(ERGO) – Hibaaq Axmed Maxamed iyo carruurteeda waxay dulsaar ku yihiin qoys ka kooban toban qof oo la daalacaya helidda nolol maalmeedka. Waxay u awoodaan hal qol oo cabbirkiisu yahay labo mitir oo habeenkii ay gabbaad ka dhigtaan.
Haweeynadan oo haysata toddobo carruur ah oo labo ka mid ah ay naafo yihiin ayaa hal waqti cunno u hesha. Waxay sheegtay in intaas ka badan aysan heli karin xiligaan adag ee ay ku jiraan.
Wuxuu qoyskeedu ka mid yahay boqolaal qoys oo ka soo cararay colaad ka jirta magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Waxay hubanti la’aan ku wajahayaan magaalada Badhan.
“Reerka aan ku soo dul dagnay baan marba la cunna oo aan ka siiyaa carruurta marka ay wax karsadaan. Mar mar baan xaafadaha kale wixii aan uga soo heli karo uga soo raadiyaa.”
Dadkan oo u badan waayeel iyo haween carruur haysta ayaa bartamaha bishii December ku soo barakacayay deegaannada Xingalool, Dhahar iyo Cawsane halkaas oo ay ku wajahayaan hoy la’aan iyo cunno xumo.
Hibaaq ayaa sheegtay inaysan u dhaq dhaqaaqi karin qoyskeeda, sabab la xiriirta inay umul tahay oo aysan awoodin inay magaalada u shaqo tagto halka odaygeedana uu yahay waayeel naafo ah oo aan qaban karin shaqooyinka xoogsiga ah ee deegaanka laga heli karo.
Waxay xustay in noloshooda ay hadda tahay middii ugu adkeyd ee soo marta. Hibaaq ayaa xustay guriga ay ku nool yihiin inuusan ka celin karin qabowga, isla markaana aysan awoodin in carruurta ay u iibiso bustayaal iyo marakaneeco.
“Deegankayaga xabad iyo baqdin baa naga soo barakicisay. Dhibaatada na haysta lama soo koobi karo. Dhibaatada noogu weyn waxaa weeye meel aan joogno iyo meel aan jiifsanno toona ma hayno.”
Haweeneydan ayaa sheegtay inay carruurta la soo gashay safar lug ah oo saddex maalin ku qaatay, maaddaama aysan haysan dhaqaale ay gaari ku soo raacaan.
Hibaaq ayaa sheegtay inay ku adkaatay maalimihii hore ee dagaalka inay ka soo baxsadaan magaalada, maaddaama dhaq-dhaqaaqa dadka aad loo xaddiday, taas oo caqabad ku noqotay inay carruuteeda geyso meel nabad ah.
Waxay sheegtay inay ku argagaxeen dagaalka oo kedis ku noqday, welina uusan ka go’in maskax deeda.
“Dad masaakiin ah baan ahayn oo aan waxba haysan. Ilaahay baa noo sahlay dad na caawiya oo carruurta yaryar ii soo qaada. Qaarkood ayaan dad u soo dhiibtay markii ay xaaladdu igu adkaatay, carruurta qaar baan xittaa iska soo horaysiiyey dad aysan aqoon aan ku soo daray oo aan ku iri halkaas ii geeya.”
Haweeneydaan ayaa sheegtay in carruurteeda ay waxbarasho bilaash ah ku haysteen deegaankeedii. Waxay dhigan jireen fasalada afraad iyo shanaad ee iskuulka hoose dhexe ee Cumar Bin Cabdicasiis.
Qoyska Hibaaq waxay 3 December ee sanadkii hore ka soo barakaceen magaalada Ceerigaabo oo 162 km galbeed uga beegan magaalada Badhan oo ay barakaca ku yihiin.
Ka hor inta aysan Badhan imaan noloshoodu waxay ku tiirsanayd shaqo dhar-dhaqis ah. Waxay sheegtay in maalintii ay ka heli jirtay $5, taas oo ku filnayd biilkooda.
Qoysaskan oo qaarkood ay degan iskuullo iyo xarumo caafimaad ayaa awoodi waayay inay kireystaan guryo. Waxay qaarkood dantu ku qasabtay in iyaga iyo carruurtooda ay dul-saar ku noqdaan qoysas magaalada horay ugu noolaa.
Iimaan Ibraahim Cashare waxaa feker ku haya maaraynta nolosha qoyskeeda oo ka kooban toban qof, waxay halkaan ku sugan tahay ku dhowaad saddex bil. Waxay ka welwelsan tahay sidii ay u heli lahayd nolol maalmeedka carrurteeda. Iimaan waxaa ku adkaatay inay ehelkeeda ka hesho wax dhaqaale ah tan iyo imaatinkeedii.
Waxay hadda hal waqti kaliya ku quudisaa qoyskeeda cunnooyinka ay ku caawiyaan dadka deliska la ah. Waxay isku daydaa inay dadka magaalada weydiisato wixii ay ku kaalmeyn karaan.
Haweeynadan ayaa sheegtay in markii hore qoyska uu la caawin jiray wiil ay dhashay oo ka tirsan ciidamada Somaliland oo bishii u soo diri jiray $100, balse hadda aysan heli lacagtaas.
“Magaaladan hadda aan nimid waa magaalo sicir barar ah, wax kastaba waa qaali. Dadku waxay iska ahaayeen dad iska danyar ah. Magaalo waxaan daganayn iska maskiin koris ah halkan hadaa nimi noloshii waan la qabsan weynay.”
Iimaan ayaa sheegtay inaysan awoodin inay degaan guri kiro ah, dhaqaale la’aanta haysta awgeed. Waxay tilmaantay in nolosha magaalada Badhan ay tahay mid adag oo aysan ka bixi karin.
Waxay xustay in helitaanka biyaha ay caqabad ka haysato, maaddaama halkii fuusto ee biyaha ah laga siinayo $5, taas oo aysan awoodin xiligaan. Ma jirto ceel ama il-biyood kale oo ay biyo bilaash ah ka soo dhaansan karaan.
“Biyihii baaba qaali ah halkaan, guryaha qaar barkado baa ku jira, qaarna fuustooyin baa la shubanayaa. Dadku waxay u badan yihiin inay fuustooyin shubtaan. Dadkaan soo barakacayna ma ahan dad wax haysta oo wax iibsan kara.”
Bilowga bishii December ee 2024 ayay ka soo barakacday magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag markii ay saameeyeen dagaallada ciidamada Somaliland iyo kooxo deegaan ah oo hubeysan. Waxay ahaayeen xoolo-dhaqato hore oo abaaraha ku soo laab laabtay gobolka ay ceyrteeyeen.
Mamaulka magaalada Badhan ayaa sheegay in qoysaskan xaaladda nolol xumada wajahaya aysan ahayn kuwa si guud loo tirakoobay oo la ogyahay diiwaankooda saxda ah.
Agaasimaha waaxda dowladda hoose ee Badhan Sucdi Ismaaciil Axmed ayaa sheegtay in sababta aan dadkan weli loo gaarsiin gargaar inay tahay inaysan diiwaanka ugu jirin oo maamulka, balse waxay xustay in lagu hawlan yahay sidii wax looga qaban lahaa.
“Runtii dadkaas soo barakacay waa dad aad u xaaladaysan oo dagaal sokeeye helay. Marka dadkaasi aad bay u duruufaysan yihiin. Xaaladooda nololeed ma ahan xaalad uu qof bani adam ah ku sii jiri karo waayo guryihii baa waxaa la isku dulsaaran yahay sadex sadex qoys ama afar afar qoys.”
Qoysaskan oo colaad ay noloshoodii burburisay ayaan weli helin nolol dhaanta middii ay ka soo tageen.