Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Caafimaad darro iyo dawo la’aan isku biirsaday dadka ku nool Jubbada hoose

Jibril Osman by Jibril Osman
June 10, 2025
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Garowe: ku dhawaad 20,000 oo bukaan oo loo qaaday dalka dibaddiisa adeeg la’aan caafimaad awgeed

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Adeeg la’aan caafimaad oo ka jirta deegaannada Badhaadhe, Kulbiyow iyo Kudhaa oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose ayaa xaalad adag galisay boqollaal qof oo wajahaya cudurro soo ritay, markii ay xirmeen xarumo caafimaad oo ku tiirsanaa dhaqaale ay bixin jirtay hay’adda USAID.

Arrintan waxaa ugu wacan hakadka ku yimid mashruucii taageerada ahaa ee Maraykanka uu ka wadday Soomaaliya. Dadka ay saameysay waxaa ka mid ah Dahabo Cumar Cali iyo wiilkeeda oo dhibaato caafimaad darro ay ku haysato deegaanka Kulbiyow.

Wiilka oo ah kan ugu daran waxaa barartay lugta midig oo musbaar uu ka muday toddobaad ka hor. Waxay sheegtay Dahabo in ay u waysay daawo iyo cirbadda teedanada oo lama-huraan u ah xaaladdiisa caafimaad.

Xarunta caafimaad ee deegaankooda oo ay ku tiirsanaayeen sanadihii la soo dhaafay ayaa dawo la’aan ah tan iyo billowgii bishii hore ee May. Dahabo oo danyar ayaa sheegtay in aysan awood u lahayn helidda lacag ay deegaanno kale ugu qaaddo wiilkeeda.

Waxay ka walaacsan tahay caafimaadkiisa oo ka sii daraya. Wuxuu noqday dhul-yaal ka haray waxbarashada oo uu ka gaaray fasalka shanaad ee dugsiga hoose.

“Wiilka dugsilay ayuu ahaa. Isaga oo ilmo la ciyaaraya ayaa musbaar duray. Lugta ayaa markiiba  barartay ilaa jilibka. Afar habeen kama aanan seexan oo aan Malmal ku dhoodhoobayay, marna aan xanuun baabi’iye magaalada uga soo iibinayay. Markii danbe isbitaalka ayaan u qaaday si loogu duro irbad teetano. Markii aan isbitaalka tagay meeshii waxyaala ma yaalaan.”

Waxay subax walba ka wardoontaa xarunta caafimaad ee Kulbiyow si ay u ogaato in la keenay daawo badbaado u noqon karta xaaladdooda caafimaad. Dhibaatada haysa wiilkeeda oo 12 jir ah waxaa wehliya xaalad caafimaad xumo oo Dahabo ay ka cabanayso.

Waxay si joogto ah u qaadan jirtay cirbadaha iyo daawada cudurka Burikiitada, taas oo si bilaasha ah ay ku heli jirtay xarunta caafimaad ee tuuladeeda, balse muddo bil ah ma helin. Waxay tilmaamtay dhibaatada daawo la’aanta ay la daalaadhacayso.

Dagmada Dhoobley ayaa ah halka ugu dhow xarun caafimaad oo shaqaynaysa. Waxay u jirtaa 180 km. Ka sokow in ay tahay danyar aan haysan lacag ay ku aaddo waxaa jira daad ka dhashay roobka oo gooyay wadooyinka ay gaadiidku isticmaali jireen.

Halka kaliya ee u furan Waa dalka Kenya oo xuduud la wadaaga gobolka Jubbada hoose, balse uma sahlana dadka aan haysan sharciga dal ku galka in ay u safraan.

Waxay sheegtay dhaqaale xumada haysa oo inta badan ay kala siman yihiin dadka deegaanka ay ka hor istaagtay in ay helaan adeeg caafimaad iyada iyo wiilkeeda.

“Dadka isku mid ma ahan. Dad ayaa  lacagta kunka shillin iska bixin kara oo awoodda. Dad aan awoodina wuu jiraan. Aniga ma aadin. Lacagtii aan ku aadilahaa ayaan walaalow la ahayn. Ma aadin Illaahay ayaa shan waqti igu leh, Waana xanuusanahay lacagtii aan ku aadilahaana waan la’ahay. Meeshan daawo maleh. Cirbad Burikiito ayaan ka dalbaday. Daawada way go’antahay baa la igu yiri.”

Qoyska Dahabo waa danyar ku tiirsan $2 maalintii. Waxaa u soo dhiciya saygeeda oo shaqo dhagax-jabin ah ka qabta deegaanka. Waxaa kale oo ay haystaan 10 ari ah oo abaarta uga badbaaday iyo beer 2 hiktar ah oo sanadkan aysan beeran abuur la’aan darteed.

Qoyskan labada qof ay ka xanuunsan yihiin waxaa la mid ah dad u badan reer miyi oo rajadoodu ay in ay adeeg caafimaad ku helaan deegaankooda, balse ku hungoobay, markii dawo la’aan ay soo wajahday xarumihii ay ku xirnaayeen.

Waxay iskugu yimaadaan afaafka hore xarumaha adeeg la’aanta noqday ah sida uu noo sheegay madaxa xarunta caafimaad deegaanka Kudhawaa Cabdullaahi Maxamed Cismaan.

Wuxuu sheegay in ay ku wargaliyaan dadka taageeradii ay ku shaqayn jireen la goostay, balse badankood aysan ku qancin iyagoo naawilaya in ay helaan caawin caafimaad.

Wuxuu xusay in deegaanka iyo miyigiisa ay ku soo badanayaan cudurrada faafa oo markii hore ay xal u heli jireen dadka ay soo ritaan in ay kala tacaalaan.

“Rajadii fiicnayd iyo moraalkii dadka way ka soo oodmeen. Xanuuno waxaa jira haragabka u eg oo karoonihiina ka yar fudud oo sidii Karoonihihii aan dadka u dileen hargabkii aan naqaanayna ka culus oo dadka ay aad iyo aad u la xanuunsanayaan. Waxaa jira shubano dadka waa wayn iyo dadka yaryar ku dhacaya. Qolyo aan daris nahay oo waxaa jira dhib badan dhinaca boodharka oo dadka daran loo dhigo.”

Dadka ku qasbanaaday xaaladdaas waxaa ka mid ah Bashiir Salaad Diiriye oo ku nool  Kulbiyow, kaas oo cudurka duumada uu uga dhacay afar carruur ah oo mid ay gabar tahay. Waxay dantu bidday in sharciyo dal ku gal uu sameeyo si u geeyo isbitaal deegaanka Haluuqo ee dhinaca Kenya.

Wuxuu sheegay $112 ay uga baxday safarka uu galay. Lacagtaas ayuu xusay in uu dayntay, maaddama uu u adkaysan waayay xaaladda adag ee ay ku jiraan carruurtiisa. Wuxuu ku niyad san yahay in carruurta uu dib u soo celiyay iyagoo xaaladdooda caafimaad ay soo hagaagayso.

“Ciyaalka cudurka duumada iyo nafaqodarro ayaa kuwada dhacday. Kuli waa la wadda daatay. Daawo asal ah  oo aan meeshii aan  ka hellay horta ma jirin. Markii danbe ciyaalkii waxaan u qaatay Haluuqo, halkaas ayaan ciyaalkii ka soo daaweyey. Bishii hadda naga dhamaatay dhexdeeda ayaan aaaday. Hadda carruurta ma darsan waa ay roon yihiin.”

Bukaannada iyo dadka kale ee doonaya in ay aadan dhinaca Kenya waxaa ay la kulmaan xujooyin la xariira sharciga dal ku galka, taas oo ku adag dadka u baahan gurmad caafimaad oo deg-degga ah.

Waxaa qasab looga dhigaa in ay warqad cadayn ah ay ka helaan maamulka Kulbiyow iyo laamaha ammaanka, kuwaas oo wargaliya dowladda Kenya. Arrintan oo ugu yaraan labo toddobaad qaadata.

Qoyskiisa oo siddeed ah ayaa ku tiirsan miis uu hilibka ku iibiyo oo uu ku leeyahay Kawaanka deegaankiisa Kulbiyow. Dhaqaalaha uu ka helo ayuu xusay in aysan u qaybsamin masruufka qoyska iyo bixinta daynta uu Kenya ku geeyay carruurtiisa.

“Meeshaas ayaan ilmaha biilka uga raadiya kol la hello, kalna la waayo. Marba waasi. Mar $5 laga helli, marna $6 laga helli. Mar waxaa laga yaabaa mar in ay lafihii kugu go’aan. Howhseenu sidaas weeye.”

Ninkan oo qoyskiisa kala soo barakacay baadiyaha Kulbiyow bishii Oktoobar ee sanadkii 2023 ayaa dhaqanaya 15 ari ah, kuwaas oo uga badbaaday 100 ari ah iyo 30 geel ah. Waxay u qayb sameen qaar abaartu dishay iyo kuwa uu iibsaday si uu ugu badbaadiyo qoyskiisa.

Xarunta cafimaadka Kulbiyow ayaa shaqaynaysay ilaa 2019, waxaana ay ahayd isha kaliya ee bulshada ku nool Kulbiyow ay ka helaan adeeg cafimaad oo lacag la’aan ah.

Daawo la’aan ka jirta  deegaanka iyo waddooyinka oo roob u xidhay ayaa bulshada galinaysa xaalad halis oo cafimaad, taas oo u baahan in ay wax ka qabtaan dowlada federaalka Soomaaliya, Maamulka Jubbaland iyo hay’daha ka shaqeeya arrimaha bini’aadannimada.

Previous Post

Banaadir: Nin ka soo kabtay buro laga qalay oo qoyskiisa ka saaray nolol xumo

Next Post

Marka: Qoysas wajahaya nolol adag markii uu ka istaagay gargaar bini’aadannimo

Related Posts

Pastoralists with nothing left descend on Lasanod town and surroundings in Sool
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ka fursan waayay xaaladda barakaca oo Laascaanood ku wajahaya nolol xumo

February 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 9, 2026
Women leaving their children behind in drought-hit rural villages to seek jobs in Mogadishu
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween ku xoolo-beelay abaarta oo Muqdisho u tagay shaqo xoogsi ah balse ku hungoobay

February 7, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 5, 2026
Qoysas ku barakacay Godinlabe oo wajahaya nolol adag markii xoolo la’aan ay noqdeen
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku barakacay Godinlabe oo wajahaya nolol adag markii xoolo la’aan ay noqdeen

February 4, 2026
Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah
Beeraha Iyo Xoolaha

Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah

February 3, 2026
Next Post
Marka: Qoysas wajahaya nolol adag markii uu ka istaagay gargaar bini’aadannimo

Marka: Qoysas wajahaya nolol adag markii uu ka istaagay gargaar bini'aadannimo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-FEB-2026

IDAACADDA 10-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-FEB-2026
February 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09 -FEB-2026
February 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-FEB-2026
February 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-FEB-2026
February 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-FEB-2026
February 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo