(ERGO) – Cabdiwali Cabdullaahi Aadan ayaa si buuxda ugu filnaaday maaraynta nolosha qoyskiisa oo ka kooban 15 qof, markii uu bishii Nofeembar ee 2024 fursad shaqo ka helay iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee Cumar Al-faaruuq ee magalaada Cadaado.
Wuxuu ka mid yahay 400 oo bare oo ay Wasaaradda Waxbarashada Galmudug qaadatay markii ay ka soo gudbeen imtixaan-aqooneed dhamaadkii sanadkii tagay, kuwaas oo hadda ka howl-gala iskuullo ku yaalla deegaannada maamulka.
Cabdiwali oo dhiga maadooyinka xisaabta iyo tiknoolojiyada ayaa xusay inuu bishii qaato $320. Wuxuu sheegay inuu ka baxay walaacii uu mudada dheer ka qabay nolosha qoyskiisa oo ahayd mid adag.
“Nolosha qoyska markii uu wax haysto iyo markii uusan waxba haysan isku mid maahan, dhaqaalaha shaqadu wax wayn buu ku soo kordhiyay, dad waxaa noqonay guri kiradiisa iska bixi kara iyo dugsigii Quraanka, maanta maradooda soo gadan kara wixii ay cuni lahaayeen heli kra. Alxamdu lillaah wax waynbay nolosha qoyska ka beddeshay.”
Ninkan oo 16 bishii Febraayo ee sanadkii hore ku shaqo waayay colaaad gobolka Mudug ku dhex martay Al-shabaab iyo ciidanka dawladda oo sabab u noqtay inuu xirmo iskuul uu ka dhigayay deegaanka Camaara ayaa hadda sheegay inuu qoyskiisa ka saaray horraantii Diseembar 2024 noloshii barakacnimo ee ay ku sugnaayeen tan iyo markii ay soo gaareen Cadaado ay bishii maarso ee isla sanadkaas.
Cabdiwali ayaa sheegay inuu qoyskiisa dejiyay guri saddex qol ah oo uu bishii ku bixiyo lacag dhan $80.Wuxuu xusay inuu sidoo kale bille u bixiyo korontada iyo biyaha guriga lacag dhan $40. Wuxuu tilmaamay inuu muddo sideed bil ah gudaha magaalada Cadaado ka raadinayay shaqo baranimo balse aysan u suurto galin.
“Qoyska noloshiisu waxay ku xirneyd hadba wixii la hello, wax xilli u go’an maahayn ama qado, quraac iyo casho ku xiran maahayn. Marna waa u toosi jirtay marna waa ka wareeri jirtay haddana alxamdu illlaah qoysku waa iska barwaaqaysanyahay.”
Ninkan ayaa sheegay inuu iska yar-yareeyo lacag $700 oo dayn ah oo lagu yeeshay, taasi oo hadda uu bixiyay $180 ka mid ah. Wuxuu tilmaamay inuu dugsiga Quraanka ku daray afar ka mid ah caruurta qoyska oo uu bishii ku bixiyo $30. Shan kale oo dhigta iskuulka Cumar Al-faaruuq waxa uu sheegay inay si bilaasha ah ku bartaan. Waxaa ka caawisay inta uusan shaqadan helin mu’assasada Iftiin.
Ninkan oo heerka koowaad ee jaamadda ka baxay bishii December sanadkii 2020 ayaa sheegay in billowgii sanadkaas uu geeriyooday aabihiis, taasi oo keentay in dhamaan masuuliyaddii iyo masruufkii reerka ay isaga ku soo wareegto. Cabdiwali ayaa sheegay inuu wasaaradda waxbarashada la galay heshiis afar sano oo uu u shaqaynayo.
Dadka arrintan ka faa’iidaystay waxaa ka mid ah Axmed Maxamed Abuukar. Waxa uu sheegay inuu ku filnaaday nolosha qoyskiisa oo todobo qof ka kooban markii uu bare ka noqday Iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee Dayax oo ku yaalla magaalada Godinlabe ee gobolka Galgaduud.
Ninkaan ayaa xusay inuu markii hore nolosha qoyskiisa ka daberi jiray shaqo la xiriirta wax barista dadka waa wayn oo uu ka heli jiray lacag u dhaxaysa $80 illaa $100, taasi oo aan ku filnayn noloshooda. Hadda waxa uu sheegay inay ka gudbeen culays yadii haystay ka hor inta uusan shaqadaan billaabin.
“Ciyaalka dugsiga aadaya waxaa laga yaabaa wax quraac ah inaysan helin oo lix saac ama todobo saac la qadeeyo cashana aysan helin oo gaajo ay ku seexdaan markaas. Marka wax badanaa iska beddelay waqtigaan hadda aan joogno.”
Waxa uu sheegay inuu bishii November billaabay shaqada wasaaradda waxbarashada oo uu ka helo lacag dhan $320, taasi hadda si joogto ah uu ugu bixiyo $25 ka mid ah kirada guri labo qol ah oo ay ku noolyihiin, sidoo kolana uu $43 ku bixiyo korontada, biyaha iyo dugsiga Quraanka labo ka mid ah caruurtiisa.
Ninkaan oo dhiga maadooyinka Xisaabta iyo Physics-ka ayaa xusay inuu qoyskiisa ka saaray hubanti la’aantii cunno ee haysatay, waxaa intaas ku dheer sida uu sheegay inuu lacag dhan $50 ku taageero bil walba hooyadiis oo ku nool magaalada Muqdisho. Wuxuu tilmaay inuusan shaqo mushaarkan oo kole leh aysan horay u soo marin tan iyo markii uu heerka koowaad ee jaamadda dhameeyay sanadkii 2015.
“Wax badan iska beddelay arrad tirkoo kole markii hore ma awoodi jirin, hadda laakiin waqtigii gabadha ay tiraah suuqa waan tagayaa waxeeda waan u kaashaa awal ma jirin wax kayd ah. Waa iidii ugu horaysay oo aan rajaynayo inaan sifiican iidno.”
Axmed ayaa sheegay inuu hadda kala bar bixiyay lacag $600 oo dayn ah oo lagu yeeshay intii uusan shaqada fiican haysan, inta dhimman ayuu qorshaynayaa inuu iska yar yaraynayo kaddibna uu dhigaal ka dhigto qayb ka mid ah mushaarkiisa.
Dhammaan barayaasha fursaddan shaqo helay ayaa wax ka beddelay noloshooda iyo midda qoysaskooda, waxay ka soo kabanayaan duruufo dhaqaale xumo oo ay ka dhaxleen shaqo la’aan ku raacday.
Agaasimaha Macallimiinta iyo horumarinta manaahijta ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Sakariye Cabdullaahi Xassan ayaa sheegay inay barayaashaan howl-galiyeen markii ay mareen hanaan adag oo loo jideeyay si tartan loogu kala reebo kumanaan qof oo soo codsaday shaqadan.
Wuxuu tilmaayay inay ku shaqeeyaan dhaqaale ay bixiso Wasaaradda Maaliyadda dalka oo ah canshuurta dadka Soomaaliyeed, barnaamijkaan ayuu xusay inuu waxbadan ka tarayo sare u qaadista tayada waxbarashada Galmudug.
Wuxuu intaas ku daray inay wasaaraddu gaysay barayaashaan ilaa konton iskuul oo ku yaalla deegaannada Galmudug, kuwaas oo si bilaash ah ay ardaydu ku dhigtaan. Dumarka ayuu sheegay inay 40% ka yihiin macalimiinta la qaatay. Sakariye ayaa xusay inay markale qorshaynayaan qaadashada barayaal kale oo ku soo bixi doona hanaan la mid ah midkii kuwaan lagu qaatay.
Dowlada Soomaaliya ayaa bartamihii sanadkii 2023 billowday qorshe qaran oo muddo afar sano ah lagu howlgalinayo tobon kun oo barayaal ah, kuwaas oo lix kun oo ka mid ah la diiwaangaliyay labadii sano ee tagay. Maamulka Galmudug ayaa tiro sideed boqol oo bare ah ku yeeshay macalimiintaan oo haatan ah kuwo ka shaqeeya iskuullada dowladda.