(ERGO) – Cali Maxamed Aadan waxaa u suurta gashay inuu ku filnaado maareynta nolosha qoys kiisa oo ka kooban 5 Carruur ah, hooyadood iyo isaga. Wuxuu sheegay inaysan ka warwarin in saddex waqti ay shitaan dabka.
Arintan ayaa u suurta markii uu ku shoqo billaabay mootada labada lugood leh oo uu caanaha uga soo qaado tuulooyin hoos taga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Mootada oo uu ku shaqeynayo tan iyo bishii November ayuu ka helaa $200. Dhaqaalahaas ayuu xusay in qoyskiisa uu ka saaray cunno yari ay wajahayeen muddo toddobo bilood ah oo uu shaqo la’aan ahaa.
“Aad ayay shaqadan wax ii tartay oo ciyaalkayga ayaan ka biishaa. Lacag badan kama helo oo keyd kama dhigto, laakiin nolosha reerka aadbay ugu filan tahay. Reerkii oo iga maqan biilkooda ayaan u diraa, anigu kiro ayaan iskaga bixiyaa iyo maqaayad aan wax ka cuno, intaasba iyadaa iga dabarta mootadan.”
Cali wuxuu ka mid yahay ku dhowaad boqol dhallinyaro ah oo ku shaqeysta mootadan oo magaalada ku soo badaneysay tan iyo bartamaha sanadkii hore.
Shaqadan oo uu u soo helay nin ay qaraabo yihiin ayuu sheegay inay u suurta galisay in waxbarashada dugsiga Qur’aanka uu dib ugu celiyo bishii December saddex carruur ah oo dugsiga laga soo ceyriyay, markii oo uu awoodi waayay inuu ka bixiyo $30 oo hadda uu ka dhiibo bishii.
Howshan ka hor ayuu xusay in reerka oo deggan deegaanka Far-libaax ee gobolka Hiiraan ay qaraabadu dabka u shidi jireen, marna uu deyn u soo qaadi jiray. Rag ay saaxiibbo yihiin ayuu tilmaamay inay magaalada ku hayeen oo uu la wadaagayay hoyga iyo cuntada, maadaama uusan is bixin karin.
“Ilaa hadda waan iska deymaysanahay, hadba xoogaa baan iska bixiyaa. Hadda $350 baa igu qoran hadba xoogaa iska bixiyaa, awal hore $800 laygu yeeshay, inta mootada waday inyar inyar ayaan iska jar-jarayey, waana iska wada bixin doonaa.”
Gaalkacyo ayuu tilmaamay inuu shaqo u soo raadsaday si hubanti la’aanta nololeed uu uga saaro qoyska oo beer ay noloshoodu ku tiirsaneyd oo hal hektar ah aan tacban muddo sannad ah roob yari darteed.
Hadda ayuu xusay inuu ku talo jiro in reerka uu keeno si ay ula noolaadaan, maaddama ay meesha ka baxday noloshii adkeyd ee kala geysay.
Cali oo 37 jir ah ayaa shaqeeya toddobaadka oo dhan. Galinka hore iyo kan dambe ayuu caanaha ka soo qaadaa xero magaalada u jirta 30 km oo geel ugu xareysan yahay rag ganacsato ah.
“Mootada qofbaa iska leh oo anigu darewal ayaan ka ahay. Awal hore caanaha waxaa lagu keeni jiray gawaari uu brobox ka mid yahay, marka waxaa la jecel yahay mootada oo 100km ku cuneysa saddex liiter oo kaliya, halka gaarigu uu cunayo soddon liiter. Faa’idadaas ayaa lagu arkay mootada.”
Mootadan oo qiimaheedu u dhexeeyo $1,000 illaa $2,000 malahan badi dhallinyarada ku shaqeysa, balse dhaqaalaha ay ka helaan waa mid muhiim u ah oo ay ku xalliyaan baahidooda aasaasiga ah.
Sakariye Aadan Xasan oo ka mid ah dhallinyarada ku shaqeysata ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoyskiisa oo dhaqaale darrada awgiis dul saar ku ahaa hooyadii uu hadda isagu biilo, ayna helaan cunto ku filan.
Wuxuu bishii mushaar ahaan u qaataa $150. wuxuu xusay inay tahay shaqadii ugu horeysay oo joogto ah oo uu helo. Caanaha ayuu ka soo qaadaa geel ku xareysan tuulada Godod oo 20km u jirta magaalada Gaalkacyo.
“Lacagta bille ayaan u qaataa, waxaan iskaga bixiyaa kirada, biyaha, korontada iyo biilka kale ee reerka, anigana waxaan ka isticmaalaa magaala joogeyga iyo labiskeyga. Waxaan ku jiraa nolol nadiif ah oo warwar la’aan ah.”
Qoys kiisa ayaa ku nool deegaanka Xarfo ee gobolka Mudug oo ay ka deggan yihiin guri uu waalidkiis leeyahay. Mootada oo uu ku shaqo billaabay bishii December waxaa barashadeeda ku caawiyay wiil ay saaxiibo yihiin oo howshan uga horeeyay.
Dhaqaale xumada ayuu tilmaamay inay gaarsiisay in muddo lix bilood ah uu kirishboy ka ahaa gaari aan mushaar lagu siin jirin.
Wuxuu sheegay in hadaf kiisu ahaa in la aamino oo uu shaqo barto. Nasiib wuxuu u yeeshay in halkii uu juhdiga ku bixiyay meel aan aheyn ay u noqotay il dhaqaale oo uu ku tiirsan yahay maanta.
Sakariye oo 25 jir ah ayaa tilmaamay in shaqadan ay ka dul qaaday dhammaan culaysadii nololeed oo dhaxal siiyay in lagu yeesho deyn ah $600 oo iskugu jirta raashin iyo lacag uu dukaamo ka qaatay.
“Markii hore waan iska shaxaatami jiray ama deyn ayaan u soo qaadi jiray reerka. Mar waxaan iska raaci jiray baabuurta si aan u helo waxaan cuno. Dhowr mar ayay igu dhacday intaad wax waayay in xaafadda aan dabka loo shidin.”
Sakariye oo ah aabaha hal wiil ayaa xusay inuu qorsheynayo bixinta lacagta lagu leeyahay iyo inuu gato mooto u leeyahay, si dhaqaalihiisu u kordho. Mootooyinkan laguma qaado caanaha oo kaliya ee sidoo kale waxaa kireysta oo labo ama hal qof ku raaca dadka aadaya ama ka imaanaya tuulooyinka hoos taga magaalada.
Qiimaha lagu raaco oo jaban iyo inay ka dhaqsiyo badan tahay gaadiidka afarta lugood leh waa sababta ay dadku ku door bidayaan. Xasan Maxamed Muuse waa ganacsade geel 50 ah oo xerada lagu quudiyo ugu xareysan yahay tuulada Godod.
Waxaa markii hore caanaha u geyn jiray magaalada gaari kiro ah oo hal waqti u yimaada galinka hore, kaas oo bishii uu siin jiray saddex boqol oo Doollar. Afartii bil ee ugu dambeysay ayuu sheegay inuu u wareegay mootada oo galinka hore iyo kan dambe u shaqeysa, bishiina uu siiyo $200.
“Faa’ido badan ayaan ku qabaa mootada, waxay ka qeyb qaadataa in shaqadeyda ay ii kala socoto oo duruufteyda ayay muhiim u tahay. Awal hal shaqsi oo gaari wata ayaan sugi jiray. Haddii uu doono wuu iska daneysanayaa oo maba imaanayo, markaas ayay caanihii iga hallaabayaan. Mar macmiilkii ayaa igu soo qeylinaya oo dhahaya aaway caanihii, laakiin hadda wax waliba waa deg deg sidaan u helay mootada.”
Gaariga oo kiradiisu ku badneyd ayuu xusay inuu ku qasbayay in barqadii oo kaliya ay iib geeyaan caanaha, maadaama ay lacagtu noqoneyso lix boqol oo Doollar bishii, haddii uu labada galin u shaqeeyo.
Caanaha geela ayuu tilmaamay in bishii uu ka faa’ido ugu yaraan $3,000. Xilligan oo jiilaal ah xoolo dhaqatada guur guurta way adag tahay in caano ay ka helaan duunyada ay dhaqdaan oo ay u la’ yihiin biyo iyo baad ku filan.