Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Galgaduud: Carruur waxbarasho la’aan noqday markii abaar darteed looga hayaamay tuulooyinkooda

Jibril Osman by Jibril Osman
February 10, 2025
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Galgaduud: Carruur waxbarasho la’aan noqday markii abaar darteed looga hayaamay tuulooyinkooda

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan afar boqol oo arday oo dhiganayay dugsi hoose iyo dhexe ayaa waxbarasho la’aan noqday tan iyo bishii sagaalaad ee sanadkii hore. Waxaa saameeyay abaar ku dhufatay gobolka Galgaduud oo ku qasabtay qoysaskooda in ay deegaanadooda ka guuraan.

Arrintan darteed, waxaa irdaha loo laabay ilaa sagaal iskuul oo ay ardaydu dhiganayeen sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada Galmudug. Qoysaska ay carruurta ka soo jeedaan oo ah xoolo-dhaqato ayaa daaq u raad-saday deegaanno ka tirsan isla gobolada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeelle.

Qoyska Xaliimo Axmed Faarax waxay hayaan labo isbuuc qaatay ku tageen deegaanka Qoor-jiidle ee gobolka Hiiraan isla bishii Sebteember ee sanadkii tagay si ay daaq ugu heleen 50 ari ah. Waxay ka welwelsan tahay in saddex carruurteeda ah ay ka saartay iskuulka sidoo kalana aysan xoolahooda u helin baad ku filan.

“Xanuun weyn ayaan dareemayaa maaddaama ilmahayga  oo aan waqti iyo qarash ku bixiyay oo fasalka lixaad dhigayay ay maanta ari raac yihiin. Laba bil miyi ayay joogaan oo nolol adag ku jiraan, waxaan islahayn mugdiga haka baxaan oo iftiin ha ubaxaan balse mugdigii ayay ku laabteen, saamayn weyn ayay nagu yeelatay waxbarasha la’aanta.”

Xaliimo ayaa sheegtay in carruurteeda ay u woodi waysay inay u dirto deegaanno ay waxbarashada ka sii wadan karaan, markii ay bixin waysay qarashka ku baxaya waxbarashada iyo noloshooda.

Qoyska haweenaydan ayaa ka guuray deegaanka Tuula-caano oo hoos taga magaalada Guriceel markii ay isku raacday roob yari saddex xilli oo xiriir ah. Waxay sheegtay in xoolaha oo u ahaa qoyskeeda halka il ee ay ku tiirsanaayeen ay noqdeen wayd aan nacfi lahayn.

Ujeedka ay u guureen ayaa ahaa in ay xoolaha u helaan daaq ay ku noolaadaan, balse rajadaas ayaa meesha ka baxday markii deegaanka ay tageen oo roob yar ka da’ay ay dadku iskaga bateen. Waxay xustay in hadda uusan wax dhaamin kay ka guureen xoolahoodana aysan ka bixin karin safar kale hadday celin lahaayeen.

Waxay hadda hal waqti karsadaan raashin min 12 kiilo ah oo bishii hore ay ku caawiyeen dad qaraabo la ah oo ku nool Guriceel. Waxay xustay in hadda uu gabaabsi ka sii yahay aysanna hayn qorshe ay ku heli karaan mid kale.

“Walaahi noloshu aad iyo aad ayay u adag tahay, Waxaan dareemayaa dayac badan, waxaan dareemaynaa in aan barakac nahay, waxaan dareemaynaa in abaartu nasaamaysay in aan deegaankeenii iyo iskuulkeenii ka hayaanay. xoolihii waxaa saamaysay abaarta xoolo jiraday oo abaar soo maray wax laga gato oo laga safarsada malahan.”

Xaliimo waxay xustay in dadka deegaanka oo aysan aqoon u lahayn xitaa haddii ay wax ka daynsan lahaayeen.  Muddo shan iyo toban sano ah oo ay ku nooleed deegaankeeda ayay sheegtay in sanadkaan ay walajayso xaaladdii ugu adkeed, arrintaas oo ay sababtay abaarta iyo xolaadda isku biirsaday.

Dadka ay abaartu saameeysay ayaa ka siman nolol xumada iyo waxbarasho la’aanta carruurtooda. Maxamuud Qaasim Warsame wuxuu iskuulka deegaanka Laandheer oo ay deganaayeen ka saaray labo carruurtiisa ah oo dhiganayay fasalka shanaad ee dugsiga dhexe.

Arrintaas ayuu ka ahaan waayay markuu 60 ari ah oo u jooga uu daaq ugu raadiyay deegaanka Sina-dhaqo oo hoos taga magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu ka da’ay roob aan badnayn bishii tobnaad.  

“Waalidiinta Afkooda aniga oo ku hadlaya waxaan u baahanahay waxbarashadii sidii loo wadi lahaa in nalaka caawiyo ayaan wasaaradda waxbarashada waydiisanayaa. Waa laga yaabaa in dad badan oo nala mid ah in ay jiraan laakiin codsigeena in dalabkeena laga sioo jawaabo oo waxbarashadaas siday u socon lahayn nalaka saacido.”

Maxamuud ayaa sheegay in qoyskiisa waxbarasho la’aanta carruurta ay u dheer tahay nolol xumo ay wajahayaan. Waxaa isku biirsaday xoolihiisa daaq xumo iyo cudur uu sanbab u malaynayo  ay isku raaceen tan iyo billowgii bishan aysanna lahayn wax suuq gali kara.

Arigiisa  oo cudurku uu si xawli  ah ugu faafayo ayuu sheegay in uu qarka u saaran yahay in uu qarka u saaran yahay in ay dhimasho billaabo. Waxaa cabsida ku sii abuuraysa in ay yihiin caato aan jirada u adkaysan karin cudurkuna uu leeyahay qandho haynaysa todobaad dhan.

“Waqti ayaa lagu jiraa jiilaal ah cid yahaantana waad garanaysaa xoolihii cudur ayaa iskaga jira dadka reermiyiga ahna xolodhoodu waa xoolaha nool. Waxaan islahayn yaa idin taakuleeya waan raadinay mana noo suuraabin. Kadib roobkii ayaa yaraaday noqday waaba lagu kala tagayba.”

Maxamuud ayaa sheegay in qoyskiisa cunno yarida ay u dheertahay hay la’aan. Waxay gabaad sadaan geed aan har fiican lahayn ka dib markii ay ka soo tageen aqal-soomaali iyo agabkii yaalla. Waxay awoodi waayeen in ay kiraystaan gaari ay ku soo qaataan inta ay u baahan yihiin.

Ninkan ayaa tilmaamay in xitaa haddii ay deegaanka dib ugu laabtaan uu ka niyad xunyahay waxbarashada carruurtiisa. Wuxuu cabsi ka qabaa in iskuulku uu dib u furmi waayaan.

Iskuuladan oo dadka ay ku furteen si isku tashi ah ayaan ilaa iyo hadda helin wax caawinaad ah oo ka saacidi karta in waxbarashadooda dib loo hawl geliyo. Shucayb Maxamuud Cali, oo ah maamulaha iskuulka deegaanka Laandheer ayaa sheegay in ay waxbarashadooda istaagtay 40 arday oo dhiganayay.

Dugsiga oo ahaa hoose iyo dhexe ayuu xusay in ay xireen bishii tobnaad ee sanadkii hore markii ay waayeen arday wax lagu baro. Iskuulka oo si bilaash ah wax loogu barayay carruurta ayaa waxaa dhigayay labo macallin oo laga keenaay magaalada Guriceel.

Maamulaha ayaa walaac xoogan ka muujiyay siday ku heli karaan macalimiin kale xitaa haddii dadku soo laabtaan maaddaama la fasaxay macallimiintii hore oo bilaash ku dhigayay iskuulka.

Wuxuu sheegay in ka maamul ahaan ay ku dadaaleen sidii iskuulku uu u sii shaqayn lahaa balse ay dhaaftay heer ay wax ka qaban karaan markii ay guureen qoysaskii ay ardaydu ka imanayeen.

Shucayb ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horraysay ee uu xirmay iskuulka oo soo shaqaynayay illaa sanadkii 2022.  

Cabdulqaadir Cismaan Cilmi oo ah agaasimaha xogta wasaaradda waxbarashada Galmudug ayaa sheegay in ay diiwaan geliyeen in ilaa 410 arday ay waxbarasho la’aan noqdeen abaarta darteed.

Agaasimaha ayaa intaas ku daray in wasaaraddu ay deegaanada iskuuladu ka xirmen ay ka soo aruuriyeen ilaa 50 arday oo sanadkan galaya imtixaanka dugsiga dhexe. Waxay ku dareen iskuul dawladdu leedahay oo ku yaalla magaalada Guriceel halkaas oo ay waxbarashada ka sii wadanayaan.

Nolosha ardaydaas ayuu tilmaamay in ay wasaaraddu gacanta ku kayanyso inta ay qoysaskoodu ka soo laabanayaan.  

“waxaan hadda wadnaa in deegaanadaas aan gaarsiino quudin si ardaydaas deegaanadii iyo waxbarashadii loogu celiyo. Sababta sidaas loo samaynaayana waxaa waaye in ardaydu deegaanada aysan ka kala cararin dibna aan u soo celino ardayda reer guuraaga kala raacay macalimiinta qarankana loo geeyo. Waxaan rajaynaynaa in iskuuladaas aan dib u furno inta karaankeena ahna waan samaynaynaa.”

Abaaraha soo laalaabta sanad kasta ayaa samayn ballaaran ku yeesha waxbarashada iyo nolosha reer miyiga taas oo sababta in ay adkaato in ay dib kaga soo kabsadaan.

Previous Post

La kulan – Beeralay dhegeysiga barnaamijyada Raadiyow Ergo ka helay aqoon noloshooda beddeshay

Next Post

Qoysas laga gubay guryo iyo beero oo nolol xumo ku wajahaya miyiga Shabeellaha dhexe

Related Posts

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 24, 2026
Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 24, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Next Post
blank

Qoysas laga gubay guryo iyo beero oo nolol xumo ku wajahaya miyiga Shabeellaha dhexe

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 24-APR-2026

IDAACADDA 24-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 24-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-APR-2026
April 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo