(ERGO) – Dadka la nool cudurka HIV/AIDS ee deggan magaalooyinka Boosaaso, Carmo, Qardho iyo Dhahar ee gobolka Bari ayaa ka cabanaya xaalad cunno xumo, markii uu ka istaagay saddex bil ka hor gargaar raashin iyo lacag iskugu jiray oo ay ka heli jireen hay’adda WFP.
Dadkaas waxaa ka mid ah Faadumo (oo magaceeda saxda ah aan qarinay). Carruurteeda oo siddeed ah ayay kula jirtaa xeradda Boqolka-Buush oo ku taalla Boosaaso, halkaas oo ay ku wajahayaan hubanti la’aan cunno iyo faquuq.
Waxay sheegtay in raashin ay dabka saartaan ay ugu danbaysay shan bari ka hor, markaas oo uu ka dhamaaday haaf bariis ah, saddex kiilo oo baasto ah iyo kiilooyin khudaar ah. Waxaa ku caawiyay qof ay ehello yihiin oo ka war hayay xaaladdeeda.
Waxay ku tiirsan yihiin cunno bisil oo ay ka hesho dadka dariska la ah, taasi oo aan joogto ahayn. Haweenaydan oo maqalka codkeeda aan wax ka beddelnay cabsi ay ka qabto in la takoor darteed ayaa xustay in u baqayso mustqabalka carruurteeda oo aabbahood ay kala tageen.
“Caruurtaydu way iskala qabsadeen gaajadan. Waayo way ogyihiin hadaan wax hayo inaan ka hagrayayn. Waxaan soo aragnay toddobo bari ilmaha oo raashin la siinin oo guriga ay iska joogaan oo biyo inta loo xarfiyo (loo qaboojiyo) ay biyahaas iska cabaan.”
Dhibaatadan nolol xumo waxaa ugu wacan gargaarka ka istaagay oo ka koobnaa 90-kiilo oo iskugu jiray bur, bariis, sonkor iyo qamadi. Waxaa u wehliyay lacag $90. Raashinka iyo lacagtan ayaa si bille ah loo siin jiray saddexdii sano ee la soo dhaafay.
Taageeradaas markii ay meesha ka baxday carruurteeda waxay u nuglaadeen duruufaha nolol xumo sida cunno yari, waxbarasho la’aan iyo hoyga oo kiradiisu ku adkaatay. Waxay tilmaamtay in walaaca haya uu sii kordho marka la waydiiyo lacagta ay ku deggan guriga ay ku nooshahay.
Wuxuu ka kooban yahay labo qol oo jiingad ah, kaas oo ugu kiraysan $25. Waxay sheegtay in lagu leeyahay kirada labadii bil ee la soo dhaafay. Waxay ku foogan tahay aruurinta lacag ay ka soo bariso ehelkeeda si ay ugu bixiso.
“Lacagtaas bisha inta aysan dhamaan islaanta waan u yaryareeyaa hadaan helo maalintii $5 ama $10 isoo gasho, markii ay qoraal timaado oo kaamka dad laga qorayo annaga bannaanka ayaa nala dhigayaa oo waxaa la la leeyahay idinka kiraale ayaa tahay haddi gooni laguu qoro. Iyaga ayaa isku qora.”
Cabashadeedan waxay la xariirtaa in aan la tixgalin codsigeeda marka ay hay’adaha yimaada xerada ay qorayaan dadka la siinayo gargaarka. Waxay xustay in bishii la soo dhaafay dhowr hay’adood ay dhagaysteen baahiya dadka ku la nool xerada si gaar ah kuwa guryaha aan haysan, balse iyadu aysan door ku yeelan.
Waxay xustay in dadka ka warhaya ama uga shakisan in ay la nooshahay cudurka HIV ay kala kulanto takoor xaaladda ku sii adkeeya. Saddex sano ka hor ayay ahayd, markii xero ku taalla Boosaaso ay uga soo barakacday faquuq.
Xubno ka mid ah dadka xerada la deggaaa ayay sheegtay in ay arkeen iyada oo ka soo baxaysa xarun laga qaato dawada kaalmaatiga u ah dadka qaba cudurkan. Arrintan waxay sababtay in ay la kulanto takoor ka dhan ah, taasi oo ku qasabtay in ay ka guurto xerada.
Faquuqaas sidoo kale wuxuu sababay in ay sii wadi wayso shaqo nadaafadeed oo ay ka qaban jirtay xaafado ka mid ah Boosaaso. Waxay xustay in bishii ay ka heli jirtay $45, balse hadda ay meesha ka baxday.
Dhibaatooyinkan isbiirsaday waxaa u dheer waxbarasho la’aan haysa carruurteeda. Horay waxay ugu dabbari jirtay lacagta gargaarka ay ka heli jirtay.
“Maanta 8 ciyaal ah waxbarashadooda ciyaar ciyaar maahan. Waxbaarshadii saasaan u gayn-waayay. Dugsi baan maalmo geeyay. Dugsigii hadaan geeyay macalinkii waxaan irir caruurtaan waa agoon aduunyo. Aabahood nolol iyo geeri kuma haayo. Wixii waan awoodi-waayay, markii danbena waa lasoo cayriyay. Dugsi la’aan ayay iska joogaan.”
Waxbarasho la’aanta waxay si taban u saameysay carruurteeda. Midka ugu wayn oo 12 jir ah ayay xustay in ka mid noqday carruurta darbi jiifka ah. Bartamihii bishii Deseembar ee sanadkii hore ayay ka war heshay in uu gacanta ka dhaawacay Ey soo weeraray. Xaaladdii caafimaad ayay kula tacaashaa gurigeeda.
Dhibaatada haysata qoyskeeda waxaa kala siman 250 qof oo la nool cudurka HIV, kuwaas oo deggan qaybo ka mid ah gobolka Bari. Waxaa si isku mid ah uga istaagay gargaar cunno iyo mid lacageed. Inkastoo weli ay qaadataan daawada kaalaamitiga ah cudurka sida uu sheegay Cali Muuse Maxamed oo ah guddoomiyaha dallad ay ku midaysan yihiin dadkan.
Saamiyo oo magaceeda saxda ah aan qarinay ayaa ka mid ah. Haweenaydan iyo saygeeda oo la nool fayruska HIV waxay kali ku yihiin guri jiinkad ah oo dad samafayaal ah ay u dhiseen. Labadii maalin ee la soo dhaafay ayay sheegtay in ay dabka shiteen hal mar oo ka mid ah.
Lacagta ay ku gadatay cunnadan ay karsatay oo ahaa nus kiilo bariis ah iyo khudaar ayay sheegtay in ay ku heshay dawarsi. Xaaladdan waxay ku jirtay saddexdii bil ee u danbeeyay, markii uu ka hakad gargaar cunno oo ay ka heli jirtay hay’adda WFP.
“Cid na kaalmaysa oo garab nasiisa mahaysano. Waxaan dabka ku shidanaynay xitaa qiil-qiil buu nooga jiraa, marna dabka waa naga damaa, marna waan shidanaa. Ka habeen ka habeen baan dabka shidanaa.”
Bishii tobanaad ee sanadkii hore ayay sheegtay in carruurteeda ay u dirtay qoys ehello ay yihiin oo deggan magaaladda jigjiga ee dawlad deegaanka Ethopia., markii ay u adkaysan waysay xaaladda duruufta nololeed ee la soo gudboonaatay.
Saygeeda ayaa soo dhicin jiray masruufka qoyska, balse dhaawac ka soo gaaray dhabar ayuu dhul-yaal ka dhigay sanadkii 2022. Waxaa ku soo dumar raso raashin ah oo uu ka xamaalayay dakadda magaalada Boosaaso.
Waxay xustay in noloshu u wacnayd, markii ay helayeen gargaarka iyo lacagta uu xoogsiga ku keeni jiray saygeeda. Si ay ugga dabaalato xaaladdaas ayay billowday in ay shaqo muruq-maal ah ka raadsato magaaladda oo u jita 4 km.
“Waxaan soo helay haba yaraatee ma jirato. Cid wax kuma darsano dariskeena xitaa mar marna waan waydiisanaa. Maalin haddii aad waydiisato maalin labaad ma waydiisan kartid. Ceeb bay ila tahay.”
Waxay sheegtay in aysan quud u hayn ninkeeda oo dhabarka ka dhaawacan. Waxay ka dayrisay xaaladdiisa caafimaad. Waxay awoodisay dhaqaalihii ay ku gayn lahayd isbitaal, halka dhinaca kale uu u baahan yahay quudin joogta ah.
“Lacag aan dhakhtar ku geeyo mahayo. Nolol maalmeekeenu ciriiri ayuu ku jiraa. Qof dhibaato soo gaartay oo jug ku taallana waa taqaanaa, hadana qof wayn ah.”
Guddoomiyaha urur Daryeel ee u doodda xuquuqda dadka la nool cudurka HIV Cali Muuse Maxamed ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay saameynta cunno xumo ee dadkan ay saameyn karto noloshooda, maaddama ay u nugul yihiin gaajada.
Wuxuu sheegay in ay xiriir la sameeyeen hay’adaha samafalka si xal loogu helo baahida dadkan, balse weli aysan helin cid u gurmata.
Faquuqa lagu hayo ayaa sidoo kale saameyn taban ku reebay dadkan. Qaarkood waxay shaqooyinkoodii kaga tageen takoorka, taasi oo ka dhigtay in ay gargaar sugayaal noqdaan.