Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Bari: Istibaalka Rako-raaxo oo dawo u la’ bukaanno u jiifa cudur la garan la’yahay

Jibril Osman by Jibril Osman
March 17, 2025
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Bari: Istibaalka Rako-raaxo oo dawo u la’ bukaanno u jiifa cudur la garan la’yahay

Shaqaalaha caafimaadka Puntland/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaalad caafimaad oo aan la aqoonsan waxa ay tahay ilaa iyo hadda ayaa ka taagan degmada Rako-raaxo ee gobolka Karkaar ee Puntland tan iyo billowgii bishan  Maarso sida uu nala wadaagay madaxa caafimaadka ee degmadaas.

Cudurkan oo si xawli ah u faafaya ayaa haleelay  387 oo qof, waxaana u dhintay hal qof sida ay maamulka degmada xaqiijiyeen. Dadka uu cudurkan soo ritay ayaa isugu jira dad reer guuraa ah iyo kuwo magaalada iyo tuulooyinka ku teedsan degan.

Xaaladda bukaannada waxaa sii adkaynaysa isbitaalka degmada oo ay ka jirto shaybaar la’aan, dawo yari, sariiraha oo kooban, iyo shaqaalaha oo aan awood u lahayn inay daboolaan baahida daryeel tiradooda yar darteed, kuwaas oo labo sano ku dhawaad aan mushahar helin.

Tani waxay keentay in dadka qaarkood ay iska jiifaan  guryaha iyo geedaha, kuwaas oo aan helaynin baxnaano ku filan. Ma haystaan dhaqaale ay ugu safraan deegaanno kale oo ay dawo iyo dabiib ka heli karaan.

Xoosh Maxamed Cali oo ah aabbaha lix carruur ah oo ka yimid miyigga deegaanka Qalwo oo 12 km u jira degmada Rako-raaxo. Wuxuu ka mid ah yahay dhibbaneyaasha jirradan u dhul yaalla.

Waxa uu tilmaamay in billawgii uu la kowsaday astaamo ay ka mid yihiin neef qabatin, matag, wareer iyo madax xanuun joogto ah sidda uu Raadiyow Ergo u sheegay. Waxa uu intaas ku daray inuu cunnada qaadan kari waayay.

“Toddobo casho ayuu i hayaa. Waxaan isku arkay xumad, tabar xumo iyo cunnada oo aan ii dhadhamayn. Caano-geel baa iga degga oo aan isku-khasbo. Hurdo ma jirto, waa qarow.”

Waxa uu xusay Xoosh in markii uu xanuunkan soo ritay uu adeeg caafimaad u doontay xarunta caafimaadka ee degmada, isla-markaana uusan helin adeeg caafimaad iyo baaritaan caddaynaya nooca cudurka ku dhacay.

“Isbitaalka shaqaalihiisu mudo mushahar ma qaadan. Danahooday iska raacdeen shaqaalaha badkood. dad tabaruc ah baa iska jooggay, laakiin inta tabartooda ah waa dadaalayeen. Adeeg dhamaystiran oo qofkasta kuu baahnaa ah ma heli-karayn.”

Ninkan ayaa sheegay inay dantu ku kaliftay inuu isticmaalo dawo dhaqameed, taas oo xaaladiisa caafimaad wax ka tartay mudada uu hadda sariir yaalka yahay. Ninkan oo 42 jir ah ayaa xusay in xanuunkan uu yahay kii ugu cuslaa ee soo mara ee saamayn caafimaad ku yeesha xasuustiisa.

Xoosh waxa uu sheegay in xaaladiisa caafimaad oo cuslaatay uusan awoodin meel aan Rako-raaxo ahayn inuu soo aado. Sababta ayaa ah dhaqaale  xumo. Xoolihii ay noloshoodu ku tiirsanayd ayuu xusay inay nacfi tirtay abaar ay wajahayeen saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

“Waa ii suurtageliwaysay inaan deegaan kale aado ama aan naftayda la tacaalo oo meel caafimaad leh aan aado. Wax dhimasho qof baan xaqiijinayaa.”

Isbitaalka degmada Rako-raaxo oo ay ku xirnaayeen in ka badan toban kun oo qof ayaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay adeegyadda caafimaad ee uu bixiyo ay hoos u dhacayeen markii uu istaagay mashruuca Shine oo ay ku tiirsanayeen inta badan xarumaha caafimaadka ee gobolka Karkaar Puntland, kaas oo ay taageeri-jirtay hay’ada Save The Children, sidoo kalena dhaqaalihiisa oo ay bixin-jirtay dawlada Ingiriiska.

Fahiimo Maxamed Xirsi oo ah madaxa caafimaadka degmada ayaa Radio Ergo u sheegtay in cudurkan uu dadka dhul-yaal ka dhigayo, islamarkaan uusan qofku shaqayn karin. Waxay intaas raacisay inay bukaannada ku wada arkeen qandho-daran balse weli aysan aqoonsan waxa sababay.

“Marka hore qofka waxaa ku dhacaya hargab waxaad moodo oo xumaddiisu badan tahay. Qofku waa dhacayaa, hargabkuna waa Virus oo antibaiotic lama siiyo, markuu dhaco in la daaweeyo ayay noqonaysaa. Xanuunkaasi bil iyo bar magaalada waa ku jiray. Hooyooyinka uurka leh, kuwa naaska nuujinaya iyo kuwa nafaqada daran ayaa ugu nugul.”

Xarunta caafimaadka ee degmada ayaan awood u lahayn inay samayso baaritaan ay u ogaanayso waxa sababay xaaladdan, taasna ay keentay in dad badan ay waayaan dawadii ku habboonayd sida ay Fahiimo sheegtay.

“Qofka markaa daaweyn kartid oo wax ku caawin kartid baa la jiifiyaa, laakiin hadda gurigiina taga ayaan dhahnaa. Waagii hore xoogaa intaan waxaan ku dhaanay xagga taageeradda iyo daawadda. Dhakhtar kasta ahoow haddaadan daawo hayn qofka waxba ma tari-karto.”

Tirada dadka uu cudurkan soo ridanayo ayay xustay inay sii kordhayso, Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa koox caafimaad u dirtay markii ay Raadiyow Ergo baahisay xaaladda caafimaad ee dadkaas ay ku sugan-yihiin. Keliya waxay sameeyeen qiimeyn guud, hase yeeshee weli ma jirto wax xog ah oo ku saabsan xaaladdan waxa keenay oo ay dadweynaha la wadaageen.

Previous Post

Jubbada hoose: Beeraley sanad kadib goostay dalagyo ay ka heleen faa’iido dhaqaale

Next Post

Nolol xumo ka dhalatay tacab la’aan soo  wajahday beeraleyda Baydhabo

Related Posts

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhalatay fatahaad ka dhacday Qalaafe
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhalatay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 5, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
Next Post
Nolol xumo ka dhalatay tacab la’aan soo  wajahday beeraleyda Baydhabo

Nolol xumo ka dhalatay tacab la’aan soo  wajahday beeraleyda Baydhabo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-JUN-2026

IDAACADDA 08-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUN-2026
June 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUN-2026
June 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUN-2026
June 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo