(ERGO) – Labo kun oo qoys oo ku nool xeryaha deegaanka Luglow oo Kismaayo u jira 25 km ayaa wajahaya xaalad hoy la’aan ah, markii dabeysha xagaaga ay ka dumisay guryo u badnaa cooshado bartamihii bishaan January ee sanadkan.
Dadkaas waxaa ka mid ah qoyska Deeqa Luul Deerow oo 11 ah. Waxay dulsaar ku yiin qoys degan xerada New Luglow Iyada iyo carruurteeda waxaa hoy u ah muddo toddobaad ka badan oo cooshad ah oo lagu caawiyay.
Waxay sheegtay inay ka soo kaban la’dahay saameynta dabeysha ay ku reebtay qoyskeeda oo weli ku sugan xaalad hubanti la’aan ah.
“Guri qaraabada leedahay ayaan seexanaa inta gurigeena aan ka dhisanayno. Dad waqtigii wax la hellay dhowr buush dhistay ayey ahaayeen. Meel jiko u ahayd iyo meel qol u ahayd. Markii dayaca la arkay ayaa la yidhi buushkan gal ilmaha ha kuugu jiraan.”
Guriga ka dumay qoyska Deeqo oo hal qol oo cooshad ahaa waxay dhisatay sannad ka hor sida ay Raadiyow Ergo u sheegtay. Deeqa ayaa xustay in deegaanka Stanbuul oo aan ka fogayn ay ka soo aruursatay bustayaal, xijaabo iyo kartoomo waliba kala duwan si ay dib aqalkeeda ugu dhisato. Dabeysha iyo qabowga habeenkii oo gabaad xumo ku helay ayay tilmaantay inay u adkeysan la’yihiin xiligaan.
“Dabaysha bicihii waa fiiqday oo xanfarka qaaday. Qof aan bac haysanin ayaa jira. Awood aan ku soo gato malihi. Eber eber dadka qaarkiis guryaha waa ka dudumeen. Dadka waxaa ku dhistana mahaystaan oo wax la’aan waaye. Aniga kula hadlaya guriga wuu iga dumay.”
Qoyska Deeqa dhibaatada dabeysha waxaa u raacday xaalad cunno xumo oo ay wajahayaan iyada iyo carruurteeda. Noloshooda waxay ku tiirsan tahay shaqo dhisme ah oo uu ninkeeda qabto, taas oo aan joogto loo helin.
Waxay sheegtay marka uu helo in la siiyo $4. Waxay u suuragelisay cunno hal wakhti ah. Haweeneydaan ayaa xustay in duruufaha nolosha ee xiligaan haysta ay yihiin kuwa ku sii adkaanaya marba marka ka sii dambeysa.
“Canjeelo hadaad u soo hesho manta intaad roor roorto. Dhismo meelaha intaad ka soo hesho maal aad ugu dubayso malahan. Qoryo lama haayo oo meesha qori malahan oo dhuxul malaha oo biyihii naloo keenay ayaa lacag ah. Marka Rafaad aduun waa iska jiraa.”
Qoyskeeda ayay kala soo barakacday billowga bishii November sanadkii 2023 deegaanka Baarka oo Kismaayo u jira 45km, markii ay saameysay fatahaadda webiga Jubba. Waxay halkaas ku lahaayeen beer 8 hiktar ah.
Beertan oo abaarro iyo fatahaad is xig-xigtay ay saameeyeen waxay ku beeran jireen dalag iskugu jira galley, digir iyo noocyada kala duwan ee khudaarta.Qoysaska waxay degan yihiin deegaan sare oo joog ahaan ka sarreeya badda iyo webiga Jubba oo aan ka fogayn.
Waxay u nugul yihiin dhibaatooyinka dabiiciga ah, maadaama halkaas ay tahay goob banaan oo aan lahayn wax dhir ah oo ka xajin kara bacaadka iyo dabeesha. Xaaladahaas oo isbiirsaday waxay u horseedayaan inay u nug-laadaan dabaylaha ka dhacaya deegaanka Luglow iyo deegaanada kale ee xeebta Jubbada hoose ku teedsan.
Xaawo Maxamed Ibraahim oo qoyskeeda oo barakac ah uu ka kooban yahay 8 qof. Toddobo ka mid ah waa carruur. Waxay hoy la’aan yihiin mudo 7 maalin ah. Aqal cooshad ah oo uga dhisnaa xerada New Luglow ayay dabeyshu ka dumisay.
Waxay isku daydaa maalin walba dib u dhiska aqalkeeda oo ka sameysnaa baco, kartoomo iyo maryo la isku xiray, hase ahaatee waxay bidaan marka ay dabeyl xoog leh tilmaaddo. Labo ka mid ah carruurta Xaawo oo 3-5 sano jir ah waxaa saameyn caafimaad darro ku yeeshay dabeysha iyo qabowga habeenkii oo gabaad xumo ku helay.
Haweeneydaan oo xaalad quus ah ay galisay dabeysha waxay ku dadaashaa in xilliga habeenkii ay u hesho carruurteeda meel dugsoon, maadaama qabowga uu burkiito geliyay ilmaha.
“Dabaysha wixii guri ahaa waa dudumisay. Ilmihii qandho iyo hargab ayey u keentay. Meesha qori iyo bac ayaa lagu haayey oo guri dabayl iska celin kara meesha laguma haynin. Marka dhibaatadeeda ayey leedahay, Dhibaato wayn ayaan kala kulanay dabaysha.”
Xaawo Maxamed Ibraahim ayaa Ergo u sheegtay in hadda ay qorshaynayso sidii ay dib ugu dhisan lahayd buushka dabaysha ay ka dumisay, Waxay xustay in dad dariskeeda ah ay ku caawiyeen maryo iyo Kartoomo. Sidookalena ay iyadda iyo caruurteeda duurka ka soo gurteen geedihii ay ku dhisi lahaayeen.
Waxay suuqa ka soo iibsatay hal bac oo $4 joogta, taas oo ka caawin doonta qorshaha ay dib ugu dhisaneyso gurigeeda.
“Qof dumar ah oo nin u joogin ayaan la seexanaynay. Qofkii guri fiican iyo jiko fiican aan lahayn xitaa wax ma karsan karo oo caradii ayaa iska daadanaysa meeshii bacaad weeye. Gabadhii aan la deganayn ayaa maryaha xitaa dadka ay taqaan maryo iiga soo qaad qaaday maryihii wax lagu xidh xidhaayey.”
Nolosha qoyska Xaawo wuxuu ku tiirsan yahay lacag ay ka hesho shaqo beer-falis ah oo ay u qabato beeraleyda deegaanka Qaam Qaam oo u jira halka ay degan tahay 4km.
Waxay ka heshaa maalintii $2-3. Lacagtan ayay sheegtay in hal waqti ay wax ku karsadaan qoyskeeda. Waxay ka darisay xaaladdan ay ku jiraan qoyskeeda oo ay u dheertay dabeysha nolosha ku sii adkaysay xiligaan adag.
Haweeneydaan carruurteeda waa agoon, mana haysato wax garab ah oo caawiya. Iyada ayaa qofka kaliya ee u dhaq-dhaqaaqa noloshooda.
Bishii December sanadkii 2023 ayay kala soo barakacday qoyskeeda baadiyaha degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose. Abaar ka dhacday deegaankeeda ayaa ka saameysay beer 10 hiktar ah oo ugu beernaa digir, galley iyo sisin.
Arrinta ayaa keentay in ay soo miciin biddo xeryaha lagu barakacay si ay u xoogsato ama ay u hesho gargaarka ay bixiyaan hay’adaha samafalka.
Dabeysha saameynta ku haysa qoyskeeda ayaa ka soo dhacaysa dhinaca xeebta oo Luglow u jirta 8 km. Waxaa xoojinaya badda oo kacsan iyo xerada ay ku jirto oo ku yaalla dhul taag ah oo u nugul dabeysha.
Maxamed Cali Muuse oo ah Khabiir bartay cilmiga deegaanka iyo badda ayay Raadiyow Ergo wax ka weydiisay waxa sababay dabeyshaan saameysay qoysas badan. Wuxuu sheegay in dabeysha badda ka imaanaysa saddexdii toddobaad ee u danbeeyay ay ka xoog badan tahay kuwii ay arki jireen. Taasina ay sababtay barakac hor leh.
“Sida ogtihiin xiligan waa xili dabayleed. Gobollada woqooyi wajiine ayaa looga yaqaanna dabeeshaan, koonfurta waxaa laga yidhaahda Kaskaadi. Laba Bilood ayay dhacdaa dabayshaan. Waxaa u xoog badan tahay bishaan Akhrkeeda iyo bisha soo socota kala badhkeeda.”
Deegaanka Luglow oo ay deegaameysteen dadka soo barakacay waxaa ku yaalla labo xero oo ay ku jiraan kumanaan qoys. Dadkii degganaa dhammaantooda waxaa bannaan yaal ka dhigay dabeysha dhacaysa, taas oo u horseeday xaalad hubanti la’aan ah.