Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Banaadir: Nin ka soo kabtay buro laga qalay oo qoyskiisa ka saaray nolol xumo

Jibril Osman by Jibril Osman
June 9, 2025
in Wararkii u Danbeeyay
0
Banaadir: Nin ka soo kabtay buro laga qalay oo qoyskiisa ka saaray nolol xumo

Cabdi Cumar Nuur oo ag fadhiya gurigiisa markii lagu sameeyay qaliiin badbaadiyay isaga iyo qoyskiisa/Maxamed-khadar Cabdi

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdi Cumar Nuur oo 60 jir ah, wuxuu sodon sano kaddib awood u yeeshay inuu maareeyo nolosha qoyskiisa oo ka kooban 8 qof, markii uu ka caafimaaday buro uu ka shaqaysan waayay oo qoorta uga taallay oo qalliin iyo daweyn bilaash ah looga sameeyay bishii Febraayo.

Wuxuu bishii Abriil dib u billaabay shaqada tuubistaha oo uu xirfad u leeyahay kuna xoogsan jiray jirradiisa ka hor. Cabdi farxadda ah inuu dib u helay fayoobidiisa waxaa u dheer inuu qoyskiisa ka saaray nolol xumo.

Wuxuu subax kasta u kallahaa ceel uu ka mid yahay shaqaalahiisa, kaas oo bishii uu ka helo $150. Wuxuu sido kale ku shaqaystaa biyo gelinta guryaha cusub iyo cillad bixinta tubbooyinka dadka xaafadda la deggan. Shaqooyinkaas ayuu sheegay inuu ka helo marka loo wacdo $5-10.

Ninkan ayaa intaa ku daray in daqliga ka soo gala uu reerkiisa ka qaaday culeysyo nololeed oo ay la daalo dhacaayeen bilo ka hor sida helidda cunnada.

“Nolosheyna sidii hore way ka roon tahay, hadda odaygii reerk oo baxaya ayaan ahay, wixii aan henlo ayaa la isku darsada oo dukamada ayaan ka soo adeeganaa saas ayaan isku kaashanaa, maddama aan caafimaad helay noolasheena waa wanagsantahay hadda.”

Qoyskiisa inta uusan shaqadan billaabin waxay ku tiirsanayeen shaqooyin dhar dhaqid ah oo ay xaaskiisa ka soo heli jirtay $3 maalmaha qaar. Marka ay soo weydo ayuu sheegay inay gaajo ku joogi jireen. Wuxuu 15 bishii Mayu dhisay labo qol oo jiingad ah oo agabkooda oo celis ah uu ku helay $200.

Wuxuu sheegay in xilli roobeedkan ay hoy la’aan ku dhici lahayd haddii u la sii dhibanaan lahaa buradii ku taallay. Waxay daganayeen buul aan ku filnayn oo u nuglaa dhibicda roobka iyo cadceedda, kaas oo ugu yaalla xerada Barxadweyne ee degmada Kaxda.

Wuxuu tilmaamay inay ka hartay murug ku taagnayd oo ahayd hoy xummada oo haysay muddo toddobo sanno ah oo ay barakac ahaayeen. Cabdi ayaa ku faraxsansan in qoyskiisa ay heleen guri ku filan oo dhaxaanta iyo kulaylka ka celin kara.

“Laamiyeeri iyo waxyabo kale ayaan iskugu daaray hadda jingad ayaan ka dhigay sidaad arkeyso, markii hore bac kaligeed ayuu ahaa gurigeena oo baaba’a ayuu iska ahaa. Roobka ayaana noo soo geli jiray alxamdulilah haddana waan ka nabad qabnaa.”

Cabdi ayaa sheegay inuu ka nastay welwel joogta ah oo ay ku heyn jirtay waxbarashada carrurtiisa oo kan ugu weyn uu sagaal sano jir yahay. Wuxuu sheegay in hadda ay u suuragashay inuu waxbarasho ku daro saddex ka mid ah carruurtiisa oo u dhigta dugsi Qur’aan, kuwaas oo bishii uu ka dhiibo $20.

Wuxuu xusay in xerada ay daganyihiin aysan laheyn wax iskuul ah, taas oo sii murjisay xaalada  daruus la’aanta ah ee carruurtiisa heysay, maaddaama isagana uu dhul yaal ahaa. Wuxuu tilmaamay inuu qorsheynayo in bilooyin kaddib uu geeyo iskuulada lacagta ah ee deeganka.

Ninkan oo ku soo koray duruufo nololeed oo adag ayaa sheegay in buradii ku taallay ay soo martay heerar kala duwan ilaa markii danbe ay gaartay toddobo kilo, maaddama uu faro marnaa uuna awoodi wayaay lacag uu iskaga qalo. Cabdi ayaa sharaxaya farqiga u dhaxeeya noolashiisa hadda iyo markii hore.

“Markii hore iyo hadda farqi ayaa u dhaxeya, burada buro yar ma aheyn, waa lalmatay, markii hore saan waan ka caateysnaa buradaaba i dileysay dhiigga waa iga dhuuqeysay, waa ku dhib qabay, habeenkii xita maka jiifan Karin oo xanuun bey igu heysay sababto ah mar marka ka danbeysa waa sii weynaaneysay. Tabar daaro darted ayay igu taalay, noloshii qoyska ayaa la halgamaayay goormee ayaa buro iska qalaa, alxamdulilah samafalayaashan ayaa i laahey ii soo adeejiyay.”

Ninkan ayaa kamid ahaa 150 bukaan oo barakac ku ah degmada Kaxda, kuwaas adeegyo caafimaad oo bilaash ah ka helay bishii labaad ee sanadkan saddex isbitaal oo ku yaalla Muqdisho.

Isbitaaladan ayaa oggolaaday inay qaabilaan, markii golaha xirfadlayaasha caafimaad ee Gabdhaha Soomaaliyeed ay u bandhigeen xaaladooda caafimaad ee liidata iyo dhaqaale xumada heysa.  Fursaddan ayaa u suuragelisay in Cabdi uu hurdada lado, maaddaama uu ka soo kabtay xaaladan oo quus galisay.

Firfircoonida qofnimo ee uu dareemayo ayaa ku riixday in hadda uu xirfadiisa tubiistenimo uga faa’iideeyo toddobo dhallinyaro ah oo xerada la deggan. Wuxuu tilmaamay in qarkood ay si dhaqsi leh ku barteen ayna hadda qoysaskooda laf dhabar u noqdeen, maalmaha ay shaqeeyaan ayuu sheegay in ay la soo hoydaan lacag u dhaxeeysa $3 ila $8.

“Noolal malmeedkooda ayay soo dhacsadsan oo waa ku shaqeystan waxaan baray. Sidii ani lai baray ayaan u baray oo aniga waxaan heysta qalb iskugu jira filyeeri iyo kiyaabo yaal, waxay hadda wax ku soo helan maalin walbo iyo sida shaqooyinka u kala badanyihiin.”

Cabdi ayaa hadda rajeeynaya in uu ka haro magaca buroole oo u baxay mudadii ay burada ku taalay. Wuxuu u arkaa in magacaas maqalkiisa uu ka yaraan doono, maadaama xilligan uu yahay mid lamid ah dadka kale.

Ninkan ayaa sidoo kale waxaa ka haray welwel ka haystay xaaladda wiil uu dhalay oo siddeed jir ah, kaas oo ka bukay xiniinta bixid. Wuxuu sheegay in qalliin bilaash ah loo sameeyay isla markaanna uu bogsaday.

Qoyska Cabdi ayaa sanaadkii 2019 ka soo barakacay degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, xilligaas oo colaado iyo abaaro ay ka saameeyeen 250 neef oo ari ah oo ay dhaqan jireen iyo beer lix hekar ah oo ay ku tacban jireen galey, masago, digir iyo qaro.

Garab istaagga iyo taakuleynta bulshada dhexdeeda ayaa horseedi kara isbadelka qoysaas badan oo ah barakac iyo danyar aaan heysan dhaqaale ay iskaga maareeyaan xaaladaha qaar ee la soo gudboonaada.

Previous Post

Mudug: Xoolo-dhaqato u weecday beero-falashada markii ay wajaheen xoolo la’aan

Next Post

Caafimaad darro iyo dawo la’aan isku biirsaday dadka ku nool Jubbada hoose

Related Posts

Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno

January 23, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haweenka guryaha malaasa oo ku wajahaya Marka shaqo la’aan galisay xaalad quus ah

January 22, 2026
Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen

January 20, 2026
Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha

January 19, 2026
Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda

January 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Heshiish laga gaaray colaaddii Xanan-buure oo soo kabasho u noqotay qoysas danyar ah

January 14, 2026
Next Post
Garowe: ku dhawaad 20,000 oo bukaan oo loo qaaday dalka dibaddiisa adeeg la’aan caafimaad awgeed

Caafimaad darro iyo dawo la'aan isku biirsaday dadka ku nool Jubbada hoose

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA-22-JAN-2026

IDAACADDA-22-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA-22-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA-22-JAN-2026
January 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JAN-2026
January 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo