(ERGO) – Guudey Cabdullaahi Macallin, oo ah hooyadda siddeed carruur ah leh, ayaa wajahaysa nolol aad u adag oo isugu jirta cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan, kadib markii ay ka barakacday colaado ka dhacday magaalada 20-kii bishii Maarso.
Waxay hadda ku sugan tahay tuulada Buula Gedisoy oo qiyaastii 20km u jirta Baydhabo, halkaas halkaas oo ay ku hayso hoy la’aan, waxaana gabaad u ah geedaha hoostooda.
Waxa xustay in carruurteeda ay ku sugan yihiin xaalad hubanti la’aan ah, mararka qaarna hal waqti oo cunto ah ay ka helaan, dadkii ay deegaanka ugu tageen halka habeenno badan ay gaajo ku seexdaan.
“Hadda waxaa iigu daran meel aan seexan karno ma hayno oo xilli kasta diyaar noo ah ma hayno.”
Ku dhowaad 50,000 oo qof ayaa ku barakacay dagaalladii ka dhacay deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR).
Qoysaskan badankood ayaa ahaa dad hore ugu noolaa xeryaha dadka soo barakacay ee Baydhabo.
Guudey ayaa sheegtay in cunno xumada ay si weyn u saameysay carruurteeda, iyadoo saddex ka mid ah ay bilaabeen in ay in matagaan markii cuntada la siiyo sababo la xariira waqtiga dheer ee aysan helin cuntada.
Waxaa u wehliyay xaalad u eg shuban biyood oo carruurta qaar ay la ildaran yihiin. Waxay ay tilmaamtay in helidda biyaha ay tahay caqabad kale oo weyn.
Labaatanka liitar ee biyaha ah waxaa laga siiyaa 5,000 shilin Soomaali ah, taas oo aysan awoodin, sidaas darteedna ay dadka kale ka baryaan biyo ay cabbaan.
Biyaha ay cabaan ayay ku tilmaantay kuwo dhanaan ah oo carruurta xanuun u keena.
“Dhibaatadan na haysa waa mid aad u daran, carruurtana halkan kuma hayn karno, balse meel kale oo ii dhow oo aan u guuro ma hayno, dhacdadaas ayaan kala kulannay colaadda.”
Waxay sheegtay in kahor colaadda ay ku noolayd nolol ka wanaagsan tan hadda, iyadda iyo saygeeda ayaa ka shaqeynayay gurista xaabada, taas oo ay ka heli jireen $5 ilaa $6 maalintii.
Waxay ku dabooli jireen baahiyaha qoyskooda. Guudey ayaa sidoo kale sheegtay in tani ay tahay markii ugu horreysay oo ay barakacdo muddo 25 sano ah oo ay ku noolayd Baydhabo iyadoo xustay in nolosha barakacnimada ay tahay mid aysan hadda xamili karin.
Waxay intaas ku dartay in labo ka mid ah carruurteeda oo hore dugsi u dhigan jiray ay hadda waxbarashadii ka hareen, taasoo ka mid ah saameynta ugu daran ee colaadaha iyo abaaraha ku yeesheen noloshooda.
“Deegaanka markii aan tagnay waxaan kala kulannay kuleyl daran iyo oon. Abaarta iyo baadiyaha ay meesha tahay ayaa dhibaato nagu sii kordhiyay, nolosheenuna aad bay halkan uga xun tahay.”
Guudey ayaa xustay in ay ka barakacday xaafadda Isha ee Baydhabo, halkaas oo ay ku lahayd guri ka kooban labo qol oo jiingad ah.
Duruufaha uu wajahayso Guudey kuma koobna iyadda oo keliya, balse waa xaalad ay wadaagaan qoysas badan oo ka barakacay colaadaha Baydhabo, kuwaas oo ku sugan isla deegaanka Buula Gedisoy.
Cabdullaahi Cabdi Maxamed oo ah aabbaha siddeed carruur ah ayaa ka mid ah dadka colaaddu ay saamaysay. Wuxuu kala kulmay cunno xumo, hoy la’aan iyo biyo yari.
Xaafadda suuqa xoolaha ayuu ka soo barakacay 20 bishii Maarso ee sanadkan. Wuxuu hadda ku sugan yahay tuulada Buula Gedisoy oo qiyaastii 20km u jirta Baydhabo.
Cabdullaahi waxaa uu sheegay in halkaan ay ka jirto xaaladdu sii liidato tii uu ka soo cararay, maadaama deegaanka uu ka jirto abaar, isla markaana ay aad u yar yihiin adeegyada nolosha aasaasiga ah.
Wuxuu xusay in cunnada ay ku tiirsan yihiin ay ka helaan dadka tuulada ay ku soo dul dageen, kuwaas oo mararka qaar habeenkii siiya hal waqti oo cunto ah.
Habeennada aysan waxba helinna, ayuu sheegay in isaga iyo carruurtiisu ay gaajo ku seexdaan.
“Welwelkii aan ka soo orday iyo naxdintii aan ka naxay weli kama aanan soo kaban, magaaladii Baydhabo-na weli lagu laaban la’ahay. Qof walaal ah cabuulo uu nasiiyay xalay ayaan weli ku joognaa.”
Cabdullaahi oo 40 sano jir ah ayaa sheegay carruurtiisa waxaa ugu yar gabar labo jir ah oo dhabarka lagu sido. Waxay la soo galeen safar afar saacadood qaatay, maaddama qiimaha lagu gaadiidka uu qaali yahay.
“Habeen iyo maalin ayaa dusheena lagu dagaallamayay, sidaas darteed ayaan uga soo barakacay, arkii aan magaalada ka baxayayna gaari ayaan waayay, maalintii iyo habeenkii ayaan lugeynayay. Dhibaatada i soo gaartay wax la soo koobi karo ma aha.”
Ninkan oo horay barakac ugu ahaa magaalada Baydhabo ayaa sheegay inuu nolosha reerkiisa ku maareyn jiray shaqo xoogsi ah oo dhismaha guryaha ah, taas oo maalintii uu shaqeeyo ka heli jiray ilaa $5. Wuxuu ku dabooli jiray baahiyaha qoyska.
Saameynta colaadaha ayaa si toos ah u saameysa bulshada nugul, taas oo keenta in ay lumiyaan waxyaabaha aasaasiga u ah nolol maalmeedkooda.
Maxamed Abuukar Cali oo ka mid ah dhalinyarada u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa sheegay in dad barakacay ay u badan yihiin dad danyar ah markii horaba magaalada ku dhex noolaanshaheeda ka heli jiray wixii ay maalinkaasi cunaan.
Dhallinyaro uu ka mid yahay oo is abaabushay ayuu sheegay in kaalmo biyo ah ay gaarsiiyee qaar ka mid ah qoysaska. Wuxuu sheegay in ay u baahan yihiin dadka in dib loo soo celiyo, isla markaana la kaalmeeyo.
“Waxaan gaarsiinnay ku dhowaad afartan booyadood oo biyo ah maalin kasta, kuwaas oo aan geyn jirnay daafaha magaalada iyo tuulooyinka ku hareereysan.”
Colaadaha soo laalaabta ayaa bulshada ka qaada ilaha dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen muddo dheer, taas oo keenta in ay adkaato in ay ka soo kabtaan xaaladaha adag ee soo wajaha.











