Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay guryo iyo beero oo nolol xumo ku wajahaya miyiga Shabeellaha dhexe

Jibril Osman by Jibril Osman
February 11, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Beeraha Iyo Xoolaha, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan 400 oo qoys oo isugu jira beeralay, ganacsato iyo xoolo dhaqato ayaa xaalado cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ah ku wajahayaan deegaanka Maraweyn oo 15 km dhanka waqooyi kaga beegan degmada War-shiikh ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Dadkaan ayaa dhamaadkii December colaad qabiil uga soo barakacay tuulada Ceejiye ee koonfurta War-shiikh. Waxaa laga gubay guryihii ay deganaayeen, beerahoodii iyo ganacsiyo yar yar oo tuulada ay ku lahaayeen.

Cabdi Maxamuud Maxamed ayaa 30 bishii laba iyo tobnaad qoysaskiisa oo faro maran kala soo cararaay deegaanka, markii xaalada dagaalku ku qasabtay in ay naftooda kala baxsadaan. Wuxuu sheegay in uusan heli karin wax uu noloshooda ku maareeyo.

Ninkaan ayaa xusay in laga gubay hanti gaaraysa $14,000 oo isugu jirta guryo shan qol oo jiingad ah iyo labo muddul ka kooban oo ay u deganaayeen labadiisa qoys.

Afar beerood oo isku darkoodu yahay toban hektar iyo $6,000 oo muddo uu aruurinayay, taas oo uu sheegay in uu doonayay in uu xoolo ku iibsado. Wuxuu sheegay in dagaalku ku bilowday iyagoo aan u diyaarsanayn.

“Musiibadaan waxay dhacday anigoo xaafadayda subax ka tagay oo xoolo ilaashanaya galabtii waxaan u jeeday xaafadaydii oo holcaysa ilmahayga ayaa I soo wacday. Waxay i dhaheen xaafadeenii niman ayaa gubaya anaguna waa ka cararnay oo nafteena ayaa kala soo fakanay.”

Cabdi ayaa sheegay in tan iyo markaas uu qoyskiisa 16 qof ka kooban u la’yahay cunto hal waqti ay karsadaan iyo aqal ka celin kara dhaxanta habeenkii iyo qoraxda maalinkii. Ninkaan ayaa tilmaamay in beeraha laga gubay ay ugu beernaayeen raashin isugu jira digir, galley iyo masago oo abuurkiisa ay uga baxaday $800.

Wuxuu ku hanweynaa in uu dhamaadka Janaayo ilaa horaanta Fabraayo goosto raashinkaas oo qaybna uu doonayay in uu sii iibiyo qaybta kalena ay reerihiisu u biishaan. Ninkan ayaa sheegay in dalaga u beernaa uu ka filayay faa’iido u dhexaysa $2,000 ilaa $3,000, balse dagaalku uu rajadaa meesha ka saaray.

Deegaanka Maraweyn ayuu xusay in ay ku tageen safar lug ah oo labo maalin iyo habeenadooda ku qaatay. Welwelka ugu daran ee hadda haya ayuu ku sheegay sidii uu ku heli lahaa cunno iyo biyo ay ku noolaadan carruurtiisu.

“Dhibaato ayaa nagu dhacday dad soo barakacay xaaladiisa waa taqaan. Biyaha waa kun iyo shan boqol halkii jirrigan, marna bishii iska bixiya ayay na dhahaan marna dad muslim ah ayaa naga bixiya.”

Cabdi ayaa tilmaamay inay ku cusub tahay nolosha barakaca oo ah mid adag. Wuxuu sheegay in uusan u baran ku tiirsanaanta gacan bani’aadam oo aan xal u noqon karin caqabadaha haysta xilligaan.

Tuulada ay tageen oo aysan ka jirin adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada ayaa ku sababay in ay iskuul la’aan noqdaan saddex carruur ah oo u dhigan jiray fasalada afraad iyo shanaad ee dugsiga hoose.

Qoyska Maka Xaaji Maxamed oo 10 qof ah waxa 33 maalin ee la soo dhaafay ku adag helitaanka nolol maalmeedkooda. Waxay sheegtay in carruurteeda ay ku hayso geed hoostiisa, maaddama aysan waxba ka soo qaadan guri 3 qol oo jiingad ah oo ay daganaayeen.

Haweenaydaan ayaa tilmaamtay in xaaladaan ay quus galisay. Waxay dagaalka ku waysay 110 ari oo ka mid ahayd 120 neef ah oo ay dhaqanaysay. Waxay tilmaamtay in qaarna ay maleeshiyaadku ka xaysteen qaarna intii uu dagaalku socday ay kala lumeen.

Maka ayaa sheegtay in dagaalku si kadis ah ugu dhacay, taas oo keentay in aysan helin waqti ay ku baadi goobto xoolihii kala cararay. Waxay xustay in wax kasta oo noloshoodu ku tiirsanayd ay isaga soo tagtay si ay carruurta u badbaadsato.

“Dhibaatada noogu daran waa hoy la’aan geedo dugood ayaan ku hoyanaa ilmihii qabowgaas iyo roobkaas ayaan ku haynaa weel aan wax ku karsano ma leh. Qof aan wax cunin oo qori lala daba taagan yahay miyaa waxba doonan kara.”

Waxay ka soo tagtay beer afar hektar ah oo ay u saarnaayeen khudaar iyo raashin isugu jira, galley, digir, sisin, moos, qare iyo yaanyo, kuwaaso oo bisha labaad ee sanadkaan ay goosan lahayd. Falida beerta abuurka iyo shaqalaha ayay sheegtay in ay uga baxday $540. Lacagtaas $400 ka mid ah oo deyn ah ayaa loo qabtay in ay bixiso marka abuurku u soo go’o.

Waxay tilmaamtay in meesha ay tageen oo tuulo yar ah aan laga heli kaarin shaqooyinka xoogsiga ah. Waxay is barbar dhig ku samaynaysaa markii ay deegaankooda joogeen iyo xaalada ay hadda wajahayaan.

“Cuntada aan karsano umadda aan isaga dhex jirno ayaa mar mar wax noo keena maahine magaalo uma dhawin oo waxba ma hayno Ilaahay ayaan khayr ka sugaynaa.”

Maxamed Xasan Cali oo ka mid ah odayaasha dhaqanka deegaanka, sidoo kalena ganacsi ku lahaa tuulada Ceejiye ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dagaalku ka saamayn weyn ku reebay. Waxaa looga gubay dukaan uu raashin iyo bagaash ku iibin jiray oo reerka uu nolol maalmeedka ugala soo bixi jiray.

Ninkaan ayaa sheegay in dukaanka ay u taallay alaab uu ku qiyaasayo shan kun oo dollar. Waxa intaasi u raacday in isaga, xaaskiisa iyo carrurtiisu ay labo meel u kala qaxaan oo muddo bil ah ay kala maqan yihiin.

Waxay xaaskiisa iyo qaar carruurta ka mid ah dulsaar ku yihiin dad ehel ah oo jooga War-shiikh, halka isagana iyo qayb kalena ay joogaan tuulada Maraweyn.

“Colaada waxay naga saamaysay dhibaatada ugu weyn waa dadka halkii ay ku tiirsanaayeen lafdhabarka ayaa go’ay. Beero ayay wax uga soo go’ijireen beerihii warkood ma jiro.”

Wuxuu sheegay in dadkan oo xoolo dhaqato iyo beeraley u badnaa hantidooda qaarna la qaatay wixii aan qaadmayna la gubay aysan lahayn kayd dhaqaale oo ay u baxsan karaan xiliyada adag. Arintaas ayaa sababtay in ay galaan xaalad isku mid ah.

 “Xoolihii halkii ayaa looga soo kacay abaar ayaana jirta. Lug ayaa lagu baxay gaari maba jiro gaari dameeradiina waa la gubay waxay gacanta ku qaadi kareen ayay soo qaateen.”

Maxamed ayaa sheegay in dhulka guryaha iyo ganacsiga uu ku lahaa ee laga gubay uu ahaa dhaxal hore oo waalidkiis ay kala hareen awooweyaashii. Wuxuu tilmaamay in noloshiisa uu dhan u ku qaatay tuulada Ceejiye iyo miyig u dhow.

Colaadaha qabiilka ee sida kadiska ah uga dhaca qaybo badan oo ka mid ah gobolada dalka waxay saamayn taban ku yeeshaan nolosha bulshooyinka beeraha, ganacsiyada iyo xoolaha ku tiirsan oo ay u horseedaan mahadho dib u dhigta hormarkooda iyo rajooyinkii ay hiigsanayeen.

Previous Post

Galgaduud: Carruur waxbarasho la’aan noqday markii abaar darteed looga hayaamay tuulooyinkooda

Next Post

Kismaayo: Dad ku jira xero barakac oo ku guryo beellay saamaynta dabeyl xooggan

Related Posts

blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

December 9, 2025
Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday

December 8, 2025
Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso

December 7, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Qoysas nolol-xumo uga baxay shaqo ay ka heleen shirkad caanaha warshadaysa

December 4, 2025
Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda

December 3, 2025
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
Next Post
Kismaayo: Dad ku jira xero barakac oo ku guryo beellay saamaynta dabeyl xooggan

Kismaayo: Dad ku jira xero barakac oo ku guryo beellay saamaynta dabeyl xooggan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-DEC-2025

IDAACADDA 10-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA 10-DEC-2025
December 10, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 09-DEC-2025
December 9, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 08-DEC-2025
December 8, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-DEC-2025
December 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-DEC-2025
December 6, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo