looga maalo, ama neef iib galoo inta suuqa la aadan ay raashin ku soo qaataan. Sidaas marka loo aruurinaayay oo qoyskii shan iyo toban lasiiyo ama labaa riman ama saddex, ama afarbaa beec gasha, kuwana waa wax dhaqan ah oo la is leeyahay waa u dhami karaan.”

Xuseen ayaa sheegay in shaqada xoolo aruurinta ah aysan weli dadka wada gaarin oo ay qorshaynayaan in ay deegaano kala duwan dadka xoolo uga soo aruuriyaan. Qorshahaan ay billaabeen xoolo dhaqatada gobolka Galgaduud ayay qoysas badan ka badbaadiyay in ay ku biiraaan xeryaha barkaca, markii xoolahoodii ay ka dhamaadeen.

Previous Post

Baydhabo: Qoysas danyar ah oo lagu wareejiyay guryo dhisan iyo adeegyada bulshada

Next Post

Mudug: Danyar xal u helay daboolidda baahida qoysaskooda markii ay heleen shaqo xoogsi ah

Related Posts

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen

January 20, 2026
Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha

January 19, 2026
Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda

January 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Heshiish laga gaaray colaaddii Xanan-buure oo soo kabasho u noqotay qoysas danyar ah

January 14, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda
Wararkii u Danbeeyay

Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda

January 12, 2026
Next Post
Mudug: Danyar xal u helay daboolidda baahida qoysaskooda markii ay heleen shaqo xoogsi ah

Mudug: Danyar xal u helay daboolidda baahida qoysaskooda markii ay heleen shaqo xoogsi ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JAN-2026

IDAACADDA 20-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JAN-2026
January 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JAN-2026
January 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo