(ERGO) – Ku dhowaad 600 oo qoys ayaa nolol xumo ku wajahaya xerada Kur-libaax oo badi qoysaskii degganaa ka guureen markii ay waayeen gargaar ay ku tiirsanaayeen oo ay ka heli jireen hay’dda World Vision. Xerada ay ku nool yihiin oo Burco u jirta 12km, kuma haystaan biyo, waxbarasho, caafimaad iyo shaqooyin ay ka helaan dhaqaale ay ku maareeyaan noloshooda.
Dadka intii awooday ayaa u guuray miyi iyo magaalaba si ay u abuurtaan nolol ama qaraabadooda ula noolaadaan. Qoysaska halkan ku haray ayaa ah kuwo dantu dabartay oo ay ku adag tahay inay helaan waxay hal waqti dabka ku shitaan maalinkii.
Nimco Muuse Cumar oo ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay inaysan nolol ku haysan xeradan gaajada looga kala guuray, balse aysan garaneyn meel kale oo ay maciin biddo.
Waxay tilmaantay in 12 carruur ah oo ay dhashay ay muddo saddex bilood ah u la’dahay waxay hal waqti dabka ugu shiddo. Dariskeeda ayay xustay inay carruurta u dirto si ay ula cunteeyaan ama ay u keenaan cunto bisil.
“Waxaan siiyo marna waan helnaa, marna waan waayaa. Biyo iyo baadba toona ma helno. Waxaan carruurta siiyo waan waayay oo xaaladeenu way culustahay.”
Nimco oo 45 jir ah ayaa sheegtay in wixii ka horeeyay bishii November ay iyadu ka maareyn jirtay nolosha reerka shaqooyin xoogsi ah oo ay ka mid yihiin cows iyo xaabo ay soo gurto oo marka ay iibiso ay ka heli jirtay $5 illaa $10.
Howshaas ayay xustay inay kari weyday, markii labada lugood uu ka haleelay cudur aysan garaneyn oo gaarsiiyay inay salka ku ruqaansato. Waxay sheegtay in dhaqaale darradu ka hor istaagtay inay tagto isbitaal lagula tacaalo xaaladeeda caafimaad.
Carruurteeda oo ugu weyn yahay wiil 17 jir ah ayay tilmaantay in aabbahood uu ku deyriyay, ayna dhowranayaan iyadoo hadda ah qof naafo ah oo aan shaqeysan karin.
Waxay sheegtay in warwar joogta ah ay ku hayso noloshan adag oo aysan garaneyn halka ay ku dambeyn doonto.
Ilmada ayay ceshan wayday markii ay bilowday inay ka sheekeyso fal celinta ay ka heshay qaraabada ninkeeda iyo ehelkeeda oo ay u sheegtay inay u soo gurmadaan carruurta oo ay kaligeed korineyso muddo lix sano ah.
“Hadda xoog malehi oo baahideenu way fara badan tahay. Haddii aan dhaqtar heli lahaa xanuunkeyga waa la sheegi lahaa, laakiin ma awoodo inaan tago oo qarash la’aanta ayaa sabab u ah.”
Nimco ayaa tilmaantay inaysan ka mid aheyn dadka kaalmada ka helayay hay’adda World Vision. Caafimaad darradeeda ayay xustay inay ku soo beegantay xilli aysan wax badan tari karin dadka la deggan xerada oo xaaladoodu ay liidato.
Sanadkii 2019 ayay Nimco soo degtay xeradan, markaas oo abaar darteed uu uga la’day ari boqol ah oo ay ku dhaqaneysay miyiga magaalada Caynabo ee gobolka Saraar.
Qaar ka mid ah dadka ku nool xerada Kur-libaax ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in bilihii Nofeember iyo December ay labo dumar ah oo uur lahaa ay dhinteen xilliga foosha, markii ay waayeen adeeg caafimaad, ayna qoysaskoodu awoodi waayeen inay geeyaan isbitaalada magaalada Burco.
Sidoo kale waxay noo sheegeen in aqalkeeda ay ku guuriyootay haweeney da’ ah oo kaligeed nooleyd, taas oo ay sheegeen inaysan saddex beri dab shidan, gurmadana ay weyday. Aamina Aadan Cabdullaahi waa hooyada dhashay Caasha Cali oo foosha ku umul raacday bishii November.
Waxay tilmaantay in gabadheedu ka tagtay labo carruur ah oo saddex jir uu ugu weyn yahay. Carruurtaas ayay xustay inay wayday waxay ku daryeesho, taasina ay ku qasabtay inay u geyso reer deggan magaalada oo dabka shidan kara.
“Waxay haysatay wiil iyo gabar. Markii gabadheydu umul raacday ilmihii waxaan u geynay gabar hadda guursatay oo habaryarteed ah oo tiri anigaa idiin dhaama oo gacanta ku haynaya.”
Aamina ayaa tilmaantay in gabadheeda oo 26 jir aheyd ay u geeriyootay daryeel la’aan caafimaad. Waxay intaas ku dartay in sagaalka bilood ee uurka ay laheyd ay tabar yareysay, maadaama ay adkeyd inay hesho nafaqo iyo cunto ku filan.
Dhaqaale darrada ayay xustay inay ka dhigtay kuwo ka caagan inay tagaan xarumaha caafimaadka, taasi waxay keentay inaysan helin dhaqtar la tacaala in ka badan 12 saac oo ay ku foolaneysay guriga.
“Habeen ayay fool qabatay, subixiina way dhimatay. Dhiig joojin malaheyn, dhaqtar mey helin, anaguna awood aan ku geyno isbitaal ayaanu waynay. Halkana isbitaal iyo Farmashi midna maleh. Waxay u dhimatay dhiig-bax iyo nafaqo-darro.”
Aamina ayaa xustay in seyga gabadheeda uu reerka dayacay, una shaqo tagin waligiis. Isagoo jooga Burco oo u muuqata ayay sheegtay inuusan ka war hayn geerida xaaskiisa iyo xaaladda ay ku sugan yihiin carruurta uu aabbaha u yahay ee rajada noqday.
Qoyska Aamina ayaa xeradan deggan tan iyo sanadkii 2018. Hal waqti ayay dabka ku shidan jireen raashiin kooban oo ay iskugu daraan qoysas helayay bishii gargaar lacageed oo ah $75, kaas oo aan hadda jirin, balse wali waxaa caawiya dariskeeda oo nolosha ku maareeya shaqooyin xoogsi ah.
Aamina ayaa ka soo barakacday miyiga deegaanka War-cibraan ee gobolka Togdheer, markii abaar ay dhaafisay siddeetan ari ah oo ay dhaqanayeen. Xerada Kur-libaax malahan wax ceel biyood ah. Dadka ayaa gata biyaha oo qiimaha fuustadii ay tahay labo Doollar. Kaltuun Nuur Jaamac oo halkan ku nool muddo toddobo sano ah ayaa sheegtay in qoyskeedu awoodi waayay inuu gato biyahaas.
Dariska ayay xustay inay ku caawiyaan in yar oo ay cabaan ama cuntada ku karsadaan. Xaaladdan ayay tilmaantay inay u dheertahay cunno yari ay wajahayaan muddo saddex bil ah. Waa mid la soo gudboonaatay markii uu ka istaagay kaar ay ku jirtay lacag $75 ah oo ay ku badalan jireen raashiin ay sheegtay inuu ku filnaa.
“Markii ay soo qaataan adeegooda bisha ayay bajaaj noo soo saraaan waxaas yarka ah. Mar-mar ayaanan waxba u helin carruurta oo ay gaajo ku seexdaan. Biyahana iyagoo qaraar ayaa jimce, ka jimce waxaa keena booyad.”
Kaltuun oo 40 jir ah ayaa xustay in duruufaha noloshu dhaxal-siiyeen in carruurteeda oo lix ah, ayana kala tageen aabbahood aysan waligood helin fursad waxbarasho.
Xeradan ayay soo maciin biday markii ay abaar uga la’deen 200 oo ari ah iyo 20 geel ah. Tan iyo markii ay dhaaftay duunyadaas ayay tilmaantay inaysan helin xasilooni nololeed.
“Walaac badan ayay igu haysaa noloshadan. Magaalada Burco ayaan in badan u raadiyay shaqo nadaafadeeda, balse kuma guuleysan oo waan waayay.”
Xerada Kur-libaax waxaa afar bil ka hor ku noolaa qiyaastii 2 kun oo qoys, balse intooda badan way ka guureen markii ay waayeen taakulada ay heli jireen oo noloshoodu ku tiirsaneyd.