Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas colaad ay soo barakicisay

Jibril Osman by Jibril Osman
January 30, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas colaad ay soo barakicisay

Faadumo Axmed Iidow oo ka rajo xun nolosha barakaca ah ee ay gashay/Xasan Maxamed Aways/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Cabdkariim Filfil Axmed oo 7 qof ah waxay wajahayaan biyo yari, cunno xumo iyo hoy la’aan tan bilowgii bishan, markaas oo colaad qabiil ay uga soo barakaceen degmada Qoryooleey ee gobolka shabeellaha hoose.

Barakacaan qoyska Cabdkariim wuxuu bidday nolol xumo, markii ay colaad iyo abaaro isbiirsaday ka saamayeen 50 neef oo lo’ iyo ari iskugu jira,kuwaas oo noloshoodu ay ku tiirsanady. Waxay ka mid yihiin 50 qoys oo ila bishii Nofeember soo gaaray xerada Mucarad ee degmada Kaxda.

Ninkaan ayaa sheegay in hadda qooyskiisa ay labo waqti dabka saartan raashin caawimad ah oo ay ka helan dadka dariska la ah, mararka qaar oo ay dhici karto in ay wayaan cawimadaas ayuu sheegay In ay qatooyo ku seexdaan, taas oo saamayn ku yeelatay noloshooda.

“raashiin xumo, biyo yari iyo xanuuno ayaa jira. Haddii aan aniga iska billaabo muddo ayaan xanuusanahay oo sanado ah oo aan miir beelayo laba saacadood ama sedex saacadood carrurta iyo ehellada qaar xanunsan ayaa iyagana ku jira.”

Cabdikariim ayaa sheegay in afar carrur ah oo dugsi qur’an u dhigan jiray ay hadda waxbarasho la’aan ka yihiin, si uu ilmahiisa uga soo badbadsado waxyeelada colaada ayuu labo habeen iyo malinkooda u soo galay safar dhib badan iyaago iskaga soo tagay deegaankii ay noolashiisa fahansanayeen.

Labaatan liitar oo biyo ah ayuu sheegay in ay isku celceliyaan maalintii. Waxay ka dhaansadaan ee ku yaalla xerada. Waxaa laga siiyaa toban kun oo shilin Soomaali ah. Lacagtan ayuu sheegay in heliddeeda markasta uusan awoodin, taas oo ku qasbta xiliyada qaar in biyo la’aan ay ku dhacdo.

“Xalka haddu sidaan sii ahaado inta dhimaato waa laiska duugi doona inta noolatana waan arkayna lakiin xaaladu baraka maleh ayay mareysa.”

Cabdikaariim ayaa sheegay in rajo aysan ka qaabin dib u labaasho xilligan, maaddama uu sheegay in dagaalladi ay weli deegaankooda ka taganyihiin, ayna ka sii xoogeysteen sidii ay ahayeen markii ay ka soo tagayeen.

Dadka xeryaha magaalada Muqdisho soo mciin biday oo carruur iyo haween u badan waxaa ka mid ah Xaliimo Abuukar Sheikh oo ah wayeel aan awoodin in ay shaqeeysato.

Waxay ku tirsantahay raashin yar oo labo carruur oo ka yar da’da 10 sano oo ay ayeeyo u tahay, kuwaas oo ay ku tuugsadan dadka deriska la ah. Waxay ka helaan lacag aan badnay oo ay dabka ku shitaan hal mar, marka ay waayana ay calol marnaan ku joogan.

“Meeshaan nimid hunguri malahan, musqul malahan, biyo malahan, gogol malahan. Wax aan heysano majirto waan iska joognaa.”

Qoyska xalima ayaa ku nool buush yar oo aan ka celin karin qabowga habeenkii iyo qoraxda maalinkii. Waxaa u raaacay in ay ka welwelsan tahay waxbarashada labada carrur ee ayeeyda uu tahay oo horay u dhigan jiray dugsi qur’aan.

waxay xustay in xaalada ay ku noolyihiin ay tahay mid hubanti la’aan ah oo ka sii liidata middii ay ka soo tageen. Darufihii biday in ay soo barakacan ayay sheegtay in wali ay la noolyihiin, wax isbadal ahna aysan kala kulmin xeerada ay soo gareen.

“Ilaa iyo hadda dhibaatadii aan ka soo cararnay ayaa weli jirnaa, dhibna inooma yara. Biyaha qaab darwarsi ayaan ku helna si lamid ah raashiinka. Sidaas ayaan ku noolnahay.”

Xalimo ayaa iskaga hayantay beer 3 hektar ah oo uu ka galay dhaqale dhan $100 abuurkeedi, taas oo ay uga baxayeen dalagyo iskugu jira sisiin, galay, digir iyo yaanyo. waxaay sheegtay in waxii oo dhan ay isku daba dhamadeen, markii abaarahu ay nacfi tireen.

Waxaa qoysaskan ka mid ah qoyska Faadumo Axmed Idow oo ka kooban 12 Qof. Hal mar ayay sheegtay in dabka ay ku shitan rashin cawin ah oo ay ka helan dadkii xerada uga soo hooreyaay. Waxay sheegtay in ay ku noolyihiin hoy cooshado ka sameysan oo aan qaadin reerkeeda, sido kalana aan ka celin kaarin qabowga iyo cadceeda.

“Gogal la’aan joodari ma haysano, dharka ciyaalka uma haysano daruuf ayaa nahaysata, wax aan haysano ilaah ogyahay ma jirto alle hanaga saaro loorar lajeex jeexay ayaan ilmaha ku seexsana, marka mantag iyo shuban  hasheegin waxaan codsaneynaa in naloo soo gurmado.”

Faadumo ayaa xustay in 2 jirgaan oo biyo ah ay dhabarka kaga soo qaado malin walbo meel ka fog xeerada ay ku jiraan, kuwaas oo mararka qaar aan ugu filneyn bahiyaha reerka mararkalana ay soo weydo.

Waxay sheegtay in si dhib badan ay ku soo gareen xeerada ay ku noolyihiin ayna hadda ka cabsi qabto in carrurta ay uga dhamadaan gajo iyo daruufo kale oo isku racay.

Xerooyinka oo inta badan aan laheyn xarumo waxbarasho iyo goobo caafimaad ayaa ka mid ah caqabadaha ay la kulmaan barakaca. Faadumo ayaa xustay in 5 carrur oo u dhigan jiray waxbarasho diini ah ay hadda guriga u jogaan.

Waxay tilmamtay in ay jirtay mar ay dib ugu labteen deegaankoodi si ay u tabcadan beer 2 hiktar ah oo ku leeyihiin degmada Qaryooley hasa ahaate ay dib uga soo noqdeen, markii ay rajo beel kala kulmeen walina ka taganyihiin colaado ay laba beel isku horfadhiyaan. Waxay sheegtay in ay welwel ka qabto sida u ku danbeyn doona xalkooda.

Kumannaan qoysas ah ayaa sanad kasta ku barakaca dagaalada qabiilka ee ka dhaca qaybo ka mid ah gobollada dalka, iyadoo xaalada barakaca ah ay u horseedo caqabado nololeed oo ay adag tahay in ay si sahlan uga soo kabtaan.

Previous Post

Burco: Nolol xumo soo wajahday qoysas ku jira xero barakac gargaar la’aan saameysay awgeed

Next Post

Marka: Qoysas barakac ah oo il-dhaqaale ka helay jayga laga qodo jamallada xeebta

Related Posts

blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah

August 14, 2026
Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan

August 12, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Carruur nafaqo celin loogu sameeyay Muqdisho markii ay taageereen ganacsato Somali ah

August 11, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Next Post
Marka: Qoysas barakac ah oo il-dhaqaale ka helay jayga laga qodo jamallada xeebta

Marka: Qoysas barakac ah oo il-dhaqaale ka helay jayga laga qodo jamallada xeebta

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-AUG-2026

IDAACADDA 17-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-AUG-2026
August 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-AUG-2026
August 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-AUG-2026
August 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-AUG-2026
August 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13 AUG-2026
August 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo