(ERGO) – Qoyska Sareedo Cismaan Cilmi oo ka kooban 14 qof waxay la halgamayaan cunno la’aan, biyo yari iyo hoy xumo tan iyo bishii Abriil, markii ay ka soo barakaceen deegaanka Turmasaale oo hoos taga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Barakacooda waxaa sababay dagaalka u dhexeeya ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish, waxaana hadda ay ku nool yihiin duleedka deegaanka Timirshe.
Waxay ka mid yihiin ku dhawaad 40,000 oo qoys oo isugu jira xoolo dhaqato iyo danyar, kuwaas oo barakacay intii u dhexeysay bishii Saddexaad iyo Afraad. Tiro koob ay sameeyeen guddi uu maamulka Puntland u xil saaray qiimeynta saameynta dagaalka ayaa daaha-ka-qaaday baaxadda dhibaatada.
Sareedo waxay sheegtay in colaadda ay ugu darsantay saameynta jilaalkii hore, taasoo sababtay in aysan heli karin cunno xitaa hal waqti ah maalintii. Waxay intaas ku dartay in deegaanka ay u barakaceen aysan ka helin nolol ka wanaagsan tii ay ka soo tageen.
“Barakac waad garanaysaa dhibaatada uu leeyahay. Iskuuladii, xoolihii, meheradihii iyo dhulkayagii waan ka soo tageen. Meeshii xabbadu ka dhacaysay waan ka nimid, laakiin hadda culayska ugu daran waa cunno la’aanta. Dad barakac ah oo reer dulsaaran ah dhibtooda waad og tahay.”
Waxay sheegtay inay horey u lahayd meherad yar oo ay shaah ku iibin jirtay, taasoo ay maalintii ka heli jirtay celcelis ahaan $3 ilaa $4. Mararka qaarna waxay guran jirtay dhowr kilo oo xiji ah oo $5 laga siin jiray. Dakhligaasi wuxuu u filnaa inay qoyskeeda siiso cunno joogto ah.
Sareedo waxay intaas ku dartay in ninkeeda uu labadii sano ee la soo dhaafay sariir-yaal yahay, kaddib cudur ay dhaqaatiirtu ugu yeereen neerfo, taasoo keentay inuusan shaqo qaban karin.
Iyadoo ah qofka keliya ee qoyska mas’uulka ka ah, waxay sheegtay inay ku sugan yihiin hoy la’aan daran, maalintii waxay harsadaan geedo, habeenkiina hal qol oo cooshad ah oo dad deegaanka ah ay ugu deeqeen ayay wada seexdaan.
Waxay xustay inay tabayso noloshii ay ku haysteen deegaanka ay ka soo barakaceen, halkaasoo ay ku lahayd saddex qol oo dhagax ah, jiko iyo baraag.
“Kulaylka meel kastaa waad gam’i kartaa, laakiin xilliga qaboobaha waa midka ugu dhibaato badan. Xilligii ugu qaboobaa ayaan soo barakacnay. Hoy la’aan iyo duruufo kale ayaan wajahnaa. Dadka magaalada jooga waan uga mahadcelineynaa soo dhaweynta, inkastoo aysan wax badan nagu dhaamin.”
Waxay sidoo kale muujisay welwel ku saabsan waxbarasho la’aanta haysta afar carruur ah oo uu dhalay wiilkeeda, kaas oo ay kooxda Daacish dishay bishii Maarso isagoo shaqo xiji gurid ah ku guda jiray. Carruurtaas waxay dhiganayeen fasallada 3, 4, 5 iyo 10 ee iskuulka Turmasaale, iyagoo bishii laga bixin jiray $50. Hadda waxay noqdeen guri joog, maadaama aysan awoodin inay gayso iskuullo gaar loo leeyahay oo lacag ah.
Dhanka kale, Safiya Cali Mire oo ah hooyo siddeed carruur ah leh, waxay bishii Maarso ka soo barakacday deegaanka Daray-Madoobe oo ka mid ah meelaha sida xooggan dagaalku u saameeyay. Waxay timid Timirshe, halkaasoo aysan ka helin cunno, biyo iyo hoy midna.
Safiya waxay sheegtay inay lahayd meherad yar oo ay ku iibin jirtay bagaash iyo cuntooyinka bisil, taas oo qoyskeeda u ahayd halka keliya ee ay dhaqaalaha ka helaan. Dagaalkii dhacay ayaa sababay inay ka faro marato alaabtii meheradda oo ay ku qiyaastay $600.
“Xaalku waa nagu xun yahay. Dulsaar ayaan nahay. Cuntadu waa nagu yar tahay. Maalintii waxaan helnaa cunto dayac ah, sababtoo ah reerka aan la joogno waa danyar iyagaba, waana u baahanahay in nala caawiyo. Hoy la’aan baan nahay, gacan qabasho baan u baahanahay.”
Waxay sidoo kale sheegtay in biyo yari daran ay haysato, halkaas oo jirgaanka biyaha lagu iibiyo $0.20, taasoo aysan awoodin. Ceel gacmeed ay 20 daqiiqo u socoto ayay sheegtay inay maalintii hal caag ka qaataan. Mararka qaarna ceelkaasi wuu engagaa muddo dhowr maalmood ah.
Safiya waxay tilmaamtay in deegaanka ay cusub yihiin oo aysan cidna ka aqoon, taasoo keentay in aysan helin cid ay wax ka deynsadaan. Waxay sheegtay in biyaha aysan u helin sidii ay rabtay, maadaama lacag laga rabo oo aan lagu siin karin si bilaash ah.
“Meesha ceel waa leedahay laakiin waa biyo yareeyay, maaddaama ay dad badan u soo barakaceen deegaanka, waqtiyada qaar xitaa biyaha dhowr maalin baan sugna ilaa markii danbe nala dhaho biyo malahan oo heli meysan.”
Waxay intaas ku dartay inay waayeen dhammaan ilihii dhaqaale ee ay tiirsanaayeen. Waxay deegaankoodii uga soo tageen 15 neef oo ari ah, kuwaas oo xilliga jilaalka awoodin inay socdaan masaafo dhan 170km si ay ula barakacaan. Ma aysan helin gaadiid ay ku soo raraan xoolahaas.
Qaar ka mid ah ehelkeeda ayaa ku caawiyay gaari, balse waxay xustay in gaadhigaas ay dad badan ku soo wada raaceen. Saddex ka mid ah carruurteeda oo dhiganayay fasallada 5aad, 6aad iyo 7aad ayaa hadda waxbarasho la’aan ah.Tan iyo Diseembar 2024. kumannaan qoys ayaa ka barakacay miyiga iyo tuulooyinka buuraha Calmiskaad si ay uga badbaadaan dagaalka u dhexeeya Puntland iyo Daacish.
Siciid Abshir Maxamed oo ka tirsan guddiga qiimaynta ee dowladda Puntland u xil-saartay, ayaa sheegay in xaalad aad u liidato ay ku soo arkeen deegaannada ay tageen. Wuxuu tilmaamay in deegaanka ay horey abaarr u saamaysay, sanadkana uusan helin roob ku filan, taasoo keentay in dadka deegaanka aysan is caawin karin.
Hay’adaha samafalka iyo dowladda ayuu sheegay in lagu wargeliyay xaaladda adag ee jirta, maaddaama aysan hayn dhaqaale ay ku taageeraan ka maamul ahaan.
“Dadku waa dad barakac ah. Tiro koob badan ayaan sameynay, waqti walbana dad cusub ayaa imaanayay. Anagu awood uma lihin xarun aan dadka geyno, balse farsamo ahaan waxaan samaynay in reerkii degganaa aan mid kale dulsaarno.”
Dagaalka u dhexeeya Puntland iyo Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad muddo ka badan lix bilood, wuxuu si weyn u saameeyay qoysaas xoolo-dhaqato, beeraley iyo danyar u badan oo ku nool tuulooyinka halkaas ku yaalla. Iyagoo horeyba u wajahayay jilaal adag ayuu dagaalku ka dhigay xaaladooda mid aad u liidata.











