Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Marka: Qoysas goostay dalagga beeraha markii ay ka faa’iideysteen kanaallo loo dayactiray

Jibril Osman by Jibril Osman
February 13, 2025
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Marka: Qoysas goostay dalagga beeraha markii ay ka faa’iideysteen kanaallo loo dayactiray
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdi Cali Haaruun faa’iido uu ka helay dallagyo uga soo go’ay beer 3 hektar ah dhamaadkii bishii Diseember ee sanadkii tagay ayaa ka caawisay inuu xaaskiisa iyo carruurtiisa oo sagaal ah u helo cunno saddex waqti ah, daryeel iyo waxbarasho.

Ninkan ayaa ka mid ah 150 qof  oo ay noloshoodu is beddeshay, markii  kannaalo si bilaash ah ay ugu hagaajisay bishii Maarso ee sanadkii hay’adda FAO. Dib hawl galintooda ayaa ku dhiiri gelisay inay dib ugu laabtaan tacabka beeraha oo ay waraab la’aan uga quusteen tan iyo horraantii 2024.

Cabdi  ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay nolosha cusub ee qoyskiisa u billaabatay. Wuxuu awood u yeeshay inuu qoyskiisa dib ugu kireysto guri labo qol ah, kaas oo ku yaalla deegaanka  Ismaan Quulle oo 7 km u jira magaalada Marka.

Ninkan ayaa sheegay inuu gurtay dallagyo ay ka mid yihiin, galley, digir iyo yaanyo. Wuxuu sheegay in yaanyada iyo digirta ay hooyada reerka subax walba u iib-gayso  suuqa deegaanka Buufow Bacaad iyadoo kala soo hoyata 5 doolar. Ninkaan ayaa tilmaamay in isaga iyo qoyskiisa aysan hadda welwel ka qabin cunno ay quutaan.

“Qof  walaal ah ilaah iisoo diray kistoo ayuu isiiyay wuxuu idhahay ilmahaaga ku nooleyso.anna waan orday beertaydaa aaday islaanteyda macal caruurteyda waa baxnay beerta markaa aadnay geedaha raambowga shafnay waa falni markaa falnay galleydii ayaan ku abuur nay qaar digir ayaan ka dhignay qaarne yaano ayaan ka dhingnay”

Cabdi ayaa tilmaamay inuu dib u soo noolaaday hankiisii dhul beerashada, kaas oo uu ka rajo dhigay bishii  janaayo ee sanadkii tagay, markii kannaaladii biyaha soo gaarsiin jiray beertiisa ay daadad iyo fatahaado burburiyeen, isla markaana uu dhaqaale u waayay dayactirkooda.

Ninkan ayaa ku qasbanaaday inuu ka guuro guri uu bishii $30 ku degganaa, markii uu awoodi waayay inuu iska bixiyo. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in reerkiisii uu calalo la is-dul saaray uga dhex dhisay beertiisa oo deegaanka ka fog masaafo 3 km isla markaana cidlo ah.

Wuxuu tilmaamay  duruufaha haystay darteed inuu mar ku fekeray inuu beertiisii uu iibiyo si ay uga helaan wax ay cunaan. Wuxuu tilmaamay ka celiyay qof ehelkiisa ka mid ah oo  kula taliyay inuusan iska iibin beertiisii, uuna ka faa’iideysto, maaddama kannaalada dib loo sameeyay.

“Markii beerta saas iga baaqatay inaa iska gado ayaan rabay waa i anfici weysay. Qof walaal ah niyada ii dhisay ayaa garab i siiyay. Sidii ayaan beertii ugu soo laabtay, haddana sisin ayaan jeclahay inaan abuurto niyadeyda waayo beertaas ku noolahay.”

Ninkan ayaa tilmaamay in tiro dhowr jeer ah uu dalagyo kala duwan  saaray beerta, kuwaas oo uu gooyay kanaalka sabab la xiriirtay wax nadiifin ah oo aan muddo lagu sameyn. Wuxuu sheegay in lagu yeeshay lacago badan oo uu beerta geliyay.

Wuxuu intaas ku daray in gabadha reerka ugu yar uu caano u waayay cid uu ka helo, taasna ay u horseeday inuu dadka gacmaha u hoorsado isaga oo u lugeynaya magaalada Marka oo u jirta 5 km si uu dabka ugu shido qoyska hal waqti.

“Cunugteyda yariista qof caano iga siiyo ayaan waayay.beertii aan falahaayey hadii xaalkeeda saas noqday maxaan sameeyaa hee? Wax aan sameeyo waayay.waa soo wareegaa lee suuqa tagaa waa soo wareegaa cid garabkeeyga soo istaagto waan waayay meel aan aqaanay waa kasi waayay.”

Dib u hawl galinta kannaalada Qumboole iyo Jacfar ee  beeraha deegaanka Buufoow bacaad ayaa iminka  dib u soo celisay hab nololeedka beeralayda deegaanka, kuwaas oo dhigay qalabka beeraha.

Kannaaladan hoos u qodan afar mitir. Waxay biyaha ka soo qaaada goobo biyo qabatin ah oo loogu tala galay in biyaha laga soo daayo marka ay u baahdaan beeraha, isla markaanna laga xiro si aysan u sababin fatahaad iyo waxyeello soo gaarta beeraha.

Dadka dib u billaabay tacabka beeraha ee faa’iidada dhaqaale ka helay waxaa kamid ah Maxamed Xasan Maxamuud, wuxuu cunno saddex waqti u helay qoyskiisa oo ka kooban 8 qof.

Wuxuu sheegay inuu ka helay faa’iido dhaqaale oo u suura galisay inuu qoyskiisa ka soo kabto nolol xumo. Wuxuu aaminsan yahay in beeraha looga maarmi karo in cid kale taageero laga sugo, isla markaana horumar lagu gaari karo.

“Haddii marba kanaaaladii la sameeyay waxa usoo jeedinayaa dadka inay usoo laabtaan beerahooda, sababtoo ah dadka waxa ay leeyihiin caruur waxbarasho ayay ka rabaan mustaqbal ayay leeyihiin caruurtaas”

Wuxuu sheegay faa’iidada soo gashay inuu dukaan yar oo bagaash ah ku maal-gashay, kaasi oo uu sheegay in uu geliyay 800 oo doollar. Hooyada reerka ayuu sheegay inay iyadu iibiso, isla markaana maalintii ay ka hesho shan dollar.

Maxamed ayaa tilmaamay in beertiisa uu markasta tacab saari jiray, balse markasta ay biyaha wabiga ka goyn jireen. Wuxuu xusay in noloshiisa uu ahaa beeraley, weligiisna uusan helin faa’iido intan la eg balse sanadkan ay u tahay aaran. Wuxuu iska bixiyay inta badan daymihii lagu lahaa.

“Waxaa iga gashay $400 oo deyn ah hadda waxaa ka soo saaray $3000, taasna waxay ii sababtay inan ka soo saaro ehelka sida xaaska iyo ilmaha kaamka. Hadda waxaan soo geliyay guri kiro ah..Waxaan ka bixiyaa korontada biyaha seddex jeer ayaan cunnaa alxamdulilaah”

Dadka kale ee dib u tacbashada beeraha faa’iidada dhaqaale ka helay waxaa kamid ah.

Cawaale Ismaaciil wuxuu xaaskiisa iyo carruurtiisa oo lix ah u helay cunno, daryeel,waxbarasho iyo guri kiro ah oo ay seexdaan.

Ninkan ayaa sheegay inuu dalka muddo ka maqnaa oo ku maqnaa dalka Sacuudiga, halkaas oo uu xabsi ku xirnaa 7 bil 2023, maaddama uu sharci darro ku galay dalka. Waxaa dalka dib loogu soo celiyay bishii Luulyo ee 2024. Wuxuu sheegay intii uu deegaanka ka maqnaa ay qoyskiisa wajaheen caqabado kala duwan oo dhanka nolosha ah.

Ninkan ayaa tilmaamay in dalka lagu soo celiyay bishii Agoosto, isla markaana uu la kowsaday kanaalkii deegaanka oo la dayactiray. Wuxuu sheegay in dalag ka kooban sisin iyo khudaar ay beerta uga soo go’een, taas oo uu barakac kaga saaray qoyskiisa oo intii uu maqnaa oo idil xeryaha ku noolaa.

Cawaale ayaa sheegay in markii hore uu ka quustay Webiga Shabeelle oo ku fatahayay beerihii ay ku tiirsanaayeen, taas oo ku hoggaamisay inuu qaado  go’aan ah inuu dalka ka tahriibo si uu quud ugu raadiyo reerkiisa.

Wuxuu xusay in markii uu arkay in la dhisay kanaaladii Webiga uu isku qanciyay in beertiisa tacab saaro. Wuxuu sheegay inuu bilooyin kadib ka helay faa’iido noloshiisa iyo qoyskiisa beddeshay.

“Aniga beertayda kanaalka uma dhoweyn hada waaloo soo jeexay. Kanaalada si fiican hadii loo qodo dadka beerahooda waa falanayaan”

Beeraleyda ku nool deegaanka Buufoow Bacaad waxay si dar da rleh hadda u wadaan tacabka beeraha maaddaama kanaaladu yihiin kuwo nadiif ah, kuwaas oo ay hagaajisay hay’ada beeraha ee FAO.

Previous Post

Kismaayo: Dad ku jira xero barakac oo ku guryo beellay saamaynta dabeyl xooggan

Next Post

Bari: Gargaar ka istaagay iyo takoor isku biirsaday dadka la nool Cudurka HIV/AIDS

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Kismaayo: Qoysas la nool cudurka HIV AIDS oo wajahaya cunno yari iyo waxbarasho la’aan

Bari: Gargaar ka istaagay iyo takoor isku biirsaday dadka la nool Cudurka HIV/AIDS

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo