Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Mudug: Xoolo-dhaqato u weecday beero-falashada markii ay wajaheen xoolo la’aan

Jibril Osman by Jibril Osman
June 7, 2025
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Mudug: Xoolo-dhaqato u weecday beero-falashada markii ay wajaheen xoolo la’aan

Xoolo-dhaqato hore oo goosanaya dalag u baxay/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaawo Axmed Cali ayaa labadii bil ee ugu danbaysay ku filnaatay maaraynta nolosha qoyskeeda oo 10 qof ka kooban. Waxay u suuragaliyay shaqo ay bishii Maarso ka bilowday beer ku taalla duleedka deegaanka Laasa-cadale oo hoostaga magaalada Gaalkacyo.

Waxay ka mid tahay in ka badan 300 qof oo ka soo jeeda qoysas abaaraha ku xoolo beelay oo afartii bil ee ugu danbaysay shaqooyin ka helay beero ku yaalla deegaannada Lasa-cadale, Xaarxaar iyo Booran-cadka ee gobolka Mudug.

Haweenaydaan ayaa sheegtay in arrintaan ay u noqotay fursad weyn oo reerkeedu ay ka heleen isbadal nololeed. Lacag $150 ah oo bishii ay mushaar u qaadato ayay sheegtay in ay ku dabooshay baahiyaha aas-aasiga ah ee carruurteeda iyo odaygeeda oo xanuunsan.

“Qoyskayga hadda xaalada uu ku sugan yahay waa mid dhexdhexaad ah. Ciyaalkii ayaa dabkooda iska shita, markii aan lacagtaas qaato raashin ayaan ku soo qaataa. Daawooyin qaar baan uga bixiyaa.”

Xaawo ayaa tilmaamtay in beer 5 hiktar ah ay u qaabilsan tahay abuurista dalagyada, falista iyo ka illaalinta xoolaha. Shaqadaan ka hor ayay xustay in qoyskeedu ku sugnaa xaalad adag.

Waxay 24 saac hal mar dabka saaran jireen raashin yar oo ay deyn uga soo qaadato dukaamada deegaanka ama dad ehel ah ku caawiyaan.

Toddobaadka dhan ayay shaqaysaa si uusan qoyskeeda dabku uga damin. Waxay xustay in ay ku adag tahay oo daal badan ay iyo culayso ay kala kulanto, balse ay ku qasban tahay, maaddama reerku iyada ku tiirsan yahay.

Odaygeeda oo 75 jir ah ayay sheegtay in uu la xanuunsan yahay cudur ay dhaqaatiirtu ugu sheegeen Tiibii lafood. Waxay kali ku noqotay maaraynta nolosha qoyska, balse soo kabashada ay shaqadaan ka heshay ayaa rajo u abuurtay.

 “Waxaan soo marnay nolol iska cariiri ah, laakiin hadda waa ka nool nahay oo dareenkayga waa fiican yahay in kastoo xoog yari aanan awoodi karin shaqada oo aanan tabar badan lahayn oo naftu ay iga daba cayrinayso.”

Xaawo ayaa xustay in lacagta ay qaadato ay u kala qabiso cunnada, biyo iyo deymo horay loogu lahaa. Intii ay shaqaynaysay waxay iska bixisay $100 oo ka mid ah deyn $1,500 ah oo ku dhawaad saddex sano lagu lahaa.

Waxay xustay in markii ay bilowday bixinta deynta ay ka nasatay waydiin joogto ah oo ay kala kulmi jirtay dadkii ku lahaa, wallow ay waqti dheer ku qaadanayso in ay dhamayso.

Qoyska Xaawo ayaa Abaarihii 2021 ay kaga le’deen 100 neef oo ari ah iyo 25 geel ah oo noloshoodu ay ku tiirsanayd. Wixii xilligaas ka danbeeyay ayay ku qasbanadeen in ay tuullada yimaadaan. Dad qaraabo la’ah ayaa ku caawiyay saddex qol oo cariish ah oo ay hadda ku nool yihiin.

Beeraleyda gobolk Mudug qaar ka mid ah oo bilowgii sanadkaan hay’ada WFP ay ku taageertay agabyo ay ka mid yihiin soolaro iyo agabyada beero falista loo isticmaalo ayaa dadka deegaanka ee xooluhu ka dhamaadeen siiyay fursado shaqo oo dhaqaale ay ka heleen.

Dadka kale ee shaqooyinkaan xoogsiga ah ka faa’iidaystay waxaa ka mid ah Maxamed Nuur Maxamed oo qoyskiisu ay ka kooban yihiin hooyadiis oo waayeel ah, xaaskiisa iyo lix carruur ah.

Ninkaan ayaa sheegay in shaqo waardiye, falid iyo beerista dhowr nooc oo khudaar ah oo Maarso uu ka bilaabay beer ku taalla duleedka deegaanka Xaarxaar ay qoyskiisa ka saartay cunno xumo. Wuxuu sidoo kale ka nastay welwel joogto ah oo uu ka qabay nolol maalmeedkooda.

Maxamed ayaa tilmaamay in hadda ay labo mar oo joogto ah dabka shitaan, maalmaha qaarna ay saddex mar helaan. Wuxuu ku faraxsan yahay isbadalka dhaqaale ee uu helay oo qoyskiisa ka saaray hubaanti la’aanta nololeed.

‘’Qoyskayga ayaan ka biilaa maalinkii waxaan soo shaqeeyo. Hadda way ku filan yihiin, wayna isaga nool yihiin oo wax ayay ka karsadaan. Aqoon iyo xirfad kale magaalo kuma anan lahayn. Intii aan shaqaynayayna bishii waxa i soo gala iyagaan ku dabarayay.”

Maxamed ayaa sheegay in hooyadiis oo waayeel xanuunsan ah uu maalin kasta koonbo caano ah u soo qaado marka uu shaqada ka soo baxo, maaddama aysan wax kale cuni karin, taas oo wax weyn uga dhigan.

Lacag $150 ah oo uu shaqadaan ka qaato bishii ayuu tilmaamay in wixii uga soo hara cunnada qoyska uu ku bixiyo deymo lagu yeeshay intii uu shaqo la’aanta ahaa oo ku gaartay $1,200. Wuxuu bixiyay konton ka mid ah halka inta kalena uu qorshaynayo in uu marba qayb yar ka bixiyo.

Saddex ka mid ah carruurtiisa oo horay waxbarasho la’aan u ahaa ayuu bishii hore dugsi geeyay, wuxuuna ka bixiyaa shan iyo toban dollar.

Ninkaan ayaa sheegay in shaqadaan cusub uu kaga maarmaay dad uu wax waydiisan jiray iyo shaqooyin dhagax jabis ah oo mar mar uu si dhib leh ku heli jiray. Wuxuu sharaxayaa farqiga u dhexeeya hadda iyo markii uu shaqo la’aanta ahaa.

‘’Farqi weyn ayaa u dhexeeyay marka qoyska ay baahan yihiin, adigana aadan shaqo hayn wax meel aada uga soo qaadana hayn iyo hadda. Intii aanan shaqadaan helin subax walba waa iska bixi jiray, haddii ilaahay wax I siiyo waan qaban jiray haddii aan waayana waa iska laaban jiray. Ciyaalkii oo dugsi u baahan iyo qutul daruurigii oo aan la soo qabanayn. Bishii oo kugu dhamaanaysa ayuu welwelkaygu ahaa.”

Maxamed ayaa sheegay in shaqooyin xoogsi ah oo aan joogto ahayn uu toddobaadkii ka heli jiray $2 ilaa $3 oo aan waxba u geyn jirin qoyskiisa, markii uu soo waayoayuu tilmaamay in ay qatooyo ku joogi jireen.

Ninkaan ayaa sheegay in sanadkii 2021 uu ka soo barakacay miyiga gobolka Mudug, markii ay cudurro, daaq la’aan iyo biyo yari kaga dhamaadeen 150 ari ah iyo afartan geela oo ay ku tiirsanaayeen.

Kheyre Ibraahim Cabdi oo bilowgii bishii Fabraayo ee sanadkaan shaqo beer abuuris ah ka bilaabay beer gaar loo leeyahay oo ku taalla deegaanka Xaarxaar ayaa sheegay in ilaa markaas uu cunno joogto ah u awooday qoyskiisa oo shan qof ah.

Ninkaan ayaa xusay in uu beero dalagyo ay ka mid yihiin qare, liin macaan, canab, batiiq, barbarooni, basbaas, iyo yaanyo. Wuxuu bishii ka qaataa boqol iyo konton dollar oo ugu filnaatay, raashinka, biyaha iyo waxbarashada carruurtisa.

“Qoyskayga wuxuu ku sugan yahay xaalad wanaagsan, haddeer beeraha Mudug ayaan ka shaqeeyaa xaaladayda waa fiican tahay boqolkiiba boqol. Shaqo la’aan waqtigii lahaa iyo waqtiga shaqada la haysto waxaa wanaagsan shaqada oo muhiimsan oo wax qabad iyo wax soo saarba leh.”

Khayre ayaa sheegay in shaqadaan uu ka helay qarash uu labo ka mid ah carruurtiisa waxbarashada uga bixiyo, sidoo kalena uu kaga marmay dad ay macaariifo yihiin oo uu u dan sheegan jiray.

Gobolka Mudug oo horay aysan ugu badnayn beeraha, sanooyinkii danbe wuxuu ka mid noqday deegaannada laga hirgaliyay beero kala duwan. Dadka gobolka oo xoolo dhaqato u badan, saamaynta abaaro soo noqnoqday oo xoolo beel ku riday kadib, waxay ku dhiiradeen tacbashada, taas oo qoysaskooda ka sartay xaalado adag oo cartowgu u horseeday.

Previous Post

Bari: Qoysas colaad ka barakacay oo wajahaya nolol xumo ay xal u waayeen

Next Post

Banaadir: Nin ka soo kabtay buro laga qalay oo qoyskiisa ka saaray nolol xumo

Related Posts

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen

January 20, 2026
Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha

January 19, 2026
Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda

January 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Heshiish laga gaaray colaaddii Xanan-buure oo soo kabasho u noqotay qoysas danyar ah

January 14, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda
Wararkii u Danbeeyay

Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda

January 12, 2026
Next Post
Banaadir: Nin ka soo kabtay buro laga qalay oo qoyskiisa ka saaray nolol xumo

Banaadir: Nin ka soo kabtay buro laga qalay oo qoyskiisa ka saaray nolol xumo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JAN-2026

IDAACADDA 20-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JAN-2026
January 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JAN-2026
January 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo