(ERGO) – Maxamed Cumar Xuseen lix bil kaddib wuxuu ku faraxsan yahay inuu la wareegay masuuliyadda maareynta nolosha afar walaalihiisa ah iyo hooyadiisa, taas oo ay u suuragelisay dukaan lagu iibiyo dharka raga oo uu ka furtay Muqdisho.
Wuxuu awooday inuu saddexda waqti, kirada iyo waxbarashada walaalihiisa ka maareeyo iibinta dharka ragga. Inuu daboolay baahida qoyskiisa oo uu markii hore u maaro la’aa, ayuu sheegay inay ka caawisay markii uu bishii September markaas suuqa Barakaaha ka furtay carwo lagu gado dharka.
Wuxuu sheegay inuu bille u helo faa’iido u dhaxaysa $500-700. Lacagtan ayaa isbeddel nololeed u horseeday isaga iyo qoyskiisa. Wuxuu faahfaahinayaa sida uu u maareeyo daqligiisa.
“Faa’iido badan ayaan ka helay, kaddib waxaan sameeyay waalidka iyo walaalahay oo gobolka jiray ayaan soo raray oo halkaan aan keenay. Degmada Dayniile ayaan soo dejiyay oo hadda wixii kharashaad iyo masruuf aan ka dabaro ganacsigaan.”
Maxamed ganacsigaan u bullaalay wuxuu ku furtay lacag $8,000 ah oo uu mar u qorsheeyay inuu ku tahriibo sida uu Ergo u sheegay. Sababta uu isaga daayay go’aanka tahriibka ayuu ku sheegay inuu waayay cid uu ku halleeyo masuuliyadda reerka, maaddama ay yihiin danyar markii hore dhaq dhaqaaqiisa ku tiirsanaa.
Sidookale wuxuu tilmaamay inuu arkay dhallinyaro badan oo horay u tahriibay inay weli ku cadiban yihiin xabsiyada Liibiya, taas oo ahayd sabab kale oo beddeshay mowqifkiisa.
“Fikrad kale ayaa igu dhalatay oo ah in lacagta aan heysto haddii aan wadada ku galo meesha aan rabana I geyn weyso. Anigana aysan waxba gacanta iigu jirin ay dhibaato tahay oo waxaa waaye waalidka in aan dhibo maahane faa’iido kale aanan soo kordhin, sidaas darted waxaa igu dhalatay in aan ganacsi sameysto oo waxa aan hayo aan maalgaliyo wax soo saarna aan ku sameyo.”
Lacagta uu ganacsiga ku bilaabay waxay ka soo gashay boos hooyadiisa ay ku lahayd Buuloburde oo uu iibiyay bishii Ogosto ee 2024. Waxay u noqotay $7,000, balse wuxuu ku kabay $1000 oo kale, taas oo uu ka kaydsaday shaqada cilad-bixinta korontada oo uu magaalada ka qaban jiray.
Maxamed wuxuu sheegay inay ka go’nayd inuu dalka ka tago oo uusan marnaba ku qancin inuu ganacsi sameysto, wuxuu aaminsanaa ina ysan jirin wax fursad ah oo la maalgashan karo oo nolol maalmeed laga soo saaran karo xiligaan.
“Waxyaabaha ugu badan ee kugu dhalin kara inaad tahriibto waa qof aad taqaana oo tahriiba iyo inaad la saaxiibto dad u ololeeya arrimaha tahriibka, sidaas darted aniga labadaas ayaa isku key bahaystay. sidaas ayay igu dhalatay arinka tahriibka.”
Ka hor inta uusan billaabin shaqadaan wuxuu reerkiisa ka ka quudin jiray cilad-bixinta korontada oo uusan ka heli jirin dhaqaale ku filan baahiyaha reerkiisa, balse hadda waxaa u suuragashay inuu shaqadaas uga maarmo ganacsigiisa cusub.
Maxamed Cumar oo 24 sano jir ah ka sokow inuu xal u helay masruufka qoyskiisa, waxaa uu dheer inuu lacagta waxbarashada ka dhiibo afar walaalahiisa ah oo dhigta dugsiga sare, kuwaas oo isku-darkoodu uu bishii ka bixiyo $85.
Wuxuu ka hadlayaa culeysyada kaga degay shaqadaan ee uu hadda miraheeda dheefsanaayo.
“ Sidaan ka filayay si ka badan ayaa iga soo gasha, wayna naga soo hartaa, hal wiil ila shaqeya biilkiisa mesha ayuu ka qataa. Nolosheena aad bay u wanaagsan tahay maanta.”
Maxamed Cumar oo sannad ka hor ay adkayd inuu dhagaysto qof kala talinaya tahriibka oo u sheegaya khatarta iyo cawaaqib-xumada ka dhalan karta. Wuxuu xusay inuu isbeddel ku yimid aragti walba oo uu horay uga qabay inuu tahriibo, maaddama uu soo arkay xaqiiqo ka duwan doonistiisii hore.
“Wixii aad ku tahriibi lahayd wadankaaga dhexdisa khayraad uu Alle ka buuxiyay baa talaa. Fursadaas in lagu maalgasho ayaan aaminsanahay.”
Maxamed ayaa sheegay in sida kaliya ee xal loogu heli karo tahriibka ay tahay in la abuuro fursado nololeed oo wanaagsan si dadku aysan u dareemin baahida keeneysa tahriibka.
Horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka, tababaro xirfadeed, iyo helitaanka nabad iyo xasilooni siyaasadeed ayuu tilmaamay inay yihiin duruufaha wax ka beddeli kara arrimaha tabriibka.