Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

La kulan – Beeralay dhegeysiga barnaamijyada Raadiyow Ergo ka helay aqoon noloshooda beddeshay

Radio Ergo by Radio Ergo
February 6, 2025
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Weriyaha Raadiyow Ergo oo Isaaq beertiisa kula kulantay isaga oo raadiye ka dhegeysanaya idaacadda/Shukrri Ismaaciil/ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Isaaq Cabdullaahi Madoowe macluumaad uu ka faa’iiday dhegaysiga Raadiyow Ergo ayaa ku caawiyay inuu nolosha horumar ka sameeyo isaga oo ku sugan tuuladiisa.

Ninkan ayaa sheegay in barnaamijyada maalinlaha ah ee ay sii dayso idaacadda inuu ka bartay aqoon u sahashay inuu ku dhiirrado dhul tacbashada oo uusan horay niyad ugu hayn.

Isaaq oo ku nool deegaanka Busley ee duleedka Baydhabo, ayaa awood u yeeshay inuu ku filnaado nolosha qoyskiisa iyo waxbarashada carruurtiisa.

“Caruurteyda waxay dhigtaan dugsi, in kasta oo ay tuulada iskuul la’aan ay tahay. Waxaan carruurta ku bixiyaa $10 bishii oo aan beerta ka soo saaro. $10 beerta ayaa meel u dhigaa inta kalena masruufka reerka.”

La socoshadiisa tebinta raadiyaha oo 10 jirsatay ayaa u noqotay hage dhanka nolosha ah, taas oo u horseeday inuu kor u qaado wax soo saarka beertiisa oo saddex hektar ah iyo in uu kala qorsheeyo.

Hal hektar oo ka mid ah ayuu xusay inuu ku abuuro qudaar geed mirood ah sida saytuun, babaay iyo liin. Inta kale wuxuu ku ridaa gallay iyo mesago.

Ku xirnaanta idaacadda ayuu ka ogaaday in la kala duwi karo waxa uu saarayo beertiisa. Hadda wax soo saarkiisa ayaa gaara toddobo tuulo oo deris la ah deegaankiisa.

Isaaq ayaa ku guulaystay inuu carruurtiisa oo lix ah iyo xaaskiisa uu guri jiingad uga dhex dhiso beertiisa. Wuxuu sidoo kale gatay haamaha cayayaanka looga buufiyo dallagyada markii uu ka ogaaday talooyinka khubarada.

Xogahan beddelay noloshiisa wuxuu sheegay inuu si gaar ah ugala dhex baxay barnaamijyada ka hadla deegaanka iyo beeraha oo uu ku taxan yahay.

Isaaq ayaa tilmaamay inuu markii hore dhirta ka jari jiray beertiisa balse hadda uu iska daayay markii uu raadiyaha ka maqlay inay geeduhu muhiim yihiin oo la badbaadiyo.

Qaabaynta sooyaalkiisa nololeed waxaa sabab u noqotay idaacadda Ergo oo uu kala socdo hadda raadiye yar oo ah kii saddexaad oo uu gado.

Ninkan oo rajo beel ka joogay sii wadida wax beerashada oo uu billaabay sanadkii 2010 ayaa ka miro dhaliyay hankiisii markii uu macluumaad ku filan ka helay dhegeysiga idaacadda.

“Markii hore beeraha qalbigayga kuma jirin, laakiin hadda waxaan ka faa’iiday waxyaabo badan sida,dhul diyaarinta, abuurka, iyo cilmiga laga barto khubarada beeraha. Waxaan ku qanacsanahay in raadiyaha uu ahaa mid nolosheyda wax weyn ka beddelay.”

Isaaq faa’iido uu ka helay beerta wuxuu ku gaday toddobo neef oo ari ah balse waxay kaga dhinteen roobabkii dayrtii la soo dhaafay.

Culeysada haysta ee ka imaanaya isbeddelka cimilada, waxaa ka mid ah roob yari marar qaar qasabta inuu waxba goosan balse wuxuu qorshaynayaa inuu samaysto goob uu biyaha ku kaydsado.

“Biyaha waxaan u aadnaa meel 10 km noo jirta, ama mid kale oo 7km naga fog.”

Isaaq wuxuu tusaale nool u yahay shaqsiyaad ay noloshooda iyo midda qoysaskooda ay wax ka bedeshay inay wehel ka dhigteen dhegeysiga idaacadda Ergo oo maalinle u tabisa barnaamijyo, kuwaas oo loogu tala galay inay bulshada wax ku kordhiyaan.

Previous Post

Mudug: Daymo ka istaagay iyo abaaro is xig-xiga oo nolol xumo u bidday boqollaal beeraley ah

Next Post

Galgaduud: Carruur waxbarasho la’aan noqday markii abaar darteed looga hayaamay tuulooyinkooda

Related Posts

Rag ku wareejiya Baydhabo khudaar oo maareeyay nolosha qoysaskooda
Wararkii u Danbeeyay

Rag ku wareejiya Baydhabo khudaar oo maareeyay nolosha qoysaskooda

November 7, 2025
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 6, 2025
Qoysas horay ugu cayroobay abaarta oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ku yaalla Hargaysa
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas horay ugu cayroobay abaarta oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ku yaalla Hargaysa

November 5, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga raray dhul ay daganaayeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga raray dhul ay daganaayeen

October 31, 2025
Mudug: Rag ku xoolo-beelay abaarta oo fursad shaqo ka helay warshad xanaanaysa Shinida
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag ku xoolo-beelay abaarta oo fursad shaqo ka helay warshad xanaanaysa Shinida

October 30, 2025
Next Post
Galgaduud: Carruur waxbarasho la’aan noqday markii abaar darteed looga hayaamay tuulooyinkooda

Galgaduud: Carruur waxbarasho la'aan noqday markii abaar darteed looga hayaamay tuulooyinkooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 06-NOV-2025

IDAACADDA 06-NOV-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 06-NOV-2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-NOV-2025
November 6, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 05-NOV-2025
November 5, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 04-NOV-2025
November 4, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 03-NOV-2025
November 3, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 02-NOV-2025
November 2, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo