(ERGO) – Daahir Faarax Xasan oo 81 jir ah waxay isaga iyo xaaskiisu ka dawarsadaan waddooyinka magaalada Garowe si ay cunto ugu raadiyaan carruurtooda oo sagaal ah. Arrintan ayay ku qasbanaadeen, markii ay abaar ka dhamaysay xoolo uu ku dhaqanayeen hawdka gobolka Nugaal bartamihii sanadkii tagay.
Wuxuu sheegay in maalinta dhan ee ay socdaan ay helaan wax aan hal mar wada deeqin, balse aysan ka daalin maaddaama aysan haysan meel kale oo ay door bidaan. Dawarsiga ayay bilaabeen bartamihii sanadkii tagay xilligaas oo ay soo dageen duleedka magaalada.
Ninkan ayaa xusay in uusan weligiis dawarsan uuna dareemayo welwel iyo xishood inta uu dadka u dansheeganayo. Wuxuu tilmaamay in isagu uu ragga wax waydiiyo halka gabadhuna ay dumarka qaabilsan tahay.
“Gaariyaaasha maraya meesha kadhada ah ayaan u istaagaa markaasaan ku dhahaa, carruur yar yar ah iyo hooyadood ayaan wax raashin ah u haysan , nin 4 dollar isiiya nin 0.5 isiiya waxaasaan ku nool nahay. Ka fiid ka fiid ayaana mar bariis karsanaa, subixiina shaah bigays ah ayaan cabnaa.”
Nin kan ayaa sheegay in cunno xumada ay u dheer tahay labadooda oo bukaan socod ah isaga ayaa ka xanuunsan jilbaha mana u adkaysan karo socodka maalinta qaadanaya halka xaaskuna ay qabto buro dhuuntada ah oo aysan waxka cuni karin habeenkiina aysan seexan.
Xaaladdeeda ayuu tilmaamay in ay ka sii darayso marba marka ka danbaysa isaguna awoodin dhaqaale uu uu ku geeyo xarun caafimaad ama uu ugu qaado daawooyin kaalmaati ah.
Dhanka kale Daahir wuxuu kaalmeeyaa 10 carruur ah oo uu dhalay wiil curadkiisa ahaa oo cudurka kansarka u geeriyooday labo sano ka hor. Wuxuu sheeegay in ilmahaas uu u diro hadba wixii uu helo qaar ka mid ah taas oo aan ku filayn.
Wuxuu sidoo dagaalkii Goojacadde kaga dhintay wiil kale oo ka saaacidayay hawlaha reerka taas oo ku noqotay culays hor leh. wuxuu xusay in xilli kasta uu ka murugooda dhibaatada ay wajahayaan reeraha uu horjoogaha u yahay.
Xoolihii ay dhaqanayeen ayuu tilmaamay in ay ka hareen 16 neef oo aan lahayn cad iyo caano toona. Wuxuu xusay in xilliyada ay abaaruhu dhacaan uu ku baxsan jiray geela, balse sanadkan uusan waxba ka hayn.
“Xoolo fiican ayay ahaayeen ari saddex tiro ah iyo geel 36 neef ah wiilkii markuu xanuunsaday ayaan iibinay markii wiilka Kansar laga sheegay. Labo sano iyo bar ayuu Hindiya jiray ka dibna waa geeriyooda. Xoolihii geela ahaa halkaas ayay naga raaceen arigiina abaar ayaa heshay.”
Daahir wuxuu sheegay in cunno xumada ay u wehliso hay la’aan. Waxay buush yar ka dhisteen meel taag ah oo magaalada u jirta 2 km. Wuxuu xusay in ay tahay meel carro adayg ah oo ay adag tahay in la sexdo go’gol la’aan balse ay u bareeraan.
Habeenada qaar ayuu sheegay in soo jeed ku waabariisto maaddaama uu yahay waayeel aan u adkaysan karin in uu seexdo dulka adag. Arrintaas ayaa u raacday isaga oo inta badan qatooyo la hoysa oo carruurta u qaybiya wuxuu helo.
Duruufaha isku kaashaday ayuu tilmamay in ay beddeleen jir ahaan iyo caafimaad ahaanba.Wuxuu xusay in uu isku arkay qandha joogto ah walow uusan aqoon cudurka haya maaddaama uusan tegin wax baaritaan ah.
Dawarsiga uu hadda ku hawlan yahay ayuu xusay in aysan sii wadi karin uusanna hayn meel kale oo uu u weecdo. Wuxuu sheegay in xilli kasta uu ka fikirayo in uu dadka kaalmo waydiisto taas oo uu u arko in ay tahay ceeb oo aan muddo dheer lagu tiirsanaan karin.
Dadka dantu ku qasabtay in ay dawarsadaan maahan Daahir oo kaliya ee waxaa jira boqolaal sidiisa oo kale mushaaxa magaalada iyaga oo kaalmo haybinaya qofkasta oo ay la kulmaan. Waxaa ka mid ah Fartuun Maxamed Xirsi oo saddexdii bil ee la soo dhaafay tuugsiga ku fooggan.
Waxay maalinteeda dhan ku qaadataa in ay xaafada garaacdo iyada oo qof kasta ka codsanaysa hadba wuxuu awoodo. Arrintaas ayay ku dhiiratay markay waysay wax ay dabka u saarto 10 carrruur ah oo ay dhashay.
“Markii hore waxaanu ahayn dadkii xoolihii ay ka dhamaadeen oo wax yar u haray. Markaan ilmaha wax u waayo, waxaan maraa deriska oo u laabto oo muslimka ku cabaado, oo aan dhaho ciyaalka maanta dabka uma shidin. Quraac hadday helaan qado maleh. Hadday doonto mar ayaa cashada dirqi gashaa oo loo waayaa.”
Qoyska Fartuun ayaa ka soo barakacay deegaanka Uusgure horraantii sanadkii la soo dhaafay markaas oo ay dhaafeen neefafkii ugu danbeeyay 200 oo ari ah oo mar marka ka danbaysa sii dhibanayay shantii sano ee la soo dhaafay oo deegaankooda ay abaar ka jirtay.
Waxay xilligaas magaalada la soo aadday carruurta iyada oo aaminsanayd in ay ka helayso nolol dhaanta tii deegaanka ay joogeen. Waxay tilmaantay in kasta oo ah heleen biyo ku filan haddana ay weli culays wayn ku qabaan dhanka cuntada iyo hoyga.
Waaxay degan yihiin iyada iyo carruurteeda buush ay ka dhisteen duleedka magaalada kaas oo aan ka celin karin dhaxanta, dabaysha iyo dhibicda roobabka. Waxay sheegtay in sidoo kalana aysan wada qaadin iyada iyo carruurta in ay habeenkii wada seexdaan.
Saamaynta abaarta waxaa u dheer qoyska Fartuun in uu geeriyooday abababihii reerka sanadkii 2023. Tan iyo xilligaas waxay sheegtay in ay kali ku noqotay korinta carruurta.
“Odayga xanuunka Kansarka la yiraahdo ayaa ku dhacay. Carrabka ayuu ka galay, muddo saddex sano ah ayuu waraaqayay, ka bacdina muddo labo sano ah ayuu mootan yahay haatan. Nimanka dhagaxa jibiyuu ahaa, oo qarka kasoo jebiya oo isku-rogooyinka kusoo rara. Waxa uu kasoo helo ayaan nolasheenna ku maarayn jirnay.”
Fartuun waxay tilmaantay in nolol xumada ay u dheertahay carruurteeda waxbarasho la’aan. waxaa ka istaagay dugsi qur’aan ay 7 ka mid ah ka dhiganayeen deegaankoodii. Waxay sheegtay in aysan awoodin in ay halkan kaga sii darto dugsi kale.
Qoysaskan waxay ka mid yihiin in ka badan lix kun oo xoolodhaqato ah oo barakac ku soo gaaray magaalada Garoowe labadii sano ee la soo dhaafay, sida ay Radio Ergo u xaqiijisay Wasaaradda gargaarka Puntland.
Cabdixakiin Axmed Salaad oo ah madaxa waaxda barakaca ee wasaaradda ayaa u sheegay Radio Ergo in la qorsheeyay sanadkan in dib u dajin loo sameeyo qaar kamid ah qoysaska ugu nugul, inkasta oo aysan weli suuraabin.
Cabdixakiin ayaa sheegay in xaaladda qoysaskan ay ka sii darayso aysanna hayn xal waara oo ay kaga soo kabsan karaan duruufaha ku gadaama. Wuxuu xusay in dadka ugu badan ay ka barakaceen gobolada Nugaal iyo Bari.
Abaaraha soo laalaabtay ee saameeyay dhamaan gobolada dalka ayaa u muuqda kuwa ay adkaandoonto in ay ka soo kabraaan xoolodhaqatada iyo beeralayda ay meesha ka saartay ilhooda dhaqaale haddan la helin cid saacidda.