Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

Jibril Osman by Jibril Osman
April 21, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dayac, cunno xumo iyo waxbarasho la’aan ayaa isku biirsaday afar carruur ah oo hooyadood Malyuun Jaamac Nuur lagu xiray xabsiga Gaalkacyo bishii Janaayo ee sanadkan, markii lagu yeeshay $9,000.

Qoyskan oo ka kooban saddex wiil iyo gabar, isla markaan agoon ah waxay dulsaar ku yihiin dad qaraabo la’ah. Waxaa laga soo eryay labo qol oo ay kiro ku daganaayeen iyo iskuulkooda bishii hore ee Maarso.

Malyuun waxay ka mid tahay 63 qof oo loogu yeeshay lacag dayn ah oo xabsi ay ku mutaysteen. Waxaa ku tiirsanaa qoysaskooda oo nolol-maalmeedka ay u soo dhicin jireen, taasi oo hadda meesha ka baxday.

Haweenaydan oo ka mid ahayd dad xoolaha qala waxaa isku-gaargaaray lacagta lagu yeeshay saddexdii sano ee la soo dhaafay, Ganacsato xoolaha ay ka soo daynsan jirtay si ay faa’iido uga hesho ayaa xirtay.

Dadka ay la joogaan carruurteeda oo danyar ah ayay sheegtay in 48 saacba mar aysan awoodin in ay dabka shitaan, taasi oo ku qasabtay in ay samayso si kasta oo cunno ay ugu heli karto ilmaha.

“Qoys burbur badan baa igu dhacay. Markii ilmihii saqiirka ahaa ee aad ka soo tagtay aysan kuu nabad qabin oo la dili karo. Markii gurigii ay kuu daganaayeen laga xirtay oo qof islaam ah oo abtigay dhalay la joogaan. Cunnada xabsiga la igu siiyo ayaan qof ugu dhiibaa ilmaha. Tii aan cuni lahaa ayaan iraahdaa iigu geeya.”

Waxay tilmaamtay in carruurta ay tan ugu wayn ay jirto 11 sano, sidoo kalana ay wehliso hooyadeed oo da’ ah, taas oo la nool xaaladda dhimirka. Waxay ka dayrisay dhibaatada ay ku jiraan ee dhinaca nolosha.

Ka hor xabsiga waxay ka masruufi jirtay qoyska miis ay ku iibinaysay hilibka ariga oo ay ku lahayd suuqa Gaalkacyo. Waxay sheegtay in ay ku filnayd maaraynta noloshooda, markii ay xorta ahayd.

Waxay heli jirtay maalintii lacag u dhaxaysa $5-$10 inkastoo mararka qaar ay suuq u wayn jirtay hilibka ama daymo looga qaadan jiray sida ay sheegtay. Arrintaas oo keentay in lagu yeesho lacag badan.

Waxay macaamiil la ahayd ganacsatada daynta darteed u xiray, kuwaas maxkamadii ay ka daweeyeen ay ku xukuntay bishii hore xabsi inta ay iska gudayso lacagta lagu leeyahay oo iyadu ay qiratay cadadkeeda.

Waxay sharraxaysa sida loogu yeeshay daynta ay xabsiga ugu jirto.

“Saddex maalmood markan joogaba ri’ baa igu go’da illeen waa waxaad biilanayside. Markan maanta lama neef aan qalo lacag baa igali jirtay. Hooyaday cafaayad baan u gadi jiray. Cafaayaddeeda, caanaheeda, ilmaha caanahooda, raashin, waxbarasho waxaas oo dhan anigaa la iga sugayay. Sidaas darteed baan ku daymoobay.”

Xoriyad la’aanta haysa ayay sheegtay in qoyskeeda uu dhinac walba ka saameeyay. Waxaa iskuulka haray labo ka mid ah carruurteeda oo door-firfircoon ka ciyaarayay waxbarashada dugsigooda.

Waxay ku bixinaysay duruusta ay dhiganayeen bishii $10. Waxay sheegtay in aysan awood u lahayn maaraynta cunadooda, hoygooda iyo noloshooda ee aasaasiga ah, taas oo ay ka niyad jabsantahay.

“Wax way baran jireen. Gabadho shanaad bay fadhisay, 11 jirna weeye, wiilkuna waa 8 jir hadda ayuu koobaad galay. 3 bil ayay ka maqan yihiin iskuulka. Waxbarashadooda awal bisha kowdeeda ayaan bixinayay, bishiina markii ay dhamaatay waxaa lagu yiri hooyadiin lacagta iskuulka ka keena ama baxa. Sidaas ayay uga soo tageen dugsi iyo iskuulka.”

Sida Malyuun dadka loo haysto daymaha ee ku xiran xabsiga Gaalkacyo ayaa loo ogol yahay in ay ku booqdaan ehelladooda iyo dadka ku taageeri kara in laga bixiyo daynta si looga saaro xabsiga.

Hase ahaatee, haweenaydan waxay ka cabanaysaa in aysan helin ehel iyo samafalayaal ka damqada xaaladda ay ku jiraan iyada iyo carruurteeda, isla markaana fududeeya in laga bixiyo lacagta.

Maxaabiista waxaa ku jira kuwa lagu haysto lacag magdhow ah. Waxaa ka mid ah Ciise Cabdulqaadir Cabdulle loo haysto saddex halaad, lacag ahaana u dhigma $2,100.

Ninkan oo xoogsade ah ayaa lagu xukumay lacagtan ama xoolaha, markii dhaawac aan ku talo gal ahayn uu u gaystay qof shacab ah, kaas oo uu ku fakaday laamiyeeri uu raray sanadkii hore ee 2025.

Qoyska Ciise oo barakac ku ah xero ku taalla Gaalkacyo wuxuu sheegay in uu awood waayay dhaqaale uu madaxbanaanidiisa ku soo ceshan karo. Xarigiisa wuxuu qoyskiisa 8 ah uu ka dhaxlay xaalad quus ah.

“Qoyskayga wax wayn baa iska beddelay. Qof aan ani ahayn malahayn. Anigaa u dhaqdhaqaaqi jiray. Cid kale oo u shaqayn jirtay malahan. Hooyada ilmaha inta ay i soo wacdo ayay i dhahaysaa meela shaxaad ma ka heshay? Ilmaha wax aan caano ugu soo gado mahayo. Cunigii yaraa wuu ooynayaa. Markaas baan dhahaa wax aan faro ku hayo maleh illeen anigii baa xiran.”

Wuxuu sheegay in noloshu ay u dayrisay, maaddama uusan awoodin bixinta lacagta la duldhigay, isla markaana aysan jirin cid ka taageeraysa in uu ka baxo xabsiga nolol xumada u horseeday qoyskiisa.

Wuxuu xusay in qoyskiisa uu ku tiirsanaa labadii bil ee u horreeyay xariggiisa lacag dayn oo uu ka qaadanayay dukaan xerada ku dhex-yaalla, taas oo hadda istaagtay markii cadadkeedu kordhay.

“Dayntii waa nalagu nacay. Qofka maanta laga soo qaado berri oo kale ayuu rabaa lacagta. Marka uu labo maalin oo isxigta kaa waayo waxuu ku leyahay waa iga go’een alaabta rabto.  Afarta bil ee aan xiranahay $250 doolar bay isticmaaleen.”

Waxay taageero cunno oo aan joogto ahayn ka helaan dadka dariska la ah, kuwaas oo ku taageera cunno bisil ama mid ciiriin ah oo ay dabka saartaan. Xaaladdaas waxay ku jiraan labadii bil ee u danbeeyay.

Ciise iyo qoyskiisa tobankii sano ee la soo dhaafay waxay ku noolaayeen Gaalkacyo. Waxay ka soo barakaceen dagmada Qalaafe oo shaqo la’aan uu uga soo tagay sida uu sheegay.

Waxaa jira dadaallo lagu taageeray qaar ka mid ah dadka daymaha ku mutaystay xabsiga sida ay Radio Ergo u sheegtay Maymuun Calinuur Gayfane oo ah guddoomiyaha ururka haweenka Gaalkacyo.

Bilihii Febraayo iyo Maarso saddex haween ah ayaa lagu guulaystay in laga saaro xabsiga, kuwaas oo u xirnaa lacag dayn ah. Lacago ay iska soo aruuriyeen ururka haweena Gaalkacyo ayaan lagu bixiyay.

Maymuun ayaa xustay in $25,000 ay ka bixiyeen haweenay muddo sanad ah xirnayd, halka kuwa kale $6000 iyo $3000 ay kaga soo saareen xabsiga. Waxay sheegtay in ay ku xusheen duruufta ay ku jireen.

“Waxaan ku dooranayay in ay cayr yihiin oo aysan xoolo u xaraysnayn. Waxaan ku dooranay in aysan haysan hanti muuqata. Waxaan ku dooranay in ay yihiin danyar u baahan garab istaag, Ilaahayna waa nagu guuleeyay. Markasta anigu afka dadka nugul baan ku hadlaa. Nugul markaan dhahayo waa carruurta, haweenka iyo naafada.”

Waxay tilmaamtay in ay guteen waajib ka saaraan caawinta dadka dhaqaale ahaan nugul oo weli uga baahan caawin dheeri ah. Waxay intaas ku dartay in bulshada magaalada ay ka wada qayb qaatan.

Dhaqaale xumada ka dhalatay fashil ku yimaada ganacsatada yaryar oo badanaa burbura iyo sixir bararka ayaa loo aaneeyay daymaha ku go’ay maxabiista lacagaha u xiran.

Previous Post

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-APR-2026

IDAACADDA 20-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo