Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bari: Qoysas colaad ka barakacay oo wajahaya nolol xumo ay xal u waayeen

Jibril Osman by Jibril Osman
June 5, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Bari: Qoysas colaad ka barakacay oo wajahaya nolol xumo ay xal u waayeen

Haweenay iyo carruurteeda oo horfadhiya gurigooda oo nolol xumo ka jirto/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Sareedo Cismaan Cilmi oo ka kooban 14 qof waxay la halgamayaan cunno la’aan, biyo yari iyo hoy xumo tan iyo bishii Abriil, markii ay ka soo barakaceen deegaanka Turmasaale oo hoos taga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Barakacooda waxaa sababay dagaalka u dhexeeya ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish, waxaana hadda ay ku nool yihiin duleedka deegaanka Timirshe.

Waxay ka mid yihiin ku dhawaad 40,000 oo qoys oo isugu jira xoolo dhaqato iyo danyar, kuwaas oo barakacay intii u dhexeysay bishii Saddexaad iyo Afraad. Tiro koob ay sameeyeen guddi uu maamulka Puntland u xil saaray qiimeynta saameynta dagaalka ayaa daaha-ka-qaaday baaxadda dhibaatada.

Sareedo waxay sheegtay in colaadda ay ugu darsantay saameynta jilaalkii hore, taasoo sababtay in aysan heli karin cunno xitaa hal waqti ah maalintii. Waxay intaas ku dartay in deegaanka ay u barakaceen aysan ka helin nolol ka wanaagsan tii ay ka soo tageen.

“Barakac waad garanaysaa dhibaatada uu leeyahay. Iskuuladii, xoolihii, meheradihii iyo dhulkayagii waan ka soo tageen. Meeshii xabbadu ka dhacaysay waan ka nimid, laakiin hadda culayska ugu daran waa cunno la’aanta. Dad barakac ah oo reer dulsaaran ah dhibtooda waad og tahay.”

Waxay sheegtay inay horey u lahayd meherad yar oo ay shaah ku iibin jirtay, taasoo ay maalintii ka heli jirtay celcelis ahaan $3 ilaa $4. Mararka qaarna waxay guran jirtay dhowr kilo oo xiji ah oo $5 laga siin jiray. Dakhligaasi wuxuu u filnaa inay qoyskeeda siiso cunno joogto ah.

Sareedo waxay intaas ku dartay in ninkeeda uu labadii sano ee la soo dhaafay sariir-yaal yahay, kaddib cudur ay dhaqaatiirtu ugu yeereen neerfo, taasoo keentay inuusan shaqo qaban karin.

Iyadoo ah qofka keliya ee qoyska mas’uulka ka ah, waxay sheegtay inay ku sugan yihiin hoy la’aan daran, maalintii waxay harsadaan geedo, habeenkiina hal qol oo cooshad ah oo dad deegaanka ah ay ugu deeqeen ayay wada seexdaan.

Waxay xustay inay tabayso noloshii ay ku haysteen deegaanka ay ka soo barakaceen, halkaasoo ay ku lahayd saddex qol oo dhagax ah, jiko iyo baraag.

“Kulaylka meel kastaa waad gam’i kartaa, laakiin xilliga qaboobaha waa midka ugu dhibaato badan. Xilligii ugu qaboobaa ayaan soo barakacnay. Hoy la’aan iyo duruufo kale ayaan wajahnaa. Dadka magaalada jooga waan uga mahadcelineynaa soo dhaweynta, inkastoo aysan wax badan nagu dhaamin.”

Waxay sidoo kale muujisay welwel ku saabsan waxbarasho la’aanta haysta afar carruur ah oo uu dhalay wiilkeeda, kaas oo ay kooxda Daacish dishay bishii Maarso isagoo shaqo xiji gurid ah ku guda jiray. Carruurtaas waxay dhiganayeen fasallada 3, 4, 5 iyo 10 ee iskuulka Turmasaale, iyagoo bishii laga bixin jiray $50. Hadda waxay noqdeen guri joog, maadaama aysan awoodin inay gayso iskuullo gaar loo leeyahay oo lacag ah.

Dhanka kale, Safiya Cali Mire oo ah hooyo siddeed carruur ah leh, waxay bishii Maarso ka soo barakacday deegaanka Daray-Madoobe oo ka mid ah meelaha sida xooggan dagaalku u saameeyay. Waxay timid Timirshe, halkaasoo aysan ka helin cunno, biyo iyo hoy midna.

Safiya waxay sheegtay inay lahayd meherad yar oo ay ku iibin jirtay bagaash iyo cuntooyinka bisil, taas oo qoyskeeda u ahayd halka keliya ee ay dhaqaalaha ka helaan. Dagaalkii dhacay ayaa sababay inay ka faro marato alaabtii meheradda oo ay ku qiyaastay $600.

“Xaalku waa nagu xun yahay. Dulsaar ayaan nahay. Cuntadu waa nagu yar tahay. Maalintii waxaan helnaa cunto dayac ah, sababtoo ah reerka aan la joogno waa danyar iyagaba, waana u baahanahay in nala caawiyo. Hoy la’aan baan nahay, gacan qabasho baan u baahanahay.”

Waxay sidoo kale sheegtay in biyo yari daran ay haysato, halkaas oo jirgaanka biyaha lagu iibiyo $0.20, taasoo aysan awoodin. Ceel gacmeed ay 20 daqiiqo u socoto ayay sheegtay inay maalintii hal caag ka qaataan. Mararka qaarna ceelkaasi wuu engagaa muddo dhowr maalmood ah.

Safiya waxay tilmaamtay in deegaanka ay cusub yihiin oo aysan cidna ka aqoon, taasoo keentay in aysan helin cid ay wax ka deynsadaan. Waxay sheegtay in biyaha aysan u helin sidii ay rabtay, maadaama lacag laga rabo oo aan lagu siin karin si bilaash ah.

“Meesha ceel waa leedahay laakiin waa biyo yareeyay, maaddaama ay dad badan u soo barakaceen deegaanka, waqtiyada qaar xitaa biyaha dhowr maalin baan sugna ilaa markii danbe nala dhaho biyo malahan oo heli meysan.”

Waxay intaas ku dartay inay waayeen dhammaan ilihii dhaqaale ee ay tiirsanaayeen. Waxay deegaankoodii uga soo tageen 15 neef oo ari ah, kuwaas oo xilliga jilaalka awoodin inay socdaan masaafo dhan 170km si ay ula barakacaan. Ma aysan helin gaadiid ay ku soo raraan xoolahaas.

Qaar ka mid ah ehelkeeda ayaa ku caawiyay gaari, balse waxay xustay in gaadhigaas ay dad badan ku soo wada raaceen. Saddex ka mid ah carruurteeda oo dhiganayay fasallada 5aad, 6aad iyo 7aad ayaa hadda waxbarasho la’aan ah.Tan iyo Diseembar 2024. kumannaan qoys ayaa ka barakacay miyiga iyo tuulooyinka buuraha Calmiskaad si ay uga badbaadaan dagaalka u dhexeeya Puntland iyo Daacish.

Siciid Abshir Maxamed oo ka tirsan guddiga qiimaynta ee dowladda Puntland u xil-saartay, ayaa sheegay in xaalad aad u liidato ay ku soo arkeen deegaannada ay tageen. Wuxuu tilmaamay in deegaanka ay horey abaarr u saamaysay, sanadkana uusan helin roob ku filan, taasoo keentay in dadka deegaanka aysan is caawin karin.

Hay’adaha samafalka iyo dowladda ayuu sheegay in lagu wargeliyay xaaladda adag ee jirta, maaddaama aysan hayn dhaqaale ay ku taageeraan ka maamul ahaan.

“Dadku waa dad barakac ah. Tiro koob badan ayaan sameynay, waqti walbana dad cusub ayaa imaanayay. Anagu awood uma lihin xarun aan dadka geyno, balse farsamo ahaan waxaan samaynay in reerkii degganaa aan mid kale dulsaarno.”

Dagaalka u dhexeeya Puntland iyo Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad muddo ka badan lix bilood, wuxuu si weyn u saameeyay qoysaas xoolo-dhaqato, beeraley iyo danyar u badan oo ku nool tuulooyinka halkaas ku yaalla. Iyagoo horeyba u wajahayay jilaal adag ayuu dagaalku ka dhigay xaaladooda mid aad u liidata.

Previous Post

Mudug: Danyar xal u helay daboolidda baahida qoysaskooda markii ay heleen shaqo xoogsi ah

Next Post

Mudug: Xoolo-dhaqato u weecday beero-falashada markii ay wajaheen xoolo la’aan

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Mudug: Xoolo-dhaqato u weecday beero-falashada markii ay wajaheen xoolo la’aan

Mudug: Xoolo-dhaqato u weecday beero-falashada markii ay wajaheen xoolo la’aan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo