Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Jubbada hoose: Beeraley sanad kadib goostay dalagyo ay ka heleen faa’iido dhaqaale

Jibril Osman by Jibril Osman
March 16, 2025
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Jubbada hoose: Beeraley sanad kadib goostay dalagyo ay ka heleen faa’iido dhaqaale

Beeraley guranaya miraha dalagga beerteedo/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan 1,600 oo qoys oo deggan deegaanka Buulagaduud ee gobolka Jubbada hoose ayaa ka soo kabanaya xaalad nolol xumo, markii ay faa’iido dhaqaale ka heleen dalagyo uga soo go’ay beerahooda, kuwaas oo ay suuq-gaysteen bishii Maarso.

Qoyska Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo 9 ah ayaa ka mid ah. Dalag u badan khudaar oo laga iibsaday ayaa ka caawiyay in ay helaan $900. Qayb ka mid ah lacagtan ayay ku beddesheen raashin iyo arrad-tirka carruurta.

Waxaa meesha ka baxay walaac ka haystay masruufka qoyskiisa, waxaana taas beddelkeed uu sheegay in uu ku naaloonayo isbeddelka nololeed ee dalagga u soo go’ay uu u horseeday.

“Hadda waa cid wax shinsanaysa oo beerta qaraha looga soo gooyo cunnaysa, baamiyihii cunnaya, bocorkii goosanaya oo qarihii u soo go’ay, markii ay iibsadeena loogu soo gaday bariis, sonkor iyo saliid oo lagu noolaynaayo ayaan nahay. Markii hore waxba manaan haysanin. Beerihii biyo ayaa ku jiray. Waan la iska taagnayn.”

Waxay ka samata-bexeen xaalad cunno xumo, taas oo ay wajahayeen muddo ka badan hal sano, markii fatahaadda webiga Jubba ay baabi’isay beertiisa oo 5 hiktar ah bishii Diseembar ee sanadkii 2023.

Wuxuu tilmaamay in dhaqaalihii ugu horreysay ee ka soo xarooda khudaarta laga gatay uu ku iibsaday raashin iskugu jira min 25 kiilo oo bur, bariis iyo sonkor ah, kuwaas oo dabka loo saaro carruurtiisa.

Wuxuu rajaynayaa in uu kordhiyo tabaca beertiisa si uu xal ugu hello maaraynta nolosha qoyskiisa. Dhamaadka bishan Maarso ayaa sheegay in uu goosan doono dalagyo kale oo ku harsan beertiisa.

Wuxuu xusay in ay isku beegmeen bisha ramadaan iyo dalagyada u soo go’ay. Arrintaas oo keentay in laga wada iibsado muddo kooban dalaggii u badnaa khudaarta ee uu suuq-geeyay.

“Yaanyada iyo qaraha ayaa hadda ugu badan. Qaraha halkii xabo nus dollar ayuu ku galin, midna $1 dollar ayaan ku galin. Suuqa intiisa badan maanta sida uu ahaa berri ma ahaanayo ama waa ka hooseeyaa ama waa ka kormarayaa. Marka Yaanyada ayaa ugu badan sida qaalibka ah. $2.5ayaan gadanaynaa jirikaankii. Aniga hadda waxaa ii gadantay 54 jirikaan.”

Ninkan oo waayo-aragnimo badan ka dhaxlay duruufihii nolol-xumo ee uu soo maray ayaa 2 qayb u qoondeeyay lacagta uu helay. Qayb ka mid ah ayuu iskaga bixiyay daymo lagu lahaa, halka inta kale uu dhigaal-saday si uu ugu dabbaro qoyskiisa iyo tabaca beertiisa.

“Lacag dayn ah oo aan cidda u qaatay ayaa jirtay intii beerta ay ka taallay. Lacagtaas oo lagu qaaday raashin, dhar iyo masruufkii. Waxaas oo dhan waxaa lagu qaaday dayn. Lacag $800 iyo wax yar in ay tahay ayaan Jeclahay. $400 iyo waxna waan ka bixiyey, kuwana waa la igu leeyahay, haddana in aan bixiyo ayaan jeclahay oo beerta iga kaafiso.”

Wuxuu sheegay in rajada beetiisa ay soo noolaatay, markii hay’dda cunnada iyo Beeraha ee FOA uu ka helay bishii Oktoobar ee sanadkii hore abuur u badan, digir, qare, yaanyo iyo galley.

Wuxuu tilmaamay in beerashada khudaarta uu ku hormaray si uu uga faa’iideysto bisha ramadaan oo iibsigooda uu ku badan yahay suuqyada.

Dib u falashada beertiisa wuxuu kaga kaaftoomay shaqada dhagax-jabinta ah oo duruuftu ay ku qasabtay mudadii ay abuur la’aanta ay ahayd beertiisa.

Shaqadan oo aan joogto ahayn wuxuu ka heli jiray $2 maalintii. Lacagtan ma soo dhaafi jirin qoyskiisa oo hal waqti ay u goyn jirtay cunnada.

Ruqiya Nuunow Ibraahim oo barakac ku joogta deegaanka Buulagaduud waxay ka mid noqotay dadka ka faa’iideystay abuurka la siiyay. Waxay falatay beer ka kooban labo hiktar ah, taas oo ay ku caawiyeen dad ay hello yihiin.

Tan iyo billowgii sanadkii hore waxay barakac ku joogtay tuulada Buulaguud, markii fatahaad saameysay deegaanka Baarsanguuni ay ka burburisay beerteeda oo toddobo hiktar ah iyo guri labo qol ka kooban.

Waxay sheegtay sanad iyo bar, kaddib ay goostay toddobadii bishan Maarso dalagyo iskugu jira khudaar iyo raashin, kuwaas oo ay abuurtay saddex bil ka hor.

“Qoyska xaaladiisa wax badan ayaa iska beddelay, markii wax ii soo xaroodeen aan ilmaha wax ugu qabsan karo oo aan dabka u saran karo. Galaydii waxbaa ii soo ogay. Ilmaha canbuula ayaan uga dhiganayaa oo daango ayaan uga dhigtaa. Marka wax wayn oo faa’iido ah ayaan ka hellnay.”

Waxay sheegtay in $200 oo ka mid ah lacagta ay heshay ay ku bixisay dayn lagu lahaa, halka $100 kale ay u qoondaysay cunnada qoyskeeda. Intaas waxay ku dartay in ay meel-dhigatay lacagta u soo hartay.

Dalag labaad oo goosasho ku dhow ayay ka filaysaa beerta ay tacbatay. Waxaa u badan galley iyo digir, kuwaas oo ay raawilayso in ay ka heshay lacag ka badan intii hore mar ay suuqa gaysto.

Waxay sheegtay in carruurteeda oo 12 ah ay ka bexeen duruuf cunno xumo oo haysay. Ka hor dalagga beertan waxay ku tiirsanayeen $3 oo aan joogto ahayn. Waxay ka shaqaysan jirtay beeraha deegaanka.

“Nolashayda waxaan ku maarayn jirnay qolyaha leh beeraha matoorada ayaan yaanyo u guri jiray. Waxaa lagu dhihi; heblooy kaalay Yaanyo noo soo gur; Maanta kaas ayaan yaano u soo guraa laba bib oo yaanyo ka soo qaadana. Suuqa gaysanaa.Waan u soo gadanaa. Ilmaha kuwaas ayaan ku dhaqaalaysanaayey.”

Beeraleyda deegaanka Buulagaduud ayaa ka siman dalagga uga soo go’ay beerahooda. Waxay isku heleen abuurka oo laga taageeray iyo biyaha webiga. Inkastoo qaarkood ay waayeen dhul ay ku beetaan abuurka la siiyay.

Maxamed Aadan Osmaan ayaa ka mid ah. Wuxuu ku qasbanaaday in uu kiraysto qayb ka mid ah beer uu leeyahay mid ka mid ah beeraleyda deegaankiisa, taas oo ka badbaaday saameynta xooggan ee fatahaadda.

Wuxuu sheegay in dhul-go’ ku dhacay, halkii uu ku beeran jiray dalagga beertiisa ay ka hor istaagtay in uu dib ugu laabto. Waxay dantu bidday in labo meelood meel ka mid ah lacagta uu ka helay dalagga ka soo go’ay beertiisa in uu ku bixiyo kirada dhulka uu beertay.

“Beerta $1500 waa laga hellay. Waxa aas aasiga ah ee la isticmaalayo ayaa ugu badan oo xaafada isticmaalayso. Daynta sideedaba marwalba waa laga rabaa, taasna waan ku bixiyey. Waxii isoo gala waan qaybiyaa. Sadex meel ayaan u qaybiyaa. Meel daynta isaga bixiyaa. Meel xaafada ayaan ku mareeyaa, meelna hadii baahi kale imaato dhigaal ayaan ka sameeya.”

Qoyskiisa oo 15 ah ayaa sheegay in aysan walwal ka qabin nolol-maalmeedkooda tan iyo bartamihii bishii hore, markaas oo uu billaabay dalagyada u soo go’ay in uu suuq-geeyo.

Inkastoo uu xal u helay cunnada qoyskiisa waxaa caqabad ka haysa hoy la’aanta. Wuxuu ku nool yahay hal qof oo nin ay qaraabo yihiin uu ku taageeray. Sanadkii 2023 ayaa guriigsa oo ka koobnaa saddex qol uu ku burburay fatahaadda.

Ninkan iyo beeraleyda kale ayaa waxaa dhibaato ku haysa fatahaadda oo tacabka beerahooda iyo hoyga ka samaysa. Waxaa se ay ku dadaalayaan xilligan in ay ka soo kabtaan nolol xumada ay bidday fatahaaddii u danbeysay.

Previous Post

Muqdisho: Wiil ganacsi u hirgalay ku furtay lacag uu mar u qorsheeyay inuu ku tahriibo

Next Post

Bari: Istibaalka Rako-raaxo oo dawo u la’ bukaanno u jiifa cudur la garan la’yahay

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Bari: Istibaalka Rako-raaxo oo dawo u la’ bukaanno u jiifa cudur la garan la’yahay

Bari: Istibaalka Rako-raaxo oo dawo u la’ bukaanno u jiifa cudur la garan la’yahay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo