Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

Jibril Osman by Jibril Osman
April 10, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Shamis Aadan oo ku dhex-taagan aqal cooshad ah oo uga dhisan xerada Naaso-hablood/Sabaax Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaaladdo adag oo dhanka nolosha ah ayay wajahayaan in ka badan 40 qoys oo 3 bil ee ugu danbaysay ku biiray xerada barakaca Naasa-hablood ee magaalada Hargaysa. Waxay ku qasbanaadeen, markii ay awoodi waayeen kirada iyo nolosha kale ee qaaliga ah.

Sahra Cali Abokor oo qoyskeedu ka mid yahay ayaa sheegtay in xerada ay soo maciin bideen, markii ay bixin waysay $30 kirada billaha ah, masruufka iyo waxbarashada carruurteeda, balse kama aysan helin nolol u dhaantii middii ay ka yimaadeen.

Xeradu ma lahan dhamaan deegayda aas-aasiga ah, gaar ahaan caafimaadka, iyo waxbarashada. Waxay ku nool yihiin cooshad yar oo maryo duug ah iyo geedo ka samaysan, taas oo aan wada qaadin qoyskeeda.

“Xaalad aan wanaagsanayn ayaa meeshaan nagu haysata. Dhibaato badan iyo busaarad ayaan ku jirnaa. Caafimaad darro iyo nadaafad xumo ayaa iskugu kaaya darsamay. Musqul malahan daasado ayaan isticmaalnaa habeenkii oo subaxda la daadiyaa. Caqabado badan ayaa na haysta.”

Sahra oo keligeed korinaysa 8 carruur agoon ah ayaa sheegtay in November 2025 laga soo eryay shaqo nadaafad ah oo ay ku helaysay $100, taas oo ay u qaban jirtay qoys Hargaysa degan. Dadkii ay u shaqayn jirtay waxay u sheegeen inaysan qarash ku bixin karin nadaafad.

Dhaqaalahaas markii uu meesha ka baxay waxay awoodi waysay inay maarayso nolosha carruurteeda. Waxay in badan raadisay shaqooyin xamaal ah, balse ma helin.

Qoyskeedu joogto uma heli karaan cunnada iyo biyaha. Waxay ku tiirsan yihiin raashin bisil oo darisku ku caawiyo iyo $1 oo mar mar ay ka hesho ehel ay u dan sheegato. Maalinkii waxay isticmaalaan hal jirigaan oo dariska dhaama ay waydiistaan.

“Biyo nagu filan ma helno. Xaalad xun ayaan ku suganahay, mana shaqaysano. Xeradaan nolol aad u xun ayaa ka jirta waxna faraha kuma haysanno. Hargaysa meel aan ugu laabano ma jirto, halkaan ayaan maciinsanay.”

Sahra ayaa sheegtay in meesha ay degan yihiin oo ah dhul dad gaar ah ay leeyihiin lagu wargaliyay inay isaga guuraan. Ma garanayso meel kale oo ay degaan.

Haweenaydan oo dhiig-kar qabta ayaa xustay inaysan heli karin daawada kaalmaatiga ah. Markii ay xanuun badan dareento ayay sheegtay inay wacato gabadh ay qaraabo yihiin oo Hargaysa degan, taas oo daawada uga soo daymata farmashiye ay garanayso.

Sahra waxaa walwal dheeraad ah ku haya wiilkeeda curud oo qaba xanuunnada dhimirka, kaas oo ku xiran xarun magaalada ku taalla oo dhowr bil aysan ka bixin qarashkii.

“Cilaaj ayuu iiga xiran yahay $250 ayay igu leeyihii, maalin walba waxay I dhahayaan keen lacagta, anna ma awoodo daruufta darteed. Haddii aan ka saari damco iima ogola illaa aan dayntaas bixiyo. Culays badan ayay igu haysaa.”

Sahra ayaa sheegtay in 4 carruur ah oo dugsi Qur’aan uga dhigan jiray Hargaysa ay waxbarasho la’aan ka yihiin. Waxaa la soo eryay Fabraayo, markii labo bil aysan ka bixin $16 oo isku darkooda ay bishii ka dhiibi jirtay.

Haweenaydan oo qoyskeeda ay weligood ka mid ahaayeen danyarta magaalada ku nool ayaa sheegtay in xaaladan oo kale aysan horay ula soo kulmin.

Qoysaska danyarta ah ee kirada awoodi waayay waxay ka siman yihiin nolol xumada ku haysa xeryaha ay maciinsadeen. Shamis Aadan Daa’uud waxay sheegtay in qoyskeeda oo lix qof ah ay xerada Naasa-hablood ku wajahayaan cunno la’aan, biyo yari iyo hoy xumo tan iyo horaantii bishii Janaayo.

Waxay tilmaamtay inuusan jirin qof reerkeeda u shaqeeya iyo meel uu dhaqaale ka soo galo, taas oo keentay inuu dabku ka damo. Shaqooyin nadaafad ah oo ay qaban jirtay ayay waysay dhowrkii bil ee ugu danbeeyay, markaas oo ay barakac ku qasbanaadeen.

“Wax aan heli karo ma jiraan, wax hanti magaalo ama miyi ah oo aan meel ku ogahayna ma leh. Xaaladeennu waa adag tahay. biil iima yimaado mana shaqaysto. Wax aan ku tiirsanahay ma jiraan.”

Shamis ayaa sheegtay in xaaladda ay qoyskeeda ku sugan yihiin ay quus-galisay. Waxaa 31 December laga saaray labo qol oo ay Hargaysa ka deganaayeen, markii ay lix-bil-bixin waayeen kiradooda oo min $50 ahayd.

Waxay xustay in 70 ari ah oo walaalkeed baadiyaha degan u yahay ay uga le’deen cudurro iyo daaq xumo isku raacday illaa sanadkii hore. Saddex neef oo uga hartay ayay sheegtay inaysan wax nacfi ah lahayn.

Shamis waxaa gacan-marnaanta u wehliya gabadheeda oo neerfaha ka xanuunsan. Waxay sheegtay inay dadka la dagaalayso ama ay guriga ka baxsanayso, aysanna u heli karin lacag ay uga bixiso daawooyinka ay u baahan tahay.

“Markii hore dhaqtar Gaboose ayaan gayn jiray oo daawadiisa muddo dheer ayay ku fiicnaan jirtay, balse hadda ma awoodo. Dhibaato badan ayaan isku qabnaa aniga iyo iyadu. Dadka waa dilaysaa anna ma celin karo kamana carari karo. Caawimaad ayaan u baahanahay.”

Shamis ayaa sheegtay in afar carruur ah oo gaaray waxbrashada ay guriga u joogaan. Xerada kama jiro iskuul, mana awoodo kuwo lacagta ah ee Hargaysa ku yaalla iyo gaari raaca, maaddaama ay ka durugsan yihiin magaalada. Calaa cunug waxaa ku baxaya $10 oo awoodeeda ka baxsan. Carruuteeda waa agoon mana jiraan ehel kale oo caawiya.

Haweenaydan waxay muddo dheer nolosha qoyskeeda ka maaraynaysay ganacsi yar oo ay ku lahayd suuqa Waaheen. Wuxuu 2022 uga burburay dabkii ka kacay, taas oo keentay inay awoodi wayso inay dib u yagleesho meheradeedii.

Dhanka kale Yurub Cabdullaahi Jaamac oo ah guddoomiyaha xerada Naasa-hablood ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in qoysaskan ay ku sugan yihiin xaalad aad u liidata.

Waxay xustay inaysan meesha ka jirin adeegayda aas-aasiga ah, sidoo kalenA fursado shaqo aysan heli karin, taas oo keentay inay galaan xaalad ka adag middii ay ka yimaadeen.

“Daruuf adag oo cid ku og aysan jirin ayaa haysata. Baaahida ay qabaan cidina ma koobi karto. Waxaa ku jira dad dhimirka la’ kuwo naafo ah iyo waayeello aan shaqaysan karin. Xeradan xaalad xun ayaa ka jirta.”

Yurub ayaa sheegtay in qofka xanuunsada meesha ugu dhow ee isbtaal loogu qaadi karo ay tahay magaalada Hargaysa oo 7 km u jirta, dadkanna aysan awoodin qarashka gaari raaca. Qoysaskan ayaa ka soo kaban la’da duruufo isbiirsaday oo galiyay hubanti la’aan dhanka nolosha h.

Previous Post

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

Next Post

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la'aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo