(ERGO) – Axmed Cabdikhayr Jaamac ayaa si buuxda ugu filnaaday maaraynta nolosha qoyskiisa oo 8 qof ah, markii uu bishii Janaayo ee sanadkan fursad shaqo ka helay warashad samaysa mutuleelka iyo caagadaha halka mar la isticmaal oo ku taalla magaalada Xarfo ee gobolka Mudug.
Wuxuu ka mid yahay in ka badan 300 oo qof oo isugu jira rag iyo dumar ka soo jeeda qoysas danayr ah shaqooyin kala duwan iyo tabaro ka helay shirkadaan oo Diseembar sanadkii tagay la hirgaliyay. Axmed oo ka howgala qaybta samaynta caagadaha ayaa sheegay in uu helay isbadal weyn.
Shaqada oo uu bilaabay 5 Janaayo wuxuu ka qaataa $300 oo u suuragalisay in uu reerkiisa u awooda cunno saddex waqti ah, sidooo kalena uu welwel la’aan u dabaro dhamaan baahiyahooda.
“Waxaa ugu weyn oon xaliyay ee aan ka helay waxaa weeye in aan ka baxay qof gacan hoorsashadiisa. Waxbarashadii ilmaha waan ku bixiyaa. Kirooyinkii waa ku bixiyaa. Biilashii waan ku bixiyaan waxaan kaloo ka helay nolol iyo dhaqaale.”
Axmed ayaa sheegay in uu la daalaa dhacayay maaraynta nolosha qoyskiisa ka hor inta uusan fursaddan helin. Wuxuu xusay inay maalintii hal mar dabka saaran jireen kaalmo aan joogto ahayn oo ay ka heli jireen ehelkiisa jooga Galkacyo, markii aysan waxba helina ay qadi jireen.
Ninkaan ayaa dhanka kale tilmaamay in uu qarashka waxbarashada oo $30 ah uu si joogto ah uga bixiyo saddex carruurtiisa ah oo dugsi u dhigata. Markii hore ayuu sheegay in marna uu ehel u baryi jiray marna loo soo cayrin jiray.
Axmed wuxuu ku faraxsan yahay isbadalka nololeed ee uu helay, isagoo tilmaamay in ku dhawaad labo sano oo uu shaqo la’an ahaa kadib ay qoyskiisu ka soo kabteen daruufihii dhaqaale ee haystay.
Shaqo dhismaha guryaha ahayd oo uu ka shaqaynayay ayuu waayay 2023, markaas oo shirkado waa weyn oo shaqaalahooda watay ay deegaanka ku soo bateen. Wuxuu xusay in uu xitaa ku fakaray in uu tahriibo, markii uu u adkaysan waayay nolosha adag.
‘’Shaqadaan kow waxaan uga baaqday tahriibkii. Wax weyn ayaa u dhexeeya isbadal weyn ayaan ka helay waad garan kartaa adiguba qof aan shaqayn waa in uu qof asaagiisa ah baryo ama inuu jidka istaago oo tuugo ama burcadnimo ku dhaqaaqo iyo in uu tuugsado maxaaba ka dhexeeya. Wax uun bay ka taraysaa wixii aad heshaa baahida qoyskaaga.”
Axmed ayaa tilmaamay in uu qorshaynayo in uu dhigaalsado qayb ka mid ah mushaarkiisa, maaddaama wixii hadda ka horeeyay uu u isticmaalaay bixinta deymihii hore iyo u sal dhigida baahiya qoysa, balse bishaan May uu doonayo in uu keydkiisa ka bilaabo.
Intii uusan bilaabin ayaa la siiyay tababar ku saabsan qaabka mashiinada loogu shaqeeyo, maadooyinka la isku daro ee caagadaha laga sameeyo iyo sida ay khataraha isaga ilaalinayaan.
Axmed oo horay u ahaa xoolo dhaqato ku nool miyiga gobolka Mudug ayaa sheegay in 38 neef oo ugu danbeeyay ari uu dhaqan jiray ay daaq la’aan ugu dhinteen sanadkii 2022, arintaas oo ku qasabtay in uu magaalada soo galo.
Fursadaan shaqo dadka ka fa’iidaystay waxaaa ka mid ah Sacdiyo Cabdiraxmaan Xasan oo qaybta lagu sameeyo mutuleelka guryaha la dhigo ka shaqo bilowday 24 bishii Janaayo ee sanadkaan, iyadoo markaas dhamaysay dugsiga sare.
Waxay xustay in qoyskoodu oo wajahayay xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ku qasabtay in ay shaqo raadiso. Hadda waxay sheegay inay ka gudbeen culays-yadii haystay ka hor inta aysan shaqadaan billaabin oo iyada uu ku tiirsan yahay qoyska dhan.
“Reerkeena ayaa igu tiirsan aniga. Qofka haddii uu shaqaysto maanta iyo haddii uusan shaqaysan isku mid ma ahan. Kan shaqaysta waa qof lagu tiirsan yahay oo wax soo saar u ah qoyskiisan, marka qofkaas ayaan ahay aniga.”
Hooyadeed oo ariga qali jirtay ayay xustay in ay Diseembar sanadkii hore uu neerfo ku dhacay oo ay shaqadii wadi waysaysay, taas oo keentay in ay masuuliyada reerka la wareegto, maaddaama ay curad u tahay.
$200 oo bil walba ay ka qaadato shirkada ayay sheegtay in ay qayb hooyadeed oo Gaalkacyo degan u dirto qaybta kalena ay siiso ayeeydeed oo Xarfo kula nool. Gabadhaan oo ka soo jeeda qoys danyar ah ayaa tilmaamtay in markii hore ay hal mar dabka ku shidan jireen, balse hadda ay u awooda labo mar oo joogto ah.
Sacdiyo waxay sheegtay in labada qoys ee ay u shaqayso ay ka kooban yihiin 15 qof. Reerkeeda oo balaaran ayaa keentay in aysan wada kaafin karin baahiyahooda, balse qayb ka mid ah ay xalisay. Waxay rajaynaysaa in aysan shaqaale waligeed ahaan oo ay aruursato lacag ay ku furan karto ganacsi u gaar ah.
“Hadda labadaas qoys ayaan u kala qaybiyaa lacagtaan qaato, laakiin waxaan rajaynayaa in aan ilo dhaqaale oo ganacsi ah aan furto kadibna aan ku shaqaysto oo deegaanka aan hormar u soo siyaadiyo. Waxaan rajaynayaa in aan wax badan ka shaqeeyo oo lacag ka aruursado.”
Sacdiyo ayaa sheegtay in yaraanteedii uu aabbaheed geeriyooday oo hooyadeed soo korisay, taas oo keentay in ay noqoto qofka kali ah ee reerka u dhaqdhaqaaqaya. Saddex walaaleed ka yar yar ah ayay tilmaamtay in bishii ay ka bixiso $15 oo dugsi ay ku dhigteen sidoo kale labo qol oo hooyadeed degan tahay ayay bil walba ka bixisa kiro afartan dollar ah.
Nuur Maxamed Faarax oo ah maamulaha warshada Rasmi ee Xarfo ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dhalinyaro saddex boqol ka badan ay shaqooyin kala duwan siiyeen. Wuxuu tilmaamay in markii ay arkeen baahida shaqo iyo fursadaha bannaan ee deegaanka ka jira ay go’aansadeen in dadkana ay shaqo u abuuraan wax soosaarka deegaankana sare u qaadaan.
Qoysas danyar ah oo dabku ka dabsanaa ayuu tilmaamay in ay warashada ka heleen isbadal nololeed oo aysan horay u haysan.
‘’Qofku marka uu shaqo la’aan yahay iyo marka uu shaqeeyo isku si ma ahan niyad ahaan iyo dhaqaale ahaan labadaba. Hadda dhaqaale fiican ayay ka heleen dad badan ayaana ka shaqeeya, badalka kale ee yimidna magaaladii waxay ka heshay hormar iyo shaqo labadaba.”
Maamulaha ayaa sheegay in dadka ay qaateen ay ka kala shaqeeyaan dhowr qaybood oo kala ah samaynta bulukeetiga, mutuleelka, cagadaha, biyah macaan ee la cabo, kuwa tuubooyinka, korontada iyo qaybo kale. Qayb kasta waxaa la baray farsamada shaqada ay qabanayso.
Dadkaan ayuu xusay in haddii ay dhaqaale helaan ay soo kordhin karaan faa’iido badan, maaddaama aysan kali ah shaqaale ahayn oo sidoo kale ay farsamo yaqaano yihiin.
Ganacsiyada yar yar ee gaarka loo leeyahay oo laga hirgaliyo wadanka waxay fursad isbadal nololeed u horseeda u noqdaan boqollaal qof oo markii hore la daalaa dhacayay duruufo dhaqaale xumo. Waxay fursadaan u suuragalisaa in ay qoysaskooda ka saaraan nolosha adag oo rajo iyo yididiile u abuuraan.











