(ERGO) – Seynab Cabdulaahi Xuseen waxaa ku adag in ay hal waqti dabka u shiddo carruurteeda oo shan ah tan iyo bilowgii bishii Janaayo. Waxaa ka istaagay shaqo beer falis ah oo ay u aadi jirtay duleedka magaalda Baydhabo.
Waxay ka mid tahay boqollaal qof oo nolosha qoysaskooda oo danyar ah ka maarayn jiray falista, gurista, waraabinta iyo ilaalinta beeraha. Waxaa saameeyay roob la’aan iyo jilaal dheeraaday oo sababay in beerihii ay nacfi beelaan iyagana laga soo fasaxo.
Seynab ayaa sheegtay in qoyskeedu ay hadda hal mar oo habeenkii ah cunaan raashin ay ku caawiyaan dadka dariska la ah oo iyaguba aan waxba ku dhaamin. Carruurteeda oo yaryar ayay tilmaamtay inay qatooyo ku seexdaan.
“Aniga iyo carruurtayda xaalad nolol xumo ah ayaan dareemaynaa. Shaqo ma haysano. Biyo ma haysano. Meel aan deyn ka helayo ma jirto aad iyo aad ayaan u yaabanahay. Qofka marka uusan waxba haysan cidna wax ma siinayso. Aad iyo aad ayaan u dhibaataysanahay.”
Seynab oo kaligeed korinaysa carruurteeda oo lagu furay ayaa sheegtay in shaqada ka joogsatay ay u horseeday xaalada hubaanti la’aan ah. Waxay tilmaamtay in subax kasta ay u kallahdo magaalada Baydhabo si ay uga soo raadiso shaqo nadaafad ah balse waxay soo laabataa iyada oo fara maran.
Beertan oo ay ka shaqaynaysay hal sano ayay xustay in ay maalintii ka heli jirtay boqol kun oo shilin Soomaali ah. Shaqo la’aanta ayaa hadda ku qasabtay inay dadka kaalmo weydiisato.
“Markii hore oo aan shaqeynayey nolosheyda way ficneyd labada waqti iyo sedexda waqti hadba sidii uu Ilaahay iigu soo bixiyo ayaan ugu maaraynayay.”
Seynab ayaa sheegtay in xerada AL-Maxbuub oo ay degan yihiin aysan wax ceel-biyood ah lahayn. Ceel gaar loo leeyahay oo 30 daqiiqo loo socdo ayay dusha uga soo qaadaa hal jirigaan oo labaatanle ah oo laga siiyo afar kun oo shilin, kaas oo qoyskeeda aan ku filnayn.
Seynab iyo carruurteeda waxay ku nool yihiin buul oo ka samaysan maryo iyo geedo ay isku dartay mana ahan mid qorraxda iyo qabowga ka celin karin. Waxay sheegtay in markii ay shaqaysan jirtay ay si joogto ah u dayac tiri jirtay.
Haweenaydaan ayaa sheegtay in saamaynta shaqo la’aanta ay ka mid tahay in wiilkeeda oo dhiganayay fasalka afraad ee dugsiga hoose dhexe ee AL Macaarif laga cayriyay bishii Janaayo. Waxay bixin waysay $20 oo ah qarashkii laga doonayay Diseembar iyo Jannaayo.
Qoyska Seynab ayaa bishii May 2023 ka soo barakacay deegaanka Ufurow ee gobolka Bay. Waxay halkaas ku lahaayeen beer lix hektar ah oo dalagyo isugu jira raashin iyo khudaar ay uga bixi jireen. Waxay sheegtay in saddex fasal oo roob la’aan ah ay nacfi tireen, taas oo biday in ay xeryaha barakaca galaan.
Dhaamaan xoogsatadii ka shaqaynayay beeraha Shee-ashrow ee koonfurta Baydhabo ayay qoysaskooda soo food saartay xaalad nolol xuno ah, markii shaqooyinkoodii ay meesha ka baxeen.
Ibraahim Aadan Mursal oo ah aabbaha qoys ka kooban toddobo qof ayaa sheegay in tan iyo Diseembay ay cunno xumo iyo biyo yari ku wajahayaan xerada Mubaarak. Waxaa xilligaas laga fasaxay beer uu ka shaqaynayay hal sano iyo bar ah.
Ninkan ayay dantu ku qasabtay inuu shaxaad dabka ugu shido qoyska. Ibraahim ayaa tilmaamay in murugta ugu weyn ee xilligan ay tahay sidii uu cunno ugu heli lahaa carruurtiisa.
“Welwel joogto ah ayaa i hayo. maalinkii xaafada quraac, qado iyo casho midna ma leh. Shaqooyin badan ayaan raadiyay, magaalada shaqo la’aan ayaa ka jirta. Waxaan garanayay beeraha ayay ahaayeen iyagana shaqo ma leh hadda.”
Ibraahim wuxuu hadda quus ka joogaa inuu xal u helo nolol xumada qoyskiisa. Wuxuu tilmaamay in uusan hayn qorshe kale oo uu ku badddelo shaqada xoogsiga ahayd ee ka istaagtay. Lacag u dhexaysa $4 ilaa $6 oo maalinle uu uga heli jiray ayuu xusay inay kaga filnayd cunno saddex waqti ah. Ninkaan ayaa sheegay in marxaladaan ay la qabsan la’yihiin carruurtiisa.
Ibraahim oo 45 jir ah noloshiisana ku soo qaatay shaqooyinka beeraha ayaa sheegay in sidoo kale ay cariiri ku helaan biyaha. Halka caag ayaa laga siiyaa 3 kun oo shilin lacagtaas oo inta badan uusan heli karin. Ninkan ayaa dhanka kale sheegay in labo carruur ah oo u dhigan jiray dugsiga Quraanka ay ilaa Janaayo waxbarasho la’aan yihiin. Waxaa lagu yeeshay $30 oo uusan bixin saddex bil, taas oo keentay in loo soo eryo.
Qoyska Ibarahim ayaa 2022 ka soo barakacay deegaanka Abag-beeday oo gobolka Bakool ka tirsan. Wuxuu halkaas ku lahaa beer shan hektar ah. Cudurro ka galay dalagiisa oo raashin u badnaa iyo roob la’aan labo xilli u raacday ayaa beertiisa nacfi tiray kuna qasbtay in uu ka barakaco deegaankiisa.
Dadka kale ee ay saamaysay xaaladaan waxaa ka mid ah Cabdulaahi Cabdi Aadan oo mudo labo sano ah waardiye ka ahaa beer 10 km u jirta magaalada Baydhabo. Waxaa bishii 11 ee sanadkii hore mulkiilaha beertu u sheegay in dhaqaale la’aan iyo nacfi beelka beerta dartood uu shaqada uga joojiyay.
Ninkaan ayaa xusay in xaaladaan oo markii hore uusan ku sii tashanayn ay qoyskiisa ka saamaysay dhankasta oo nolosha ah. Waxaa hadda ku adkaatay maaraynteeda quudkooda maalinlaha ah iyo dabarida baahiyihii kale ee qoyska.
Cabdullaahi ayaa sheegay lacag $6 oo maalinkii uu beerta ka qaadan jiray ay si wanaagsan ugu filnayd qoyskiisa 10 qof ah. Raashin deyn ah oo ay ku tiirsanaayeen afartii bil ee u danbaysay ayaa hadda ka go’ay. Waxaa intaas u raacday in carruurtiisa dugsiga looga soo eryay, markii uu bixin waayay qarashkii laga doonayay.
Ninkaan oo 57 sano jir ah ayaa xusay in isaga iyo xaaskiisa ay dadka wax waydiistaan si carruurtooda ay hal mar dabka ugu shidaan marka ay u adkaysan waayeen xaalada ay ku sugan yiihiin. Saddex sano ka hor ayuu qoyskiisu ka soo barakacay miyiga tuulada Jimaale oo ka tirsan Gobolka Bakool. Wuxuu halkaas ku lahaa beer sedex hektar ah oo badar uu ku beeran jiray. Colaado u dhexeeya ciidanka dowlada iyo Al-shabaab oo ku soo lalaabtay deegaanka ayuu sheegay inay ku qasbeen in ay soo barakacaan.